Fayo Kaab Health Organization

Fayo Kaab Health Organization Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Fayo Kaab Health Organization, Non-Governmental Organization (NGO), Hargeisa, Hargeisa.

ku soo dhawaada bogga Ururka Fayokaab Health Organization oo ah urur caafimaad oo u midaysan sidii loo kobcin lahaa Wacyiga caafimaad ee bulsha weynta soomaaliyeed

Cabitaanka biyo kugu filan wuxuu door weyn ku leeyahay " Kahortagga dhagaxa ku samaysma kelyaha"
09/07/2026

Cabitaanka biyo kugu filan wuxuu door weyn ku leeyahay " Kahortagga dhagaxa ku samaysma kelyaha"

Fayokaab Health Organization โ€“ Diabetes Screening Activity1 July 2026On 1 July 2026, the Fayokaab Health Organization te...
04/07/2026

Fayokaab Health Organization โ€“ Diabetes Screening Activity

1 July 2026

On 1 July 2026, the Fayokaab Health Organization team conducted a Diabetes Mellitus screening campaign at the State House Village in Hargeisa, screening more than 200 individuals.

During the screening, several participants had elevated Random Blood Sugar (RBS) results. These individuals will be referred to Hargeisa Group Hospital (HGH) for further evaluation and confirmation of their diagnosis.

We also identified some participants who were not adhering to their prescribed diabetes medications. Our team counseled them on the importance of taking their medications regularly and encouraged them to continue treatment while following the advice of their healthcare providers.

This screening highlighted the ongoing need to support people living with diabetes through:

- Access to blood glucose test strips.
- Affordable diabetes medications.
- Regular medical follow-up.
- Health education and counseling to promote good diabetes management.

Fayokaab Health Organization remains committed to improving community health through early screening, education, referral, and continuous support.

Fayokaab Health Organization

Waxyaabaha aad kaga hortaggi karto dhagaxa ku samaysma kelyaha
23/06/2026

Waxyaabaha aad kaga hortaggi karto dhagaxa ku samaysma kelyaha

Ka ilaali maqaarkaaga ๐™Œ๐™–๐™จ-๐™Œ๐™–๐™จ๐™ ๐™–.
23/06/2026

Ka ilaali maqaarkaaga ๐™Œ๐™–๐™จ-๐™Œ๐™–๐™จ๐™ ๐™–.

We are delighted to welcome Mr. Suber Ismail Jibril( Suber Ismail )  as the new Vice Chairperson of Fayokaab Health Orga...
17/06/2026

We are delighted to welcome Mr. Suber Ismail Jibril( Suber Ismail ) as the new Vice Chairperson of Fayokaab Health Organization (FHO).

His dedication, leadership, and commitment to community development will strengthen our mission of promoting health and empowering communities.
Welcome aboard!

Dr. Mohamed Cooraaf
Chairman, Fayokaab Health Organization (FHO)

โ€œPromoting Health, Saving Lives, Empowering Communities.โ€

Yaraantaadii ma lagu gubay? Maxaase lagaa gubay? Maad aaminsan tahay dabku inuu waxtar u leeyahay bukaanka?
13/06/2026

Yaraantaadii ma lagu gubay? Maxaase lagaa gubay? Maad aaminsan tahay dabku inuu waxtar u leeyahay bukaanka?

๐™Ž๐™๐™š๐™š๐™ ๐™–๐™™๐™ž๐™ž ๐™„๐™ฃ๐™จ๐™ช๐™ก๐™ž๐™ฃ-๐™ ๐™–: Laga soo bilaabo Shaybaadh Yar Ilaa Malaayiin Nolol Oo La Badbaadiyey.Bilowgii Macaankaโ€” Cudur Aan...
13/06/2026

๐™Ž๐™๐™š๐™š๐™ ๐™–๐™™๐™ž๐™ž ๐™„๐™ฃ๐™จ๐™ช๐™ก๐™ž๐™ฃ-๐™ ๐™–: Laga soo bilaabo Shaybaadh Yar Ilaa Malaayiin Nolol Oo La Badbaadiyey.

Bilowgii Macaankaโ€” Cudur Aan Daawo Lahayn
Ka hor sanadihii 1920-meeyadii, cudurka macaanka nooca 1-aad (Type 1 Diabetes) wuxuu ahaa cudur dilaa ah.
Carruurta lagu ogaado badanaa ma noolaan jirin wax ka badan, dhowr bilood ama sanado yar kadib way dhiman jireen.
Jidhkoodu ma soo saari jirin insulin ku filan โ€” taas oo ah hormoon muhiim u ah gelinta sonkorta unugyada si jidhku tamar uga helo.
Marka insulin la waayo:
-Sonkortu dhiigga ayay ku badataa
-Jidhku wuxuu bilaabaa inuu gubo dufanka
-Waxaa samaysma sun loo yaqaan ketones
-Qofku wuxuu geli jiray miyir-beel
Ugu dambaynna wuu dhiman jiray
Dhakhaatiirtu wax badan ma qaban karin oo daawada keliya ee ay adeegsan jireen waxay ahayd:
โ€œCunto gaajaysiin โ€
Bukaanka waxaa la siin jiray cunto aad u yar si sonkortu u yaraato. Dad badan waxay noqdeen:
-kuwa Aad u caatoobay
-Tabar daro badani hayso
-Gaajo la ildaran.

Sirtii Ganaca(Pancreas)
Sanadkii 1889, laba saynisyahan oo la kala odhan jirey ๐™Š๐™จ๐™ ๐™–๐™ง ๐™ˆ๐™ž๐™ฃ๐™ ๐™ค๐™ฌ๐™จ๐™ ๐™ž ๐™ž๐™ฎ๐™ค ๐™…๐™ค๐™จ๐™š๐™ฅ๐™ ๐™ซ๐™ค๐™ฃ ๐™ˆ๐™š๐™ง๐™ž๐™ฃ๐™œ ayaa sameeyay tijaabo caan noqotay.
Waxay beeryarada (pancreas) ka saareen Eey, wax yar kadidna Eeygii wuxuu bilaabay kaadi badan , wuxuu noqday mid daallan , Sonkortii dhiiggiisuna aad bay u korodhay.
Tani waxay u caddeysay Saynisyahanadii in beeryaradu ay soo saarto walax muhiim u ah xakamaynta sonkorta, Laakiin walaxdaasi kuma ay guulaysan inay ogaadaan.

๐™‰๐™ž๐™ฃ๐™ ๐™ž๐™ž ๐˜ผ๐™–๐™ฃ ๐™ ๐™– ๐™Œ๐™ช๐™ช๐™จ๐™–๐™ฃ ๐™๐™š๐™ก๐™ž๐™จ๐™ฉ๐™– ๐™ž๐™ฃ๐™จ๐™ช๐™ก๐™ž๐™ž๐™ฃ๐™ฉ๐™–.
Sanadkii 1920kii, dhakhtar dhalinyaraa oo Canadian ah lana odhan jiray ๐™๐™ง๐™š๐™™๐™š๐™ง๐™ž๐™˜๐™  ๐˜ฝ๐™–๐™ฃ๐™ฉ๐™ž๐™ฃ๐™œ ayaa akhriyey maqaal ku saabsan qaybaha Yaryar ee beeryarada oo loo yaqaan Islets of Langerhans
Wuxuu Naflahadal isugu sheegay in halkaas laga soo saaro walaxda Xakamaysa sonkorta Jidhka.
Dad badani ma ay rumaysanin wuxuu sheegay , Laakiin Banting ma uusan quusan.
Wuxuu aaday jaamacadda loo yaqaano ๐™๐™ฃ๐™ž๐™ซ๐™š๐™ง๐™จ๐™ž๐™ฉ๐™ฎ ๐™ค๐™› ๐™๐™ค๐™ง๐™ค๐™ฃ๐™ฉ๐™ค isagoo ka codsaday saddexdaan wax
-Shaybaadh
-Tiro Eey ah oo tijaabo u isticmaalo
-Iyo kaaliye(Caawiye)
Waxaa la raaciyay mid kamida ardayda kii ugu fiicnaa oo loo yaqaanay ๐˜พ๐™๐™–๐™ง๐™ก๐™š๐™จ ๐˜ฝ๐™š๐™จ๐™ฉ,
Habeenno Adag bay wada halgameen Oo Taariikh iyo macno weyn u Sameysay.
Xagaagii 1921kii Banting iyo Best waxay ku shaqaynayeen kulayl iyo daal badan,
Marar badan way ku fashilmeen tijaabooyin badan oo ay sameeyee.
Shaybaadhka ayay ahaayeen kuwa seexda
Waxay isku dayayeen inay ka soo saaraan walaxda qarsoon ee beeryarada marar badan , Kadib bilo shaqo adag ahโ€ฆ
Waxay heleen dareere ay ku dureen ey ay ka saareen beeryarada (pancreas) oo Macaanka qaba.
Wax ay u qaadan waayeen oo layaab leh baa uga soo baxay , waxa dhacday
-in Sonkortii dhiigga ee eygu ay hoos u dhacday
-in eygii caafimaad badan yeeshay oo
Xaaladdiisii Hagaagtay.

Waxay ogaadeen oo markaas xaqiiqsadeen inay heleen walaxdii ay raadinayeen, Waxayna u bixiyeen "INSULIN"

๐™’๐™ž๐™ž๐™ก๐™ ๐™ž๐™ž ๐™‚๐™š๐™š๐™ง๐™ž๐™™๐™– ๐™Œ๐™–๐™ง๐™ ๐™– ๐™ช ๐™Ž๐™–๐™–๐™ง๐™ฃ๐™–๐™–
Bishii koowaad ee sanadkii 1922kii, wiil 14 jir ah oo la odhan jiray Leonard Thompson
ayaa ku jiray Toronto General Hospital.
Wuxuu ahaa:
-mid aad u caatoobay
-Tamar laโ€™aan badani hayso
-Geeri qarka u saaran

Duritaankii ugu horreeyey ee dareerihii ay soo qaadeen si fiican uma shaqayn sababtoo ah insulin-ku ma nadiifsanayn,
Kadib saynisyahan ๐™…๐™–๐™ข๐™š๐™จ ๐˜พ๐™ค๐™ก๐™ก๐™ž๐™ฅ ayaa insulin-ka si fiican u nadiifiyey.
Markii labaad ee Leonard la duray Sonkortii hoos ayay u dhacday,wiilkii tamar badan ayuu yeeshay, Wuxuu bilaabay inuu soo kabto, Dadka Cusbitaalka joogay waa ay yaabeen.
Wiil geerida sugayay ayaa nolol helay, Dunida Oo Is Beddeshay.
Wararkii insulin-ku waxuu gaadhay dunida oo dhan.
Cusbitaaladda carruurtii ku dhimanaysay baa la arkay Iyagoo soo kabanaya,
Qoysas la ilmaynaya farxad darteed,
Dhakhaatiir rumaysan la' mucjisada.

Insulin-ku wuxuu noqday:
Mid ka mid ah daawooyinkii ugu muhiimsanaa taariikhda caafimaadka.
๐™‰๐™ค๐™—๐™š๐™ก ๐™‹๐™ง๐™ž๐™ฏ๐™š ๐™„๐™ฎ๐™ค ๐™ˆ๐™ช๐™ง๐™–๐™ฃ๐™ ๐™ž๐™ž ๐™‚๐™ช๐™™๐™–๐™๐™–
Sanadkii 1923:
Nobel Prize in Physiology or Medicine 1923
ayaa la siiyey Banting iyo Macleod.
Laakiin Banting wuxuu dareemay in
Charles Best uu lahaa mudnaan sharaf badan maadaama uu ahaa ninka la halgamay.
Sidaas darteed Banting lacagtiisii wuxuu la wadaagay Best , halka Macleod-na Collip
Goโ€™aankaas Dunida Weli waa laga xasuustaa.
Kooxdii insulin-ka heshay ma aysan rabin inay maal ka sameeyaan, mrkaa
Waxay xuquuqda insulin-ka ku wareejiyeen jaamacadii Toronto
Waxayna siiteeb hal dollar oo keliya.
Goโ€™aankaasi wuxuu badbaadiyey malaayiin qof.

๐™Ž๐™ž๐™™๐™– ๐™„๐™ฃ๐™จ๐™ช๐™ก๐™ž๐™ฃ-๐™ ๐™ช ๐™ ๐™Ž๐™ค๐™ค ๐™ƒ๐™ค๐™ง๐™ช๐™ข๐™–๐™ง๐™–๐™ฎ ๐™„๐™ก๐™–๐™– ๐™ˆ๐™–๐™–๐™ฃ๐™ฉ๐™–
1. Insulin-ka Laga diyaariyay lo'da iyo doofaarka
Bilowgii insulin-ka waxaa laga soo saari jiray:
Doofaarka iyo
Loโ€™ da
Dad badan ayuu badbaadiyey, laakiin mararka qaar:
Xasaasiyad ayuu keeni jiray
Ma uusan aad ugu ekaan insulin-ka baniโ€™aadamka

2. Insulin-ka Baniโ€™aadamka
1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii, saynisyahannadu waxay isticmaaleen:
Genetic engineering
Shirkado sida: Eli Lilly and Company
ayaa sameeyey insulin la mid ah insulin-ka dabiiciga ah ee baniโ€™aadamka.
Tani waxay ahayd horumar weyn.
3. Qalimaan Insulin Iyo Pumps
H**e dadka waxay isticmaali jireen:
irbado waaweyn
Dhalooyin adag
Maanta waxaa jira:
Qalimaan insulin (insulin pens)
Mashiinno yar-yar (insulin pumps)
Aalado cabbira sonkorta si joogto ah (Continuous Glucose Monitors)
Qaar ka mid ah aaladaha casriga ah waxay si toos ah u xakameeyaan insulin-ka.
4. Artificial Pancreas
Maanta waxaa jira nidaamyo loo yaqaan:
โ€œArtificial Pancreasโ€
Kuwaas:
Si joogto ah u cabbira sonkorta
Si otomaatig ah insulin u siiya bukaanka
Waxay aad ugu dhow yihiin shaqadii dabiiciga ahayd ee beeryarada.
Dhibaatada Weli Taagan
Inkasta oo insulin-ku badbaadiyo malaayiin qof:
Dad badan oo sabool ah ma helaan
Qiimaha insulin-ka waddamo badan aad buu qaali u yahay
Qaar waxay u dhintaan sababtoo ah ma awoodaan inay iibsadaan
Tani waxay dhalisay dood weyn oo caalami ah:
โ€œDaawada badbaadisa nolosha ma tahay inay qaali noqoto?โ€
Insulin-ka Iyo Maanta
Maanta malaayiin qof oo qaba macaanka adduunka waxay ku nool yihiin insulin.
Carruur badan oo h**e u dhiman lahaa:
Waxay noqdeen dhakhaatiir
Macallimiin
Ciyaartooy
Waalidiin
Dhammaan waxay ku nool yihiin sababtoo ah:
Fikir yar oo ka bilowday shaybaadh yar sanadkii 1921.

๐˜พ๐™–๐™จ๐™๐™–๐™ง๐™ ๐™– ๐™๐™œ๐™ช ๐™’๐™š๐™ฎ๐™ฃ ๐™€๐™š ๐™Ž๐™๐™š๐™š๐™ ๐™–๐™™๐™–๐™ฃ ๐™Ž๐™๐™š๐™š๐™ ๐™–๐™™๐™– ๐™ž๐™ฃ๐™จ๐™ช๐™ก๐™ž๐™ฃ-๐™ ๐™ช ๐™ฌ๐™–๐™ญ๐™–๐™ฎ ๐™ž๐™ฃ๐™– ๐™—๐™–๐™ง๐™–๐™ฎ๐™จ๐™–๐™–: ๐™ƒ๐™–๐™ก ๐™›๐™ž๐™ ๐™ง๐™–๐™™ ๐™–๐™ฎ๐™–๐™– ๐™—๐™š๐™™๐™™๐™š๐™ก๐™ž ๐™ ๐™–๐™ง๐™ฉ๐™– ๐™™๐™ช๐™ฃ๐™ž๐™™๐™–.

W/Q: Dr Maxamed Cooraaf
Fayo Kaab Health Organization

12/06/2026

Suugaantan Caafimaadka taabanay bal dhuux (Macaanka iyo dhiigkarka).

Dr Maxamed Cooraaf

12/06/2026

Ahmiyadda uu leeyahay CPR ku ๐Ÿ‘‹.

๐™Š๐™ซ๐™š๐™ง ๐™ฉ๐™๐™š ๐™ฅ๐™–๐™จ๐™ฉ ๐™จ๐™ž๐™ญ ๐™ข๐™ค๐™ฃ๐™ฉ๐™๐™จ, Fayokaab Health Organization has remained committed to improving public health through educati...
12/06/2026

๐™Š๐™ซ๐™š๐™ง ๐™ฉ๐™๐™š ๐™ฅ๐™–๐™จ๐™ฉ ๐™จ๐™ž๐™ญ ๐™ข๐™ค๐™ฃ๐™ฉ๐™๐™จ, Fayokaab Health Organization has remained committed to improving public health through education, awareness, and community engagement across Somaliland.

Our health awareness campaigns covered more than 20 major health topics, including Dengue Fever prevention, rainy season health precautions, Diabetes, Hypertension, Stroke, Autism Spectrum Disorder, Hepatitis B prevention and vaccination, childhood immunization, breastfeeding promotion, maternal and child health, nutrition, hygiene and sanitation, communicable diseases, non-communicable diseases, first aid, Basic Life Support (BLS), healthy lifestyles, and community health rights.

We also gave special attention to neglected mental health conditions, including Depression, Anxiety Disorders, and Post-Traumatic Stress Disorder (PTSD), helping communities understand the importance of mental health, early recognition of symptoms, and seeking professional support when needed.

A special Ramadan Health Program was conducted to educate communities on healthy fasting practices and disease prevention during the holy month. We also empowered citizens by educating them about their healthcare rights, including receiving proper prescriptions, respectful treatment, ethical medical care, and access to accurate health information.

One of our most impactful sessions focused on evaluating the current health status of Somaliland and discussing practical solutions to strengthen the healthcare system and improve public health outcomes.

Through direct community outreach and media platformsโ€”including Fayokaab , Galleydh TV, Mohamed Cooraaf's page, and TikTokโ€”our health messages reached more than 1 million people. Additionally, Fayokaab successfully trained 300 students in Basic Life Support (BLS), equipping young people with essential lifesaving skills.

These achievements were led by the Chairman of Fayokaab Health Organization, Dr. Mohamed Cooraaf, together with the dedicated Fayokaab team, whose commitment continues to make a positive impact on the health and well-being of communities across Somaliland.

Together, we are creating a healthier, more informed, and more resilient Somaliland.

Fayo Kaab Health Organization

Address

Hargeisa
Hargeisa
34131

Telephone

+252634618542

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fayo Kaab Health Organization posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Fayo Kaab Health Organization:

Shortcuts

Share