09/08/2026
Maxaad ka ogtahay ereyada ku jira afka 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐠𝐚 ee lagasoo qaatay afaf kale, iyo halka ay kasoo jeedaan?
Inkasta oo af Soomaaligu aad ugu dhow yahay afafka Kush*tigga, haddana qiyaastii boqolkiiba labaatan (20%) ereyada Soomaaliga ah waxay si toos ah ama si dadban uga yimaadeeb Af 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐢𝐠𝐚.
Ereyada sooyaal waddaaga ah waxa kamid ah af (afwaah), aniga (anaa), subag (sibgh), libaax (laba’), shabeel (shibaal), dibi (dabab), middi (midyah), gole (jawl), iwm.
Ereyada Islaamka iyo dhaqanka magaalada waxa kamid ah sharci, sadaqo, salaad, duco, albaab, dawlad, waddan, kursi, iwm.
Marka laga yimaado Carabiga, Af Soomaaligu wuxuu sidoo kale soo ergaday ereyo badan oo ka yimid afaf kala duwan sida:
1. 𝐅𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐢 (𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧𝐢) oo lagasoo ergaday ereyada ay ka midka yihiin baamiye, baaruud, murjaan, nayruus, sambuus, shaah.
2. 𝐔𝐫𝐝𝐮𝐮𝐠𝐚 oo lagasoo ergaday ereyada ay kamid yihiin baaldi, rooti, gaadhi, digsi, doobi, beeso, bajiye; Sawaaxiliga oo lagasoo ergaday ereyada ay kamidka yihiin hodi, kumi, yaanyo, jiko, baaquli, magaad.
3. 𝐓𝐚𝐥𝐲𝐚𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 oo laga soo ergaday ereyada ay kamidka yihiin baasto, suugo, armaajo, isbitaal, raadiyo, shukumaan, jelaato, shamiito.
4. 𝐈𝐧𝐠𝐢𝐫𝐢𝐢𝐬𝐢𝐠𝐚 oo lagasoo ergaday erayada ay kamidka yihiin buug, baasaboor, badhan, shaati, tikidh, tuwaal, moobayl, kombiyuuter.
5. 𝐎𝐫𝐨𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐫𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 oo lagasoo ergaday ereyada ay kamidka yihiin abbaanduule, ugaas, gowrac, geyi, iwm.
—Xigasho: Buugga 𝐓𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐝𝐚 𝐀𝐟𝐤𝐚 𝐈𝐲𝐨 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝: 𝐃𝐚𝐫𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝 𝐀𝐟 𝐈𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧
Kasoo akhriso, ama ka dhagayso, Nuxurka Buuggan oo kooban appka Nuxur Buug.
Kalasoo deg:
𝐏𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐭𝐨𝐫𝐞: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.nuxur.app
𝐀𝐩𝐩 𝐒𝐭𝐨𝐫𝐞: https://testflight.apple.com/join/WfZnvrJk