Nuxur

Nuxur A platform dedicated to developing, professionalizing, and intellectualizing the use of the internet.

- Programs and Products: Nuxur Buug | Nuxur Daqiiqad.

Waxaa jira hoggaan xoog leh oo lagu dhex dhisay waddooyinka, xaafadaha, iskuulada, iyo bulshada oo la iska indhatiray, l...
18/08/2026

Waxaa jira hoggaan xoog leh oo lagu dhex dhisay waddooyinka, xaafadaha, iskuulada, iyo bulshada oo la iska indhatiray, laakiinse leh awood beddeli karta jiilal dhan haddii si sax ah loo garab istaago

β€”Xigasho: Buugga Qof Walba Waa Hogaamiye

Kasoo akhriso, ama ka dhagayso, Nuxurka Buuggan oo kooban appka Nuxur Buug.
Kalasoo deg:
𝐏π₯𝐚𝐲 π’π­π¨π«πž: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.nuxur.app
𝐀𝐩𝐩 π’π­π¨π«πž: https://testflight.apple.com/join/WfZnvrJk

Yaa ka mas’uul in magaca Soomaalidu uu ba’o oo uu noqdo magac dunida laga caayo?Tuhmanayaasha waxa loo kala qaadi karaa ...
17/08/2026

Yaa ka mas’uul in magaca Soomaalidu uu ba’o oo uu noqdo magac dunida laga caayo?

Tuhmanayaasha waxa loo kala qaadi karaa β€œGadh-wadeen iyo La-wadeen.” Shacabka caadiga ah waa La-Wadeen, waana kuwo la khiyaameeyay oo aan hoggaan toosan haysan. Mas’uuliyadda magac dilku inta badan waxay dusha ka saarantahay gadh-wadeenka kuwaas oo kaalintoodii ummadda gabay.

Gadh-wadeenkaas waxa kow ka ah gadh-wadeenka siyaasadeed oo ah cidda koowaad ee loo aanaynayo inay dhibaatada horseedka u tahay. Qiyaastii shan jeer oo heerar kala duwan ah ayay gadh-wadeenada siyaasadeed ku fashilmeen kor u qaadista magaca Soomaalida oo ay gabeen doorkoodaβ€”welina waa ay sii wadaan fashilkooda.

Gadh-wadeenka fikirka β€” aqoonyahannada, culimada iyo hal-abuurka β€” ayaa iyaguna sidoo kaalin ku leh magac ba’a bulshada Soomaaliyeed. Waxaa laga filayay inay bulshada baraarujin iyo wacyigelin siiyaan, balse intooda badan waxay noqdeen kuwo aamusay ama ka gaabsaday xilkaas, taasina waxay qayb ka noqotay burburka bulshada.

Dabaqadda dhexe ee bulshada Soomaaliyeed ayaa iyaduna kaalin ku leh magac ba’a bulshada Soomaaliyeed. Waxa ay ka gaabiyeen doorkii ay ku lahaayeen ilaalinta qaranka, maadaama aanay samayn dadaalo muuqan kara.

Dhalinyaradii Soomaaliyeed oo iyaguna ahaa cududda ummadda ayaa noqday kuwo la lumiyey. Qaar ayaa tahriib ku halligmay, kuwo kale ayaa dagaal-oogayaal u adeegay, qaarna argagixiso iyo kooxo hubaysan ayaa qaatay.

β€”Xigasho: Buugga Dal Dad Waayey Iyo Duni Damiir Beeshay

Kasoo akhriso, ama ka dhagayso, Nuxurka Buuggan oo kooban appka Nuxur Buug.
Kalasoo deg:
𝐏π₯𝐚𝐲 π’π­π¨π«πž: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.nuxur.app
𝐀𝐩𝐩 π’π­π¨π«πž: https://testflight.apple.com/join/WfZnvrJk

Address

Hargeisa
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nuxur posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share