Xero-dhallad Climate Initiative

Xero-dhallad Climate Initiative “Where Indigenous Knowledge Meets Climate Action.”

Dhirtu ma qaboojin kartaa magaalooyinkeena si dhab ah? 🌳Daraasad caalami ah oo casri ah oo ay hoggaaminayso Jaamacadda C...
13/04/2026

Dhirtu ma qaboojin kartaa magaalooyinkeena si dhab ah? 🌳

Daraasad caalami ah oo casri ah oo ay hoggaaminayso Jaamacadda Cambridge ayaa si qoto dheer u falanqaysay 182 cilmi-baaris oo la daabacay tan iyo 2010, si loo fahmo doorka dhirtu ku leedahay dhimista kulaylka magaalooyinka.

Natiijooyinka ugu muhiimsan:
Dhirtu waxay hoos u dhigi karaan heerkulka hawada ee heerka dadka (pedestrian level) ilaa 12°C — farqi si dhab ah loo dareemi karo.

83% ka mid ah 110 magaalo oo la daraaseeyay, beerista dhirtu waxay hoos u dhigtay celceliska heerkulka bisha ugu kulul ilaa 26°C ama ka yar.

Saamaynta qaboojintu way kala duwanaanaysaa:

- Cimilada kulul ee qalalan: ilaa 9°C hoos u dhac
- Cimilada dhexdhexaadka ah: qiyaastii 6°C hoos u dhac
- Gobollada qoyan: saamayn xaddidan

Si kastaba ha ahaatee, dhirtu waxay wax yar kordhin kartaa heerkulka habeenkii:
+0.4°C (cimilada qalalan)
ilaa +1.5°C (magaalooyinka dhexdhexaadka ah)

Tani waxay muujinaysaa muhimadda isu dheellitirka marka la qorshaynayo xalalka qaboojinta.

Fiiro Gaara:
Cagaaraynta magaalooyinku waa xal dabiici ah oo wax ku ool ah, laakiin ma aha mid hal qaab ah oo meel walba ku habboon. Waxaa lama huraan ah in si xeel dheer loo waafajiyo noocyada dhirta iyo qaab-dhismeedka magaalooyinka iyadoo lagu salaynayo cimilada deegaanka.

Aan beerno dhir-aan qaboojino magaalooyinkeena, aan badbaadino mustaqbalkeena.

➡️ https://ow.ly/1Hni50XhnfF

Source; UNDRR.

X/T: Keise Ali Mohamed

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xero-dhallad Climate Initiative posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share