MAAN - M.Moge Action for Awerness & Networking

MAAN - M.Moge Action for Awerness & Networking A youth-led Organization amplifying voices, driving change, and shaping the future of our community | We stand for better tomorrow|

Good morning!“Development begins when awareness becomes action — MAAN inspires both”.
07/04/2026

Good morning!

“Development begins when awareness becomes action — MAAN inspires both”.

28/03/2026

M.Moge Action for Awareness and Networking (MAAN)

Saaxibbayaal Nabad iyo naxariis Eebbe korkiina ha ahaato.

Xalay waxay degmada M.Mooge, iyo guud ahaan bulshada Caasimadda, u ahayd habeen taariikhi ah. Waxa si rasmi ah loo daah-furay Ururka MAAN (M.Moge Action for Awareness and Networking) Magaca MAAN waa garaad, garasho iyo maskax—Marka la macneeyo ereyada i su tagay ee laga sameeeyey magacanna waa Luuqada English oo noqonaysa Urur wacyigelin iyo isku xidh u noqonaya bulshada degmadda iyo qaybeheeda kale duwan(Aqoonyahan, waxgarad iyo dadka taladu ka go’daba)

Ururka MAAN waxa ku bahoobay aqoonyahanno ka soo jeedda degmada M.Mooge, kuwaas oo leh heerar aqooneed oo kala duwan sida: PhD, Masters, ilaa heer Degree, kuna kala sugan gudaha dalka iyo dibaddiisa, sida Ethiopia, Taiwan, UK, iyo Ireland. MAAN waa urur ka madhan faa’iido-doon (Non-profit Organization), isla markaana u taagan wacyigelinta bulshada iyo isku xidhka qaybaha kala duwan ee bulshada degmada.

Hawlaha Aasaasiga ah ee MAAN

Ururka MAAN waxa bud-dhig u ah shaqooyin muhiim u ah horumarinta bulshada, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1: Arrimaha bulshada iyo horumarinta deegaanka
2: Waxbarashada iyo taageeridda ardayda danyarta ah.
3: Caafimaadka iyo wacyigelinta bedqabka bulshada.
4: Cilmi-baadhista iyo xog ururinta bulshada.
5: Isku xidhka degmada iyo aqoonyahanka dalka gudihiisa iyo dibaddiisa iyo cidda ay talo ka go’do.

Shaqada ururku maaha mid maanta uun bilaabatay, balse waxay ka duuleysaa hawlo iskaa-wax-u-qabso ah oo ay qaar ka mid ah aasaasayaashu wadeen muddo ku dhow 12 sano. Waxaa ka mid ahaa:

1: Taakuleynta qoysaska danyarta ah ee degmada iyo nawaaxigeeda.
2: Bixinta kharashaadka waxbarashada ardayda aan awoodin.
3: Dayactirka masaajidda, iskuulada iyo goobaha bulshada.
4: Tababarrada kor u qaada fursadaha shaqo-helidda ee dhalinyarada jaamacadaha ka soo aflaxa.

Gunaanad.

Waxaynu Ilaahay ka baryayaa inuu ururka MAAN u fududeeyo hawsha culus ee uu u taagan yahay, isla markaana uu barakeeyo dadaalka iyo midnimada xubnaha ku bahoobay himiladan wanaagsan.

Waxaa sidoo kale bogaadin mudan dhammaan aqoonyahanka ururka aasaasay iyo bulshada waxgaradka ah ee degmada M.Mooge oo si diirran u soo dhaweeyey ururkan muhiimka u noqonaya bulshada. Sidoo kale ururku wuxuu bogaadinayaa Hoggaanka la doortey ee ururka oo aan odhan karo waa rag odayaal ah hawshana dhaqaajin kara, Guddoomiye Liibaan M.Gamadiid, Guddoomiye Xigeen Mubarak Ahmed Bunni iyo Xooghaye Khaalid Abshir iyo dhammaan Boardka cusub ee la doortey.

MAAN waa iftiin cusub oo bulshada u horseedi doona wacyi, horumar iyo badhaadhe.
MAAN waa maanka iyo garashada degmada M.Mooge waanay soo dhaweyneysaa talo kasta iyo tilmaam kasta oo ka timaadda waxgaradka degmada.

Wa billaahi tawfiiq.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MAAN - M.Moge Action for Awerness & Networking posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share