MAAN - M.Moge Action for Awerness & Networking

MAAN - M.Moge Action for Awerness & Networking A youth-led Organization amplifying voices, driving change, and shaping the future of our community | We stand for better tomorrow|

Moge Action for Awareness and Networking-MAAN TRIBUTE | IN MEMORY OF DR. JAMAAL AAR MUHUMED       TACSI | DR. JAMAAL AAR...
27/08/2026

Moge Action for Awareness and Networking-MAAN TRIBUTE | IN MEMORY OF DR. JAMAAL AAR MUHUMED

TACSI | DR. JAMAAL AAR MUXUMED

Qof qiimo weyn ku dhex lahaa bulshada ayaa inaga baxay; qof naftiisa u huray daaweynta bukaanka iyo u adeegidda bulshada, kana tegay dhaxal iyo raad wanaagsan oo aanay geeridu tirtiri karin.

Ururka MAAN wuxuu bulshada caasimadda Hargeysa la qaybsanayaa murugada iyo tiiraanyada geerida Dr. Jamaal Aar Muxumed, oo ahaa dhakhtar sannado badan oo noloshiisa ka mid ah u huray daaweynta bukaanka, u gargaaridda dadka dhibaataysan iyo u adeegidda bulshada, gaar ahaan dadka nugul.

Goobta caafimaad ee Dr. Jamaal ma ahayn oo keliya goob lagu bixiyo adeeg caafimaad; waxay sidoo kale ahayd meel ay dadka adeegga caafimaad u soo doontaa ka heli jireen daryeel, rajo iyo naxariis. Daryeelkii, taladii iyo taageeradii uu muddada dheer siin jiray bukaanka iyo dadka tabaalaysan waxay taabteen nolosha dad badan, waxayna u horseedeen qadarin iyo xushmad ballaadhan oo uu bulshada dhexdeeda ku lahaa.

In kasta oo maanta ay nasteen gacmihii naxariista badnaa ee Dr. Jamaal Aar, haddana bukaannadii uu daweeyay, qoysaskii uu garab istaagay iyo bulshadii uu u adeegay waxaan marnaba qalbiyadooda ka baxayn raadkii wanaagsanaa iyo dhaxalkii qiimaha lahaa ee uu kaga tegay.

Annaga oo ku hadlayna magaca Ururka MAAN, una taagan taageeridda, garab-istaagga iyo daryeelka bulshada, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa, bahda caafimaadka, bukaannadiisii iyo guud ahaan bulshada Somaliland. Waxaan Alle uga baryaynaa inuu dhammaantood ka siiyo samir, iimaan iyo qalbi-adayg geeridan xaqa ah ee xanuunka badan.

Marxuum Dr. Jamaal Aar Muxumed, Ilaahay ha u naxariisto sidii uu isaguba ugu naxariisan jiray bukaanka, dadka jilicsan iyo kuwa tabaalaysan. Ilaahay dembigiisa ha dhaafo, qabrigiisana ha u waasiciyo, hoygiisana Jannatul Firdowsa ha ka yeelo.

Aamiin, Aamiin.

— MAAN
Xafiiska Warbaahinta iyo Isgaadhsiinta.

HAMBALYOUrurka Mooge Action for Awareness and Networking (MAAN) waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa mid ka mid ah aa...
03/08/2026

HAMBALYO

Ururka Mooge Action for Awareness and Networking (MAAN) waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa mid ka mid ah aas-aasayaashii ururka, Dr. Idiris Faysal Mohamed Jawaase, oo loo doortay Guddoomiyaha Midowga Ardayda Somaliland ee dalka Taiwan.

Dr. Jawaase waa aqoonyahan iyo hoggaamiye lagu yaqaan karti, hufnaan, iyo hal-adayg. Waxaan kalsooni buuxda ku qabnaa in muddada uu xilkan hayo uu horseedi doono horumar oo uu wax badan ku soo kordhin doono midowga iyo ardayda Somaliland e dalka Taiwan.

Ururka MAAN waxa uu mar kale hambalyo iyo duco u dirayaa Dr. Jawaase iyo dhammaan xubnaha kale ee la doortay. Waxaan Eebbe uga baryeynaa inuu ku asturo xilkan, waafajiyana gudashada waajibaadka horyaala oo uu ka dhigo kuwii bulshada iyo dalkaba anfaca.

Aamiin.

Communication Office
Mooge Action for Awareness and Networking (MAAN)
03 August 2026

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَUrurka MAAN (Mooge Action for Awareness and Networking) wuxuu tacsi tiiraanyo...
02/08/2026

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Ururka MAAN (Mooge Action for Awareness and Networking) wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Agaasimaha Commissionka Qaranka ee Ka Hortagga iyo xak**aynta AIDS-ka, Dr. Mohamoud Abdi Qiyaas, geerida naxdinta leh ee ku timid xaaskiisii Marxuumad Muna Mohamed, oo ku geeriyootay magaalada Addis Ababa. Ururka MAAN wuxuu Alle uga baryayaa Marxuumadda inuu u naxariisto, dembigeedana dhaafo, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa. Sidoo kale, dhammaan xubnaha ururku waxay tacsi la wadaagayaan Dr. Mohamoud Abdi Qiyaas, carruurta, ehelka, qaraabada, iyo dhammaan qoyska ay ka baxday marxuummaddu iyagoo ilaahay u ga baryayaa in uu qalbigooda samir iyo iimaan dejiyo. Aaamiin.

🎉 Congratulations to Eng. Ahmed Nasir Mohamed Dacar 🎉 On behalf of MOOGE Action for Awareness and Networking (MAAN), we ...
22/07/2026

🎉 Congratulations to Eng. Ahmed Nasir Mohamed Dacar 🎉

On behalf of MOOGE Action for Awareness and Networking (MAAN), we extend our heartfelt congratulations to Eng. Ahmed Nasir Mohamed Dacar on his appointment as District Chairman of M. Mooge District by the Mayor of Hargeisa, Eng. Abdirisaq M. Farah Wiiwaa.

This is a well-deserved recognition of a remarkable leader, philanthropist, social activist, and respected elder who has dedicated more than 25 years of selfless service to the people of M. Mooge District. Throughout his years of service, Eng. Ahmed Nasir has been at the forefront of promoting social welfare, supporting vulnerable families, and advocating for the development and protection of public assets within the district.

His notable contributions to the advancement of healthcare, education, community development, and public awareness have positively touched the lives of thousands of residents. His commitment, integrity, and tireless efforts have earned him the admiration and respect of the community.

As MAAN, we are truly delighted by this great news and believe that his leadership will bring further progress, unity, and prosperity to the people of M. Mooge District and the wider Hargeisa community.
Eng. Ahmed Nasir, we are proud to stand with you, support you, and continue working alongside you as we always have. We wish you every success in this important role and are confident that your experience, dedication, and vision will benefit the entire district.

Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo! 🎊🎉

🌙 Eid Mubarak from the Chairman 🌙On this blessed occasion of Eid Al-Adha, I extend my warmest greetings to Muslims aroun...
27/05/2026

🌙 Eid Mubarak from the Chairman 🌙

On this blessed occasion of Eid Al-Adha, I extend my warmest greetings to Muslims around the globe. May Allah accept your sacrifices, answer your prayers, and bless you and your families with lasting peace, happiness, and prosperity.
Let us continue to uphold compassion, unity, and support for one another during this special time.
Eid Mubarak to all!

— Liibaan Mohamed Gamadiid �Chairman, Moge Action for Awareness and Networking (MAAN)

MAAN Celebrates Somaliland’s 35th Anniversary in Addis Ababa 🇪🇹The General Secretary of MAAN – Moge Action for Awareness...
23/05/2026

MAAN Celebrates Somaliland’s 35th Anniversary in Addis Ababa 🇪🇹

The General Secretary of MAAN – Moge Action for Awareness and Networking, Mr. Khalid Abshir Ibrahim, proudly attended the 35th Anniversary of Somaliland’s Independence Restoration celebration in Addis Ababa, Ethiopia.

Mr. Khalid Abshir, alongside Dr. Mukhtar Abdirahman, an active member of MAAN, joined Somalilanders in Addis Ababa in commemorating this historic milestone — celebrating Somaliland’s resilience, unity, peace, and continued progress.

As MAAN, we proudly stand with Somalilanders at home and abroad in honoring 35 years of determination, nation-building, and hope for the future.

Happy 35th Anniversary to the Republic of Somaliland! 🎊

መልካም በዓል ለሁሉም ሶማሊላንድ ወገኖች! 🇪🇹🎉
(Happy celebration to all Somalilanders!)

MAAN extends its heartfelt congratulations to the people of Somaliland on the occasion of 18 May 🎋This historic day cont...
18/05/2026

MAAN extends its heartfelt congratulations to the people of Somaliland on the occasion of 18 May 🎋

This historic day continues to symbolize resilience, unity, and the enduring spirit of the Somaliland people.

We also recognize with pride the diplomatic milestone marked by the presentation of credentials by Ambassador Dr. Mohamed Haji in Israel — a moment that reflects growing international engagement and national progress.

May this day strengthen our shared commitment to peace, development, and the future of our nation.

Happy 18 May to all Somalilanders 👏🏽

MAAN -Constitution review-16th May-2026Gacalle Hotel-Hargeisa, Republic of Somaliland. On 16th May 2026, Moge Action for...
17/05/2026

MAAN -Constitution review-16th May-2026
Gacalle Hotel-Hargeisa, Republic of Somaliland.

On 16th May 2026, Moge Action for Awareness and Networking (MAAN) proudly held an important Constitution Review Meeting at Gacalle Hotel/City Gate Hotel, Hargeisa, Republic of Somaliland, following the submission of the first draft of the MAAN Constitution.

The meeting brought together MAAN members and leadership representatives for a productive and prolonged discussion on the Constitution’s articles, where members actively shared discussions, suggestions, comments, and proposed amendments aimed at strengthening and refining the document. Members of the Board of Directors (BoD) also attended and contributed to the discussions.

The Chairman of MAAN, Mr. Liibaan M. Gamadiid, was away for work duties and unable to attend the meeting. The session was chaired by Mr. Mubarak Ahmed Bunni, Deputy Chairman, alongside Mr. Khalid Abshir, Secretary, who jointly facilitated the constitutional review process.

The discussions reflected MAAN’s ongoing effort to build a stronger, more effective, and well-governed institution. Through collaboration and shared ideas, MAAN continues to strengthen its institutional framework, promote effective governance, and enhance its impact in awareness and networking activities.

👏 Special appreciation and thanks to Mr. Abdirahman Sabry and Mr. Abokor Raygal for their dedicated efforts in drafting the MAAN Constitution, an important contribution toward strengthening the organization’s institutional foundation.

🙏 Appreciation to all participants for their time, ideas, and commitment to MAAN’s journey of growth and development.



Kulanka Dib-u-eegista Dastuurka ururka MAAN.
– 16-ka May 2026 Hudheelka Gacalle – Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland

16-kii May 2026, ururka Moge Action for Awareness and Networking (MAAN) wuxuu qabtay kulan muhiim ah oo dib-u-eegis lagu samaynayay Dastuurka MAAN, kana dhacay Hudheelka Gacalle/City Gate Hotel ee magaalada Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland, kadib gudbintii qabyo-qoraalkii koowaad ee Dastuurka MAAN.

Kulankan waxa kasoo qayb galay xubno ka tirsan MAAN iyo masuuliyiinta hoggaanka ururka, iyadoo si qoto dheer looga dooday qodobbada dastuurka. Xubnuhu waxay si firfircoon uga qayb qaateen doodaha, talooyinka, faallooyinka iyo soo jeedimaha wax-ka-beddelka ah ee lagu xoojinayo laguna tayaynayo dastuurka. Sidoo kale, xubno ka tirsan Guddida Agaasimayaasha (BoD) ayaa kasoo qayb galay kulanka kana qayb qaatay doodaha iyo talooyinka.

Guddoomiyaha MAAN, Mudane Liibaan M. Gamadiid, waxa uu ku maqnaa waajibaad shaqo sidaas darteedna k**a soo qayb geli karin kulank, sidaa darteed shirka waxa guddoominayay Mudane Mubarak Ahmed Bunni, Guddoomiye Ku-xigeenka, isaga oo uu wehelinayo Mudane Khalid Abshir, Xoghayaha ururka, kuwaas oo si wadajir ah u fududeeyay geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka.

Doodaha iyo falanqayntani waxay muujiyeen dedaalka joogtada ah ee MAAN ugu jirto dhismaha hay’ad adag, hufan, isla markaana leh hannaan maamul oo wanaagsan. Iyadoo loo marayo wada-shaqayn iyo fikrad-wadaag, MAAN waxay sii xoojinaysaa qaab-dhismeedkeeda hay’adeed, kor u qaadista maamulka wanaagsan, iyo kordhinta saamaynteeda dhinacyada wacyigelinta iyo isku-xidhka bulshada.

👏 Mahadnaq gaar ah waxa mudan Mudane Cabdiraxmaan Sabry iyo Mudane Abokor Raygal oo dadaal muuqda geliyay diyaarinta qabyo-qoraalka Dastuurka MAAN, taas oo ah kaalin muhiim ah oo lagu xoojinayo aasaaska hay’adeed ee ururka.

🙏 Mahadnaq iyo bogaadin dhammaan kasoo qaybgalayaasha kulanka waqtigooda, fikradahooda iyo sida ay uga go’an tahay koboca iyo horumarka MAAN.

Good morning!“Development begins when awareness becomes action — MAAN inspires both”.
07/04/2026

Good morning!

“Development begins when awareness becomes action — MAAN inspires both”.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MAAN - M.Moge Action for Awerness & Networking posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share