Bashka Ali

Bashka Ali There is lot of fake account of me but this is my official page so follow me here. Environmentalist

Bal qiyaas  hadii dhirtu  ay bixin lahaayeen adeega wifiga, waxaa hubaal ah inaan dhir tiro   badan aan beeri lahayn, wa...
18/07/2026

Bal qiyaas hadii dhirtu ay bixin lahaayeen adeega wifiga, waxaa hubaal ah inaan dhir tiro badan aan beeri lahayn, waxaana macquul ahaan lahayd inaan deegaanka ka badbaadin lahayn xaalufinta is daba jooga ah.

Laakiin waxaa wax laga xumaado ah inagoo jarayna marwalba inay dhirtu oxygen nasiiso! Balse maalinta geedka ugu dambeeya la jaro, waxaan xaqiiqsan doonaa lacagtu inayna Oxygen aan neefsano noqon doonin!

Let's plants a trees! 🌍🌳🌳🌳.

Follow fore more Bashka Ali

MAALINTA CAALAMIGA AH EE DEEGAANKA – 5 JUUNMaanta waxaan u dabaaldegayaa Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka anigoo qaada...
05/06/2026

MAALINTA CAALAMIGA AH EE DEEGAANKA – 5 JUUN

Maanta waxaan u dabaaldegayaa Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka anigoo qaadaya tallaabooyin lagu ilaalinayo deegaankeena. Geed kasta oo oo aad beerto, kheyraad kasta oo si habboon loo isticmaalo, iyo dadaal kasta oo lagu yareeyo wasakhowga wuxuu gacan ka geystaa dhisidda deegaan caafimaad qaba iyo mustaqbal waara oo jiilasha soo socda ay ku noolaadaan.

Geedka aad maanta beerto beri isagaa ku badbaadin doona.

Xaar-walwaalku waa noole yar oo leh door weyn oo dabiicigu ku tiirsan yahay. Inkastoo dadka qaar u arkaan wax laga yaqya...
25/05/2026

Xaar-walwaalku waa noole yar oo leh door weyn oo dabiicigu ku tiirsan yahay. Inkastoo dadka qaar u arkaan wax laga yaqyaqsoodo, haddana waxa uu qabtaa shaqo muhiim ah oo deegaanka lagu ilaaliyo. Wuxuu soo rogaa kubbado waaweyn oo saxaro ah si uu ugu kaydsado cunnadiisa una badbaadiyo nolashiisa, taas oo ah hawl dabiici ah oo ka qayb qaadata nadiifinta deegaanka.

Noocan yar ee makhluuqa ahi wuxuu door weyn ka qaataa yaraynta qashinka xoolaha, ilaalinta nadaafadda dhulka, iyo kobcinta bacriminta ciidda. Sidaas darteed, xaar-walwaalku ma aha oo keliya cayayaan caadi ah, balse waa mid ka mid ah nadiifiyeyaasha ugu muhiimsan ee dabiiciga ah, kana qayb qaata ilaalinta deegaan caafimaad qaba iyo isu dheelitirka nolosha dabiiciga ah.
Follow fore more Bashka Ali

21/05/2026

Waa barnaamijkeenii maalin walba hal geed. geedkan aynu maanta ka hadlayo waxaa la yidhaahdaa miri-miri bilaadi.

follow fore more Bashka Ali

April 15, 2026, Somaliland waxa ay xustay maalinta qaran-beerista dhirta iyadoo lagu maamuusay munaasibad si heer sare a...
15/04/2026

April 15, 2026, Somaliland waxa ay xustay maalinta qaran-beerista dhirta iyadoo lagu maamuusay munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay dadaalka joogtada ah ee uu dalku ugu jiro ilaalinta deegaanka iyo adkaysiga cimilada. Munaasibadan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL , ayaa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, wakiilo ka socday bulshada rayidka ah, hay’adaha u dooda deegaanka, iyo dadweyne ka kala socday gobollada dalka.

Xafladan oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) oo isagu hormuud ka ahaa beerista geedkii labaad. Madaxweyne Ciro ayaa khudbadiisa ku nuux nuuxsaday muhiimada ay leedahay soo celinta dhulkii xaalufka ahaa, la dagaalanka xaalufka iyo ilaalinta noolaha oo ah istaraatiijiyado muhiim u ah la dagaalanka isbedelka cimilada. Waxa kale oo uu qiray doorka muhiimka ah ee bulshooyinka, gaar ahaan dhallinyarada, ku leeyihiin u ololaynta dadaallada dhiraynta iyo joogtaynta dardargelinta mustaqbal cagaaran.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada oo ay weheliyaan masuuliyiin kale ayaa ka waramay hiigsiga fog ee wasaaradu ku talagaly in sanadkasta lagu beero 600,000 oo geed oo dalka oo dhan ah.

Hindisaha ayaa ujeedadiisu tahay in la dhimo saamaynta saxaraha, hagaajinta tayada hawada, iyo in lagu taageero hab-nololeedyada iyada oo loo marayo dhaqamo saaxiibtinimo leh. Ololaha dhir beerista ee sanadkan ayaa diiradda lagu saaray noocyada asaliga ah iyo kuwa u adkaysta abaarta ee ku habboon cimilada gobolka.

wasaaradu waxay diyaarisay 400,000 oo lagu beero gobolada oo dhan, iyadoo bulshooyinka maxalliga ah ay si firfircoon uga qaybqaateen. Munaasibadan ayaa ahayd mid lagu xasuusanayo sida ay Somaliland ugu heelan tahay ilaalinta deegaanka iyo hamiga ay u qabto inay tusaale u noqoto waxqabadka cimilada iyo horumarka waara ee Geeska Afrika.




30/03/2026

Supper Napeir Grass waa mid ka mid ah calafka xoolaha ee ugu waxtarka badan oo lagu quudin karo xoolaha.

Shimbiraha sawirka kaaga muuqda waa nooc ka mid ah baqbaqaaqyada loo yaqaan Sun Conure, kuwaas oo si gaar ah loogu yaqaa...
17/03/2026

Shimbiraha sawirka kaaga muuqda waa nooc ka mid ah baqbaqaaqyada loo yaqaan Sun Conure, kuwaas oo si gaar ah loogu yaqaan midabkooda aadka u dhalaalaya iyo firfircoonidooda. Waxaad ka arki kartaa midabada Hurrud, oranji, cagaar iyo buluug si qurux badan isu dhex galay, taas oo ka dhigaysa kuwo aad indhaha u soo jiita.

Shimbirahan waa kuwo aad u bulsho badan oo jecel inay la falgalaan dadka ama shimbiraha kale. Waxay leeyihiin cod xooggan, mararka qaarna way qaylin karaan, taas oo ah dabeecad caadi u ah baqbaqaaqyada. Sidoo kale waa xayawaan caqli badan oo si fudud ula qabsan kara deegaanka haddii si fiican loo daryeelo.

Asal ahaan waxay kasoo jeedaan Koonfurta Ameerika, gaar ahaan meelaha kaymaha leh ee dalal ay ka mid yihiin Brazil, halkaas oo ay ku nool yihiin iyagoo ku tiirsan geedaha iyo cuntooyinka dabiiciga ah sida midhaha iyo abuurka(Seed). Sababo ay ka mid yihiin quruxdooda iyo dabeecaddooda firfircoon, dad badan ayaa ku haysta guryahooda sidii xayawaan la dhaqdo.

Fallow for more Bashka Ali

Address

Cabaaye Street
Hargeisa

Telephone

+252633172700

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bashka Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Bashka Ali:

Shortcuts

Share