Somaliland National Disability Federation SNDF

Somaliland National Disability Federation SNDF Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somaliland National Disability Federation SNDF, Non-Governmental Organization (NGO), Pepsi Area, Near UNDP Compound, West of Miiska Sarakisha Hargeisa, Hargeisa.

Somaliland’s people with disabilities launched and declared formation of Somaliland National Disability Federation (SNDF in acronym) as a consortium of disabled people’s organizations in Somaliland

Waxa aan uga mahadnaqaynaa Dallada Naafadda ee SNDF ahaan in Wasiirka Madaxtooyadu uu gaadhsiiyay gaadhi Bas ah Dugsiga ...
02/03/2026

Waxa aan uga mahadnaqaynaa Dallada Naafadda ee SNDF ahaan in Wasiirka Madaxtooyadu uu gaadhsiiyay gaadhi Bas ah Dugsiga Dadka Maqalkoodu xaddidan yahay ee Magaalada Burco.

Gaadhigan ayaa kamid ahaa balan-qaad uu Madaxwaynuhu u sameeyay Dadka Maqalkoodu xaddidan yahay ee ku dhaqan Magaalada Burco. Gaadhigani waxa uu wax badan ka tari doonaa waxbarashada dadka maqalkoodu xaddidan yahay ee ku dhaqan Magaalada Burco.

Agaasimaha Dallada Naafadda Heer Qaran ee SNDF, Sakariye Axmed Muxumed, ayaa maanta ka qeyb-galay Shirwaynaha 3-aad ee D...
15/02/2026

Agaasimaha Dallada Naafadda Heer Qaran ee SNDF, Sakariye Axmed Muxumed, ayaa maanta ka qeyb-galay Shirwaynaha 3-aad ee Doorashada guddoonka Ururka Dadka Maqalkoodu xaddidan yahay. Urukani waa mid kamid ah Ururada hoos yimaada Dallada Naafadda Heer Qaran ee SNDF.

In dadka maqalkoodu xaddidan ay helaan dhakhaatiir, Boolis, Qareeno, Macalimiin iyo Culumo luqadda suul-dhabbaalaha yaqaan, ayaa noo ah ahmiyada koowaad ka Dallada Naafadda ee Somaliland National Disability Federation SNDF ahaan.

28/01/2026

In dadka laxaadkoodu xaddidan yahay ay helaan addeeg caddaaladeed, waxa ay Dallada Naafada u tahay ahmiyada koowaad. Annaga oo taas ka duulayna, waxa aanu heshiish wadda-shaqayneed kala saxeexa Makkale International Legal Firm.

31/12/2025

Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland oo ay na hoggaaminayso Dallada SONSAF ayaa maanta taageero u muujiyay aqoonsiga Isra**l ee Somaliland. Waxa ay Dawladda Somaliland ku boggaadiyeen dedaalada aqoonsi raadinta ee socda.

Shacabka Somaliland waxa ay ku boggaadiyeen sida ay mid uga wada yihiin aqoonsiga iyo horumarka dalka. Bayaanka waxa jeedinaya Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Dr. Ayman Mohamed, Yaasmiin, Agaasimaha Ururka Qareenada Haweenka iyo Mohamed Ibrahim Buuni .

Waxa aanu maanta 300 Qoys u qeybinay Raashin ay na so gaadhsiiyay Hay'adda Keydka Raashinka Qaranka oo ay dalkeenna ugu ...
25/12/2025

Waxa aanu maanta 300 Qoys u qeybinay Raashin ay na so gaadhsiiyay Hay'adda Keydka Raashinka Qaranka oo ay dalkeenna ugu deeqday Hay'adda tabaruca ah ee Boqor Salmaan. Ilaahay miisaanka xasanaadka ha ugu daro dadkii la baxay sadaqadaas.

Agaasimaha Dallada Naafadda ee SNDF, Sakariye Axmed Muxumed ayaa maanta ka qeyb-galay Xuska Maalinta Xuquuqul-insaanka A...
10/12/2025

Agaasimaha Dallada Naafadda ee SNDF, Sakariye Axmed Muxumed ayaa maanta ka qeyb-galay Xuska Maalinta Xuquuqul-insaanka Adduunka oo ay soo qaban-qaabiyeen Komishanka Xuquuqul-Insaanka Qaranka oo wadda-shaqayn dhaw la leh Dallada Naafadda Heer Qaran ee SNDF.

Waxa aan uga faa'iifaystay madasha in xuquuqda waxbarasho, caafimaad, marinada dhismayaasha, siyaasadda iyo xuquuqda kale ee dadka laxaadkoodu xaddidan yahay la ilaaliyo, gollaha wasiiradu na ay h**e u ansixiyaan Xeerka dadka laxaadkoodu xaddidan yahay. Gollaha Wakiiladu na uu h**e u ansixiyo.

Agaasimaha Dallada Naafadda ee SNDF, Sakariye Axmed Muxumed, ayaa maanta ka qeyb-galay Xuska Maalinta Dadka baahiyaha ga...
03/12/2025

Agaasimaha Dallada Naafadda ee SNDF, Sakariye Axmed Muxumed, ayaa maanta ka qeyb-galay Xuska Maalinta Dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo ay wada xuseen Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo SNDF. Xeerkii horumarinta Naafadda oo loo gudbiyay Garyaqaanka Guud ee Qaranka ayaa dhawaan Gollaha Wasiirada gaadhi doona, waxaana ugu dambayn ansixin doona Gollaha Wakiilada.

Xeerkaasi waxa uu dhigayaa in dadka naafada ahi ay helaan waxbarasho iyo caafimaad bilaash ah, kooto shaqaalaysiin iyo xuquuq siyaasaddeed oo ay kamid noqdaan gollayaasha kala duwan.

Waxa aan maanta ka qeyb-galay xaflada xil-wareejinta guddoonka cusub ee Ururka Dhakhaatiirta ee Somaliland. Ururka dhakh...
24/10/2025

Waxa aan maanta ka qeyb-galay xaflada xil-wareejinta guddoonka cusub ee Ururka Dhakhaatiirta ee Somaliland. Ururka dhakhaatiirtu waa urur ka shaqayn doona xuquuqda dhakhaatiirta, tababarada dhakhaatiirta iyo wecyi-gelinta bulshada. Dallada SONSAF ee ay ku midaysan yihiin Ururada Rayidka ah oo ay Dallada Naafadu kamid tahay, ayaa si wayn u soo dhaweeyay Ururka.

Illaahay xilka ha ku asturo guddoonka cusub.

Ururada Rayidka ah oo ay hoggaaminayso Dallada SONSAF, ayaa maanta kulan kula yeeshay Madaxtootada Somaliland xubno kami...
22/10/2025

Ururada Rayidka ah oo ay hoggaaminayso Dallada SONSAF, ayaa maanta kulan kula yeeshay Madaxtootada Somaliland xubno kamid ah Gollaha Wasiirada ee Somaliland. Kulanka oo daaranaa siddii Ururada Rayid ah iyo Dawladu ay iskaga kaashan lahaayeen nabbada, horumarka iyo iskaashiga bulshada.

Kulanka waxa goob-joog ka ahaa Wasiirada Wasaaradaha madaxtooyada, Qorshaynta Qaranka iyo Warfaafinta.

12/10/2025

Xalay waxa aan magaalada Gebiley kaga qeyb-galay xaflad lagaga hadlayay Xuska toddobaadka wacyi-gelinta xanuunada Dhimirka. Madasha ayaa awooda lagu saaray wacyi-gelinta, wax u qabashada iyo ka war haynta dadka uu haleelo xanuunada Maanku.

Waxa aan uga mahadnaqaynaa Wasiirka Arrimaha Bulshada, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Maayarka Degmada Gebiley oo madasha hadalo wax-ku-ool ah iyo taageero u muujiyay dadka Xanuunada Maanka qaba ee ka tirsan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Waxa aanu uga mahadnaqaynaa Dallada Naafada ahaan Shirkada Telesom inay deeqaha waxbarasho ( Scholarships) ka ee ay bixi...
30/09/2025

Waxa aanu uga mahadnaqaynaa Dallada Naafada ahaan Shirkada Telesom inay deeqaha waxbarasho ( Scholarships) ka ee ay bixiso ay ku soo dartay dadka baahiyaha gaarka ah qaba sidda ay ku baahiyeen Page-kooda. Shuruudaha in dadka baahiyaha gaarka ah qaba si gaar ah hoos loogu eegana aanu ku rajo waynahay. Abdirizak Abdulahi Warsame oo hawshaas ka shaqeeyay Ilaahay miisaanka xasanaadka ha ugu daro. Xagga hoose ee comment-ka eeg Link-ka.

27/09/2025

Bal eeg marka Diinta la baro dadka maqalkoodu xaddidan yahay ee lagu baro luqadda Suul-dhabaalaha sidda ay Diinteenna u garanayaan!. Waa kulanka Tabliiqa. Bal intan ila yara daawo adigga oo mahadsan.

Address

Pepsi Area, Near UNDP Compound, West Of Miiska Sarakisha Hargeisa
Hargeisa

Opening Hours

Monday 07:30 - 15:00
Tuesday 07:30 - 15:00
Wednesday 07:30 - 15:00
Thursday 07:30 - 15:00
Sunday 07:30 - 15:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somaliland National Disability Federation SNDF posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Somaliland National Disability Federation SNDF:

Share