Save Aid community Organisation

Save Aid community Organisation Kusoo dhowow page ka ururka dhalinyarada ee save aid community organisation.

Save Aid community Organisation Waxa uu ahaa Kulan Muhiim ah oo ay yeesheen, Xubnaha Ururka iyo Maamulka ururka. Kulanka...
04/01/2026

Save Aid community Organisation

Waxa uu ahaa Kulan Muhiim ah oo ay yeesheen, Xubnaha Ururka iyo Maamulka ururka. Kulankaas oo lagu eegayay, wixii qabsoomey 2025 iyo qorshaha 2026. sidoo kalenna xog lagu siiyey, xubnihii cusbaa ee ururka!

"๐†๐š๐œ๐ฆ๐จ ๐–๐š๐๐š-๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐š, ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐‹๐š๐ ๐ฎ ๐‡๐š๐ง๐ญ๐š๐š"

โ€œ๐๐ฎ๐ฐ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐ฎ, ๐Œ๐ข๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐–๐ž๐ž๐ฒ๐š๐š๐งโ€Ururka Dhalinyarada S**O waxa uu hambalyo qaran u dirayaa bulsho-weynta Jamhuuriyadda ...
28/12/2025

โ€œ๐๐ฎ๐ฐ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐ฎ, ๐Œ๐ข๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐–๐ž๐ž๐ฒ๐š๐š๐งโ€

Ururka Dhalinyarada S**O waxa uu hambalyo qaran u dirayaa bulsho-weynta Jamhuuriyadda Somaliland, munaasabadda guulaha diblomaasiyadeed iyo rajooyinka soo ifaya ee mustaqbalka ictiraafka awgood.

Somaliland waa qaran ku dhashay goโ€™aan dadweyne, dhiig, dhidid, iyo dulqaad dheer. Muddo ka badan dhowr iyo Soddon sano, shacabka Somaliland waxay dhisanayeen dawladnimo ku taagan nabad, dimuqraadiyad, isla-xisaabtan iyo sharci, iyaga oo aan ka leexan mabdaโ€™a xaqa ay u leeyihiin oo ah, inay dunida kaga mid noqdaan dalalka madaxbannaan.

URURKA DHALINYARADDA S**O, oo matalaya codka Bulshada Somaliland, wuxuu adkaynayaa in jidka horumarku yahay mid la wada maro, iyadoo la ilaalinayo midnimada, lagu adkaysanayo dulqaadka, lana xoojinayo diblomaasiyadda caqli ku dhisan.

Bulshadayada Soomaalilandeey, samirkiinnu waa iftiin; dadaalkiinnuna waa guul.

{Somaliland way socotaa, duniduna way aragtaa.}
๐๐ฎ๐ฐ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐ฎ, ๐Œ๐ข๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐–๐ž๐ž๐ฒ๐š๐š๐ง.

08/11/2025

๐’๐€๐€๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐–๐€๐‚๐˜๐ˆ-๐†๐„๐‹๐ˆ๐: ๐Œ๐”๐‡๐ˆ๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ๐€ ๐–๐€๐—๐๐€๐‘๐€๐’๐‡๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐‚๐€๐€๐…๐ˆ๐Œ๐€๐€๐ƒ๐Š๐€
Masuuliin ka socodda ururradda S**O iyo SAHAN, ayaa wacyigelin muhiim ah ka fuliyay iskuulka Ibnu-Qayb. Barnaamijkan ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda waxbarashada, nadaafadda, iyo caafimaadka. Mawduucaas oo saldhig u ah horumar waara iyo nolol tayo leh.

Intii ay socotey wacyigelintu, waxa ardayda la-la wadaagey fariimo dhiirigelin iyo talo ah oo ku saabsan:
1: In aqoontu tahay iftiinka nolosha Iyo bilowga horumarka bulshada
2: In maskaxda iyo jidhku labaduba u baahan yihiin daryeel joogto ah.
3: In nadaafaddu muhiim u tahay ardeyda iyo deegaanka iskuulka ku xeeran.

โ€œHorumarka dhabta ahi wuxuu ka bilaabmaa marka la nadiifiyo maanka, jirka, iyo deegaanka.โ€

Wacyigelintani waxay qayb ka tahay dadaalka aan ugu jirno kor u qaadista garaadka, caafimaadka, iyo mustaqbalka dhalinyarada si aynu u helno bulsho aqoon leh, caafimaad qabta, iyo maskax furan.

๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š; Sabti
๐†๐จ๐จ๐›๐ญ๐š: iskuulka ibnu-qaym
๐“๐š๐š๐ซ๐ข๐ค๐ก๐๐š: 08/11/2025
๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š: 31may

Save Aid community Organisation
Highlights
**O

Ururka  Save Aid Community Organization {S**O} Waxa uu qaadanayaa xubno Cusub oo si Volunteer ah ula shaqeeya!Ma rabtaa ...
19/10/2025

Ururka Save Aid Community Organization {S**O}
Waxa uu qaadanayaa xubno Cusub oo si Volunteer ah ula shaqeeya!

Ma rabtaa inaad kaalin muhiim ah ka qaadatid horumarinta bulshada?
Ma xiisaynaysaa inaad si volunteer ah ula shaqeyso urur firfircoon oo dhalinyaro hoggaaminayaan?

๐Ÿ“… Is-diiwaangelintu waxay soconeysaa:
19 โ€“ 22 Oktoobar 2025

๐’๐ก๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐๐š๐ก๐š;
1:Somalilander inaad tahay.
2: Joogtid Magaalada Hargeysa
3:Soo qor Cv
4: Diyaar u tahay inaad ka shaqeysid arrimaha bulshadda.
5: Labada gelin mid ahaan aad firaaqo haysid.

๐…๐š๐๐ฅ๐š๐ง ๐›๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ข ๐Ÿ๐จ๐ซ๐ฆ๐ค๐š๐ง
https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSfdTQnXz6oL_JUZ1OF28w4YUOnoNMvL0gSl_aY3i6vMsMFmSg/viewform?usp=header

๐Ÿ“Œ Nala soo xiriir si aad u codsato xubinnimada 0637662697/ 0633264732/ 063 4271051

๐Ÿค S**O โ€“ Wadajirka iyo wax-wada qabashada horumar baa ku jira!

๐‡๐„๐’๐‡๐ˆ๐ˆ๐’๐‡๐Š๐€ ๐–๐€๐ƒ๐€-๐’๐‡๐€๐๐„๐˜๐๐„๐˜๐ƒ ๐„๐„ ๐’๐€๐‚๐Ž ๐ˆ๐˜๐Ž ๐’๐€๐‡๐€๐!Heshiis Iskaashi oo Taariikhi ahUrurka Save Aid Community Organization (S**...
10/10/2025

๐‡๐„๐’๐‡๐ˆ๐ˆ๐’๐‡๐Š๐€ ๐–๐€๐ƒ๐€-๐’๐‡๐€๐๐„๐˜๐๐„๐˜๐ƒ ๐„๐„ ๐’๐€๐‚๐Ž ๐ˆ๐˜๐Ž ๐’๐€๐‡๐€๐!

Heshiis Iskaashi oo Taariikhi ah
Ururka Save Aid Community Organization (S**O) waxa uu shaley oo taarikhdu ahayd 09/10/2025 {Galabnimad Khamiiseed} si rasmi ah ula saxeexday Sahan Health Organization (SHO) heshiis iskaashi istiraatiiji ah.

๐’๐š๐ฐ๐ข๐ซ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ฒ๐›๐ญ๐š ๐Š๐จ๐จ๐ฐ๐š๐š๐๐Ÿ’ฏ๐Ÿค
Save Aid community Organisation
Highlights

   Hogaaminta dhalinyarada iyo mustaqbalka dalka Sawirada Q3aad
29/09/2025



Hogaaminta dhalinyarada iyo mustaqbalka dalka

Sawirada Q3aad

   Hogaaminta dhalinyarada iyo mustaqbalka dalka Sawirada Q2aad
28/09/2025



Hogaaminta dhalinyarada iyo mustaqbalka dalka

Sawirada Q2aad

26.09.2026  Hargeysa, somaliland  (    )Jimce   Sawirada Q1aadMaalinimadii shalay waxa uu ururka dhalinyarada ee Save Ai...
28/09/2025

26.09.2026 Hargeysa, somaliland ( )
Jimce




Sawirada Q1aad

Maalinimadii shalay waxa uu ururka dhalinyarada ee Save Aid community Organisation qabtay toba-bar khuseeyay hogaaminta dhalinyarada iyo mustaqbalka dalka.
Tobabarkan waxa qabtay ustaad Maxamed Xamse Cali oo ah haldoor dhalinyarada ugu adeega si mutadawacnimo ah.

Tobabarkan waxa ku wehelinaayey ustaadka ahaana martida toba-barkan xog-hayaha guud ee garabka dhalinyarada Dr-Nimcaan Hasan Cawaale oo ah mid kamida saaxiibada ururka sida dhow ula shaqeeya.

Tobabarkan oo runtii ahaa mid ustaad maxamed xamse cali dhalinyaradii iyo bahdii arimaha bulshada ee kasoo qayb gashay ugu sharaxay muhiimada ay leedahay hogaaminta ama inuu noqdo higaamiye taasi oo qofka u horseedaysa inuu noqdo mid og xaalada kolba baahida markaa taagan, ta bulshadiisa iyo ta dalkiisa. Hogaamiyuhu waa mid markasta wax baadhis badan kana warhaya taariikhda dalkiisa, og xal u heledi, udulqaadashada, xalinta, wax soosaarka waxkastoo dan u ah tan bulshadiisa iyo wadankiisa. Hogaamintu waa mid ku salaysan cadaalad, sinaan, naxariis, ka warhayn, bilow wanaagsam, xallin, isdhexgal iyo dad isku hayn waxaana tusaale inoogu filan nebi muxumed ( N.N.K.H ).

Ugu dambayn gudoomiyaha ururka iyo agaasimaha guud ee ururka waxa ay u mahad celiyeen dhammaanba cidkastoo ka faa'iidaysatay gaar ahaan gudoomiyayaasha ururada arimaha bulshada, ardaydii ka faa'iidaysatay iyo ustaad maxamed xamse cali oo ahaa alle kasakow suurta geliyaha barmaamijkan iyo ee ahaa tobabarka hogaaminta dhalinyarada iyo mustaqbalka dalka.

ALLA MAHADLE

: .com







 Ururka dhalinyarada ee Save Aid community Organisation  waxa uu ogaysiinayaa bulsho weynta ku dhaqan caasimada somalila...
23/09/2025



Ururka dhalinyarada ee Save Aid community Organisation waxa uu ogaysiinayaa bulsho weynta ku dhaqan caasimada somaliland ee hargeysa in ururku idiin soo agaasimay barmaamin lamagac baxay oo dhalinyarada lagu tusi doono qofka dhalinyaradi ahi sida uu u noqon lahaa hogaamiye laga bilaabo naftiisa, qoyskiisa, cida uu la shaqeeyo ama la shaqaysa, bulshadiisa iyo dalkiisa. Hogaamintu waa waxa qofka kadhiga mid fahmi kara xaaladaha, marxaladaha iyo kolba waaqica taagan, waana mid dad lasocod, isku hayn, dulqaad, fahan, naxariis, damiir, xirfad ,aqoon iyo waayo aragnimo leh badanaana fahma xaaladaha nafsiyadeed ee bulshada.

Mawduucan waxa inoo qaban doona macalin ku xeel dheer arimaha dhalinyarada iyo hogaaminta oo ah ustaad:maxamed xamse cali.

๐ŸŽ™๏ธ Soo jeediye: Ustaad. Maxamed Xamse Cali
๐Ÿ“ Goobta: Xarunta Wadaniyadda (ex-Xaraf Hotel)
๐Ÿ“… Goorta: Jimcaha gelinka dambe
๐Ÿ—“Taariikhda: 26/09/2025
โฐ Saacadda: 04:00 galabnimo

Mudane/Marwo kasoo qayb galkaanu waa fursad aynu kaga faa'iidaysanayno idinka iyo anagu fahanka iyo barashada hogaaminta mustaqbalka dhalinyarada cidaan ugu talagalnayna waa idinka.

17/08/2025

Hargeysa, somalikand ( )
15.08. 2025
Jimce


Bandhigii buuga ee ay qortay qoraa xamdi xuseen maxamed ( qalbi kaaba )

15.8.2025   hargeysa, somaliland   (    )Jimce   Habeenimadi xalay waxa caasimada  somaliland ee hargeysa ka qabsoomay b...
16/08/2025

15.8.2025 hargeysa, somaliland ( )
Jimce




Habeenimadi xalay waxa caasimada somaliland ee hargeysa ka qabsoomay bandhiga buuga HALGAN HORTII HADAF YEELO oo ay qortay qoraa xamdi xuseen maxamed ( qalbi kaaba ).

Buugan waxa gacanta ku hayey ururka dhalinyarada ee Save Aid community Organisation oo uu ugu h**eeyo gudoomiyaha ururka gudoomiye maxamed c/laahi xuseen ( Maxamed Maan-dabiibe ), xubnaha ururka, gudoomiyihii h**e ururka axmedsaki xuseen cilmi ( Axmed Geeljire ) iyo dhalinyarada haldoorka magaalada hargeysa oo qayb weyn ka qaatay qaban qaabada bandhiga buuga halgan hortii hadaf yeelo.

Gudoomiyaha guud ee ururka dhalinyarada ee S**O ORGANIZATION maxamed c/laahi xuseen ayaa umahad celiyey qoraaga buuga xamdi xuseen maxamed oo ahayd runtii shakhsi ku suntanayd geesinimo, hak adayg, ixtiraam, karti, dadaal, aqoon, waayo aragnimo iyo geesimo. Dhanka kale gudoomiyuhu wuxu madasha uga uga mahad celiyey dhalinyaradii buuga qaban qaabinaysid oo ka dambaysay quruxda habeenkan quruxda badnaa, wuxu sidoo kale u mahad celiyey ururka S**O ORGANIZATION oo ah urur markasta ka ugu h**eeya ah garab istaaga dhalinyarada, saaxiibka dhalinyarada, dhiiri geliyaha dhalinyarada, caawinta iyo la shaqaynta dhalinyarada.

Ugu dambayn gudoomiyuhu wuxu umahad celiyey madaxdii, haldoorkii, xildhibaanadii, culimadii, dhalinyaradii,.waalidkii iyo cidkastoo kala soo qayb gashay madashii quruxda badnayd.

Ka urur ahaan saddex kamida saddexda dhar dhaar ee ururku ka shaqeeyo ayaa ah ka ugu ballaadhani ka arinaha dhalinyarada oo layidhaa oo ah program khuseeya arimaha dhalinyarada iyo midnimadooda.

ILAAHAYBA MAHADLE
: .com


**O



Address

Togdheer Streat
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Save Aid community Organisation posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share