Taliska Booliiska Degmada Guriceel

Taliska Booliiska Degmada Guriceel Bogga Rasmiga Ah Ee Taliska Saldhiga Booliska Degmada Guricel. Muwaadin La soo Xiriir Lambarka Gaaban ee Booliiska Degmada Guriceel 2619.

TACSI TIIRAANYO LEH 🖤‎‎إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ‎‎Taliska iyo dhammaan Ciidanka Saldhigga Booliska Gur...
24/09/2026

TACSI TIIRAANYO LEH 🖤
‎
‎إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
‎
‎Taliska iyo dhammaan Ciidanka Saldhigga Booliska Guriceel waxay si murugo iyo tiiraanyo leh uga tacsiyeynayaan geerida ku timid A/le Pol Cabdiftitaax Maxamed Daahir, oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Kan Howlgalayay Saldhigga Booliska Guricel.
‎
‎Waxaan tacsi u diraynaa qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan bahda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
‎
‎Dhacdada kadib, waxaa Gacanta Ha,adaha Amniga KU Jira Eedysane lagu tuhmaayo dhacdadaan waxaana lagu sameynayaa baaritaan iyo tallaabooyi sharciga waafaqsan.
‎
‎Waxaan Alle SWT uga baryeynaa marxuum Cabdiftitaax Maxamed Daahir inuu naxariistiisa ku gallado, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo. Ehelkii iyo dhammaan intii uu ka geeriyoodayna Alle haka siiyo samir iyo iimaan.
‎
‎Ilaahay ha u naxariisto marxuumka, ehelkiisana samir iyo qalbi deggan haka siiyo.
‎
‎Xafiiska Warfaafinta iyo WACYIGALINTA Dadweynaha Booliska Guriceel

🚔🇸🇴 CIIDANKA BOOLISKA GURICEEL OO GACANTA KU DHIGAY LABA EEDAYSANE.GURICEEL, 7 SEPTEMBER 2026 — Ciidanka Booliska Degmad...
08/09/2026

🚔🇸🇴 CIIDANKA BOOLISKA GURICEEL OO GACANTA KU DHIGAY LABA EEDAYSANE.

GURICEEL, 7 SEPTEMBER 2026 — Ciidanka Booliska Degmada Guriceel ayaa howlgal amni oo ay muddo ku guda jireen ku soo qabtay laba (2) eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay qeyb ka ahaayeen koox abaabulan oo xilliyada habeenkii gudaha magaalada Guriceel ka geysan jirtay dhac iyo cabsi-gelin amni.

Labada eedeysane ayaa lagu kala magacaabaa:

🔹 Maxamed Shiimoow Cabdulle, 19 jir, ku dhashay Baydhabo.
🔹 Muscab Cali Axmed, 17 jir, ku dhashay Guriceel.

Eedeysanayaasha ayaa lagu tuhunsan yahay inay shacabka xilliyada habeenkii ka qaadan jireen taleefannada gacanta,isla markaana ay bulshada ku abuuri jireen cabsi iyo walaac amni.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Booliska Degmada Guriceel ugu jiraan sugidda amniga, ka hortagga falalka dambiyeed iyo ilaalinta nafta iyo hantida shacabka.

Eedeysanayaasha waxaa loo gudbin doonaa hay’adaha caddaaladda, iyadoo la raacayo sharciga, kaddib marka ay soo dhammaadaan baaritaannada socda.

🤝 Taliska Booliska Guriceel wuxuu uga mahadcelinayaa shacabka sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan Ciidamada Booliska, gaar ahaan xogaha amni ee ay soo gudbiyaan, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata sugidda amniga.

📢 Shacabka Guriceel waxaa lagu boorrinayaa inay sii wadaan la shaqeynta Ciidamada Booliska, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta sugidda amniga iyo kala dambeynta.

BOOLIS IYO BULSHO — WADAJIR AYAAN U SUGAYNAYAA AMNIGA GURICEEL. 🚔🇸🇴

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Booliska Guriceel

🚨 TALIYAHA QAYBTA BOOLISKA GOBOLKA GALGADUUD OO KORMEER KU YIMID SALDHIGGA BOOLISKA GURICEELGuriceel | 07/09/2026Taliyah...
07/09/2026

🚨 TALIYAHA QAYBTA BOOLISKA GOBOLKA GALGADUUD OO KORMEER KU YIMID SALDHIGGA BOOLISKA GURICEEL

Guriceel | 07/09/2026

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Galgaduud, G/le Qalbi Axmed Cali, ayaa booqasho kormeer iyo indha-indhayn ah ku yimid Saldhigga Booliska Degmada Guriceel.

Taliyaha ayaa salaan iyo warbixin ka qaatay Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Guriceel, L/x/le Xasan Xuseen Cali, isagoo ka xog-wareystay xaaladda guud ee saldhigga, howlaha sugidda amniga iyo adeegga ay Ciidanka Boolisku u fidiyaan bulshada.

Intii uu kormeerku socday, Taliyaha Qaybta Gobolka Galgaduud wuxuu Ciidanka faray inay sii xoojiyaan sugidda amniga, dhowrista sharciga, ilaalinta xuquuqda shacabka iyo u adeegidda bulshada si hufan oo masuuliyad leh.

Ugu dambeyn, Taliyuhu wuxuu Ciidanka ku booriyey midnimo, wada-shaqeyn, anshax iyo xilkasnimo, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo amniga guud ee Degmada Guriceel.

🛡️ xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Booliska Guriceel

🚨🚔 TALISKA BOOLISKA DEGMADA GURICEEL 🚔🚨⚠️ WAR-SAXAAFADEED ⚠️🛡️ Ciidamada Booliska Degmada Guriceel oo gudanaya waajibaad...
06/09/2026

🚨🚔 TALISKA BOOLISKA DEGMADA GURICEEL 🚔🚨

⚠️ WAR-SAXAAFADEED ⚠️

🛡️ Ciidamada Booliska Degmada Guriceel oo gudanaya waajibaadkooda shaqo, kuna howlgalaya xogaha amni ee ay soo gudbiyeen shacabka degmada Guriceel, ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan 2️⃣ kamid ah shabakad abaabulan oo habeenkii falal dhac ah ka geysan jirtay gudaha magaalada.

🚨 Shabakaddan ayaa habeenkii Sameeyn jiray

🔴 In ay Dadka luuqyada u istaagi jireen
🔴 Jilaafeyn iyo cabsi gelin u geysan jireen
🔴 Ciid ku shubi jirreen Kadibna ka qaadan Jireen taleefannadooda iyo agabkooda gaarka ah.

👤 EEDAYSANAYAASHA LA QABTAY Ee Kala AH
1️⃣ Maxamed Xasan Cabdulle, 21 jir, ina Xabiibo Ibraahim Xasan.
2️⃣ Taagane Nuur Cigaal, 26 jir, ina Xaliimo Cabdi ayaa lagu qabtay goobtii uu falka ka dhacay, xilli ay falka ku guda jireen.

⚠️ Qaar kale oo ka tirsan shabakadda ayaa baxsaday, waxaana Ciidamada Boolisku ku raadjoogaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

🔒 Labada eedeysane waxay hadda ku xiran yihiin Saldhigga Booliska Degmada Guriceel, waxaana socda baaritaanno la xiriira falalkaas

⚖️ Marka baaritaanka la dhammeystiro, waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh, si waafaqsan sharciga.

🤝 Taliska Booliska Degmada Guriceel wuxuu uga mahadcelinayaa shacabka degmada xogaha amni iyo wada-shaqeynta ay la sameeyeen Ciidanka.

📢 DIGNIIN: Shacabka waxaa laga codsanayaa inay soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta soo qabashada dadka baxsaday iyo sugidda amniga magaalada.

WADA-SHAQAYNTA SHACABKA IYO CIIDANKA = AMNI

🚔 TALISKA BOOLISKA DEGMADA GURICEEL 🚔

05/08/2026

🚔 Howlgal Wadajir ah

Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Guriceel ka fuliyey howlgal wadajir ah oo lagu xoojinayo amniga iyo nabadgelyada bulshada.

Howlgalka waxaa Qeyb Ka Ahaa Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Guriceel, Balanballe iyo Xeraale, iyadoo ciidamada si isku dubbaridan u fuliyeen waajibaadkooda amni si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo badqabka shacabka.

Taliska Booliska Degmada Guriceel wuxuu bulshada uga mahadcelinayaa wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada, isagoo ku boorrinaya inay sii xoojiyaan kaalintooda ku aaddan ilaalinta amniga iyo ka warbixinta wixii falal amniga lid ku ah.

Xafiiska Xiriirka Dadweynaha Booliska Guriceel

16/06/2026

🚔 BOOLISKA DEGMADA GURICEEL OO GACANTA KU DHIGAY QOF LAGU EEDEYNAYO MUSUQMAASUQ IMTIXAAN

Guriceel, 15 Juun 2026
Ciidamada Booliska Degmada Guriceel, oo kaashanaya Kormeereyaasha Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ee ku sugnaa goobaha Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Muscab Cabdirashiid Xasan, 18 jir ah.

Eedeysanaha ayaa lagu qabtay isagoo si sharci-darro ah uga qeybgalaya imtixaanka, isagoo watay Aqoonsi (ID) uu lahaa qof kale oo lagu magacaabo Muxyadiin Yuusuf Daahir.

Sida ku cad baaritaanka hordhaca ah, eedeysanaha ayaa qirtay in Aqoonsiga uu leeyahay Muxyadiin Yuusuf Daahir, isla markaana uu imtixaanka ugu galay isagoo matalaya.

Eedeysanaha ayaa hadda ku xiran Saldhigga Booliska Degmada Guriceel, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah si loo xaqiijiyo dhammaan xogaha la xiriira dhacdadan loona waafajiyo sharciga.

Booliska Degmada Guriceel waxay bulshada ku wargelinayaan in la adkeynayo amniga iyo hufnaanta imtixaanaadka, lana qaadi doono tallaabo sharci ah cid kasta oo ku lug yeelata falal wax u dhimaya nidaamka waxbarashada.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Booliska Degmada Guriceel

Maanta magaalada Guriceel waxaa si rasmi ah uga bilawday imtixaanka fasalka 8-aad ee Wasaaradda Waxbarashada ee Galmudug...
14/06/2026

Maanta magaalada Guriceel waxaa si rasmi ah uga bilawday imtixaanka fasalka 8-aad ee Wasaaradda Waxbarashada ee Galmudug, iyadoo ay imtixaanka u fariisanayaan in ka badan 1,500 oo arday, kuwaas oo ku galaya in ka badan 6 xarumood oo ku yaalla magaalada.

Ciidanka Booliska Guriceel ayaa adkeeyay sugidda amniga xarumaha imtixaanka iyo guud ahaan magaalada, si ardaydu ugu galaan imtixaankooda jawi deggan oo ammaan ah.

Taliyaha Booliska Guriceel ayaa yiri: "Waxaan u rajeynayaa dhammaan ardayda maanta u fariisanaysa imtixaanka guul iyo nasiib wanaagsan. Ciidanka Boolisku waxay u taagan yihiin sugidda amniga iyo xasilloonida xarumaha imtixaanka, si ardaydu ugu gutaan waajibaadkooda waxbarasho si nabad ah."

TALISKA SALDHIGGA BOOLISKA DEGMADA GURICEELTaliska Saldhigga Booliska Degmada Guriceel wuxuu bulshada la wadaagayaa in s...
11/06/2026

TALISKA SALDHIGGA BOOLISKA DEGMADA GURICEEL

Taliska Saldhigga Booliska Degmada Guriceel wuxuu bulshada la wadaagayaa in saldhigga lagu hayo ilmo yar oo la helay isaga oo aan la socon waalidkiis ama ehelkiis.

Ilmuhu ma awoodo inuu bixiyo xog ku filan oo lagu aqoonsan karo qoyskiisa ama meesha uu ka yimid. Sidaa darteed, cid kasta oo aqoonsata ilmahan ama haysa xog ku saabsan waalidkiis, qaraabadiis, ama ehelkiisa waxaa si xushmad leh looga codsanayaa inay la xiriiraan Taliska Saldhigga Booliska Degmada Guriceel si ilmaha loogu celiyo qoyskiisa.

Wixii macluumaad dheeraad ah fadlan la xiriira Taliska Saldhigga Booliska Degmada Guriceel. :::

Guriceel 03/06/2026                              WARSAXAAFADEEDTaliska Ciidanka Booliska Degmada Guriceel ayaa bulshada ...
03/06/2026

Guriceel 03/06/2026

WARSAXAAFADEED
Taliska Ciidanka Booliska Degmada Guriceel ayaa bulshada la wadaagaya in ciidamada Boolisku ay gacanta ku soo dhigeen laba eedeysane oo lagu kala magacaabo:

1. Maxamed Xasan Cabdullaahi, 23 jir, Ina Farxiyo Cali Shire, deggan Guriceel
2. Cali Axmed Faarax, 20 jir, Ina Hooyo Biyood Xaashi Siyaad deggan Guriceel.

Eedeysanayaashan ayaa lagu tuhunsan yahay inay si ula kac ah u jareen tubooyin biyood ku yaalla xaafado ka tirsan Degmada Guriceel, kuwaas oo qayb muhiim ah ka ah adeegga biyaha ee bulshada.

Falkan ayaa sababay burbur soo gaaray kaabeyaasha biyaha iyo hakad ku yimid adeegga biyaha ee qaar kamid ah xaafadaha degmada, taas oo saameyn ku yeelatay adeegii ay bulshada ka heli jireen biyaha.

Ciidanka Booliska Degmada Guriceel oo sameeyay baaritaanno iyo dabagal xogeed oo muddo socday ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanayaasha, kuwaas oo hadda ku xiran Saldhigga Booliska Degmada Guriceel.

Waxaa weli socda baaritaan dheeraad ah oo la xiriira kiiska, waxaana marka uu soo gabagaboobo loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka ee ay khuseyso si loo waafajiyo habraacyada iyo shuruucda dalka.

Taliska Ciidanka Booliska Degmada Guriceel wuxuu bulshada ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo ka qeyb qaadan karta ilaalinta amniga, badbaadinta hantida guud iyo sugidda adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay mar walba heegan u yihiin gudashada waajibaadkooda shaqo, ilaalinta amniga shacabka, dhowrista hantida guud iyo xaqiijinta in sharciga la horkeeno cid kasta oo lagu tuhmo falal ka dhan ah nabadgelyada iyo danaha bulshada.

Xafiis Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Policeka Guriceel

WARSAXAAFADEED    .            Tar : 31/05/2026‎‎Ciidamada Booliska Degmada Guriceel oo kaashanaya qeybaha kale ee Ciida...
31/05/2026

WARSAXAAFADEED . Tar : 31/05/2026
‎
‎Ciidamada Booliska Degmada Guriceel oo kaashanaya qeybaha kale ee Ciidamada Qalabka Sida sida Nabadsugida ,Iyo Milatariga ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Cali Cabdi Jaamac 25 jir ah kaas oo lagu eedeynayo inuu xalay deegaanka Madaraso Shiikh Maxamed ee hoostaga IliX ku dilay marxuum Cabdishakuur Xasan Geledi
‎
Eedeysanaha ayaa haatan ku xiran Saldhigga Booliska Guriceel, halkaas oo ay ka socoto baaritaan rasmi ah oo la xiriira dhacdadaasi, si loo dhameystiro caddeymaha loona mariyo habraacyada sharciga.
‎
‎Taliska Booliska Guriceel ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya ehelka, qaraabada iyo dhammaan shacabka uu ka baxay marxuum Cabdishakuur Xasan Geledi isagoo Alle uga baryaya inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa iyo asxaabtiisa.
‎
‎Sidoo kale, talisku wuxuu u mahadcelinayaa shacabka degmada iyo dhammaan laamaha amniga ee ka qeyb qaatay howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha, taas oo muujineysa muhiimadda wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga.
‎
‎"Ciidanka Booliska Guriceel waxay heegan buuxa ugu jiraan gudashada waajibaadkooda qaran; waqti kasta, saacad kasta iyo meel kasta oo looga baahdo ilaalinta amniga, badbaadinta shacabka iyo dhaqan-gelinta sharciga."
‎
‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
‎Taliska Ciidanka Booliska Degmada Guriceel
‎Galmudug, Soomaaliya

Address

Guricel-Galgadud-somalia
Guri Ceel

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taliska Booliiska Degmada Guriceel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share