Somali Women and Youth Concern

Website

Somali Women and Youth Concern Somali women & youth concern (SWYC) is an autonomous non- profit, and non-political civil society org

Somali Women and Youth Concern (SWYC) oo ka ah xubin ka tirsan punsaa waxay si diirran u soo dhaweynaysaa wafdiga Somali...
25/04/2026

Somali Women and Youth Concern (SWYC) oo ka ah xubin ka tirsan punsaa waxay si diirran u soo dhaweynaysaa wafdiga Somalia Non-State Actors ee Garoowe.
Kulanka waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya PUNSAA iyo SONSA.

Ururada Bulshada Rayidka Puntland ayaa kulamo dhowr ah la yeeshay qaar ka mid ah Safiirada reer Yurub kuwaasoo kasoo qay...
20/01/2026

Ururada Bulshada Rayidka Puntland ayaa kulamo dhowr ah la yeeshay qaar ka mid ah Safiirada reer Yurub kuwaasoo kasoo qaybgalay daah-furka Qorshaha 5ta Sano ee Dowladda Puntland ee 2026-2030.

Kulamada ayaa looga hadlay arimaha la xiriiri horumarinta bulshada reer Puntland, xaaladaha iyo isbadalada gobolka, abaaraha iyo xoojinta dimuqraadiyada iyo maamul wanaaga.

Taariikhda: 19/11/2025Ku: Guddiga Doorashooyinka Puntland       Xisbiyadda Siyaasadda Puntland       Golaha Wakiiladda P...
19/11/2025

Taariikhda: 19/11/2025
Ku: Guddiga Doorashooyinka Puntland
Xisbiyadda Siyaasadda Puntland
Golaha Wakiiladda Puntland
Golaha Xukuumadda Puntland

BAAQA BULSHADA RAYIDKA AH: ASTAYNTA KURAASTA/QOONDADA HAWEENKA EE XEERKA DOORASHOOYINKA DOWLADDA PUNTLAND

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Bulshada rayidka ah ee Puntland waxay bogaadinaysaa hanaanka doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhacay Puntland, waxay kale oo soo dhawaynaysaa dib-u-eegista xeerarka doorashooyinka oo hadda maraya latashiga daneeyayaasha doorashooyinka. Bulshada rayidka ah markii ay akhrisay xeerka qabyo-qoraalka ah ee doorashooyinka, ayna tixgalisay qodobadan hoos ku qoran:

- Baahida loo qabo in la helo gole wakiillo iyo degaan kuwaas oo loo simanyahay ayna iska dhex arkaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan haweenka oo qiyaastii ah kala bar tirada dadka reer Puntland.

- Xaqiiqada jirta ee ah in ka maqnaanshaha haweenka ee saaxada siyaasadda, gaar ahaan Golaha Wakiillada ay hagardaamo ku tahay xaqiijinta xuquuqda hooyada, dhallaanka iyo nugulka iyo xaqiiijinta horumar isu dheelli tiran.

- In haweenku aasaaskii Puntland ku lahaayeen golaha wakiiladda 5 xubnood (7.5%), maantana ay ku leeyihiin 1 xubin (1.5%), taas oo ku tusaysa in matalaada haweenka ee goloha wakiiladda Puntland ay tahay mid mar walba siiyaraanaysa.

- In Axdi-qarameedkii lagu Aasaasay Puntland 1998 – Qob. 6aad, lifaaqa 1aad farqadiisa 2aad; oo qeexayay in 5 xubnood sigaar ah loogu qoondeeyo haweenka gobolkiiba 1 xubin ah, ayadoo haweenku xubnaha haray ee 61da ah u tartami karaan. Xiligaas Puntland waxay ahayd 5 gobol iyo degmo. Hadda gobollada Puntland waa 9 gobol iyo in ka badan 50 degmo.

- Qobodbka 12aad ee dastuurka Puntland oo dammaanad qaadaya xuquuqda sinnaanta muwaadiniinta, mamnuucayana dhammaan nooc walba oo faquuq ah oo lagula kaco qof muwaadin ah.

- Sharcigii Doorashooyinka Golayaasha Degaanadda Puntland, Qodobka 17.3, oo qeexayey in liis kasta ee musharaxnimo shanta (5) magac ee ugu horaysa in aysan ahaan rag ama dumar soocan.

- Habraacii ka-qaybgalka haweenka iyo dadka nugul ee doorashooyinka Golaha Degaanka Puntland ee lagu doortay 36 degmo, oo qeexayey in liiska musharixiinta saddexdiiba mid ay noqoto haween.



Hadaba,
Bulshada rayidka ah ee Puntland waxay qiraysaa in ay weli jirto baahidii loo sameeyey shuruucdaan kor ku xusan, taas oo ah in aysan haweenka Puntland weli heli karin fursad lagu doorto ama lagu magacaabo, sababo la xiriira hab-dhaqanka bulshada, dhaqaalaha iyo nidaamka wax ku qayb-siga beelaha ee bulshada ku raagay.

Waxaa jiray fadhiyo badan oo lala yeeshay Guddiga doorashooyinka (PEC), Xisbiyada Siyaasadda, Wasaaradaha Arimaha Gudaha, Haweenka, iyo Cadaaladda iyo daneeyayaal/ masuuliyiin kala duwan si loo hubiyo shuruuc doorasho loo dhanyahay.

Waxaase ayaan darro ah in dhamaan dadaaladaas horay loo tijaabiyey ay noqdeen kuwo aan la tixgalin oo xeerka doorashooyinka qabyo-qoraalka ah ee loo qaybiyey xisbiyada siyaasadda aysan ku jirin qodobo qeexaya qoondo ama kuraas loo cayimay haweenka iyo dadka nugul.

Waxaan cod dheer ku muujinaynaa hadii aan xeerkaan doo rashooyinka lagu darin qoondada haweenka ee 30% ama aan kuraas loo cayimin haweenka, in aan la heli doonin matalaad haween oo dhamaystiran. Sidaas darteed, Bulshada Rayidka ah gaar ahaan haweenka Puntland, ma taageeri doonaan shuruuc doorasho oo aan xaqiijinayn matalaad loo dhanyahay.

Ugu dambayn, waxa aan Guddiga Doorashooyinka Puntland, Xisbiyada Siyaasadda iyo Golayaasha Dawladda ugu baaqaynaa in ay wax ka badal ku sameeyaan xeerka qabyo-qoraalka doorashooyinka, kuna daraan qoondada haweenka ee 30% ama kuraas haweenka loo cayimay.

Baaqaan waxaa ku saxiixan:
1. Dalladda Ururada Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA)
2. Xarunta Horumatinta iyo Cilmi-baarista Puntland (PDRC)
3. Ururka Warbaahinta Puntland (MAP)
4. Dalladda Dhalinyaradda Puntland (PYAN)
5. Uuruka Gabdhaha Qareemadda Puntland (PUWLA)
6. Hanbile Youth Development Initiative
7. Somali Women and Youth Concern (SWYC)
8. KAALO Aid and Development
9. NASIIHA FOUNDATION

FG. Bulshada rayidku waxay diyaar u tahay wax ku biirinta xeerarka dib-u-eegista lagu samaynayo, lakiin arinta matalaadu waa arin u baahan ka jawaabis deg-deg ah.

Wa bilaahi towfiiq

19/11/2025

Markii Puntland la aas-aasay, haweenku waxay ku lahaayeen Golaha Wakiillada 5 xildhibaan.
Maanta, iyadoo nidaamka doorashooyinka uu soo maray horumar iyo ballaarin, haddana kaliya 1 xildhibaan oo haween ah ayaa ku jira Baarlamaanka.

Sidaas awgeed, Bulshada Rayidka ah ee Puntland ayaa soo saaray baaq wadajir ah oo ku saabsan astaynta kuraasta haweenka, iyagoo ku baaqay in la hubiyo matalaad cadaalad ah oo haweenka Puntland ay xaq u leeyihiin.

⸻

Address

Garowe, Puntland
Garowe
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Women and Youth Concern posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share