17/06/2026
Manta Garowe arbaco 17-jun-2026
Maanta waxaan booqasho rasmi ah ku tagnay xarunta PUNSAA , oo ah dalladda mideysa ururrada bulshada rayidka ah ee Puntland, halkaas oo si diirran oo sharaf leh naloogu soo dhaweeyey.
Wafdiga PDDO waxaa hogaminayay Gudomiyaha Guddiga Fulinta PDDO Abdiaziz M. Oomaar iyo masuuliyiin katirsan Golaha Sare iyo Golaha Fulinta .
Intii uu kulanku socday, waxaan si rasmi ah ugu wareejinnay hogaanka sare ee PUNSAA buugga “Naqshadaynta Nidaamyada Doorashooyinka”, oo ah turjumaad Af-Soomaali ah oo loogu talagalay kobcinta fahamka nidaamyada doorashooyinka, xoojinta wacyiga dimuqraadiyadeed, iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka muwaadiniinta ee geeddi-socodka doorashooyinka.
Kulanka ayaa ku qabsoomay jawi isfaham iyo wada-tashi ku dhisan, waxaana si qoto dheer looga wada hadlay doorka muhiimka ah ee bulshada rayidka ahi ku leedahay horumarinta dimuqraadiyadda, kor u qaadidda wacyiga bulshada, kobcinta dowlad-wanaagga, iyo taageeridda geeddi-socodka doorashooyinka Puntland.
Waxaan sidoo kale isla qaadannay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya ururrada bulshada rayidka ah, si loo abuuro bulsho xog ogaal ah, ka qaybqaadata arrimaha guud, una diyaar ah inay door muuqda ka qaadato dhismaha mustaqbalka dimuqraadiga ah ee Puntland.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Guddoomiyaha dalladda bulshada rayidka ah Puntland ee PUNSAA mudane Abdirahman Abdirisak Abdirahman iyo agasimaha fulinta Dahir Farah Hussien soo dhoweyntii qiimaha lahayd, wada-hadalladii miro-dhalka ahaa, iyo sida wanaagsan ee ay u muujiyeen diyaarinta iskaashi ku salaysan wadajir, is-ixtiraam, iyo himilooyin horumarineed oo la wadaago.
PDDO waxay aaminsan tahay in hay’adaha bulshada rayidka ahi ay yihiin tiir muhiim u ah dhismaha dimuqraadiyad waarta, waxaana naga go’an inaan la shaqayno dhammaan hay’adaha iyo daneeyayaasha ka shaqeeya horumarinta dimuqraadiyadda, dowlad-wanaagga, iyo ka qaybgalka shacabka ee Puntland iyo Guud ahaan ba Soomaaliya
Pluralism Democratic & Development Organization PDDO
PDDO – Promoting Democracy, Political Pluralism and Inclusive Development.