18/10/2026
Qaar ka mid ah xubnaha PDDO ayaa ka qaybgalay kulan soo-dhaweyn iyo is-xogwaraysi ah oo ay soo qabanqaabiyeen haldoorka dhallinyarada Gobolka Mudug, kaas oo ay hoggaaminayeen Isu-duwihii h**e ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Gobolka Mudug iyo Agaasimaha Wacyigelinta iyo Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Mudug.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isbarashada, is-weydaarsiga fikradaha iyo xoojinta iskaashiga dhallinyarada iyo bulshada rayidka ah.
PDDO waxay bogaadinaysaa dadaallada lagu xoojinayo midnimada, iskaashiga iyo doorka dhallinyarada ee horumarinta bulshada.