26/04/2026
Waxaa mahad iska leh illahay si guul leh noogu hirgashay mashruuc muhiim ah oo lagu taageerayo 30 arday oo aan awoodin inay helaan fursado waxbarasho oo ku filan. Ujeedadeennu waxay ahayd inaan kaalin muuqata ka qaadanno horumarkooda iyo mustaqbalkooda, taasoo runtii noqotay mid miro dhal ah.
Waxaana si gaar ah ugu mahadcelineynaa Schoolka Mahamud Osman iyo maamule LIIBAAN MAXAMED MAXAMUUD BAAFE oo naga garab istaagay hirgelinta qorshahan, iyo sidoo kale ururka SAME Organization oo door weyn ka qaatay abaabulka iyo fulinta howlaha.
Waa tallaabo muhiim ah oo leh saameyn weyn waxaana rajeyneynaa in dadaalladan ay sii socdaan si arday badan oo aan awoodin kharashka waxbarashada loo gaarsiiyo iftiinka waxbarashada. 📚✨