25/12/2025
Albinism
Albinism waa xaalad hidde-sideed (genetic condition) oo naadir ah, taas oo ku timaadda marka jirku uusan soo saarin ama uu aad u yareeyo maadada loo yaqaan melanin. Melanin-ku waa maadada midabka siisa maqaarka, timaha, iyo indhaha, isla markaana ka ilaalisa qorraxda. Dadka qaba albinism waxay leeyihiin midab aad u cad, arag daciif ah, isla markaana u nugul dhibaatooyin caafimaad iyo takoor bulsho.
Sida uu ku Bilowdo Albinism
Albinism waxa uu ku bilowdaa marka ilmuhu ka dhaxlo hidde-sidaha albinism labada waalid ama midkood, inkasta oo waalidku aysan lahayn astaamaha muuqda ee albinism. Xaaladdani ma aha cudur la kala qaado, mana ku timaaddo cunto xumo, sixir, ama ciqaab Ilaah. Waa xaalad lagu dhasho oo la xiriirta hidde-sidaha qofka.
Sababaha Albinism
Sababta ugu weyn ee albinism waa isbeddel (mutation) ku yimaadda hidde-sidaha mas’uulka ka ah soo saarista melanin. Isbeddelkan wuxuu carqaladeeyaa habka uu jirku u sameeyo midabka. Sababaha kale ee lala xiriiriyo fahamka khaldan ee bulshada waxaa ka mid ah:
• Aqoonta oo yar iyo wacyigelin la’aan
• Rumaysnaanta sheeko dhaqameedyo aan cilmi ku salaysnayn
• Takoor iyo faquuq bulsho oo ka dhasha faham la’aan
Saamaynta Caafimaad iyo Bulsho
Dadka qaba albinism waxay la kulmaan dhibaatooyin caafimaad sida:
• Arag daciif ah ama indho xanuun
• Iney u nuglaadaan Kansarka maqaarka sababta oo ah melanin la’aan
• Dhibaatooyin bulsho sida takoorka, kaftan xun, iyo ka reebid waxbarasho ama shaqo
Wacyigelin Bulsho
Gebogabadii, albinism waa xaalad hidde-sideed oo dabiici ah, taas oo aan la xiriirin cudur la kala qaado, cuqubo, ama arrimo diimeed. Si kastaba ha ahaatee, dadka qaba albinism waxay la kulmaan caqabado caafimaad, nafsiyeed, iyo bulsho oo ay ugu wacan tahay aqoon la’aanta iyo fahamka khaldan ee bulshada.
Waxaana lagu yareen karaa fahamkaas khaldan in la sameeyo qodobadaan hoose.
1. Kobcinta Wacyigelinta Dadweynaha
In bulshada lagu baraarujiyo xog cilmiyeed sax ah oo ku saabsan albinism, si loo tirtiro khuraafaadka iyo aaminaadaha khaldan.
2. Ilaalinta Caafimaadka
In bulshada la nool Albinism lagu dhiirrigeliyo isticmaalka kareemka qorraxda, koofiyadaha, iyo samaynta baaritaano caafimaad oo joogto ah, gaar ahaan si looga hortago kansarka maqaarka iyo dhibaatooyinka aragga.
3. Taageerada Waxbarashada
In ardayda qaba albinism la siiyo fursado waxbarasho oo siman, classes ku haboon, qalab arag-caawin, iyo macallimiin tababaran.
4. La-dagaallanka Takoorka iyo Faquuqa
In la adkeeyo sharciyada iyo siyaasadaha ka hortagga takoorka, isla markaana la dhiirrigeliyo ixtiraamka xuquuqda dadka qaba albinism.
U adeegayaasha bulshada Soomaaliyeed.
We care. One community. No exclusivity.