Biikón Environment & Climate Change

Biikón Environment & Climate Change Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Biikón Environment & Climate Change, Non-Governmental Organization (NGO), Global, Garowe.

Biikón is a youth-led organization driving environmental advocacy and climate action through education, reforestation, and community cleanups for a greener future.

Hambalyo Agaasimaha Cusub Ee Hay’adda BiikónHay’adda Biikón Environment and Climate Change waxay ku faraxsan tahay inay ...
30/03/2026

Hambalyo Agaasimaha Cusub Ee Hay’adda Biikón

Hay’adda Biikón Environment and Climate Change waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo in Isack Abdullahi Mohamed loo magacaabay Agaasimaha Fulinta (Executive Director) ee hay’adda.

Waxaan ugu Hambalyaynaynaa Isack mas’uuliyaddan cusub, waxaana rajeyneynaa hoggaan miro-dhal ah oo sii xoojiya himilada Biikón

Mudane Isxaaq Cabdullaahi Jiire , Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha Hay’adda Biikón Environment and Climate change , ayaa k...
07/02/2026

Mudane Isxaaq Cabdullaahi Jiire , Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha Hay’adda Biikón Environment and Climate change , ayaa ka qayb galay Shir Goboleedka Geeska Afrika oo ka dhacay Itoobiya, kaas oo diiradda lagu saarayay Dhallinyarada, Nabadda, iyo xalka waara (YPS) . Wuxuu shirka ku matalay Hay’adda Biikón, isagoo ka qayb qaatay doodaha ku saabsan nabad-dhiska iyo horumar waara oo ay hoggaaminayaan dhallinyaradu.

28/11/2025
Agaasime ku xigeenka Hay’adda Biikón Cabdiraxmaan Axmed iyo Madaxa Waaxda Cilmi-baarista Faatima Cabdirisaaq ayaa hay’ad...
13/10/2025

Agaasime ku xigeenka Hay’adda Biikón Cabdiraxmaan Axmed iyo Madaxa Waaxda Cilmi-baarista Faatima Cabdirisaaq ayaa hay’adda Biikón ku metelay Shirka la-tashiga qorshaha shanta sano ee Puntland Ministry of Environment and Climate Change, kaas oo lagu qabtay magaalada Garowe.

Kulanka ayaa qayb ka ah qorshaha horumarineed ee guud ee Dowladda Puntland, kaas oo lagu dhisayo istaraatiijiyad waarta oo lagu horumarinayo adeegyada deegaanka, maamulka daaqa, iyo la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada.

Biikón waxay soo dhoweysay dadaalka Wasaaradda ee lagu dhisayo qorshe istiraatiiji ah oo daahfuran, isla markaana ku saleysan talooyinka bulshada, jaamacadaha, iyo ururada deegaanka, si loo gaaro horumar waara iyo deegaan nadiif ah.

07/10/2025

Mahbub abdalla, Madaxa Isgaarsiinta ee Biikón, ayaa calaamad ka turjumeysa safarka haa'yadda si fudud ugu sharaxay ka qaybgalayaasha shirka dhalinyarada Soomaaliyeed ee isbeddelka cimilada Local Conference of Youth Somalia LCOY – Puntland.

Qaybtan gaaban waa tusaale dhiirigelin ah oo ka hadleysa halka aan ka bilownay safarka Biikón iyo sababta aan ugu heellanahay ilaalinta deegaanka.

Kasoo Daawo muuqaalka oo dhameystiran YouTube-ka Biikón: https://youtu.be/nU3JrqQteYM 🌍💚

Hay’adda Biikón oo Ka qaybgashay Shirka Isbeddelka Cimilada, Caddaaladda Dhaqaale iyo Maalgelinta Horumarinta Bulshada, ...
28/09/2025

Hay’adda Biikón oo Ka qaybgashay Shirka Isbeddelka Cimilada, Caddaaladda Dhaqaale iyo Maalgelinta Horumarinta Bulshada, kaas oo 28 Sebtembar 2025 ka qabsoomay magaalada Garoowe.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray xiriirka ka dhexeeya isbeddelka cimilada, caddaaladda dhaqaale, iyo maalgelinta horumarinta bulshada.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay SCAP waxa uu xoogga saaray qodobbada ay ka mid yihiin:

• La qabsiga isbeddelka cimilada iyo adkeysiga bulshada
• Maamulka kheyraadka dabiiciga ah iyo sida bulshada uga faa’iideyso
• Fursadaha iyo caqabadaha maalgelinta deegaanka
• Doorka bulshada rayidka ah ee u doodista caddaaladda deegaanka iyo dhaqaale

Shirka waxaa Hay’adda Ku Matalayay Agaasime Kuxigeenka Hay’adda Abdirahman Ahmed Aden

𝐁𝐢𝐢𝐤ó𝐧 𝐓𝐮𝐫𝐧𝐬 𝐎𝐧𝐞!⁣Today, we proudly celebrate 1 year of impact in driving environmental advocacy and climate action in S...
28/09/2025

𝐁𝐢𝐢𝐤ó𝐧 𝐓𝐮𝐫𝐧𝐬 𝐎𝐧𝐞!

Today, we proudly celebrate 1 year of impact in driving environmental advocacy and climate action in Somalia.

Since our founding, Biikón has been committed to empowering youth, engaging communities, and championing sustainable practices that strengthen resilience against environmental shocks and climate change.⁣

Over the past year, we have:⁣

𝐌𝐨𝐛𝐢𝐥𝐢𝐳𝐞𝐝 𝐲𝐨𝐮𝐭𝐡 𝐚𝐧𝐝 𝐜𝐨𝐦𝐦𝐮𝐧𝐢𝐭𝐢𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐭𝐫𝐞𝐞 𝐩𝐥𝐚𝐧𝐭𝐢𝐧𝐠 𝐚𝐧𝐝 𝐜𝐥𝐞𝐚𝐧-𝐮𝐩 𝐜𝐚𝐦𝐩𝐚𝐢𝐠𝐧𝐬.⁣

𝐑𝐚𝐢𝐬𝐞𝐝 𝐚𝐰𝐚𝐫𝐞𝐧𝐞𝐬𝐬 𝐨𝐧 𝐜𝐥𝐢𝐦𝐚𝐭𝐞 𝐜𝐡𝐚𝐧𝐠𝐞 𝐭𝐡𝐫𝐨𝐮𝐠𝐡 𝐞𝐝𝐮𝐜𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐚𝐧𝐝 𝐰𝐨𝐫𝐤𝐬𝐡𝐨𝐩𝐬.⁣

𝐁𝐮𝐢𝐥𝐭 𝐩𝐚𝐫𝐭𝐧𝐞𝐫𝐬𝐡𝐢𝐩𝐬 𝐭𝐡𝐚𝐭 𝐩𝐫𝐨𝐦𝐨𝐭𝐞 𝐬𝐮𝐬𝐭𝐚𝐢𝐧𝐚𝐛𝐢𝐥𝐢𝐭𝐲 𝐚𝐧𝐝 𝐜𝐨𝐦𝐦𝐮𝐧𝐢𝐭𝐲 𝐫𝐞𝐬𝐢𝐥𝐢𝐞𝐧𝐜𝐞.⁣

This milestone is not just about 𝐥𝐨𝐨𝐤𝐢𝐧𝐠 𝐛𝐚𝐜𝐤-𝐢𝐭’𝐬 𝐚𝐛𝐨𝐮𝐭 𝐛𝐮𝐢𝐥𝐝𝐢𝐧𝐠 𝐟𝐨𝐫𝐰𝐚𝐫𝐝.

Together, we are shaping a future where every Somali plays a role in environmental stewardship and climate resilience.⁣

𝐀𝐜𝐭 𝐓𝐨𝐝𝐚𝐲 𝐟𝐨𝐫 𝐅𝐮𝐭𝐮𝐫𝐞 𝐒𝐮𝐬𝐭𝐚𝐢𝐧𝐚𝐛𝐢𝐥𝐢𝐭𝐲

Mudane Isxaaq Cabdullahi iyo Marwo Faatimo Cabdirisaaq ayaa ku metelay hay’adda Degaanka iyo Isbedelka Cimiladda Biikón,...
20/09/2025

Mudane Isxaaq Cabdullahi iyo Marwo Faatimo Cabdirisaaq ayaa ku metelay hay’adda Degaanka iyo Isbedelka Cimiladda Biikón, Shirka Saadaasha Cimiladda Puntland (PCOF2025), oo ay qabanaysay Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimiladda Puntland.

Shirkan oo maanta ka lagu qabtay magaalada Garowe ayaa lagu falanqeynayaa saadaasha roobka iyo xaaladaha cimilada, iyadoo diiradda la saarayo dhisidda awood wadajir ah si Puntland loogu diyaariyo ka hortagga khataraha cimilada iyo abaaraha soo noqnoqda.

Biikón waxay markasta qayb ka tahay wadahadallada iyo iskaashiga lagu xoojinayo qorshayaasha waxqabad ee deegaanka iyo ka hortagga khataraha dabiiciga ah.

20/09/2025

Mr. Cabdiqani Xayir "Waxaan dhegaystay AUN Raysal wasaarihii h**e Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Nugaashan ku dhashay ayaa yiri; markii aan dhashay dhulkaan waxaan ku arki jiray Maroodi, markaa Maroodi dhulkuu ku noolan karo siduu u egyahay waa qiyaasi karnaa, maantayna Sagaaro xataa meeshan kuma noolan karto...."

20/09/2025

"Annigu gurigayga waxaan u adeegsadaa 200 geed, oo aan diwaangashay meesha laga helo, magaciisa, magaciisa Cilmiyeed...." —Maxamuud Shire; Cilmibaare.

20/09/2025

Nabadoon Shanlayste "Haddeer dad cawaana baa dhulka shida, oo aan waxba ogayn, maalina wax loo xariiqin, waxay shidaan Geedka nool oo boqolka noole ku noolyihiin, oo Caleenta leh....."

18/09/2025

Sh.Yaasiin Cabdi Cagacadde "Nebigu NNKH wuxuu xadiis ku yiri: ma jiro qof Muslim ah oo geed beeray, ilaa hadduu beero sadaquu u yahay"

Address

Global
Garowe
0000

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Biikón Environment & Climate Change posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share