Dalladda Aflax - Aflah Alumni

Dalladda Aflax - Aflah Alumni Dalladda Aflax (Aflah Alumni) waxaa ku midaysan aqoonyahanka Soomaaliyeed ee wax ka bartay jaamacadaha Ethiopia.

Dalladda ayaa u taagan isku xirka xubnaha aqoonyahankaas, taageerada da'yarta wax baratay/baranaya iyo ka qayb-qaadashad horumarka bulshada.

28/03/2025

Highlights: Kulan afur ah oo ay isugu yimaadeen aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Ethiopia wax ku soo bartay. Kulanka oo ay soo qabanqaabinaysay Dalladda Aflax - Aflah Alumni ayaa ka dhacay caasimadda Puntlad ee Garowe.


26 March 2025, Garowe: Kulan afur ah oo ay isugu yimaadeen aqoonyahanka Soomaaliyeed, gaar ahaan Reer Puntlad, ee Ethiop...
27/03/2025

26 March 2025, Garowe: Kulan afur ah oo ay isugu yimaadeen aqoonyahanka Soomaaliyeed, gaar ahaan Reer Puntlad, ee Ethiopia wax ku bartay ayaa ka qabsoomay caasimadda Puntlad ee Garowe.

Kulanka oo daarranaa is barasho guud, xog is waydaarsi iyo xoojinta midnimada ardaydii horay wax uga soo baratay Ethiopia, ayaa waxaa soo agaasimay xubnaha Dalladda Aflax - Aflah Alumni ee Garowe.

Waxa ay madashu kulmisay jaal iyo akhyaar isu hiloobay, kuwaas oo horay ugu bahoobay jaamacadihii kala duwanaa ee ay wax ku soo barteen. Isku xirnaan iyo wadajir ayaa ugu dambayn lagu ballamay.


Garowe, Puntlad, Somalia.

Qoraa Maxamed Cabdirisaaq Diiriye oo ka mid ah xubnaha Dalladda Aflax, ayaa caawa buuggiisii labaad ku soo bandhigay Gar...
20/09/2024

Qoraa Maxamed Cabdirisaaq Diiriye oo ka mid ah xubnaha Dalladda Aflax, ayaa caawa buuggiisii labaad ku soo bandhigay Garowe.

Dhiganaha oo lagu magacaabo Mar La Arag, waa buug mala-awaal ah (novel), kaas oo qoraagu si heersare ah ugu soo gudbiyay sheekooyin la xiriira tacaddiyada iyo takoorka ay la kulmaan haweenka Soomaaliyeed.

Xubno ka mid ah Dalladda Aflax oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Faarax Jaamac Faarax iyo akhyaar kale ayaa ka qayb galay bandhigga buugga.

ยฉ๏ธ Dalladda Aflax 2024

26/06/2024

๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐Ÿ๐Ÿ” ๐‰๐ฎ๐ฎ๐ง ๐Ÿ๐Ÿ—๐Ÿ”๐ŸŽ - ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ’

Maanta waxay ku beegan tahay sanad guuradii 64-aad ee maalintii gobollada waqooyi ee Soomaaliyeed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska. Waa maalin taariikhi ah oo xusuus gaar ah ku leh quluubta ummadda Soomaaliyeed.

26-ka Juun 1960, gobollada waqooyi waxay heleen xorriyadooda iyaga oo noqday dawlad madaxbannaan tii u horraysay ee ka dhalata gobollada Soomaaliyeed. Maalintani waxay astaan u tahay isku duubnida, midnimada, iyo halgankii dheeraa ee ay shacabka Soomaaliyeed u galeen inay gaaraan xorriyad buuxda.

Waxaa muhiim ah inaan xasuusanno geesiyaashii naftooda u huray xorriyadda iyo madax-bannaanida, iyo sidoo kale inaan ku dadaalno ilaalinta iyo horumarinta dalka aan jecel nahay.

Aflax ahaan waxa aan u hambalyeynaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan maalintan qaaliga ah. Ilaahay ha barakeeyo dalkeenna iyo dadkeenna Soomaaliyeed.

๐‹๐š๐›๐จ-๐๐จ๐ ๐ฅ๐š๐ฒ๐ง ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ (๐’๐จ๐œ๐ข๐š๐ฅ ๐ƒ๐ข๐ฅ๐ž๐ฆ๐ฆ๐š) -- ๐“๐ฎ๐ซ๐ฃ๐ฎ๐ฆ๐ข๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐จ๐จ๐ค๐จ๐จ๐›๐ข๐ - ๐Ÿ W/Q: Aisha Salah ๐‘ธ๐’‚๐’š๐’ƒ๐’•๐’‚ 3๐’‚๐’‚๐’…: ๐‘ซ๐’‰๐’Š๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’•๐’๐’๐’š๐’Š๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ซ๐’‚๐’‰๐’”๐’๐’๐’ ...
11/06/2024

๐‹๐š๐›๐จ-๐๐จ๐ ๐ฅ๐š๐ฒ๐ง ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ (๐’๐จ๐œ๐ข๐š๐ฅ ๐ƒ๐ข๐ฅ๐ž๐ฆ๐ฆ๐š) -- ๐“๐ฎ๐ซ๐ฃ๐ฎ๐ฆ๐ข๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐จ๐จ๐ค๐จ๐จ๐›๐ข๐ - ๐Ÿ

W/Q: Aisha Salah

๐‘ธ๐’‚๐’š๐’ƒ๐’•๐’‚ 3๐’‚๐’‚๐’…: ๐‘ซ๐’‰๐’Š๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’•๐’๐’๐’š๐’Š๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ซ๐’‚๐’‰๐’”๐’๐’๐’ ๐’†๐’† ๐‘ฉ๐’‚๐’“๐’‚๐’‰๐’‚ ๐‘ฉ๐’–๐’๐’”๐’‰๐’‚๐’…๐’‚

โ€œWaxa aan doonayaa in ay dadku ogaadaan in la la socdo oo la ogyahay dhaqdhaqaaqyadooda, waxyaabaha ay daawanayaan, meelaha ay booqdaan, xitaa muddada ay ku qaadato in ay sawir eegaan ama muuqaal daawadaan waa ay xisaabsantahay.

Waa ay la socdaan marka aad murugaysan tahay, ama kalinimo dareemayso, marka aad daawanayso sawirrada qof aad xiriir la lahayd, iyo meelaha aad waqtigaaga ku qaadato saq-barka.
Ma qof furfuran baa tahay mise qof xirxiran, Shakhsiyaddaadu nooca ay tahay IWM.

In ka badan inta uu sawiran karo caqliga baniโ€™aadanku ayay xogta qof walba u hayaan.โ€ Waxaa sidaa yiri mid ka mid ah shaqaalaha Twitter/X.

Dhammaan xogaheenna shakhsiyadeed ee aan gudbino waxaa lagu quudiyaa siistamyada kambiyuutarrada, kuwaas oo mar ba marka ka dambaysa ku sii fiicnaanaya saadaalinta waxa aan qabanaynno ama qaban doonno iyo dabeecadaheennaba. Dabcan kambiyuutarradu waa caqli gacan ku samays ah, awooddiisa xog-kaydin iyo xog-diris ba aanay marna u dhigmayn tan baniโ€™aadamka. Meelaha aad booqato, muuqaallada aad daawato iyo dhammaan waxyaabaha aad ka falcelisay ayaa laga abuurayaa tusmo(tusaale) qaab dhismeedka baniโ€™aadamka leh, isla mar ahaantaana adiga ku metalaya.

Marka ay tusmadaas abuuraan kambiyuutarradu waxa ay saadaalin ogyihiin dhaqdhaqaaqyadaada, muuqaallada aadan ka xiiso dhacayn iyo waxyaabaha dareemahaaga la falgala si ay kaaga dhigaan qof si joogto ah u isticmaala aaladooda.

Garaadka Gacan-ku-samayska ahi(Artificial intelligence) waa uu sii hormarayaa, illaa ay awood u yeesheen inay saadaaliyaan waxa nagu sii hayn kara isticmaalka taleefannada.

๐‘ฎ๐’–๐’๐’‚๐’‚๐’๐’‚๐’…: ๐‘ป๐’‚๐’๐’๐’๐’š๐’Š๐’

Nidaamka ay ku shaqeeyaan baraha bulshadu waxa weeye in ay si joogto ah u helaan dhugmadaada(attention). Haddaba si ay taasi ugu hirgasho waxa ay kuu soo bandhigayaan muuqaallo kala duwan si ay u arkaan falcelintaada iyo waxyaabaha aad xiisayso.

Waxa ay doonayaan in aad xayaysiisyadooda daawato oo ay lacag kaa sameeyaan iyo in aad u ahaato macmiil noloshaada inta ka dhimman. Muuqaallada ay kuu soo jeediyaan(recommend) wa dabin, waxa ay ku dilayaan ikhtiyaarkaaga, ogaalkaaga iyo waqtigaagaba.

Waxaa la ma huraan ah inaad tallaabooyinkaan qaado si aad uga nabad gasho dhibaatooyinka baraha bulshada:

B- Iska xir ogeysiisyada(notifications) aaladaha baraha bulshada oo dhan wixii aan markaas muhiim kuu ahayn.

T- Ha daawan muuqaallada ay kuu soo jeediyaan(recommend) Facebook iyo YouTube, se adigu dooro muuqaallada aad daawanayso. Haddii aad marwalba daawato muuqaallada uu ku hor keeno youtube, waxaad dhiirrigelinaysaa sidii ay marwalba u jaan-goyn lahaayeen waxyaabaha ay tahay inaa daawato taasoo kaa dhigaysa qof aan ka lug bixin youtube maadama ay fahmeen waxa aad xiisayso iyo qaabkii ay kaaga faaโ€™iidi lahaayeen.

J- Inta aadan faafin warbixin baraha bulshada taalla, fadlan iska hubi saxnaanteeda.

X- Ku dadaal inaad daalacato warbixinno kala duwan si ay u kobocdo maskaxdu; daawo aragtiyo ka duwan kuwa aad aaminsantahay.

KH- Ka ilaali carruurta adeegsiga baraha bulshada, ugu yaraan inta ay ka gaarayaan dugsiga sare.

๐‹๐š๐›๐จ-๐๐จ๐ ๐ฅ๐š๐ฒ๐ง ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ (๐’๐จ๐œ๐ข๐š๐ฅ ๐ƒ๐ข๐ฅ๐ž๐ฆ๐ฆ๐š) -- ๐“๐ฎ๐ซ๐ฃ๐ฎ๐ฆ๐ข๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐จ๐จ๐ค๐จ๐จ๐›๐ข๐ W/Q: Aisha Salah ๐‘ฏ๐’๐’“๐’…๐’‰๐’‚๐’„ Barnaamijkaan oo dukumintari ah ...
07/06/2024

๐‹๐š๐›๐จ-๐๐จ๐ ๐ฅ๐š๐ฒ๐ง ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ (๐’๐จ๐œ๐ข๐š๐ฅ ๐ƒ๐ข๐ฅ๐ž๐ฆ๐ฆ๐š) -- ๐“๐ฎ๐ซ๐ฃ๐ฎ๐ฆ๐ข๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐จ๐จ๐ค๐จ๐จ๐›๐ข๐

W/Q: Aisha Salah

๐‘ฏ๐’๐’“๐’…๐’‰๐’‚๐’„

Barnaamijkaan oo dukumintari ah waxaa soo diyaarisay shabakadda Netflix, waxaa daadihiyaal ka ah xirfadlayaal tiknoolajiyadda bartay isla mar ahaantaana ka shaqayn jiray shirkadaha kala duwan ee Google, Youtube, Twitter, Facebook, Instagram, pintrest IQK.

Waxa ay qaadaa-dhigayaan saamaynta taban ee baraha bulshadu sida gaarka ah ugu yeelatay maskaxda bani-aadanka (gaar ahaan, dhallinyarada iyo carruurta) siyaasadda, dhaqaalaha, iyo jiritaankeenna umaddeed ba.

Dukumintari waa muuqaallo laga soo sameeyay dhacdooyin dhacay ama qaddiyado taagan sida tan hadda mawduucani ku saabsanyahay, iyada oo la soo xiganayo diraasaad la sameeyay iyo dhacdooyinka sannadihii ugu dammeeyay lagu hadal hayay warbaahinta caalamiga ah, waxaana lagu marti qaadaa barnaamijyada noocaan ah aqoonyahannada ogaalka u leh arrimaha lagu gorfaynayo barnaamijka, ugu dambaynna waxaa laga guntaa talooyin dhaxal gal ah.

Dukumintarigan lagu waraysanayo aqoonyahannada, waxaa lagu gees wadaa jilliin(drama) yar oo xiiso leh(documentary-drama). Waxaa si fudud loogu muujinayaa saamaynta taban ee baraha bulshadu ku leedahay qoysaska.

Mawduuca dukumintariga dhammaantii ma turjumin, waxaan se awoodda saaray inta ugu muhiimsan oo aan u kala qaybiyay dhawr qaybood, anigoo u eegayay saamayntooda.

๐‘ธ๐’‚๐’š๐’ƒ๐’•๐’‚ 1๐’‚๐’‚๐’…: ๐‘ซ๐’‰๐’Š๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’•๐’๐’๐’š๐’Š๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ฉ๐’‚๐’“๐’‚๐’‰๐’‚ ๐‘ฉ๐’–๐’๐’”๐’‰๐’‚๐’…๐’‚ ๐’†๐’† ๐‘บ๐’Š๐’š๐’‚๐’‚๐’”๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ต๐’‚๐’ƒ๐’‚๐’…๐’…๐’‚

Shirkadda Twitter/X markii la asaasay 14 sano ka hor, cidna kuma fekerin in laga dhex abaabuli karo kacdoon siyaasadeed. Waxaa marag ma doonto ah in kacdoonno badan oo siyaasadeed, falal argagixisannimo, dagaallo sokeeye iyo kuwo diimeed oo ka dhacayay dunida daafaheeda sannadihii la soo dhaafay ay sabab u ahaayeen wararka aan sal iyo raadka lahayn ee la soo geliyo baraha bulshada.

Markii Corona Virus dillaacay, dad badan ayaa isla dhex qaaday warar aan meel loo raaco lahayn, kuwo cudurka ka dhigayay mid sahal ah iyo qaar u beddalayay aragtiyo shirqool, isla mar ahaantaana Ameerika ku eedaynayay in ay iyadu โ€œvirusโ€-ka samaysay. Waxaan ka guurnay casrigii wararka sugan oo aan u guurnay casrigii marin habaabinta.

โ€œWaxaan samaynay โ€˜systemโ€™ u janjeera faafinta xogaha been abuurka ah waayo, dadku ma jecla runta, runta waa lagu caajisaa. Maaha inaan annagu doonayno inaan been sheegno ama soo gudbino, kaliya waxa weeye in xogaha beenta ah lacag badan laga samayn karo.โ€ Waxaa sidaa yiri mid ka mid ah afhayeennada shirkadahaas.

Dhacdooyin taariikhda baal madow ka galay muddooyinkii la soo dhaafay dhammaantood waxaa laga hirgeliyay Facebook; bal sawiro sidee u ekaan kartaa dawlad goโ€™aammadeeda siyaasadeed laga jaangoynayo facebook? Waa burbur siyaasadeed oo baaxaddiisa leh. Xumaanta dadku haddii ay bannaanka u soo baxdo, waxaa dhacaya dabargoโ€™ ummaddeed waayo, waxaa lumaya anshaxii, isqaddarintii iyo samo-ka-talis-kii.

๐‘ธ๐’‚๐’š๐’ƒ๐’•๐’‚ 2๐’‚๐’‚๐’…: ๐‘ซ๐’‰๐’Š๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’•๐’๐’๐’š๐’Š๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ด๐’‚๐’”๐’Œ๐’‚๐’™๐’†๐’†๐’… ๐’†๐’† ๐‘ฉ๐’‚๐’“๐’‚๐’‰๐’‚ ๐‘ฉ๐’–๐’๐’”๐’‰๐’‚๐’…๐’‚

Tiktok maanta ma jiro wiil ama gabar qaangaar ah oo laga dhaadhacsiin karo iska tuur aaladdaan. Waxa ay ku abuurtay dhallinyarada u dhaxaysa daโ€™da 14 illaa 19 loollan ay dhammaystirnaan โ€œperfectionismโ€ ku doonayaan, heer uu ilmihii dalbanayo qalliinno qurxin ah si uu u noqdo dhammays, ceeb ka saliim ah.

Haddaba marka la waydiiyo waalidka maxaa taleefan ugu gadaysaa ilmo 16 sano ka yar, waxa ay ku dhahayaan, โ€œsaaxiibadii ba waa ay leeyihiin,โ€ waa na cudurdaar foolxun runtii. Waalidku ha ogaadaan in ilmahaan bed-qabkiisa maskaxeed, qiimahiisa nafsadeed iyo firfircoonidiisu ba meesha ka baxayso.

La soco qaybaha dambe.

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dalladda Aflax - Aflah Alumni posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dalladda Aflax - Aflah Alumni:

Share