Midnimo Women Network

Midnimo Women Network Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Midnimo Women Network, Nonprofit Organization, Garowe, Garowe.

Midnimo Women Network (MN) Established in 2020 by a coalition of women’s rights organizations and activists, MWN aims to strengthen the capacities of women’s rights organizations and address the issues of women's subordination and violence.

05/09/2026

Khudbadda munaadabadda khitaamka serdiga qur’aanka kareemka Ah ee 400 oo gabdhood oo xufaad ah ee Gudoomiyaha Dalladda ururadda Haweenka ee aan dowliga ahayn ee Midnimo Women Network Ifrah A. Farah

: Taariikhda Islamka iyo doorka haweenka ee garab istaaga dowaladii Islamka , dhanka dhawalaadha , siyaasadda , amniga , waxbarashada , caafimaadka iyo la-talinta Nabi muhamed NNKH ay ku lahayeen haweenku.

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

Qaybta 1: Hordhac, Mahadnaq, iyo Soohdin Dhiirrigelin Ah

Alxamdu Lillaahi Rabbil-Caalamiin, was-salaatu was-salaamu calaa Rasuulillaah, wa calaa’AAlihi wa saxbihi ajmaciin.

Walaalaha sharafta leh ee xufaada ah , macallimiinta qiimaha badan ee doorka ku lahaa wadada xiftinta kitaabkeena munasalka ah ee qur’aanka kareemka , howl wadeenadda soo agaasimay kulan khayreedkaan ee ducaadda ah , iyo dhammaan martida qiimaha leh ee maanta halkan ku kukulansan waxaan idinku salamayaa salaanta ugu Sharaf badan ee la isku salaamo ee Salaamu alaykum warahmatulaahi wa barakaatuhu , bacda salaam..

Waxaan mahad balaaran oo sharaf leh u celinaynaa Eebbe Weyne (S.W.T) oo inoo sahlay inaan maanta isugu nimaadno kulankan barakaysan oo lagu xusayo, lagu weyneynayo, lagu garab-istaagayo Nalka Cilmigga iyo Xifdiska Kitaabka Ilaahay.

Waxaan si gaar ah mahad-naq, iyo hambalyo kalsooni leh oo qalbigayadeena ka timi u diraynaa gabdhaha ducaada ah ee u taaggan faafinta diinta Islaamka iyo abaabulka kulankan baaxadda leh ee kiciso koowaad an kaga qayb-galay magaladda qardho , galabta oo Jimce ahna aan khitaamka 30ka jus ee xufaada gabdhaha Ah ugu madlan-nahay garowe . Waxaan xushmad gaar ah u hibaynayaa gabdhahah dacwada iyo gudiga qaban-qaabada munaadabadaan muhiimka Ah.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelinaynaa xubnaha halkan ku sugan eeka tirsan Midnimo Women Network, oo ay ugu horayso Sheekha Huda Al-Jabiri, qaybna ka ah qaban qaabadda shirkaan gaar ahaan qaybta culimada iyo dacwada daladda gacanta ku haysa Una xildaaran arimaha diiniga ah ee daladda. waxaa midnimo women network ka go’an u istaagida diinta islamka iyo ku yeelashada door muuqda dacwada islam , waxayna bogaadinaysaa soona dhawaynaysaa Aqoonyahannada Diinta islamka ee haweenka ah iyo cid kasta oo gacanta ka geysatay abaabulka munaasabaddan khayriga ah.

Maanta waa maalin taariikhi ah. Waxaan halkan ku haysannaa illaa 400 oo gabdhood oo Xufaadh ah kuwaas oo laabtooda ku kaydiyay xiftiyayna Quraanka Kareemka ah. Hambalyo iyo bogaadin ayaan u diraynaa gabdhahaas, macallimiintooda juhdiga weyn geliyay, iyo waalidiinta soo barbaariyay nalkan u iftiimaya Islamka

Qaybta 2 aad: Qiimaha Quraanka Kareemka Ah iyo Xifdigiisa
Rabbiga Weyne wuxuu Quraanka ku sifeeyay inuu yahay Nuur, Hanuun, iyo Shifa. Surat Yunus: aayada 57 aad waxay ina leedahahay..

‎يَا أَيُّهَا النَّاسُ قَدْ جَاءَتْكُم مَّوْعِظَةٌ مِّن رَّبِّكُمْ وَشِفَاءٌ لِّمَا فِي الصُّدُورِ وَهُدًى وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ

Aayaddani waxay caddaynaysaa in Quraanku yahay dawo iyo bogsiin u ah xanuunada ruux iga Ah iyo laabta ka, waxayna dhiirrigelinaysa in bulshadu ku hanuunto marka ay bartaan oo ku tadaburaan.

Nbi Muxammad (S.W.T/NNKH) wuxuu yidhi: خَيْرُكُمْ مَنْ تَعَلَّمَ الْقُرْآنَ وَعَلَّمَهُ
Kiina i ugu khayrka badan waa kan bartay Quraanka ka dibna baray
Xadiiskani wuxuu ina tusinayaa in heerka ugu sarreeya ee sharaf iyo khayr uu leeyahay qofka Quraanka barta iyo macallinka u taaggan inuu kuwo kale baro. — [Saxiix Al-Bukhari]

Xifdiga Quraanku ma ahan oo kaliya inaad kalmada xafiday ee, waa inaad laabta ku qaaado iftiin, akhlaaq, iyo hab-dhaqanka ay xambaarsantahay ayaadkasta oo kamid ah qur’aanka . Gabdhaha guryaha iyo bulshada ku dhex jira ee Quraanka xifdiyay waxay yihiin tiirarka mustaqbalka dhisaya bulsho xaq, aqoon, iyo dhowrsanaan ku dhisan. Ajar iyo sharaf ka weyn ma jiri lahayn in waalidiinta gabdhahan loo xiro Taajka Sharafta Maalinta Qiyaame sababta ogaanshaha iyo xifdiga Kitaabka Ilaahay.awgeed

Qaybta 3 aad : Doorkii Gabdhaha Islamka ee Taariikhda Islamka, Garab-Istaagga, iyo Talooyinkii Nabiga (NNKH)

Si aan u waynayno doorka gabdhaha Muslimaad ka ah ee manta, waxaynu jalleeci doonaa taariikhda dahabiga ah ee gabdhaha Islamka iyo doorkii ay ku lahaayeen duwalkii islaamka iyo taageerada dacwada, maamulka, iyo garab-istaagga Nabiga (NNKH).
1. Garab-Istaagga iyo Hiilka Dacwada
• Khadijah Bintu Khuwaylid (R.A رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ): Waxay ahayd qofkii ugu horreeyay ee rumeeya dacwada Islamka. Markii uu waxyigu ku soo degay Nabiga (NNKH) oo uu baqayay, waxay tiri kalmadeedii caanka ahayd: "Ilaah ma kugu dullayn doono waligaa, sababtoo ah waxaad xiriirisaa qaraabada, waxaad caawisaa miskiinka." Waxay ku bixisay hanteeda iyo niyaddeeda oo dhan garab-istaagga dacwada.
‎كَلَّا وَاللَّهِ مَا يُخْزِيكَ اللَّهُ أَبَدًا، إِنَّكَ لَتَصِلُ الرَّحِمَ، وَتَحْمِلُ الكَلَّ، وَتَكْسِبُ المَعْدُومَ، وَتَقْرِي الضَّيْفَ، وَتُعِينُ عَلَى نَوَائِبِ الحَقِّ»
Khadijah waxay tilmaantay sifooyinka wanaagsan ee Nabiga (NNKH) si ay niyaddiisa u dhisto, iyadoo noqotay garabka ugu horreeyay ee dacwada Islamka ku istaagta.

• Sumayyah Bintu Khayyaar (R.A رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ): Waxay ahayd shahiiddadii ugu horreysay ee Islamka, taas oo caddaysay in haweenku yihiin kuwa ugu horreeya nafhurnimada iyo ku-adkaysiga Iimaanka.

2. Talooyinkii Saamaynta Lahaa ee Nabiga (NNKH) la Siiyay
Haweenku ma ahayn oo kaliya taageerayaal, waxay ahaayeen la-taliyayaal xeel-dheer oo go'aannada waaweyn ee dowladda Islamka wax ka beddelay..

Umm Salama (Hind Bintu Abi Umayyah - R.A رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ): Xilligii Sulxu Al-Hudaybiya (Heshiiskii Hudaybiya), markii saxaabadu ka xumaadeen shuruuddii adkayd ee Qureysh oo ay amarkii Nabiga (NNKH) ee ahaa in madaxa la xiiro si uga soo istaageen , Umm Salama waxay Nabiga (NNKH) siisay talo siyaasadeed xeel-dheer oo tiri: "Rasoolka Allaahayow dibadda u bax, uga h**ee, madaxana xiiro oo cidna ha la hadlin waa iyada dhahaysa . يَا نَبِيَّ اللَّهِ، أَتُحِبُّ ذَلِكَ؟ اخْرُجْ ثُمَّ لاَ تُكَلِّمْ أَحَدًا مِنْهُمْ كَلِمَةً، حَتَّى تَنْحَرَ بُدْنَكَ، وَتَدْعُوَ حَالِقَكَ فَيَحْلِقَكَ» " Markay saxaabadu arkeen Nabiga (NNKH) oo saas sameeyay, dhammaantood way ku raaceen, waxaana lagu baajiyay kala-qaybsanaantii ciidanka. Tani waxay ahayd fikrad ka timid gabar waana talo siyaasadeed ahna mid hoggaamineed oo caqli-gal ah. Waana calamdaha hogaanka islamka in aad ficilka wanaagsan uga horayso cida aad hogaamiso .

• Asmaa Bintu Abi Bakr (R.A رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ): Waxay ka ciyaartay door istiraatiiji ah hijradii Makkah illaa Madiina iyadoo cunto iyo wararka ama farimha ciidan u gaarsiin jirtay Nabiga (NNKH) iyo aabaheed Aabi Bakar oo ku jiray Godka Thawor.

Qaybta 4aad: Doorkii Gabdhaha ee Dagaalladii Islamka
Haweenku ma ahayn oo kaliya kuwo guryaha jooga oo taageeradda diinta laabta ku haysta ee waxay si toos ah uga qaybqaateen safka h**e ee dagaallada iyagoo gaarsiinta sahayda, daryeelka caafimaad, iyo xataa hub-qaadka difaaca ah fulinayay

1. Dagaalkii Uhud (3 AH):

o Nusaybah Bintu Ka'b (Umm Cumaara - R.A): Markii ciidankii Islamka la jabiyay oo Nabiga (NNKH) halis galay, Nusaybah waxay qaadatay seef iyo gaashaan waxayna difaactay Nabiga (NNKH) iyadoo gaysatay dhowr iyo toban dhaawac oo culus. Nabigu (NNKH) wuxuu yidhi: مَا التَفَتُّ يَمِينًا وَلاَ شِمَالًا يَوْمَ أُحُدٍ إِلاَّ وَأَنَا أَرَاهَا تُقَاتِلُ دُونِي» "Abaare kasta oo aan jalleeco xagga midig ama bidix, waxaan arkayay Umm Cumaara oo igu difaaceysa seefta."
Nabigu (NNKH) wuxuu markhaati uga furay geesi-nimada gabadhan oo aan muujin wax cabsi ah xilli raggii qaarkood ay dib u gurteen.

o Aisha Bintu Abi Bakr iyo Umm Sulaym (R.A): Waxay garbaha ku sideen qoolalka biyaha si ay uga waraabiyaan mujaahidiinta dhaawacan iyagoo daryeel caafimaad first aid-ka fidinayay.

2. Dagaalkii Al-Khandaq / Dhufeysyada (5 AH After Hijrah - الهِجْرِيَّة):

o Safiyyah Bintu Abdil-Muttalib (R.A): Waxay ahayd eeddada Nabiga (NNKH). Markii Yuhuudda Banu Qurayda ay jebiyeen heshiiskii oo ay weerareen guryaha dumarka iyo carruurta lagu khaarajiyay, Safiyyah waxay dhulka ka qaadatay tiir alwaax ah oo ay ku dishay basaas Yuhuudi ah oo guryaha u soo dhawaaday, iyadoo baajisay weerar culus oo soosocdey oo uu u basaasayay.

3. Dagaalkii Hunayn (8 AH):

o Umm Sulaym Bintu Milhaan (R.A): Waxay dagaalka ku gashay mindi weyn. Markii Nabiga (NNKH) uu ka wareystay sababta, waxay tidhi: "Waxaan u wataa si aan ugu gooyo calaasha qof kasta oo gaal ah oo ku soo dhawaada."

4. Dagaalkii Yarmouk (13 AH):

o Khawlah Bintu Al-Azwar (R.A): Dagaalkii looga soo horjeeday Boqortooyadii Romanka, Khawlah waxay muujisay geesinimo fardoolayn iyo xeelad ciidan oo cajiib ah iyadoo u dagaallantay si geesi-nimo leh si ay walaalkeed Dirar uga badbaadiso gacanta Romanka.

Part 5: Doorkii Hoggaamineed iyo Dhismaha Dowladdii Islamka
Xilliyadii kala duwanaa ee dowladihii Islamka, haweenku waxay saameyn muuqata ku lahaayeen maamulka dowladda , daryeelka bulshada, iyo aqoonta:-
1. Alshifaa Bintu Abdallah (R.A) waxay ahayd macalimad iyo sidoo kale maaareeyahaya xafiiska Kormeerka ganacsiga iyo sakadda ee (Hisbah) xiligi cumar Bin Al-khattaab
2. Fatima Al-Fihri waxay ahayd asaassaha jaamacadii ugu horaysay dunida (Al-Qarawiyyin, 859 M / Masar-Morocco), taas oo ahayd xaruntii aqoonta dowladdii Islamka
3. Shajaraat Al-Durr waxay si madax banana u hogaamisay dowladdii mamlukiyiinta xili dagaal adag oo ka dhan Ah saliibiyiinta lagu jiray .

Qaybta 6aad : Gabdhaha Loogu Bishaareeyay Jannada Iyagoo Adduunka Jooga
Ilaahay iyo Rasoolkiisa (NNKH) waxay sharaf gaar ah siiyeen haweenkii tusaalaha wanaagsan ahaa. Nabigu (NNKH) wuxuu sheegay in Haweenka ugu sarreeya Jannada ay yihiin afarta marwo ee kala ah:

‎أَفْضَلُ نِسَاءِ أَهْلِ الْجَنَّةِ: خَدِيجَةُ بِنْتُ خُوَيْلِدٍ، وَفَاطِمَةُ بِنْتُ مُحَمَّدٍ، وَمَرْيَمُ بِنْتُ عِمْرَانَ، وَآسِيَةُ بِنْتُ مُزَاحِمٍ
1. Khadijah Bintu Khuwaylid (R.A): Waxaa samada looga soo dhiibay salaan gaar ah oo ka timid Allah iyo Jibriil (A.S), iyadoo loogu bishaareeyay aqal Jannada ku yaal oo aan lahayn saxmad , buuq iyo daal toona .

2. Fatima Bintu Muhammad (R.A): Gabadhii Nabiga (NNKH) iyada oo ah Sayidadda haweenka jannada u weyn.

3. Maryam Bintu Imraan: Hooyadii Nabi Ciise (A.S), oo Eebbe ku sifeeyay dhowrsanaan iyo adeecid.

4. Aasiya Bintu Masaaxim: Xaaskii Fircoon ee dooratay aqalka jannada beddelkeeda carshiga adduunka iska nacdey.

Xadiiskani wuxuu xusayaa 4-ta marwo oo tusaalaha ugu sarreeya u ah dhammaan dumarka Muslimiinta ah marka la eego Iimaanka, sabirka, iyo dhiirrigelinta dacwada.

Qaybta 7aad : Gunaanad iyo Dhiirrigelin
Walaalahayga qiimaha leh, gabdhaha 400 oo Xufaadhka ah ee maanta halkan fadhiya:

Taariikhdaas dahabiga ah ee aan soo xusnay ma ahan oo kaliya sheekooyin h**e, ee waa manhaj nool! Idinku maanta waxaad tihiin beddelka Khadijah, Aisha, Nusaybah, iyo Fatima Al-Fihri. Waxaad laabta ku haysataan Kitaabkii Ilaahay, waxaana idinka horreeya door hoggaamineed, mid dacwo, iyo mid dhismaha bulshada.oo manta tusaale idiinku ah abaabulka iyo isku dubaridka khayrka manta aynu halkaan umadlan-nahay .

Waxaan mar kale mahadcelin laabta ka soo go'day u diraynaa anoo ka masuula inta ugu badan haweenka Puntland ee khayrka jeel iguna amaanaystay gudbinta mahadcelintaan , guddiga qabanqaabada , gabdhaha dacwadda , macalimiinta , xufaada iyo hoggaanka qaybta Diinta ee Midnimo Women Network ee ay hogoaminayso Sheekha Huda Al-Jabiri, , iyo waalidiinta tacab khayraadka galiyay gabdhooda.

Ilaahay ha idin barakeeyo, Quraankana ha idinku hanuuniyo adduun iyo aakhiro.anagana hanaga dhigo kuwo idnku dayda .
Midnimo waa madashiina , waa meeshiina waana mu’ayidkiina.
Waxaan balan waadaynaa inaan door muhiim Ah ku yeelano ka shaqaynta dacwadda Islamka iyo hagida gabdhaha muslimaadka Ah , munaasabad kasta oo lagu taageerayana waxaan ahaan doonaa kuwa u istaaga oo aan ka daalin .
Wassalamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

Dalladda Midnimo Midnimo Women Network oo wakiiladda ka ah qoraa Suuban Bootaan waxay idinku casumaysaa bandhigo dhigana...
02/09/2026

Dalladda Midnimo Midnimo Women Network oo wakiiladda ka ah qoraa Suuban Bootaan waxay idinku casumaysaa bandhigo dhiganaha Buuga xaawaley oo ah buug u gaar ah dhamaan hablaha somaliyeed , buugaani waa buug xambaarsan sheekooyinka in kabadan 50 haweenka oo African Ah oo caalamka meeqaam sarre ka gaaray hogaanka dhanka , siyaasadda? Waxbarashada, caafimaadka , Dhaqalaha iyo horumarka bulshada , waa buug huwan jihayn, horumarin iyo dhiiri galin , waana buug aynu kawada faa’iidi doono cilmi iyo waaya arag nimo ay inoo soo koobtay qoraaga da’Ada yar ee inoo qortay !

Bandhigu wuxuu ka dhacayaa jaamacadda Frunteir University habeendanbe oo Ah khamiis 6:30pm dayrkeeda wayn , Waxaa ku jiri doona , is dhex-gal haweenka Ah , is barasho iyo is fahan!

Bandhigaani wuxuu u khaas yahay haweenka oo kaliya, ma jiri doonaan ka qayb-galayal rag Ah.

19/08/2026

Gudoomiyaha Daladda ururadda aan dowliga ahayn ee Midnimo Women Network Marwo Ifrah A. Farah ayaa si rasmi Ah uga qayb-gashay kulanaka tartanka safiiradda qur’aanka ee maanta ka furmay magaaladda qardho.

Kulankaan ay isugu yimaadeen gabdhaha xufaadda qur’aanka Ah ayaa gudoomiyuhu maanta ku lahayd mawduuc ku saabsan “ Taariikhda Islamka , Doorka haweenka islamku ka qaateen dhismaha duwalkii islamka, dhanka siyaasadda , amniga , caafimaadka , dagaaladii kala duwanaa ee dhacay xiligii dowladu soo ifxaysay iyo talooyinkii macno-halka ahaa ee haweenku ku biiriyeen Nabigeena muhamed NNKH”

Dalladda Midnimo Women Network oo bogaadin iyo mahad-celin u dirayaa unity4Her oo ku qabatay madasha  "HAGOOG MEETUP" EE...
08/08/2026

Dalladda Midnimo Women Network oo bogaadin iyo mahad-celin u dirayaa unity4Her oo ku qabatay madasha "HAGOOG MEETUP" EE DEGMADA QARDHO

QARDHO, PUNTLAND— Dalladda *Midnimo Women Network waxay bogaadin, hambalyo iyo mahad-celin u diraysaa hoggaanka iyo hawl-wadeennada Ururka Unity4Her oo ah urur xubint ka Ah Dalladda , nasashaas oo si Heersare Ah uga qabsoontay 7-8 august 2026

Kulankan gaarka ah oo ay isugu yimaadeen haldoorka, aqoonyahanka, dhalinyaradda iyo xirfadlayaasha haweenka degmada Qardho, wuxuu ahaa madal muhiim ah oo diiradda lagu saaray toosinta iyo xoojinta arrimaha hortabinta u leh bulshada gaar ahaan haweenka sida:

Is-dhexgal iyo Awoodsiin: Dhisida xiriir wadajir ah iyo kor u qaadida doorka haweenka.

Xoojinta Dhaqanka iyo Iskaashiga:: Muujinta hiddaha dhaqanka iyo suugaant , lagu soo bandhigay suugaan, Sawir-gacmeedyo iyo alaabta dhaqanka

Nabad-adkaynta iyo Horumarka:Muujinta doorka hoggaamineed ee haweenku ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka iyo arrimaha dhaqan-dhaqaale.

Dalladda Midnimo Women Network waxay si khaasa ugu mahad-celinaysaa agaasinka sida sharafta iyo milgaha leh u muujiya howlkarnimada iyo awooda isku tiirsanaanta haweenku leedahahay ee hogaanka u Ah Unity4her gaar ahaan. Najma Ahmed , Shamis Abdirahman iyo Najma Awil .

Dalladdu waxay bogaadinaysaa dadaaladda iyo uqareemida ay ka wadaan gobolada ururadda Haweenka aan dowliga ahayn ee ka tirsan daladda .

Dalladda Midnimo Women Network waxay sii wadi doontaa dhiirrigelinta, taageerada, iyo sii wadida dadaallada haweenku ugu jiraan xaqiijinta doorka haweenka , dowlad dhiska nabad-adkaynta iyo horumarka guud ahaan deegaannada Puntland.

Dalladda  Midnimo Women Networkoo Bogaadisay Shirweynaha Isu-tashiga Haweenka Gobolka Mudug ee Ka Dhacay Magaaladda Gaal...
08/08/2026

Dalladda Midnimo Women Networkoo Bogaadisay Shirweynaha Isu-tashiga Haweenka Gobolka Mudug ee Ka Dhacay Magaaladda Gaalkacyo

GAALKACYO – Dalladda Midnimo Women Network waxay u hambalyaynaysaa bogaarinaysaana maamuuska iyo miro-dhalka Shirweynaha Isu-tashiga Haweenka Gobolka Mudug, kaasi oo si heer sare ah ugu qsoosoomay magaalada Gaalkacyo.

Shirweynahaan oo ahaa mid taariikhi ah ayaa waxaa soo qabanqaabiyay qaar ka mid ah gabdhaha miisaanka iyo saamaynta ku leh Guud ahaan Puntland iyo gaar ahaan gobolka Mudug.

Qabanqaabada shirka waxaa hoggaaminayay Marwo Aasha Geelle Diiriye (Wasiir h**e, Xildhibaan h**e, Siyaasiyad ahna Danjire Nabadeed iyo Dowlad-dhis, isla markaana ka mid ah Guddiga Sare ee Dalladda Midnimo Women Network ahna Sii-hayaha Guddoomiyaha Guddiga BOD-da Dalladda). Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa qabanqaabada Shukri Abdi, oo ah xubin ka tirsan Dalladda Midnimo Women Network, iyo Fatima Gaashaan, oo ka mid ah dhalinyaradda aqoonyahanka ah ee ugu firfircoon Gobolka Mudug si weyn ugu dhaqdhaqaaqda arrimaha bulshada iyo xaaladaha gaarka ah ee ka jira gobolka.

Shirkaan, oo ay gabdhuhu isku tirsadeen gacanta ka helayeen dhexdooda, ayaa ujeeddadiisu ahayd u midowga dhibaatooyinka ay haweenku dhinac kasta ka wajahaan, iyadoo si gaar ah xoogga loo saaray tayaynta iyo garab-istaagga kaalimaha ay kaga jiraan noolasha bulshada Gobolka Mudug.

Kaalimaha Waaweyn ee Shirweynuhu Xoogga Lagu Saaray Waxaa ka mid ahaa

Caafimaadka: Horumarinta xannaanada hooyada iyo dhalinta, iyo garab-istaagga xirfadlayaasha caafimaadka.

Ganacsiga: Xoojinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa waaweyn ee ay haweenku maareeyaan iyo u-qareemidda fursado dhaqaale.

Hoggaaminta & Siyaasadda: Xoojinta ka qayb-qaadashada haweenka ee go'aan-qaadashada, doorka matalaadeed iyo dhismaha dowladnimada.

Culimada & Xirfadaha: Garab-istaagga haweenka aqoonta u leh diinta, barayaasha, iyo kuwa xirfadaha gacanta lagu shaqeysto leh.

Ciidanka & Haldoorka: Qiimeynta iyo dhiirrigelinta haweenka ka tirsan ciidamada amniga iyo haldoorka horusocodka bulshada.

Dalladda Midnimo Women Network waxay rajaynaysaa kuna rajo-weyntahay in shirkaan ay ka soo baxaan go'aanno, hawllo, iyo talabooyin lagu heshiiyo oo si degdeg ah loo qaado, si ay isaga kaashadaan fulintooda iyo hirgelintooda dhabta ah.

Ugu dambayntii, waxaan u rajaynaynaa shirkan guul, is-afgarad, aqoon la is-dhaafsaday, iyo waaya-aragnimo wanaagsan oo haweenka Gobolka Mudug ku hagaysaa waxqabad iyo maradhal wax ku ool ah.



oo ✊



Championing Maternal Health and National Maternity Reform: Midnimo Women Network’s Keynote Address for World Breastfeedi...
04/08/2026

Championing Maternal Health and National Maternity Reform: Midnimo Women Network’s Keynote Address for World Breastfeeding Week 2026.

On behalf of Women-Led Organizations and in my capacity as the Chairperson of the Midnimo Women NetworkI extend our sincere gratitude to the Wasaaradda Caafimaadka Puntland Ministry of Health of the Puntland State of Somalia , specifically the Nutrition Department and its leadership for coordinating and facilitating this important week dedicated to World Breastfeeding Week, officially launched today in Garowe.

Annually, from August 1st to 7th, World Breastfeeding Week is observed globally. Spearheaded by the World Alliance for Breastfeeding Action (WABA) in collaboration with the World Health Organization (WHO) and UNICEF, this international campaign spans over 120 countries. Its primary objective is to advance public understanding, support systems, and protection for breastfeeding, recognizing it as a fundamental human right for both mother and child.

The Almighty Allah, who created humanity in the finest form, ordained the right to breastfeeding within the Holy Qur'an:-
‎وَالْوَالِدَاتُ يُرْضِعْنَ أَوْلَادَهُنَّ حَوْلَيْنِ كَامِلَيْنِ ۖ لِمَنْ أَرَادَ أَن يُتِمَّ الرَّضَاعَةَ ۚ وَعَلَى الْمَوْلُودِ لَهُ رِزْقُهُنَّ وَكِسْوَتُهُنَّ بِالْمَعْرُوفِ ۚ لَا تُكَلَّفُ نَفْسٌ إِلَّا وُسْعَهَا ۚ لَا تُضَارَّ وَال والدَةٌ بِوَلَدِهَا وَلَا مَوْلُودٌ لَّهُ بِوَلَدِهِ ۚ وَعَلَى الْوَارِثِ مِثْلُ ذَٰلِكَ ۗ فَإِنْ أَرَادَا فِصَالًا عَن تَرَاضٍ مِّنْهُمَا وَتَشَاوُرٍ فَلَا جُنَاحَ عَلَيْهِمَا ۗ وَإِنْ أَرَدْتُمْ أَن تَسْتَرْضِعُوا أَوْلَادَكُمْ فَلَا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ إِذَا سَلَّمْتُم مَّا آتَيْتُم بِالْمَعْرُوفِ ۗ وَاتَّقُوا اللَّهَ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ

"Mothers may breastfeed their children two full years for whoever wishes to complete the nursing period. Upon the father is the mothers' provision and their clothing according to what is acceptable. No person is charged with more than his capacity. No mother should be harmed through her child, nor is a father through his child. And upon the [father's] heir is [a duty] like that. And if they both desire weaning through mutual consent from both of them and consultation, there is no blame upon either of them. And if you wish to have your children nursed by a substitute, there is no blame upon you as long as you pay according to what is acceptable. And fear Allah and know that Allah is Seeing of what you do."
Surah Al-Baqarah (2:233)

Breastfeeding: A High-Return Investment for Mothers, Children, Families, and Society

Breastfeeding represents a legal, medical, and humanitarian imperative. Breast milk is the essential nutrient source required during the first six months of an infant's life; it is non-substitutable and irreplaceable. Investing in breastfeeding yields substantial health, economic, and social dividends for present and future generations. It provides optimal nutrition necessary for physical growth, immunological protection, and cognitive development.

The benefits extend beyond the infant:-
For the Mother: It accelerates maternal physiological recovery post-delivery, reduces the risk of breast and ovarian cancers, mitigates postpartum depression, and fosters a profound psychological bond between mother and child.

For the Family and Society: -Breastfeeding significantly lowers household healthcare expenses and commercial formula costs, laying the foundation for a healthy population and robust child development a critical prerequisite for national growth.

Global health authorities recommend Exclusive Breastfeeding for the first six months of life, during which the infant receives no additional water, alternative milk, or food, except prescribed medications.

Policy Advocacy, Maternity Leave Frameworks, and Commitments of the Midnimo Women Network

Despite these established benefits, many working mothers face structural challenges in sustaining exclusive breastfeeding for six months due to early return-to-work requirements. Consequently, maternity leave policy is a public health and national development strategy, rather than solely a labor rights issue.

The Puntland Government has taken a commendable step by granting female employees four (4) months of total maternity leave (comprising 2 months pre-natal and 2 months post-natal). While this represents significant progress, aligning policy with the 6-month exclusive breastfeeding standard requires re-evaluating the post-natal leave structure.

When combining four months of post-natal leave with one month of annual leave and standard weekend allowances, a mother approaches approximately 5 months and 20 days of leave closely approximating the recommended six-month exclusive breastfeeding period.

On this occasion, the Midnimo Women Network formally outlines the following commitments:

Advocacy for a Comprehensive 6-Month Maternity Leave Policy: We commit to sustained policy advocacy to secure a full 6-month post-natal maternity leave for working women, ensuring mothers have adequate time dedicated to infant care and nursing.

Community-Wide Awareness Campaigns: We will implement innovative, accessible, and inclusive public education strategies designed to reach mothers across all socio-economic educational and none educational backgrounds.

Endorsement of the Joint Commitment Declaration:

- The Midnimo Women Network remains deeply committed to safeguarding breastfeeding practices, and we are proud co-signatories of the official Breastfeeding Commitment Letter for a Joint Commitment Declaration.

Investing in maternal and child health is among the most effective long-term investments a government can make.

Let us collectively advocate to ensure that every mother in Puntland receives sufficient institutional support to practice exclusive breastfeeding a policy that benefits the mother, the child, the family, and the future of Puntland.

And Allah is the grantor of success.

Warbixin: wafti ay  hogaaminayso Guddoomiyaha Dalladda Midnimo Women Network oo Booqasho iyo Kormeér Ku Tagtay Xabsiga D...
30/07/2026

Warbixin: wafti ay hogaaminayso Guddoomiyaha Dalladda Midnimo Women Network oo Booqasho iyo Kormeér Ku Tagtay Xabsiga Dhexe ee Gobolka Nugaal

, Gobolka Nugaal- Guddoomiyaha Dalladda Ururrada Haweenka aan dowliga ahayn ee Midnimo Women Network Marwo Ifrah A. Farah iyo xubno ka tirsan Gudiga shuruucda Dalladda iyo Gollaha deegaanka caasimadda ayaa booqasho iyo kormeér shaqo ku tagay Xabsiga Dhexe ee Gobolka Nugaal.

Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd u-kuurgalida iyo xaal-ogaanshaha xaaladaha nolosha iyo bini'aadantinimo ee maxaabiista ku xiran xabsiga, gaar ahaan haweenka iyo carruurta ku dhex dhalatay xabsiga.

Booqashadan taariikhiga ah waxaa Guddoomiyaha ku weheliyay mas'uuliyiin sar-sare oo isugu jira madaxda gudiga shuruucda ee Dalladda iyo maamulka deegaanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1.Marwo Shamso Bile Said – Xeer-ilaaliyaha Gobolka Nugaal
2. Garyaqaanad Maryan Hassan Mohamed doog – Xubinta Guddiga Shuruucda ee Dalladda Midnimo Women Network
3.Xildhibaan Khadro Mohamed Hassan Carabay– Xubinta Golaha Deegaanka Caasimadda Garowe
*4.Xildhibaan Asma Farah Gambool– Xubinta Golaha Deegaanka Caasimadda Garowe

Intii ay ku jireen kormeérka, Guddoomiyaha waxay wareysi dheer oo xog-ogaansho ah la-yeelatay qaar ka mid ah gabdhaha maxaabiista Ah oo ay ka mid ahaayeen haween waqti dheer xirnaa oo carruur ku dhalay xabsiga gudihiisa iyo kuwa dhawaan la xukumay. Booqashada iyo waraysiga ayaa gudoomiyaha diiradda ku saartay.

Baahiyaha Gaarka ah ee Haweenka: gaar ahaan U-kuurgalida xaaladaha caafimaad, nadaafadeed, iyo baahiyaha dumarnimo ee gaarka ah ee ay ku nool yihiin gabdhaha xiran.

Xaaladda Carruurta: Qiimaynta xaalada bini'aadantinimo iyo koriimo ee carruurta ku dhalatay ama ku nool xabsiga gudihiisa.

Ugu danbayn taliyaha Xabsiga Dhexe ee Gobolka Nugaal, Mudane Mohamed Garyare ayaa mas'uuliyiinta si muuqata uga warbixiyay xaaladda guud ee xabsiga, tirada iyo xaaladda maxaabiista, iyo gaar ahaan xaaladda gaarka ah ee gabdhaha iyo carruurta. Taliyaha ayaa uga mahadceliyay Dalladda Midnimo Women Network iyo mas'uuliyiintii kale ee booqashada ku samaysay u-kuurgalida xaaladaha bini'aadantinimo ee maxaabiista.

Guddoomiye Ifrah oo booqashada soo afmeertay ayaa sheegtay in Dalladda Midnimo Women Network ay qaadayso hawl-gal u-qareemid ah iyo taageero sharci oo loo fidinayo haweenka maxaabiista ah iyo carruurtooda. Waxay balanqaadday in dalladdu u staagi doonto sidii loo hagaajin lahaa xaaladaha haweenka xiran, kor loogu qaadi lahaa xuquuqdooda sharciga ah, loogana jawaabi lahaa baahiyaha deg-degta ah ee la ogaaday intii kormeérku socday.

--- Dhamaaad …….

25/07/2026

Gudoomiyaha Dalladda MMidnimo Women Networkr. IIfrah A. Farahayaa booqatay suuq-yada ay ku ganacsadaan haweenka ganacsiga yar yar ee Hilibka, Qudaarta iyo caanaha .

U jeedada booqashaddeeda ayaa ahayd u kuu-galid xaaladaha dhaqaale, caqabadaha ay wajahaan iyo baahiyaha u baahan in degdeg looga jawaabo.

Gudoomiye Ifrah ayaa sidoo kale ku booqatay gurigeeda hooyo suuqa ka ganacsan jirtay hilibka korinaysay 6 caruura oo dayn badan oo lagu yeeshay uga baxdey , hadana wali aan laga bixin ee damiin lagaga soo daayay Caba iga dhexe.

Booqashada udoomiyaha ayaa kusoo beehmaysa xili madax-weynaha Puntland uu ku baaqay in haweenka ganacsiga yaryar haysta hoos loo eego oo kaga jawaabo baahiyahooda furitaanka shir-waynihii haweenka Puntland ee 18-7-2026 ka furmay magaladda Garowe .

23/07/2026

GAROWE . Dalladda Midnimo Women Network (MWN-SOM) oo ay ku midaysanyihiin ururadda aan dowlaha ahayn ee ay hogaamiyaan haweenku ayaa magaalada Garowe ku qabatay kulan heer sare ah oo isugu jiray casho-sharaf lagu maamuusay haweenka hoggaamiyeyaasha ah ee soo qabtay xilalka Kala duwan iyo soo jeedimo ku saabsan horumarinta hoggaanka haweenka Soomaaliyeed.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen in ka badan 150 haween soyaasiyiin iyo aqoonyahan ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Haweenka Puntland , Marwo Faiso Ali Ismail , Lataliye-ha arimaha haweenka ee madaxweynaha Ountland marwo Luul Mahamed Warsame , Gudoomiyaha Gudiga sare ee Board-ka Dalladda Marwo Asha Gele dirie, Assasaha ahna Gudoomiyaha Gudiga fulinta Marwo Dr. Ifrah abdinour Farah , wasiirro h**e, xildhibaanno h**e, mas'uuliyiin ka soo shaqeeyay dowladda Federaalka iyo dalalka Yurub, xeer-ilaaliyeyaal, ku-xigeenno duq magaalo, xubno h**e oo guddiyada doorashooyinka, garyaqaanno, dhakhaatiir, dhaqaaleyahanno, xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah, wakiillo ka socday hay'adaha caalamiga ah iyo haween kale oo door muuqda ku leh bulshada.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta isku xirnaanta haweenka, gudbinta khibradaha hoggaamineed ee jiilka cusub, dhiirrigelinta gabdhaha aqoonyahanka ah iyo diyaarinta hoggaamiyeyaal haween ah oo mustaqbalka door muuqda ka qaata siyaasadda, maamulka iyo horumarinta bulshada.

Intii uu socday kulanka waxaa lagu soo jediyay mowduucyo ay ka mid yihiin awood-siinta dhaqaalaha haweenka, adkaysiga iyo hoggaaminta, kaalinta waxbarashada iyo adeegga bulshada, taariikhda iyo doorka haweenka ee nabad-dhiska iyo dowlad-dhiska, caqabadaha hortaagan haweenka ee hoggaanka, iyo muhiimadda hagidda iyo tababarka (Mentorship & Life Coaching) ee jiilka cusub.

Guddoomiyaha Dalladda Midnimo Women Network oo ay weheliso Gudoomiyaha Gudiga sare ee Boardka ayaa uga mahad-celiyay dhammaan ka qeybgalayaasha, ayagoo xusay in kulamadan oo kale ay door muhiim ah ka qaataan kobcinta hoggaanka haweenka. Kulanka ayaa kusoo dhammaaday ballanqaad lagu xoojinayo wadajirka haweenka iyo diyaarinta jiil cusub oo hoggaamiya dalka.

Gudoomiyaha Dalladda Ururada Haweenka aan Dowliga ahayn ee Midnimo Women Network Marwo Ifrah A. FarahIfrah oo Halbeeg Cu...
19/07/2026

Gudoomiyaha Dalladda Ururada Haweenka aan Dowliga ahayn ee Midnimo Women Network Marwo Ifrah A. FarahIfrah oo Halbeeg Cusub u Dhigtay Falanqaynta Cadaaladda iyo Daryeelka Haweenka Puntland.

Waxaa magaaladda Garowe si habsami leh uga sii socda Shirweynaha Haweenka Puntland, kaasi oo maalintiisa labaad diiradda lagu saaray arrimo masiiri ah oo khuseeya mustaqbalka iyo xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Maalintii labaad ee shirka, waxaa falanqaynta Tiirka 3-aad oo ahaa “Daryeelka iyo Cadaaladda Haweenka” qayb-mug iyo miisaan leh ka qaadatay Gudoomiyaha Dalladda Ururada Haweenka ee aan Dowliga ahayn ee Midnimo Women Network, Marwo Ifrah Abdinour Farah.

Marwo Ifrah Abdinour Farah ma ahan oo kaliya hoggaamiye bulsho, dhab ahaantii waa khabiir aqoon qoto dheer u leh arrimaha cadaaladda iyo daryeelka, iyadoo dalka u soo qortay siyaasado dhowr ah oo heer qaran ah oo ay ka mid yihiin:
1. Siyaasadda Daryeelka Caruurta ee Qaranka
2. Siyaasadda Caruurta Darbi-jiifka Ah
3. Siyaasadda Ka-hortagga Guurka Qasabka Ah iyo kan Degdegga Ah (Horey u dhacay)
4. Fariintii Gudoomiyah ee Madasha
Intii uu doodu socday, Marwo Ifrah waxay si qoto dheer oo cilmiyaysan u falanqaysay baahida loo qabo sugidda cadaaladda iyo garsoor loo siman yahay. Waxay si adag u ku nuuxnuuxsatay in bulsho horumari karta aysan jirin haddii aan marka h**e la helin nidaam garsoor oo deegaansan, kaasi oo dammaanad qaadaya xaquuqda haweenka iyo qaybaha nugul ee bulshada.
"Cadaaladda iyo daryeelku ma ahan hadiyad la bixiyo, waa tiirka rasmiga ah ee lagu dhiso bulsho nabad ah, horumarsan, oo isku kalsoon.

Gudoomiyaha ayaa si weyn u boggaadisay abaabulka shirka iyo tiirka 3 aad ee Cadaaladda iyo Daryeelka , sidoo kalena codsatay hirgalinta aqoonta, khibradda, iyo talooyinka dhaxal-galka ah ee ay madasha ka jeediyeen falanqeeyayaashu.

Address

Garowe
Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midnimo Women Network posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Midnimo Women Network:

Shortcuts

Share