Midnimo Women Network

Call Website Contact the organization

Midnimo Women Network Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Midnimo Women Network, Nonprofit Organization, Garowe, Garowe.

Midnimo Women Network (MN) Established in 2020 by a coalition of women’s rights organizations and activists, MWN aims to strengthen the capacities of women’s rights organizations and address the issues of women's subordination and violence.

  Gudoomiyaha Dalladda ururadda Haweenka aan dowliga ahayn ee Midnimo Women Network Ifrah A. Farah ayaa kaga qayb-gashay...
02/10/2026

Gudoomiyaha Dalladda ururadda Haweenka aan dowliga ahayn ee Midnimo Women Network Ifrah A. Farah ayaa kaga qayb-gashay Degmada qardho daah-furka MaaMa Cambara Foundation oo Ah madal ay gabdhaha iyo haweenka reer qardho kubaran doonaana xirfadaha kala duwan ee farsamada gacanta .

School kaan farsamadda gacanta oo loogu magac-daray gudoomiyihii h**e ee Ururka haweenka ee degmada qardho oo ahayd u dhaqdhaqaaqe arimaha bulshadda ah, qaybna ka ahayd dhismaha dowladda Puntland Allaha uraxmado MaaMa cambaro ayaa Waxaa asaastay gabadheeda oo kamid ah xildhibaanadda gollaha deegaanka degmadda qardho Marwo faisa said 𝑨li

Allaha u naxariisto maamo cambaro waxay ahayd hooyo usoo shaqaysay dalkaan, door muhiim ah ka qaadatay arimaha bulshada , u adeegida danyarta, masaakiinta , agoonta iyo sidoo kale arimaha degdega Ah ee dalka soo wajaha , sida musiibooyinka dabiiciga Ah daadadkii iyo roobabkii magaaladda qardho dhiabaateeyay qoysas badan , xanuunkii sida ba’an u faafayay ee karoonaha , iyo u qareemida Umadii uu saameeyay .

Gudoomiye Ifrah oo ku hadashay afka Dalladda ururada aan dowliga ahayn ee Midnimo women Network waxay uga mahad-celinaysaa xildhibaan Faysa Said Ali oo Ah gabadheeda Assaasidda MaaMa Cambara foundation oo isaguna door muhiim Ah ka qaaadan doona soosaarida hablo xirfad-layaal ah oo bulshadooda iyo qoysaskooda u adeega , dhaqaale ahaan ku filnaada , waana qayb- kamid ah xasuusaha shaqoohinkii sidaa gaar Ah ay haweenka ugu qaban jirtay .

Dalladu waxay balan qaaday garab- istaag iyo wada shaqayno joogto ah !

Dhawaan Kala soco taariikhda maama cambaro oo kooban pagekan ….

Gudoomiyaha daladda ururadda Haweenka ee aan dowliga ahayn Midnimo Women Network Ifrah A. Farah oo ka qayb-gashay shir s...
22/09/2026

Gudoomiyaha daladda ururadda Haweenka ee aan dowliga ahayn Midnimo Women Network Ifrah A. Farah oo ka qayb-gashay shir sanadeedka nabadda ee Puntland Development Research Center-PDRC 2026 sanadkaana looga hadlayay ayaa jeedisay Mawduuc ku saabsan marxaladda haweenka ee kaqayb-galka siyaasadda Domalia , guulihii lagaaray, caqabadaha jira iyo xalal waara .

Gudoomiyaha ayaa cilmi-Baaris ka saysay shanta dowlad Goboleed iyo dowladda federalka Somalia gaar ahaan doorka hogaanka siyaaseed ee haweenka .

Mawduuca ayay gudoomiyuhu ku dartay taariikhada haweenka iyo doorkii dowladihii Islamka ay ka qaateen dowlad dhiska , latalinta, dacwadda Islamka iyo arimaha bulshadda , waxay sidii kale soo daliishatay ayaado qur’aan Ah oo ka hadlayay hogaanka dumarka iyo ahmiyadda khaaska Ah ee uleeyahay bulshada iyo kabitaanka dowlad bixisa adeeg dhamaystiran!

Inna Lillahi wa Inna Ilayhi Raji'un. (Indeed, to Allah we belong and to Him we shall return)Hawa Aden Mohamed was born i...
14/09/2026

Inna Lillahi wa Inna Ilayhi Raji'un. (Indeed, to Allah we belong and to Him we shall return)

Hawa Aden Mohamed was born in 1949 in Baidoa, Somalia. She completed her education both domestically and abroad. She held various key educational positions, serving in several roles within the Ministry of Education of Somalia. Following the outbreak of the Somali civil war, she relocated abroad and lived as a refugee in Canada for a period of time.

In 1995, she voluntarily returned to Somalia to assist in relief efforts for displaced populations. In 1999, she founded the renowned Galkayo Education Center for Peace and Development (GECPD) in Galkayo. This center became a sanctuary providing care, education, and vocational training for girls and women severely impacted by the ongoing conflict in the country. The deceased was an educator, a social worker, and a dedicated advocate for human rights.

International Awards and Honours for marhum Hawa Aden.

Hawa Aden Mohamed’s humanitarian and educational contributions earned her numerous international awards and recognitions, including:-

1. Woman of the Year Award (1994) Awarded by the Ontario Women's Directorate (Canada).
2. Voices of Courage Award (2001) Presented by the Women's Commission for Refugee Women and Children.
3. Golden Doves for Peace" International Award (2006) Awarded by the Italian organization Archivio Disarmo.
4. UNHCR Nansen Refugee Award (2012) One of the world's most prestigious humanitarian honors, awarded by the UNHCR in recognition of her vital services to displaced Somali women and girls.
5. TRT World Citizen Educator Award (2019) Conferred in recognition of her ambitious and unwavering role in education and community development.

While death is an inevitable truth, the Somali people will deeply miss the unforgettable legacy of MAMA HAWA ADEN CAMEEY**.

Condolence Message from Midnimo Women Network

The founder and chair-lady of MWN-SOM Ifrah A. Farah the entire staff and the members are extend their heartfelt condolences to the family, relatives, friends, and the entire Somali nation on the passing of the late Hawa Aden Mohamed (Mama Hawa). She was the wife of the late Abdirahman Abdille Shuke, one of the co-founders of the PDRC center, RIP both of them!

Mama Hawa was a national figure at the forefront of advocating for the rights of women and children, access to education, and served as the founder and long-time leader of the Galkayo Education Center for Peace and Development (GECPD). We pray to Almighty Allah to grant her the highest station in Jannatul Firdaus, and to grant patience and solace to her family, relatives, and all Somali people during this time of loss.

14/09/2026

Guddoomiyaha Dalladda Midnimo Women Network Ifrah A. Farah Oo Kulan Latashi Ah La Qaadatay Ururka Haweenka Naafada Ah (WARIS) Sido Kale kunwareejisay Deeq Waxbarasho Jaamacadeed sanad-le Ah oo ay iska kaa shadeen qaar kamid ah jaamacadaha Puntland iyo Dalladda ururada haweenka aan dowliga ahayn

14/09/2026

Guddoomiyaha Dalladda Midnimo Women Network Oo Kulan Latashi Ah La Qaadatay Ururka Haweenka Naafada Ah (WARIS) Sido Kale kunwareejisay Deeq Waxbarasho Jaamacadeed sanad-le Ah oo ay iska kaa shadeen qaar kamid ah jaamacadaha Puntland iyo Dalladda ururada haweenka aan dowliga ahayn

  Guddoomiyaha Dalladda ururada haweenka ee aan dowliga ahayn Midnimo Women Network ayaa  Kulan Latashi Ah La Qaadatay U...
13/09/2026

Guddoomiyaha Dalladda ururada haweenka ee aan dowliga ahayn Midnimo Women Network ayaa Kulan Latashi Ah La Qaadatay Ururka Haweenka Naafada Ah ee Women Disabilities association (WARIS) Sido Kale kunwareejisay Deeq Waxbarasho Jaamacadeed sanad-le ah oo ay iska kaashadeen waad kamid ah jaamacadaha Puntland iyo Dalladda.

Guddoomiyaha Dalladda Ifrah A. Farah ayaa kulankaan uga gol-lahayd xog-waraysi iyo la-tashi ay ugu kuur-gashay baahiyaha Kala duwan ee haweenka qaba baahiyaha gaarka ah maadaama ay ku kala baahi duwanyihiin dufuuraha naafanimadda kulanka ayaa Waxaa qayb ka ahaa maamulka iyo xubnaha Ururka Haweenka Naafada ah ee WARIS oo ka mid ah ururada ku midaysan dalladda Dalladda.

Sidoo kale gudoomiyaha Ururka haweenka naafada ah Samiiro caato ayaa jeedisay warbixin taabanaysa baahiyaha iyo Kala duwanaanshaha naafada Puntland iyadoo ku dartay Xalal waara oo ka turjumaya haqab-tirka kala duwanaanshaha iyo haqab-tirka baahiyaha naafanimada .

Guddoomiye Ifrah ayaa intii uu kulanku socday waxay maamulka ururka WARIS ku wareejisay Deeq Waxbarasho Jaamacadeed oo sanad-le noqon doonta oo joogto ah sidoo kale samaysay nala qaad-yo dhowra oo loogu qareemayo haweenka nugulka ah

Sida ay sheegtay gudoomiyaha dalladdu, skolarship-kan ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran oo ay MWN-SOM ku doanayso inay ku awood-siiso haweenka baahiyaha gaarka ah leh iyadoo loo marayo tayaynta waxbarashada sare iyo xirfadaha gaarka ah.

` ` ` ` ` ` ` ` ` ` `

Gudoomiyaha Dalladda Ururada Haweenka eee aan dowliga ahayn ee Midnimo Women Network  Ifrah A. Farah ayaa ka qayb-gashay...
10/09/2026

Gudoomiyaha Dalladda Ururada Haweenka eee aan dowliga ahayn ee Midnimo Women Network Ifrah A. Farah ayaa ka qayb-gashay xafladda qalin-jabinta dafcada 10aad ee Jaamacadda Boossaso university -Garowe.

09/09/2026

Gudoomiyaha Dalladda ururadda Haweenka ee aan dowliga ahayn ee Midnimo Women Network Ifrah A. Farah oo ka qayb-gashay xuska maalinta physiotherapy Aduunka ayaa u balanqaaday mushtaaq waxbarashada saree ee jaamacada , mushtaaq oo ahayd gabar kamid Ah ardayda ay ka samaysay waxbarashada xanuun la xiriira gacanta oo aan sifiican wax u qori Karin lagana cayriyay schoolka , ayaa hada loo sameeyay physicotherphy ka caafimaaday dhigatana Dugsiga sarre classka 3 aad , jaamacadeedana Waxaa balan qaaday Midnimo Women Network oo ay Gudoomiye Ifrah matalaysay!

05/09/2026

Khudbadda munaadabadda khitaamka serdiga qur’aanka kareemka Ah ee 400 oo gabdhood oo xufaad ah ee Gudoomiyaha Dalladda ururadda Haweenka ee aan dowliga ahayn ee Midnimo Women Network Ifrah A. Farah

: Taariikhda Islamka iyo doorka haweenka ee garab istaaga dowaladii Islamka , dhanka dhawalaadha , siyaasadda , amniga , waxbarashada , caafimaadka iyo la-talinta Nabi muhamed NNKH ay ku lahayeen haweenku.

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

Qaybta 1: Hordhac, Mahadnaq, iyo Soohdin Dhiirrigelin Ah

Alxamdu Lillaahi Rabbil-Caalamiin, was-salaatu was-salaamu calaa Rasuulillaah, wa calaa’AAlihi wa saxbihi ajmaciin.

Walaalaha sharafta leh ee xufaada ah , macallimiinta qiimaha badan ee doorka ku lahaa wadada xiftinta kitaabkeena munasalka ah ee qur’aanka kareemka , howl wadeenadda soo agaasimay kulan khayreedkaan ee ducaadda ah , iyo dhammaan martida qiimaha leh ee maanta halkan ku kukulansan waxaan idinku salamayaa salaanta ugu Sharaf badan ee la isku salaamo ee Salaamu alaykum warahmatulaahi wa barakaatuhu , bacda salaam..

Waxaan mahad balaaran oo sharaf leh u celinaynaa Eebbe Weyne (S.W.T) oo inoo sahlay inaan maanta isugu nimaadno kulankan barakaysan oo lagu xusayo, lagu weyneynayo, lagu garab-istaagayo Nalka Cilmigga iyo Xifdiska Kitaabka Ilaahay.

Waxaan si gaar ah mahad-naq, iyo hambalyo kalsooni leh oo qalbigayadeena ka timi u diraynaa gabdhaha ducaada ah ee u taaggan faafinta diinta Islaamka iyo abaabulka kulankan baaxadda leh ee kiciso koowaad an kaga qayb-galay magaladda qardho , galabta oo Jimce ahna aan khitaamka 30ka jus ee xufaada gabdhaha Ah ugu madlan-nahay garowe . Waxaan xushmad gaar ah u hibaynayaa gabdhahah dacwada iyo gudiga qaban-qaabada munaadabadaan muhiimka Ah.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelinaynaa xubnaha halkan ku sugan eeka tirsan Midnimo Women Network, oo ay ugu horayso Sheekha Huda Al-Jabiri, qaybna ka ah qaban qaabadda shirkaan gaar ahaan qaybta culimada iyo dacwada daladda gacanta ku haysa Una xildaaran arimaha diiniga ah ee daladda. waxaa midnimo women network ka go’an u istaagida diinta islamka iyo ku yeelashada door muuqda dacwada islam , waxayna bogaadinaysaa soona dhawaynaysaa Aqoonyahannada Diinta islamka ee haweenka ah iyo cid kasta oo gacanta ka geysatay abaabulka munaasabaddan khayriga ah.

Maanta waa maalin taariikhi ah. Waxaan halkan ku haysannaa illaa 400 oo gabdhood oo Xufaadh ah kuwaas oo laabtooda ku kaydiyay xiftiyayna Quraanka Kareemka ah. Hambalyo iyo bogaadin ayaan u diraynaa gabdhahaas, macallimiintooda juhdiga weyn geliyay, iyo waalidiinta soo barbaariyay nalkan u iftiimaya Islamka

Qaybta 2 aad: Qiimaha Quraanka Kareemka Ah iyo Xifdigiisa
Rabbiga Weyne wuxuu Quraanka ku sifeeyay inuu yahay Nuur, Hanuun, iyo Shifa. Surat Yunus: aayada 57 aad waxay ina leedahahay..

‎يَا أَيُّهَا النَّاسُ قَدْ جَاءَتْكُم مَّوْعِظَةٌ مِّن رَّبِّكُمْ وَشِفَاءٌ لِّمَا فِي الصُّدُورِ وَهُدًى وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ

Aayaddani waxay caddaynaysaa in Quraanku yahay dawo iyo bogsiin u ah xanuunada ruux iga Ah iyo laabta ka, waxayna dhiirrigelinaysa in bulshadu ku hanuunto marka ay bartaan oo ku tadaburaan.

Nbi Muxammad (S.W.T/NNKH) wuxuu yidhi: خَيْرُكُمْ مَنْ تَعَلَّمَ الْقُرْآنَ وَعَلَّمَهُ
Kiina i ugu khayrka badan waa kan bartay Quraanka ka dibna baray
Xadiiskani wuxuu ina tusinayaa in heerka ugu sarreeya ee sharaf iyo khayr uu leeyahay qofka Quraanka barta iyo macallinka u taaggan inuu kuwo kale baro. — [Saxiix Al-Bukhari]

Xifdiga Quraanku ma ahan oo kaliya inaad kalmada xafiday ee, waa inaad laabta ku qaaado iftiin, akhlaaq, iyo hab-dhaqanka ay xambaarsantahay ayaadkasta oo kamid ah qur’aanka . Gabdhaha guryaha iyo bulshada ku dhex jira ee Quraanka xifdiyay waxay yihiin tiirarka mustaqbalka dhisaya bulsho xaq, aqoon, iyo dhowrsanaan ku dhisan. Ajar iyo sharaf ka weyn ma jiri lahayn in waalidiinta gabdhahan loo xiro Taajka Sharafta Maalinta Qiyaame sababta ogaanshaha iyo xifdiga Kitaabka Ilaahay.awgeed

Qaybta 3 aad : Doorkii Gabdhaha Islamka ee Taariikhda Islamka, Garab-Istaagga, iyo Talooyinkii Nabiga (NNKH)

Si aan u waynayno doorka gabdhaha Muslimaad ka ah ee manta, waxaynu jalleeci doonaa taariikhda dahabiga ah ee gabdhaha Islamka iyo doorkii ay ku lahaayeen duwalkii islaamka iyo taageerada dacwada, maamulka, iyo garab-istaagga Nabiga (NNKH).
1. Garab-Istaagga iyo Hiilka Dacwada
• Khadijah Bintu Khuwaylid (R.A رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ): Waxay ahayd qofkii ugu horreeyay ee rumeeya dacwada Islamka. Markii uu waxyigu ku soo degay Nabiga (NNKH) oo uu baqayay, waxay tiri kalmadeedii caanka ahayd: "Ilaah ma kugu dullayn doono waligaa, sababtoo ah waxaad xiriirisaa qaraabada, waxaad caawisaa miskiinka." Waxay ku bixisay hanteeda iyo niyaddeeda oo dhan garab-istaagga dacwada.
‎كَلَّا وَاللَّهِ مَا يُخْزِيكَ اللَّهُ أَبَدًا، إِنَّكَ لَتَصِلُ الرَّحِمَ، وَتَحْمِلُ الكَلَّ، وَتَكْسِبُ المَعْدُومَ، وَتَقْرِي الضَّيْفَ، وَتُعِينُ عَلَى نَوَائِبِ الحَقِّ»
Khadijah waxay tilmaantay sifooyinka wanaagsan ee Nabiga (NNKH) si ay niyaddiisa u dhisto, iyadoo noqotay garabka ugu horreeyay ee dacwada Islamka ku istaagta.

• Sumayyah Bintu Khayyaar (R.A رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ): Waxay ahayd shahiiddadii ugu horreysay ee Islamka, taas oo caddaysay in haweenku yihiin kuwa ugu horreeya nafhurnimada iyo ku-adkaysiga Iimaanka.

2. Talooyinkii Saamaynta Lahaa ee Nabiga (NNKH) la Siiyay
Haweenku ma ahayn oo kaliya taageerayaal, waxay ahaayeen la-taliyayaal xeel-dheer oo go'aannada waaweyn ee dowladda Islamka wax ka beddelay..

Umm Salama (Hind Bintu Abi Umayyah - R.A رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ): Xilligii Sulxu Al-Hudaybiya (Heshiiskii Hudaybiya), markii saxaabadu ka xumaadeen shuruuddii adkayd ee Qureysh oo ay amarkii Nabiga (NNKH) ee ahaa in madaxa la xiiro si uga soo istaageen , Umm Salama waxay Nabiga (NNKH) siisay talo siyaasadeed xeel-dheer oo tiri: "Rasoolka Allaahayow dibadda u bax, uga h**ee, madaxana xiiro oo cidna ha la hadlin waa iyada dhahaysa . يَا نَبِيَّ اللَّهِ، أَتُحِبُّ ذَلِكَ؟ اخْرُجْ ثُمَّ لاَ تُكَلِّمْ أَحَدًا مِنْهُمْ كَلِمَةً، حَتَّى تَنْحَرَ بُدْنَكَ، وَتَدْعُوَ حَالِقَكَ فَيَحْلِقَكَ» " Markay saxaabadu arkeen Nabiga (NNKH) oo saas sameeyay, dhammaantood way ku raaceen, waxaana lagu baajiyay kala-qaybsanaantii ciidanka. Tani waxay ahayd fikrad ka timid gabar waana talo siyaasadeed ahna mid hoggaamineed oo caqli-gal ah. Waana calamdaha hogaanka islamka in aad ficilka wanaagsan uga horayso cida aad hogaamiso .

• Asmaa Bintu Abi Bakr (R.A رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ): Waxay ka ciyaartay door istiraatiiji ah hijradii Makkah illaa Madiina iyadoo cunto iyo wararka ama farimha ciidan u gaarsiin jirtay Nabiga (NNKH) iyo aabaheed Aabi Bakar oo ku jiray Godka Thawor.

Qaybta 4aad: Doorkii Gabdhaha ee Dagaalladii Islamka
Haweenku ma ahayn oo kaliya kuwo guryaha jooga oo taageeradda diinta laabta ku haysta ee waxay si toos ah uga qaybqaateen safka h**e ee dagaallada iyagoo gaarsiinta sahayda, daryeelka caafimaad, iyo xataa hub-qaadka difaaca ah fulinayay

1. Dagaalkii Uhud (3 AH):

o Nusaybah Bintu Ka'b (Umm Cumaara - R.A): Markii ciidankii Islamka la jabiyay oo Nabiga (NNKH) halis galay, Nusaybah waxay qaadatay seef iyo gaashaan waxayna difaactay Nabiga (NNKH) iyadoo gaysatay dhowr iyo toban dhaawac oo culus. Nabigu (NNKH) wuxuu yidhi: مَا التَفَتُّ يَمِينًا وَلاَ شِمَالًا يَوْمَ أُحُدٍ إِلاَّ وَأَنَا أَرَاهَا تُقَاتِلُ دُونِي» "Abaare kasta oo aan jalleeco xagga midig ama bidix, waxaan arkayay Umm Cumaara oo igu difaaceysa seefta."
Nabigu (NNKH) wuxuu markhaati uga furay geesi-nimada gabadhan oo aan muujin wax cabsi ah xilli raggii qaarkood ay dib u gurteen.

o Aisha Bintu Abi Bakr iyo Umm Sulaym (R.A): Waxay garbaha ku sideen qoolalka biyaha si ay uga waraabiyaan mujaahidiinta dhaawacan iyagoo daryeel caafimaad first aid-ka fidinayay.

2. Dagaalkii Al-Khandaq / Dhufeysyada (5 AH After Hijrah - الهِجْرِيَّة):

o Safiyyah Bintu Abdil-Muttalib (R.A): Waxay ahayd eeddada Nabiga (NNKH). Markii Yuhuudda Banu Qurayda ay jebiyeen heshiiskii oo ay weerareen guryaha dumarka iyo carruurta lagu khaarajiyay, Safiyyah waxay dhulka ka qaadatay tiir alwaax ah oo ay ku dishay basaas Yuhuudi ah oo guryaha u soo dhawaaday, iyadoo baajisay weerar culus oo soosocdey oo uu u basaasayay.

3. Dagaalkii Hunayn (8 AH):

o Umm Sulaym Bintu Milhaan (R.A): Waxay dagaalka ku gashay mindi weyn. Markii Nabiga (NNKH) uu ka wareystay sababta, waxay tidhi: "Waxaan u wataa si aan ugu gooyo calaasha qof kasta oo gaal ah oo ku soo dhawaada."

4. Dagaalkii Yarmouk (13 AH):

o Khawlah Bintu Al-Azwar (R.A): Dagaalkii looga soo horjeeday Boqortooyadii Romanka, Khawlah waxay muujisay geesinimo fardoolayn iyo xeelad ciidan oo cajiib ah iyadoo u dagaallantay si geesi-nimo leh si ay walaalkeed Dirar uga badbaadiso gacanta Romanka.

Part 5: Doorkii Hoggaamineed iyo Dhismaha Dowladdii Islamka
Xilliyadii kala duwanaa ee dowladihii Islamka, haweenku waxay saameyn muuqata ku lahaayeen maamulka dowladda , daryeelka bulshada, iyo aqoonta:-
1. Alshifaa Bintu Abdallah (R.A) waxay ahayd macalimad iyo sidoo kale maaareeyahaya xafiiska Kormeerka ganacsiga iyo sakadda ee (Hisbah) xiligi cumar Bin Al-khattaab
2. Fatima Al-Fihri waxay ahayd asaassaha jaamacadii ugu horaysay dunida (Al-Qarawiyyin, 859 M / Masar-Morocco), taas oo ahayd xaruntii aqoonta dowladdii Islamka
3. Shajaraat Al-Durr waxay si madax banana u hogaamisay dowladdii mamlukiyiinta xili dagaal adag oo ka dhan Ah saliibiyiinta lagu jiray .

Qaybta 6aad : Gabdhaha Loogu Bishaareeyay Jannada Iyagoo Adduunka Jooga
Ilaahay iyo Rasoolkiisa (NNKH) waxay sharaf gaar ah siiyeen haweenkii tusaalaha wanaagsan ahaa. Nabigu (NNKH) wuxuu sheegay in Haweenka ugu sarreeya Jannada ay yihiin afarta marwo ee kala ah:

‎أَفْضَلُ نِسَاءِ أَهْلِ الْجَنَّةِ: خَدِيجَةُ بِنْتُ خُوَيْلِدٍ، وَفَاطِمَةُ بِنْتُ مُحَمَّدٍ، وَمَرْيَمُ بِنْتُ عِمْرَانَ، وَآسِيَةُ بِنْتُ مُزَاحِمٍ
1. Khadijah Bintu Khuwaylid (R.A): Waxaa samada looga soo dhiibay salaan gaar ah oo ka timid Allah iyo Jibriil (A.S), iyadoo loogu bishaareeyay aqal Jannada ku yaal oo aan lahayn saxmad , buuq iyo daal toona .

2. Fatima Bintu Muhammad (R.A): Gabadhii Nabiga (NNKH) iyada oo ah Sayidadda haweenka jannada u weyn.

3. Maryam Bintu Imraan: Hooyadii Nabi Ciise (A.S), oo Eebbe ku sifeeyay dhowrsanaan iyo adeecid.

4. Aasiya Bintu Masaaxim: Xaaskii Fircoon ee dooratay aqalka jannada beddelkeeda carshiga adduunka iska nacdey.

Xadiiskani wuxuu xusayaa 4-ta marwo oo tusaalaha ugu sarreeya u ah dhammaan dumarka Muslimiinta ah marka la eego Iimaanka, sabirka, iyo dhiirrigelinta dacwada.

Qaybta 7aad : Gunaanad iyo Dhiirrigelin
Walaalahayga qiimaha leh, gabdhaha 400 oo Xufaadhka ah ee maanta halkan fadhiya:

Taariikhdaas dahabiga ah ee aan soo xusnay ma ahan oo kaliya sheekooyin h**e, ee waa manhaj nool! Idinku maanta waxaad tihiin beddelka Khadijah, Aisha, Nusaybah, iyo Fatima Al-Fihri. Waxaad laabta ku haysataan Kitaabkii Ilaahay, waxaana idinka horreeya door hoggaamineed, mid dacwo, iyo mid dhismaha bulshada.oo manta tusaale idiinku ah abaabulka iyo isku dubaridka khayrka manta aynu halkaan umadlan-nahay .

Waxaan mar kale mahadcelin laabta ka soo go'day u diraynaa anoo ka masuula inta ugu badan haweenka Puntland ee khayrka jeel iguna amaanaystay gudbinta mahadcelintaan , guddiga qabanqaabada , gabdhaha dacwadda , macalimiinta , xufaada iyo hoggaanka qaybta Diinta ee Midnimo Women Network ee ay hogoaminayso Sheekha Huda Al-Jabiri, , iyo waalidiinta tacab khayraadka galiyay gabdhooda.

Ilaahay ha idin barakeeyo, Quraankana ha idinku hanuuniyo adduun iyo aakhiro.anagana hanaga dhigo kuwo idnku dayda .
Midnimo waa madashiina , waa meeshiina waana mu’ayidkiina.
Waxaan balan waadaynaa inaan door muhiim Ah ku yeelano ka shaqaynta dacwadda Islamka iyo hagida gabdhaha muslimaadka Ah , munaasabad kasta oo lagu taageerayana waxaan ahaan doonaa kuwa u istaaga oo aan ka daalin .
Wassalamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

Dalladda Midnimo Midnimo Women Network oo wakiiladda ka ah qoraa Suuban Bootaan waxay idinku casumaysaa bandhigo dhigana...
02/09/2026

Dalladda Midnimo Midnimo Women Network oo wakiiladda ka ah qoraa Suuban Bootaan waxay idinku casumaysaa bandhigo dhiganaha Buuga xaawaley oo ah buug u gaar ah dhamaan hablaha somaliyeed , buugaani waa buug xambaarsan sheekooyinka in kabadan 50 haweenka oo African Ah oo caalamka meeqaam sarre ka gaaray hogaanka dhanka , siyaasadda? Waxbarashada, caafimaadka , Dhaqalaha iyo horumarka bulshada , waa buug huwan jihayn, horumarin iyo dhiiri galin , waana buug aynu kawada faa’iidi doono cilmi iyo waaya arag nimo ay inoo soo koobtay qoraaga da’Ada yar ee inoo qortay !

Bandhigu wuxuu ka dhacayaa jaamacadda Frunteir University habeendanbe oo Ah khamiis 6:30pm dayrkeeda wayn , Waxaa ku jiri doona , is dhex-gal haweenka Ah , is barasho iyo is fahan!

Bandhigaani wuxuu u khaas yahay haweenka oo kaliya, ma jiri doonaan ka qayb-galayal rag Ah.

Address

Garowe
Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midnimo Women Network posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Midnimo Women Network:

Shortcuts

Share