Danwadaag youth development organisation

Danwadaag  youth  development organisation The organization works to empower young people, improve their livelihoods, prom

Danwadaag Youth Development Organisation (DYDO) is dedicated to supporting youth and vulnerable communities living in internally displaced persons (IDP) camps across Puntland.

"Internally displaced people do not want permanent aid; they want a life of dignity, safe shelter, quality education, de...
30/07/2026

"Internally displaced people do not want permanent aid; they want a life of dignity, safe shelter, quality education, decent jobs, and the opportunity to fully participate in the development of Puntland and Somalia

Waxaan aad iyo aad ugu xunnahay inay 980 arday ay waxbarasho wayaan
28/07/2026

Waxaan aad iyo aad ugu xunnahay inay 980 arday ay waxbarasho wayaan

16/07/2026

Madasha Isku Xirka Culimada iyo Dhalinyarada oo lagu qabtay Magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe waxaa lagu qabtay madal muhiim ah oo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa xiriirka, wada-shaqeynta, iyo isfahamka u dhexeeya culimada iyo dhalinyarada.

Madashan ayaa diiradda lagu saaray doorka culimada ee hagidda dhalinyarada, kobcinta akhlaaqda suuban, ka hortagga caqabadaha horyaalla dhalinyarada, iyo sidii ay culimada iyo dhalinyaradu uga wada shaqeyn lahaayeen horumarka bulshada.

Kulanka waxaa ka qayb galay culimo, hoggaamiyeyaal dhalinyaro, iyo masuuliyiinta sare ee Danwadaag Youth Development Organisation (DYDO), kuwaas oo si firfircoon uga qayb qaatay doodaha iyo is-weydaarsiga fikradaha ku saabsan xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa culimada iyo dhalinyarada.

Madashu waxay ku soo dhammaatay talooyin iyo is-afgarad lagu adkeynayo in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah, si loo dhiso bulsho mideysan, dhalinyaro akhlaaq wanaagsan leh, iyo culimo si dhow ula shaqeysa jiilka soo koraya, loona dardargeliyo horumarka bulshada.

13/07/2026

confidence the youth

Danwadaag Youth Development Organisation (DYDO)Masuuliyiinta sare ee Danwadaag Youth Development Organisation (DYDO) aya...
11/07/2026

Danwadaag Youth Development Organisation (DYDO)

Masuuliyiinta sare ee Danwadaag Youth Development Organisation (DYDO) ayaa ka qayb galay kulan muhiim ah oo ay la yeesheen culimada caasimadda Garoowe.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa dhalinyarada iyo culimada, loona abuuri lahaa isfaham iyo iskaashi ku dhisan wada-tashi, wacyigelin, iyo horumarinta bulshada.

DYDO waxay aaminsan tahay in iskaashiga ka dhexeeya culimada iyo dhalinyarada uu door weyn ka qaato kobcinta akhlaaqda wanaagsan, nabadda, midnimada bulshada, iyo horumar waara.

DYDO waxay mar walba u taagan tahay horumarinta dhalinyarada iyo dhisidda bulsho isku duuban.

09/jun/2026 Platform: Puntland Development Fund (PDF) Masuuliyiinta ugu sarreysa ee Danwadaag Youth Development Organisa...
09/07/2026

09/jun/2026 Platform: Puntland Development Fund (PDF)

Masuuliyiinta ugu sarreysa ee Danwadaag Youth Development Organisation (DYDO) ayaa ka qayb galay kulan muhiim ah oo looga hadlay Puntland Development Fund (PDF) iyo doorka dhalinyaradu ku yeelan karaan horumarinta Puntland.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la isweydaarsado fikrado ku saabsan sidii loo xoojin lahaa Puntland Development Fund, loona abuuri lahaa hannaan ay dhalinyaradu uga qayb qaataan qorsheynta, hirgelinta, iyo taageeridda mashaariicda horumarineed.

DYDO waxay rumeysan tahay in dhalinyaradu yihiin laf-dhabarta horumarka, isla markaana ka qaybgalka firfircoon ee dhalinyarada uu muhiim u yahay dhismaha Puntland oo barwaaqo ah, loo siman yahay, kana jawaabta baahiyaha bulshada

09/07/2026

Address

Soomaaliya
Garowe
DYDO

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Danwadaag youth development organisation posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share