PUWLA - Puntland Women Lawyers Association

PUWLA - Puntland Women Lawyers Association Puntland Women Lawyers Association

Ardaaga xarunta PDRC waxaa si rasmi ah loogu daah-furay barnaamij tababar oo loogu talagalay arday loo xulay inay ka qay...
24/05/2026

Ardaaga xarunta PDRC waxaa si rasmi ah loogu daah-furay barnaamij tababar oo loogu talagalay arday loo xulay inay ka qayb-qaataan barashada iyo fahamka sharciga, wuxuuna diiradda saarayaa kor u qaadidda aqoonta sharciga, horumarinta xirfadaha ardayda, iyo diyaarinta jiil leh faham qoto dheer oo ku saabsan cadaaladda, xuquuqda, iyo xukunka sharciga.
Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ka qaybgalayaasha guul iyo inay ka faa’iidaystaan fursaddan qiimaha badan ee aqoon-dhisidda iyo horumarinta kartidooda.

24/05/2026

✨ OGAYSIIS MUHIIM AH ✨

Caawa bacdal Makhrib, waxaa Xarunta PDRC si rasmi ah loogu daah-furayaa qaadashada arday loo xulay inay ka qayb-qaataan tababar ku saabsan Sharciga ⚖️📚

👉 Barnaamijkan wuxuu ujeedkiisu yahay kor u qaadidda aqoonta sharciga, dhisidda xirfadaha ardayda, iyo diyaarinta jiil fahamsan cadaaladda iyo xukunka sharciga.
📍 Goobta: Xarunta PDRC
⏰ Waqtiga: 24 - MAY - 2026, bacdal Makhrib

Guddoomiyaha Gabdhaha Qareeada ah e Puntland -PUWLA Ubah Abdiaziz Jama oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha agaasinka...
12/05/2026

Guddoomiyaha Gabdhaha Qareeada ah e Puntland -PUWLA Ubah Abdiaziz Jama oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha agaasinka (BoD) PUNSAA iyo guddomiyaha PUNSAA ayaa xarunta dhexe ee dallada kulan kula yeeshay qaar ka mid ah xubnaha golaha guud (GA).

Kulanka ayaa lagu xoojiyey go’aankii golaha agaasinku ku gaareen shirkoodii 8-aad, iyadoo xubnaha golaha guud ay soo jeediyeen talooyin wax-ku-ool ah oo lagu adkaynayo hannaanka doorashada, laguna xoojinayo midnimada xubnaha, laguna horumarinayo shaqada iyo mustaqbalka dalladda Ururada aan dowliga ahayn e Puntland.

Ururka Qareennada Haweenka Puntland (PUWLA) iyo Hayada Hormarinta iyo Cilmi baarista Puntlnad (PDRC) ayaa Maanta Xarunta...
30/04/2026

Ururka Qareennada Haweenka Puntland (PUWLA) iyo Hayada Hormarinta iyo Cilmi baarista Puntlnad (PDRC) ayaa Maanta Xarunta PDRC ku kala saxiixday heshiis isfaham oo dhigaya in la fuliyo barnaamij weyn oo lagu dhisayo aqoonta ardayda baratay cilmiga sharciga. Heshiiskan ayaa dhigaya in ardayda la siiyo lix bilood oo tababar sharci ah iyo lix bilood oo shaqo-barasho (internship) ah, si loogu fududeeyo helitaanka ruqsadda rasmiga ah ee ku shaqaysiga qareennimada.

Tababarkan oo ah mid tayo sare leh, waxaa bixin doona khuburo isugu jira Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyeyaal, aqoonyahanno ku takhasusay sharciga iyo xirfadlayaal ka shaqeeya maxkamadaha, kuwaas oo ardayda ku hagi doona hannaanka loogu adeego cadaaladda.

Taariikhda: 19/11/2025Ku: Guddiga Doorashooyinka Puntland       Xisbiyadda Siyaasadda Puntland       Golaha Wakiiladda P...
20/11/2025

Taariikhda: 19/11/2025
Ku: Guddiga Doorashooyinka Puntland
Xisbiyadda Siyaasadda Puntland
Golaha Wakiiladda Puntland
Golaha Xukuumadda Puntland

BAAQA BULSHADA RAYIDKA AH: ASTAYNTA KURAASTA/QOONDADA HAWEENKA EE XEERKA DOORASHOOYINKA DOWLADDA PUNTLAND

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Bulshada rayidka ah ee Puntland waxay bogaadinaysaa hanaanka doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhacay Puntland, waxay kale oo soo dhawaynaysaa dib-u-eegista xeerarka doorashooyinka oo hadda maraya latashiga daneeyayaasha doorashooyinka. Bulshada rayidka ah markii ay akhrisay xeerka qabyo-qoraalka ah ee doorashooyinka, ayna tixgalisay qodobadan hoos ku qoran:

- Baahida loo qabo in la helo gole wakiillo iyo degaan kuwaas oo loo simanyahay ayna iska dhex arkaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan haweenka oo qiyaastii ah kala bar tirada dadka reer Puntland.

- Xaqiiqada jirta ee ah in ka maqnaanshaha haweenka ee saaxada siyaasadda, gaar ahaan Golaha Wakiillada ay hagardaamo ku tahay xaqiijinta xuquuqda hooyada, dhallaanka iyo nugulka iyo xaqiiijinta horumar isu dheelli tiran.

- In haweenku aasaaskii Puntland ku lahaayeen golaha wakiiladda 5 xubnood (7.5%), maantana ay ku leeyihiin 1 xubin (1.5%), taas oo ku tusaysa in matalaada haweenka ee goloha wakiiladda Puntland ay tahay mid mar walba siiyaraanaysa.

- In Axdi-qarameedkii lagu Aasaasay Puntland 1998 – Qob. 6aad, lifaaqa 1aad farqadiisa 2aad; oo qeexayay in 5 xubnood sigaar ah loogu qoondeeyo haweenka gobolkiiba 1 xubin ah, ayadoo haweenku xubnaha haray ee 61da ah u tartami karaan. Xiligaas Puntland waxay ahayd 5 gobol iyo degmo. Hadda gobollada Puntland waa 9 gobol iyo in ka badan 50 degmo.

- Qobodbka 12aad ee dastuurka Puntland oo dammaanad qaadaya xuquuqda sinnaanta muwaadiniinta, mamnuucayana dhammaan nooc walba oo faquuq ah oo lagula kaco qof muwaadin ah.

- Sharcigii Doorashooyinka Golayaasha Degaanadda Puntland, Qodobka 17.3, oo qeexayey in liis kasta ee musharaxnimo shanta (5) magac ee ugu horaysa in aysan ahaan rag ama dumar soocan.

- Habraacii ka-qaybgalka haweenka iyo dadka nugul ee doorashooyinka Golaha Degaanka Puntland ee lagu doortay 36 degmo, oo qeexayey in liiska musharixiinta saddexdiiba mid ay noqoto haween.



Hadaba,
Bulshada rayidka ah ee Puntland waxay qiraysaa in ay weli jirto baahidii loo sameeyey shuruucdaan kor ku xusan, taas oo ah in aysan haweenka Puntland weli heli karin fursad lagu doorto ama lagu magacaabo, sababo la xiriira hab-dhaqanka bulshada, dhaqaalaha iyo nidaamka wax ku qayb-siga beelaha ee bulshada ku raagay.

Waxaa jiray fadhiyo badan oo lala yeeshay Guddiga doorashooyinka (PEC), Xisbiyada Siyaasadda, Wasaaradaha Arimaha Gudaha, Haweenka, iyo Cadaaladda iyo daneeyayaal/ masuuliyiin kala duwan si loo hubiyo shuruuc doorasho loo dhanyahay.

Waxaase ayaan darro ah in dhamaan dadaaladaas horay loo tijaabiyey ay noqdeen kuwo aan la tixgalin oo xeerka doorashooyinka qabyo-qoraalka ah ee loo qaybiyey xisbiyada siyaasadda aysan ku jirin qodobo qeexaya qoondo ama kuraas loo cayimay haweenka iyo dadka nugul.

Waxaan cod dheer ku muujinaynaa hadii aan xeerkaan doo rashooyinka lagu darin qoondada haweenka ee 30% ama aan kuraas loo cayimin haweenka, in aan la heli doonin matalaad haween oo dhamaystiran. Sidaas darteed, Bulshada Rayidka ah gaar ahaan haweenka Puntland, ma taageeri doonaan shuruuc doorasho oo aan xaqiijinayn matalaad loo dhanyahay.

Ugu dambayn, waxa aan Guddiga Doorashooyinka Puntland, Xisbiyada Siyaasadda iyo Golayaasha Dawladda ugu baaqaynaa in ay wax ka badal ku sameeyaan xeerka qabyo-qoraalka doorashooyinka, kuna daraan qoondada haweenka ee 30% ama kuraas haweenka loo cayimay.

Baaqaan waxaa ku saxiixan:
1. Dalladda Ururada Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA)
2. Xarunta Horumatinta iyo Cilmi-baarista Puntland (PDRC)
3. Ururka Warbaahinta Puntland (MAP)
4. Dalladda Dhalinyaradda Puntland (PYAN)
5. Uuruka Gabdhaha Qareemadda Puntland (PUWLA)
6. Hanbile Youth Development Initiative
7. Somali Women and Youth Concern (SWYC)
8. KAALO Aid and Development
9. NASIIHA FOUNDATION

FG. Bulshada rayidku waxay diyaar u tahay wax ku biirinta xeerarka dib-u-eegista lagu samaynayo, lakiin arinta matalaadu waa arin u baahan ka jawaabis deg-deg ah.

Wa bilaahi towfiiq

Xafiska PUWLA oo Taageero Dhaqaale ka Helaaya Xafiiska UNTMIS, wuxuu soo Gabogabeeyay  Daraasad iyo Cilmi baaris la xiri...
14/09/2025

Xafiska PUWLA oo Taageero Dhaqaale ka Helaaya Xafiiska UNTMIS, wuxuu soo Gabogabeeyay Daraasad iyo Cilmi baaris la xiriirta Farqiga u dhexeeya Sharci Dhaqameedka ( Xeer) iyo Shariga waxa ka qabashada xadgudubyada galmada la xiriira ee Puntland. ( A Gap Analaysis of Customary and Statutory law in Addressing Sexual Violence in Puntland).

Ururka Gabdhaha Qareenada Puntland (Puntland Women Lawyers Association – PUWLA) ayaa kulan is-xogwaraysi iyo wadatashi a...
07/09/2025

Ururka Gabdhaha Qareenada Puntland (Puntland Women Lawyers Association – PUWLA) ayaa kulan is-xogwaraysi iyo wadatashi ah ku qabtay Hallka Hida Raac ee magaalada Garoowe. Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo isku xirnaanta xubnaha ururka, isla markaana looga arrinsado caqabadaha iyo fursadaha ka jira dhinaca garsoorka iyo difaaca xuquuqda bulshada.

Intii kulanku socday waxaa laga dooday Kordhinta wacyigelinta bulshada ee ku saabsan xuquuqda sharciga iyo helitaanka cadaaladda.
Baahida loo qabo tababaro joogto ah oo lagu xoojinayo xirfadda iyo aqoonta qareennada haweenka iyo Samaynta hannaan mideysan oo qareennada haweenka ay ugu adeegaan bulshada, gaar ahaan haweenka iyo carruurta dhibaatooyinka kala kulma garsoorka.

Gabagebadii kulanka, waxaa laysla gartay muhiimadda ay leedahay in gabdhaha qareennadu ay si firfircoon uga qayb qaataan dhismaha cadaaladda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee Puntland. Ka qaybgalayaasha waxay muujiyeen niyad-wanaag iyo go’aan adag oo lagu xoojinayo kaalinta ururka PUWLA ee bulshada.

Address

Municipality Street
Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when PUWLA - Puntland Women Lawyers Association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to PUWLA - Puntland Women Lawyers Association:

Share