29/09/2026
Hay'ada Green Hope Movement waxay bilaabaysaa olole loogu magac daray Qaaraan Deegaan kaasoo ah mashuuc ummadeed lana doonayo in wax looga qabto ilaalinta Deegaanka dhowrista khayraadka dabiiciga ah siloo yarayo dhibaatooyinka sii kordhaya maalinba maalinta ka damaysa.
Waxaan si mugleh uga codsanaynaa bulshada Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan ololahaan iyagoo bixinaya:
1. Xooggooda
2. Dhir ay ugu deeqaan si deegaanka loogu beero.
3. Waqtigooda
4. Aqoon/xirfadooda
5. Wixii aad awood tusaale $0.5 $1 iyo kabadanba.
Taasi waxay naga caawin kartaa inaan mudo kooban kaga raysano mashaariic aan cidkale ka sugno. Haddii aynaan tashan dhibaatadu inagay inaku dhacaysaa. Waxaana laga yaabaa wax aynu maantay dadkeena ku badbaadin karno inaan dad, duunyo iyo deegaanba ku wayno. Waxaad bixisona waa kuu sadaqo sidaad u niyaysato.
Mahadsanidiin
゚viralシfypシ゚ ゚viralシ