Green Hope Movement

Green Hope Movement We are youth led environmental local organization that enables communities to take control of their environmental protection, preservation, and climate action.

MAGACAABIS RASMI AH.------------------------------------------------------------------------------------Guddoomiyaha Gre...
07/08/2026

MAGACAABIS RASMI AH.
------------------------------------------------------------------------------------
Guddoomiyaha Green Hope Movement (GHM Somalia), Mudane Mohamoud Mohamed Everyday, isagoo tixgelinaya baahida loo qabo in Gobolka Bari laga hirgeliyo koox firfircoon oo ka shaqaysa himilooyinka iyo hawlaha GHM, isla markaana qiimeeyay dadaalka, kartida iyo doorkii shaqo ee ay h**e uga soo qaadatay GHM, wuxuu:

U magacaabay Marwo Fatima Faysal Hasan
Xiriiriyaha Gobolka Bari – Puntland, Soomaaliya.
Magacaabistan waxay ka tarjumaysaa kalsoonida lagu qabo kartideeda, hoggaaminta iyo dadaalkeeda ku aaddan horumarinta deegaanka iyo kobcinta ka-qaybgalka bulshada.

International Day for the Conservation of the Mangrove Ecosystem – 26 July 2026Protect Somalia's Mangroves, Protect Our ...
26/07/2026

International Day for the Conservation of the Mangrove Ecosystem – 26 July 2026

Protect Somalia's Mangroves, Protect Our Future
Today, we join the global community in celebrating the International Day for the Conservation of the Mangrove Ecosystem. Somalia's mangrove forests are among our most valuable natural treasures. They protect our coastlines from erosion, provide breeding grounds for fish, absorb carbon, preserve biodiversity, and support the livelihoods of coastal communities.

As climate change, pollution, and unsustainable human activities continue to threaten these unique ecosystems, it is our shared responsibility to conserve and restore them for future generations.

On this important day, Green Hope Movement Somalia (GHM Somalia) calls upon government institutions, local communities, youth, civil society, and development partners to work together to protect and restore Somalia's mangrove ecosystems. Every mangrove planted today is an investment in a healthier environment, stronger coastal communities, and a more climate-resilient Somalia.
Let's act today for a greener and more sustainable Somalia.








゚viralシ

21/07/2026

Hadal jeedin kooban oo uu Gudoomuye Mohamoud Everyday ka jeediyay madal deegaanka looga hadlayay oo wasaaradu soo qaban qaabisay.

Waxaan diyaar u nahay inaan keeno go,aano dhaxalgal ah.

゚viralシ

Marka h**e waan bogaadinaynaa waan ugu hambalyaynaynaa shaqada ay qabatay Dowlada Ethopia iyo dadkeeda. Hal maalin waxay...
11/07/2026

Marka h**e waan bogaadinaynaa waan ugu hambalyaynaynaa shaqada ay qabatay Dowlada Ethopia iyo dadkeeda. Hal maalin waxay beereen 700 oo milyan oo geed. Kuwaaso wax wayn katarata dhibaatada Isbedelka cimilada sidoo kale kor u qaadaya bilicda iyo habnololeedka dadka.

Waxaaan dadka Somaliyeed u sheegaynaa sidaas baa dadka adduunku tartan ugu jiraan iyo inay dalkooda hagaag sadaan. Arintaan waxay qayb wayn ka tahay ololaha Dhaxalka cagaaran ee uu daah qaaday PM Abi Ahmed. Wuxuu kusoo bilowday tiri yar maantayna halkaas buu maryaa.

Haddaba waxaaan ugu baaqaynaa hoggaamiyaasha Soomaaliyeed inay ka shaqayaan deegaanka qaadana talaabo lamid ah tan uu qaaday RW Aby Ahmed si dalka looga yarayo dhibaatada iyo Saamaynta isbedelka Cimilada oo wiliba Somalia u nugushahay.

"Mar uun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaa."

Mahadsanidiin









゚viralシ

10/07/2026

Fariin ku socota dhalinyarada Somaliyeed gaar reer Puntland.
---------------------------------------------------------------------------------

🌱 Dhalinyarada Soomaaliyeed Waa Awoodda Isbeddelka Deegaanka
Dhalinyarada Soomaaliyeed waa laf-dhabarta horumarka dalka. Waxay leeyihiin karti, hal-abuur, iyo awood ay ku horseedi karaan isbeddel dhab ah oo lagu ilaalinayo deegaanka, laguna yareynayo saamaynta isbeddelka cimilada.

Maanta Soomaaliya waxay wajahaysaa caqabado ay ka mid yihiin abaaro soo noqnoqda, xaalufinta dhirta, qashinka, wasakhowga deegaanka, iyo isbeddelka cimilada. Xalka caqabadahan wuxuu ka bilaabmaa ficilkeenna maanta.

Green Hope Movement Somalia (GHM Somalia) waxay si kal iyo laab ah uga codsanaysaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed inay taageeraan aragtida ururka ee ku wajahan ilaalinta deegaanka, beerista dhirta, nadaafadda, iyo kor u qaadidda wacyiga bulshada ee la xiriira isbeddelka cimilada.

Haddii qof walba uu deegaanka u huro hal saac oo keliya toddobaadkii, si uu u beero geed, u nadiifiyo deegaanka, ama uga qayb qaato olole wacyigelin ah, awoodda mideysan ee dhalinyaradu waxay abuuri kartaa isbeddel muuqda oo waara.

Deegaanku waa masuuliyaddeenna wadajirka ah. Mustaqbalka cagaaran wuxuu ka bilaabmaa tallaabada aan maanta qaadno.
🌿 Ku biir Green Hope Movement Somalia. 🌍 Aan wada ilaalinno deegaanka, una dhisno Soomaaliya cagaaran oo u adkaysata isbeddelka cimilada.








゚viralシ

09/07/2026

Bahda Dhaqdhaqaaaqa rajada Cagaaran waxay aad uga walaacsantahay burburka Deegaanka ee sii kordhaya. Vedio gan waa magaalada Qardho oo geeli usoo daaqtegay magaalada gudeheeda wuxuu daaqayaa dhirtii lagu beeray wadooyinka si ay u qurxiyaan.

Dayaca xoolaha, burburka deegaanka iyo mukhaadiraad xiriir dhow ayaa ka dhexaya waana sababta geelii miyaga lagu dhaqi jiray uu magaalada u joogo. Geel aan la raacayn oo meeshuu maroba aan lala socon wuxuu mudan karaa dhibaato wayn.

Waxaan u mahadcelinayaa Faysa Said Ali oo kamid ah xildhibaadana Golaha Deegaanka Degmada Qardho. K**a damqatay masuuliyad xumada xoolaha haysata. Waxaan ugu baaqaynaa maamulka degmada inay talaabo sharci ah ka qaadaan xeerar iyo sharcina inay kasoo saaraan xoolaha magaalada soo gelaya oo daaqaya dhirtii lagu beeray magaalada. Xoolaha laftoodu dhib ayay ku qabaan magaalada.

Ilaalinta deegaanku waa masuuliyad wadareed waxaana looga baahan yahay qofwalba inuu doorkiisa qaato.

Mahafsannidiin








゚viralシ

🌿 Certificate of Appreciation Presentation 🌿GHM Somalia – Green Hope Movement proudly presented a Certificate of Appreci...
06/07/2026

🌿 Certificate of Appreciation Presentation 🌿

GHM Somalia – Green Hope Movement proudly presented a Certificate of Appreciation to Mr. Abdirahman Abdirisak Abdirahman, Chairman of PUNSAA, in recognition of his outstanding dedication to environmental conservation, climate action, and exemplary leadership in mobilizing communities for a greener and more sustainable Somalia.

His commitment to protecting the environment and inspiring collective action continues to make a meaningful impact on communities and serves as a model for future generations.

GHM Somalia sincerely appreciates Mr. Abdirahman Abdirisak's valuable partnership, unwavering support, and commitment to advancing environmental sustainability.
Congratulations, Mr. Abdirahman Abdirisak! We look forward to strengthening our collaboration as we work together towards a greener, cleaner, and more climate-resilient Somalia.







゚viralシ

06/07/2026

Bahda Dhaqdhaqaaqa rajada Cagaaran waxay halkaan uga mahadcelinaysaa Gudoomiyaha ururada aan dowliga ahayd ee PUNSAA mudane Abdirahman Abdirisak Abdirahman oo nala soo wadagay dhir aan horay u gudoonsiinay halka ay marayaan. Waxaan ku bogaadinaynaa waxqabadka muuqda iyo tacabka uu geliyay dhirtaas inay baxdo isaga iyo team kiisa.

Haddii qofwalba uu dadaalkaas bixin lahaa sawiro sida uu dhulkeenu u ekaan lahaa. Sanad walba waxaa la sheegaaa in 1 million oo geed la beeray ama la beerayo lamana arko meel lagu beeray iyo cid kuhowlan midna. 1 million oo afka ah waxaa ka fiican 10 geed oo 3 dhimatay 7 sidaas muuqata u baxday.

Haddaan xisaabta boqolayda ah kadhigno waxaan siinay 10 geed.
Waxay beereen 10 kii geed oo u dhigma 100%
Kadib waxaa dhintay 3 kamid ah dhirtii 30%
Waxaa soo haray oo si fiican ubaxay 7 70%

Natiijadaa waa in sidaas loo xisaabiyaa waana guul runtii.

Mahadisanidiin






゚viralシ

05/07/2026

Waxaan aaad uga walaacsanahay dayaca Deegaanka ee ka jira Puntland. Hay'adaha dowlada oo dhamaanfood ka gaabiyay lasocoshada iyo waxkaqabashada dhibaatooyina Deegaanka sida jarista dhirta oo sabab u ah xaalufka deegaanka iyo laynta ugaarta IWM.

Waxaan ugu baaqaynaaa dhamaan hay'adaha ay qusayso ilaalinta deegaanka sida Police qaybihiisa kala duwan kantaroolada inay talaabo sharci ah kaqaadaan arimahan cidii ku kacda. Puntland Ministry of Environment and Climate Change waxaan si gaar ah ugu soo jeedinayaa inay qaadato doorkeeda ilaalinta deegaanka ah.

Waxaan sigaara ugu bogaadinayaa Umokhayr Cawad oo ah Weriye iyo mulkiilaha Gole TV sida ay uga damqatay dhibaatada deegaanka iyo dhowris la,aanta khayraadka dabiiciga ah oo ay dhirtu ka mid tahay. Ilaalinta deegaanku waa masuuuliyad wadareed qofwalbana waa inuu ka damqadaa dhibaatada dowlada waxaa laga rabaa talaabooyin sharci iyo fulin dhamaystiran.







゚viralシ

🌱 FURSAD QAALI AH OO DHALINYARADA BOOSAASO! 🌱GHM Somalia – Green Hope Movement waxay si rasmi ah u furtay codsiyada 15 q...
03/07/2026

🌱 FURSAD QAALI AH OO DHALINYARADA BOOSAASO! 🌱
GHM Somalia – Green Hope Movement waxay si rasmi ah u furtay codsiyada 15 qof oo kamin noqonaya Safiirada Rajada Cagaaran (GHM Ambassadors) ee Magaalada Boosaaso.
Ma tahay qof jecel ilaalinta deegaanka, hoggaaminta bulshada, iyo ka qayb qaadashada isbeddelka wanaagsan? Haddii jawaabtaadu tahay haa, tani waa fursaddaadii.

Shuruudaha Codsiga:
✅ Da'da 18–30 sano
✅ Arday jaamacadeed ama qalin-jabiye
✅ Xirfad ama xiise dhinaca warbaahinta, sawir-qaadista, ama isgaarsiinta
✅ Diyaar u ah shaqo iskaa wax u qabso (Volunteer)

Waxaad ka shaqayn doontaa:
🌿 Dhiraynta iyo cagaarinta magaalada Boosaaso
🧹 Ololayaasha nadaafadda deegaanka
📢 Wacyigelinta bulshada ee ilaalinta deegaanka iyo isbeddelka cimilada
🤝 Hoggaaminta iyo hirgelinta barnaamijyada deegaanka

📅 Xilliga ugu dambeeya ee codsiga: 25 July 2026
🚀 Bilowga barnaamijka: 05 September 2026

📧 Email: [email protected]
📱 WhatsApp/Tel: 904333346.

Noqo mid ka mid ah 15-ka Safiirada Rajada Cagaaran, kana qayb qaado dhismaha Boosaaso cagaaran, nadiif ah, kana adkaysi badan isbeddelka cimilada.

Address

Main Road
Garowe
20000

Opening Hours

Monday 07:30 - 16:00

Telephone

+252904333346

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Green Hope Movement posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Green Hope Movement:

Shortcuts

Share