Centre for Applied Development, Innovation and Research - CADIR

  • Home
  • Somalia
  • Garowe
  • Centre for Applied Development, Innovation and Research - CADIR

Centre for Applied Development, Innovation and Research - CADIR Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Centre for Applied Development, Innovation and Research - CADIR, Community Center, Hodan Village, Puntland, Garowe.

The Centre for Applied Development, Innovation and Research (CADIR) at the University of Bosaso Garowe promotes research, innovation, and entrepreneurship, offering training, consultancy, and programs that support practical solutions to local development The Centre for Innovation and Entrepreneurship (CIE) is a key unit at the University of Bosaso โ€“Garowe, CIE offer future entrepreneurs with the s

kills theyโ€™ll need to thrive in their future careers and Innovate students want to change the world. University of Bosaso-Garowe have launched the Centre for Innovation and entrepreneurship (CIE-UOB) on November 2018, In order to ensure that UOB-G students and graduates receive internship for job replacement and practical entrepreneurship skills to contribute to the wider development of the country , CIE provide them systematic entrepreneurship guidance and mentorship to Innovate and to be part of global change .

Waxaa si rasmi ah loo soo afmeeray shirka cilmibaadhista siyaasadda iyo nidaamyada caafimaadka Soomaaliya, kaas oo ay so...
14/04/2026

Waxaa si rasmi ah loo soo afmeeray shirka cilmibaadhista siyaasadda iyo nidaamyada caafimaadka Soomaaliya, kaas oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Horumarinta, Hal-abuurka iyo Cilmibaadhista ee Jaamacadda Boosaaso โ€“ Garoowe.

Shirka oo socday muddo laba maalmood ah ayaa lagu falanqeeyey siyaasadaha iyo nidaamyada caafimaadka Soomaaliya, u qareemidda hooyada iyo dhallaanka, iyo horumarinta iyo taabbogelinta hiigsiyada fog ee caafimaadka Soomaaliya.

Shirka waxaa si rasmi ah u soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DPL, isaga oo uu wehelinayey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Qorsheynta DPL. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DPL ayaa ballanqaaday in la mataaneeyo cilmibaadhisyadii kala duwanaa ee lagu soo bandhigay shirka iyo taabbogelintooda, isla markaana wasaaraddu si dhow ula shaqayn doonto cid kasta oo ka qayb qaadanaysa horumarinta caafimaadka DPL iyo guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.

Maalintii labaad waxaa si talantaalli ah u sii socdey daraasadaha, warqado cilmiyeedyada iyo cilmibaadhisyada lagu dul i...
14/04/2026

Maalintii labaad waxaa si talantaalli ah u sii socdey daraasadaha, warqado cilmiyeedyada iyo cilmibaadhisyada lagu dul istaagayo siyaasadaha caafimaadka si loo gaadho horumar iyo xal waara oo caafimaad. Daraasadaha ayaa mawduucyo kala duwan dul istaagayey, si gaar ah waxaa si faahfaahsan looga warramay xaaladaja ay la kulmaan ummusha iyo ubadkeeda, xilliga ummusha iyo ka hortagga ummul-aroorka. Cilmibaadhisyada qaarkood ayaa si qotodheer u dul istaagay cillada ka taagan goobaha shaybaadhada iyo tayadooda.

Daraasadahan waxaa soo kala jeediyey;

1. Aasiya Yuusuf oo ah cilmibaadhe iyo macallin jaamacadeed
2. Cabdillaahi Cabdicasiis Ibraahin oo ah cilmibaadhe kana socda jaamacadda Boosaaso.
3. Sharmaarke Gaaciye oo ah caawiye cilmibaadhe, kana socda jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Muqdisho.
4. Pierre P.M Thomas oo ah cilmibaadhe kana socda jaamacadda Maastricht ee dalka Neherlands.
5. Aarman Sohaili oo ka socda jaamacadda Maastricht ee dalka Netherlands.
6. Axmed Faarac Kilwe oo ka socda jaamacadda Boosaaso Garoowe
7. Maxamed Maxamuud Cabdi oo ka socday jaamacadda Boosaaso Garoowe.
8. Cabdiraxmaan Aadam khabiir sare oo aqoonta farmasiyada ku takhasusay, guddoomiyaha PSI ee Soomaaliya.
9. Seid Yimam Ali khabiir sare oo ka socda Jaamacadda Boosaaso-Garoowe.
10. Maxamed Maxamuud Yuusuf cilmibaadhe jaamacadda Boosaaso Garoowe ka socda.

14/04/2026

๐–๐€๐‘-๐Œ๐”๐‘๐“๐ˆ๐˜๐„๐„๐ƒ๐Š๐€ ๐’๐‡๐ˆ๐‘๐Š๐€
War-Murtiyeedka Kasoo Baxay Shirka Cilmi-Baarista, siyaasadda iyo Nidaamka Caafimaadka Soomaaliya 2026 Kaas oo Mudddo Laba Maalmood Ah ka socday Magaalada Garowe Ee Caasimadda Dawladda Puntland Gaar ahaan Xarunta Daraasaadka Sare Ee jaamacadda Boosaaso Garoowe




14/04/2026

Kelmedda Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Wasiir Mohamed Abdirahman Faroole oo soo xidhay shirka cilmi baadhista siyaasadda iyo Nidaamka Caafimaadka Soomaaliya 2026




14/04/2026

Hadal jeedinta Guddoomiyaha Jaamacadda Boosaaso Garoowe Dr Maxamed Cali Maxamud ee Munaasibadda Xidhitaanka shirka cilmi baadhista siyaasadda iyo Nidaamka Caafimaadka Soomaaliya 2026




14/04/2026

๐ƒ๐จ๐จ๐-๐ฐ๐š๐๐š๐š๐ : ๐ˆ๐ฌ๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ฆ๐ข๐ฅ๐š๐๐š, ๐…๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ซ๐š๐๐š & ๐Š๐จ๐ซ๐จ๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐€๐š๐ง ๐…๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง (๐๐‚๐ƒ๐ฌ)

Giraantan oo looga doodayey isbeddelka cimiladu wuxuu si toos ah iyo si dadbanba u saameeyaa caafimaadka bulshada. Heerkulka oo kordha, abaaro, daadad iyo roobab aan caadi ahayn waxay abuuraan deegaan ku habboon faafitaanka cudurrada sida duumada iyo shuban-biyoodka. Sidoo kale, masiibooyinka dabiiciga ah waxay burburiyaan adeegyada caafimaadka, taas oo sii adkaysa in si degdeg ah looga jawaabo cudurrada faafa.

Dhanka kale, cudurrada aan faafin (NCDs) sida macaanka, wadne xanuunka iyo kansarka ayaa si xawli ah u kordhaya, gaar ahaan dalalka soo koraya. Isbeddelka hab-nololeedka, cuntooyinka aan caafimaadka lahayn iyo dhaqdhaqaaq laโ€™aanta ayaa door weyn ka ciyaara. Marka la isku daro saameynta cimilada iyo kororka cudurradan, waxaa sii kordhaya culayska saaran nidaamyada caafimaadka, taas oo u baahan qorshe iyo wacyigelin ballaaran si loo yareeyo khatarta.

Giraanta waxaa ka gadhwadeen ka ahaa Cabdirisaaq Xasan, waxaana ka qayb gelayey Pierre P.M. Thomas, Aarman Sohaili, Dr. Abshir M. Hersi, Shucayb Ahmed Mohamed, Ali Hassan iyo Nafisa Abdiweli Khaliif.


14/04/2026

Hadal jeedinta Dr Abdi Geele Maalinka labaad ee shirka cilmi baadhista siyaasadda iyo Nidaamka Caafimaadka Soomaaliya 2026




14/04/2026

Soo Bandhigidda Cilmi-baarisyada |

Waxaa la soo bandhigay daraasad cilmiyeed muhiim ah oo cinwaankeedu yahay:
โ€œCaqabadaha ka Jira Ogaanshaha iyo Maareynta Cudurrada Aan Faafin (NCDs) ee xarumaha daryeelka caafimaadka aasaasiga ah ee gobolka Nugaal, Soomaaliya.โ€

Daraasaddan ayaa si qoto dheer u falanqaynaysa caqabadaha hortaagan ogaanshaha h**e iyo maaraynta cudurrada aan faafin (Non-Communicable Diseases), sida awoodda xarumaha caafimaadka, helitaanka adeegyada, iyo nidaamka sahayda daawooyinka.

Cilmi-baare: Abdirahman Adam Ibrahim
Khabiir ku takhasusay maamulka dawooyinka iyo silsiladda sahayda (pharmaceutical & supply chain management), isla markaana ah Chain Manager ka tirsan PSI Soomaaliya, ayaa soo bandhigay cilmi-baaristan muhiimka ah.

Muhiimadda Daraasadda:
Waxay gacan ka geysanaysaa fahamka caqabadaha NCD-yada ee Soomaaliya, iyo sidii loo xoojin lahaa nidaamka daryeelka caafimaadka aasaasiga ah si loo horumariyo ogaanshaha iyo daaweynta cudurradan.


Giraantan oo looga doodayey isbeddelka cimiladu wuxuu si toos ah iyo si dadbanba u saameeyaa caafimaadka bulshada. Heerk...
14/04/2026

Giraantan oo looga doodayey isbeddelka cimiladu wuxuu si toos ah iyo si dadbanba u saameeyaa caafimaadka bulshada. Heerkulka oo kordha, abaaro, daadad iyo roobab aan caadi ahayn waxay abuuraan deegaan ku habboon faafitaanka cudurrada sida duumada iyo shuban-biyoodka. Sidoo kale, masiibooyinka dabiiciga ah waxay burburiyaan adeegyada caafimaadka, taas oo sii adkaysa in si degdeg ah looga jawaabo cudurrada faafa.

Dhanka kale, cudurrada aan faafin (NCDs) sida macaanka, wadne xanuunka iyo kansarka ayaa si xawli ah u kordhaya, gaar ahaan dalalka soo koraya. Isbeddelka hab-nololeedka, cuntooyinka aan caafimaadka lahayn iyo dhaqdhaqaaq laโ€™aanta ayaa door weyn ka ciyaara. Marka la isku daro saameynta cimilada iyo kororka cudurradan, waxaa sii kordhaya culayska saaran nidaamyada caafimaadka, taas oo u baahan qorshe iyo wacyigelin ballaaran si loo yareeyo khatarta.

Giraanta waxaa ka gadhwadeen ka ahaa Cabdirisaaq Xasan, waxaana ka qayb gelayey Pierre P.M. Thomas, Aarman Sohaili, Dr. Abshir M. Hersi, Shucayb Ahmed Mohamed, Ali Hassan iyo Nafisa Abdiweli Khaliif.



14/04/2026

Soo Bandhigidda Cilmi-baarisyada |

Waxaa la soo bandhigay daraasad cilmiyeed muhiim ah oo cinwaankeedu yahay:
โ€œNatiijooyinka Daaweynta Qaaxada (TB) iyo Arrimaha La Xiriira ee Bukaanada lagu daweeyay Isbitaalka TB ee Boosaaso, Soomaaliya: Daraasad dib-u-eegis shan sano ah (retrospective study).โ€

Daraasaddan ayaa si qoto dheer u falanqaynaysa natiijooyinka daaweynta TB-da iyo qodobbada saameeya guusha ama fashilka daaweynta, iyadoo lagu saleeyay xog shan sano ah oo laga helay isbitaalka TB ee Boosaaso.

Cilmi-baare: Mohamed Mohamud Abdi
Jaamacadda Boosaaso โ€“ Garoowe, ayaa soo bandhigay cilmi-baaristan muhiimka ah oo diiradda saaraysa xakameynta iyo horumarinta daaweynta cudurka qaaxada.

Muhiimadda Daraasadda:
Waxay kaalin weyn ka qaadanaysaa hagaajinta adeegyada daaweynta TB, fahamka arrimaha saameeya natiijooyinka bukaanka, iyo xoojinta nidaamka caafimaadka bulshada.

14/04/2026

Waxaa la soo bandhigay daraasad cilmiyeed muhiim ah oo cinwaankeedu yahay:
โ€œKa Harista Tallaalka Jadeecada (Measles Vaccination Dropout) iyo Arrimaha La Xiriira ee Carruurta daโ€™doodu u dhaxayso 15โ€“23 bilood ee Degmada Qardho, Waqooyi Bari Soomaaliya: Daraasad Bulsho-ku-saleysan (Cross-Sectional Study).โ€

Daraasaddan ayaa si qoto dheer u falanqaynaysa sababaha keena in carruurta ay ka harraan dhammeystirka jadwalka tallaalka jadeecada, taas oo saameyn weyn ku leh ka hortagga cudurrada faafa.

Cilmi-baare: Mohamed Mohamud Yusuf
Jaamacadda Boosaaso โ€“ Garoowe, ayaa soo bandhigay cilmi-baaristan muhiimka ah oo diiradda saaraysa tayaynta iyo daboolidda adeegyada tallaalka carruurta.

Muhiimadda Daraasadda:
Waxay gacan ka geysanaysaa fahamka arrimaha keenaya hoos u dhaca tallaalka jadeecada, iyo sidii loo xoojin lahaa nidaamka immunization-ka si loo yareeyo cudurrada ka hortagga la heli karo.

14/04/2026

Soo Bandhigidda Cilmi-baarisyada |

Waxaa la soo bandhigay daraasad cilmiyeed muhiim ah oo cinwaankeedu yahay:
โ€œFaafitaanka Cadaadiska Dhiigga Sare (Hypertension) iyo Arrimaha La Xiriira ee Dadka Waaweyn ee ku nool Magaalada Garoowe, Soomaaliya โ€“ 2024.โ€

Daraasaddan ayaa si qoto dheer u falanqaynaysa heerka faafitaanka hypertension-ka iyo qodobbada halista ah ee la xiriira, sida daโ€™da, qaab nololeedka, iyo arrimaha kale ee saameeya caafimaadka bulshada.

Cilmi-baare: Seid Yimam Ali
Bare kamid ah barayaasha Jaamacadda Boosaaso โ€“ Garoowe, ayaa soo bandhigay cilmi-baaristan muhiimka ah oo diiradda saaraysa cudurrada aan faafin (NCDs), gaar ahaan hypertension-ka.

Muhiimadda Daraasadda:
Waxay gacan ka geysanaysaa fahamka culayska hypertension-ka ee bulshada, iyo sidii loo horumarin lahaa ka hortag, baaritaan h**e, iyo maarayn wax ku ool ah oo lagu yareeyo halista cudurkan.

Address

Hodan Village, Puntland
Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Centre for Applied Development, Innovation and Research - CADIR posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Centre for Applied Development, Innovation and Research - CADIR:

Share