11/10/2023
New Publication Released!
Exciting news! We have just released our latest policy brief titled "Harmonizing Education Ministries in Somalia's Federal and State Levels."
This brief delves into the ongoing debates between the Federal Government of Somalia (FGS) and Federal Member States (FMS) regarding education. It provides a comprehensive analysis of challenges such as examinations, curriculum, scholarships, and teacher education programs.
Our researchers, Mustafe Salad and Abdullahi Abdi Ali, offer valuable policy recommendations to address these issues and promote stability in educational institutions.
To access the full policy brief, please visit the IPRD Institute's website.
Together, we are ready to work towards sustainable solutions for our public institutions and society as a whole.
*****
Waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaagayno qormo cusub oo aan uga hadlayno "Iswaafajinta Wasaaradaha Waxbarasho ee Heer Federal iyo Dawlad-gobaleed"
Siyaasaddan kooban ayaa ka hadlaysa doodaha iyo is marin waaga ku saabsan siyaasadaha waxbarasho ee u-dhaxeeya dawladda dhexe iyo dawladaha xubnaha ka ah gaar ahaan, Puntland.
Qormadan ayaa xoogga saaraysa xal u-helidda caqabadaha hortaagan iswaafajinta siyaasadaha waxbarashada iyo tacliinta ee heerarka maamul oo kala duwan sida midaynta imtixaanada dugsiyada sare, dejinta manhaj loo dhanyahay, qaybsiga deeqaha waxbarasho, iyo dejinta, kawada faa'idaysiga mashaariicda horumarineed ee waxbarashada lagu horumarinaayo. Sidoo kale, warbixintan ayaa soo jeedisay talooyin kor u qaadaya xasiloonida iyo xalinta khilaafaadka ka dhaxeeya hay'adaha dawliga ah waxbarashada ka shaqeeya.
Waxa warbixintan qalinka u qaatay: Mustafa Salad iyo Faandhe Ildab oo cilmi baarayaal ka ah Machadka IPRD.
Warbixinta oo faahfaahsan Mareegta hoose tuji oo ka helaysaa ama booqo mareegta machadka IPRD.
https://iprdinstitute.org/site/blog/education-ministries-in-somalias-federal-and-state-levels
Markasta waxaan diyaar idinla nahay warbixinada lagu horumarinaayo siyaasadaha dawliga ah si xal waara loogu helo dhibaatooyinka soo food saara hay'adaha dawliga ha iyo bulshadeena.