17/05/2026
Maanta oo ku beegan Maalinta Caalamiga ah ee Dhiig-karka Adduunka ( ), sahanno aanu ka sameynay magaalada Garoowe oo lagu daraasaynayay noocyada cudurrada ay shacabka Soomaaliyeed ee Puntland dibadda ugu aadaan daaweynta, ayaa lagu ogaaday in dhiig-karku ka mid yahay cudurrada ugu yar ee loogu safro daaweyn dibadeed.
Si kastaba ha ahaatee, xogta laga helay Sahanka Caafimaadka iyo Tirakoobka Dadweynaha Puntland ee daraasaddeennu tixraacday ayaa muujisay in 5% xubnaha qoysaska Puntland ay qabaan ugu yaraan hal cudur oo daba-dheeraada, iyadoo boqolleydaasi sii kordhayso marka da’du kororto.
Sahanku wuxuu sidoo kale tilmaamay in cudurrada daba-dheeraada ee ugu badan ay yihiin dhiig-karka iyo cilladaha cadaadiska dhiigga (32%), macaanka (14%), cudurrada kelyaha (12%), madax-xanuunnada daba-dheeraada (9%), cudurrada beerka (9%), neefta (8%), iyo gaastariga/boogaha caloosha (7%).
Xog badan halkan ka akhriso➡️https://bit.ly/4tqscgy