02/06/2025
🚨Gabar qurbaha ugu timid inay Puntland horamr gaarsiiso oo madaxda Puntland cayrisay akhriso qoraalka arintaas ka qortay.
Warqad furan oo ku socota shacabka reer Puntland!
Sida ay shacabka badankii ogsoon yihiin waxaa muddadii u dambeysay la hadal hayay dhibaatooyinka ay shaqo la'aanta Puntland ka jirta ay abuureen.
Sida dhabta ah dhibaatooyinka marar badan laga dhawaajiyey waa xaqii jirta loona baahan yahay in maanta wax laga qabto. Yaeni ma ahan wax berito sugi kara! Balse waxa jirta hal-u-dhig oranaya
"daaweynta waxaa ka wanaagsan ka hortagga!".
Bal akhristoow aan ku fahamsansiiyee, anigu shakhsiyan waxa aan in muddo ah caqli, wakhti, xoog iyo maalba geliyey, balse ay dadwladda Puntland, gaar ahaan wasaaradda shaqada, shaqaallaha iyo dhallinyarada, cagta saartay hawlo wax looga qaban karaayey shaqo la'aanta baahsan ee Puntland ka jirtey muddadii lasoo dhaafay, welina ka jirta.
Aniga oo qaaradda Yurub ku noolaa muddo ka badan 35 sano ayaan usoo baqoolay Puntland si aan dalka iyo dadka, gaar ahaan dhallinta da'da yar, wax ugu qabto. Waxaan yagleelay
"xarun ama rug" caan ka noqotay magaalada Garoowe. Rugtan oo magaceedu yahay Rugta shaqo-abuurka Puntland (Puntland Job centre) ayaa waxaan ka hirgaliney barnaamijka hufan oo dhameystiran, kaas oo u horseedaya dhallinta hanashada shaqo iyagoon wax dhib aad ah kala kulmin.
Waxaa weeye barnaamij ka hortagaya dhibaatooyinka aadka u baahay ee ay imminka shacabku sida baaxadda leh uga cabanayaan.
Nasiib darro, barnaamijkaasi waxaa is hortaagay dawladda Puntland. Adeegsiga awood iyo maquunin ayey dawladda Puntland hawshaasi muhiimka ah uga hortagtay. Haddaba, su'aashu waxay tahay; Maxaa sababay in ay dawladda Puntland hor istaagto hawsha wanaagsan ee ay Rugta shaqo-abuurka Puntland u fulineysay shacabka Puntland, gaar ahaana dhallinta uu tahriibku imminka aafeeyey. Jawaabta waxaa laga sugayaa dawladda Puntland.
Waxaa qoray: Aaliya Ali