Maan-fur Space

Maan-fur Space Maan-fur Space
๐˜ผ ๐™ฅ๐™ก๐™–๐™ฉ๐™›๐™ค๐™ง๐™ข ๐™ฉ๐™๐™–๐™ฉ ๐™ฃ๐™ช๐™ง๐™ฉ๐™ช๐™ง๐™š๐™จ ๐™ฎ๐™ค๐™ช๐™ฉ๐™ ๐™ฉ๐™๐™ž๐™ฃ๐™ ๐™ž๐™ฃ๐™œ, ๐™จ๐™ ๐™ž๐™ก๐™ก๐™จ, ๐™–๐™ฃ๐™™ ๐™˜๐™ง๐™š๐™–๐™ฉ๐™ž๐™ซ๐™ž๐™ฉ๐™ฎ.

๐—ซ๐—ถ๐—ฟ๐—ณ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐˜‚๐—ป๐˜๐—ผ-๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜† ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ฑ๐˜‚ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ป.Cunto-karintu waa xirfad aad u qiimo badan, balse nasii...
08/01/2026

๐—ซ๐—ถ๐—ฟ๐—ณ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐˜‚๐—ป๐˜๐—ผ-๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜† ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ฑ๐˜‚ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ป.

Cunto-karintu waa xirfad aad u qiimo badan, balse nasiib darro bulshadeenna Soomaalida badankeed ma siiso muhiimadda ay mudan tahay. Waxaa badanaa loo arkaa โ€œshaqo guriโ€ ama wax aan mustaqbal fog lahayn, halkii laga arki lahaa xirfad dhaqaale, hal-abuur iyo shaqo-abuur leh.

1. ๐€๐ซ๐š๐ ๐ญ๐ข ๐ช๐š๐ฅ๐๐š๐ง ๐จ๐จ ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ

Bulshada dhexdeeda, cunto-karinta inta badan waxaa lagu xaddidaa:

โ—Haweenka guriga jooga
โ—Shaqo ku meel gaar ah
โ—Shaqo aan sharaf badan lahayn oo dadka ka shaqeeyaa aan loo arag kuwo muhiim ah. Ama iyaga oo aan ka samayn hormar dhaqaale.

Aragtidan ayaa sababtay in dhalinyaro badan oo hibbo u leh cunto-karinta ay ka leexdaan, iyagoo raadinaya xirfado kale oo โ€œmagacโ€ leh, inkastoo aysan fursad shaqo ka helin.

2.๐…๐ฎ๐ซ๐ฌ๐š๐๐š๐ก๐š ๐๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐ž ๐ž๐ž ๐ช๐š๐ซ๐ฌ๐จ๐จ๐ง

Run ahaantii, cunto-karintu waa mid ka mid ah xirfadaha ugu shaqo-abuurka badan aduunka sida:
Hoteeladda, Maqaayado iyo goobaha fast food-ka.
Adeeg cunto guri (home catering)

Iibinta cuntooyin dhaqameed oo si casri ah loogu suuqgeeyo Baraha bulshada (YouTube, TikTok โ€“ cooking content)

Dalal badan, dad aan jaamacad dhigan ayaa cunto-karin kaga taajiray nolosha, kana dhisay ganacsi waara.

3. ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ฒ๐š๐ซ

Soomaalida dhexdeeda:
Waxaa yar xarumo tababar cunto-karin. Mana jiro nidaam shahaado xirfadeed oo xooggan.
Inta badan waxbarashadu waa tijaabo iyo waayo-aragnimo kaliya
๐˜›๐˜ข๐˜ฏ๐˜ช ๐˜ธ๐˜ข๐˜น๐˜ข๐˜บ ๐˜ฉ๐˜ฐ๐˜ฐ๐˜ด ๐˜ถ ๐˜ฅ๐˜ฉ๐˜ช๐˜จ๐˜ต๐˜ข๐˜ข ๐˜ต๐˜ข๐˜บ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ข ๐˜ช๐˜บ๐˜ฐ ๐˜ฌ๐˜ข๐˜ญ๐˜ด๐˜ฐ๐˜ฐ๐˜ฏ๐˜ช๐˜ฅ๐˜ข ๐˜น๐˜ช๐˜ณ๐˜ง๐˜ข๐˜ฅ๐˜ญ๐˜ข๐˜ฉ๐˜ข ๐˜ค๐˜ถ๐˜ฏ๐˜ต๐˜ฐ-๐˜ฌ๐˜ข๐˜ณ๐˜ช๐˜ฏ๐˜ต๐˜ข.

4. ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ช๐ข๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐œ๐ฎ๐ง๐ง๐š๐๐š

Soomaalidu waxay leeyihiin cuntooyin hodan ah oo ay caan ku tahay sida; (Muufo oo laga sameeyo inta badan qamadi iyo galay, cambuulo, canjeero oo noqon karta salbuko la tumay iwm), balse:
Looma suuq geeyo si casri ah
Looma sameeyo hal-abuur (fusion & presentation) Looma arko in kaga samayn karo magac sare ama โ€œbrandโ€ qaran.
Haddii la horumariyo, cunnada Soomaalida waxay noqon kartaa astaan dal iyo il dakhli.

5. ๐’๐ข๐๐š ๐ฅ๐จ๐จ ๐›๐š๐ซ๐š๐š๐ซ๐ฎ๐ ๐ข ๐ค๐š๐ซ๐จ

Si xirfadda cunto-karintu u gaarto meel ay mudan tahay:
-In la beddelo aragtida bulshada
-In la dhiirrigeliyo dhalinyarada
-In la sameeyo tababaro iyo koorsooyin xirfadeed
-In la adeegsado baraha bulshada si xirfadda loo muujiyo
-In la maalgeliyo ganacsiyada yaryar ee cunto-karinta

๐†๐ฎ๐ง๐š๐š๐ง๐š๐
๐˜Ÿ๐˜ช๐˜ณ๐˜ง๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฅ๐˜ข ๐˜ค๐˜ถ๐˜ฏ๐˜ต๐˜ฐ-๐˜ฌ๐˜ข๐˜ณ๐˜ช๐˜ฏ๐˜ต๐˜ถ ๐˜ฎ๐˜ข ๐˜ข๐˜ฉ๐˜ข ๐˜ด๐˜ฉ๐˜ข๐˜ฒ๐˜ฐ ๐˜ฉ๐˜ฐ๐˜ฐ๐˜ด๐˜ฆ, ๐˜ธ๐˜ข๐˜ข ๐˜น๐˜ช๐˜ณ๐˜ง๐˜ข๐˜ฅ ๐˜ฏ๐˜ฐ๐˜ญ๐˜ฐ๐˜ญ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜ฅ, ๐˜ฅ๐˜ฉ๐˜ข๐˜ฒ๐˜ข๐˜ข๐˜ญ๐˜ฆ ๐˜ช๐˜บ๐˜ฐ ๐˜ฉ๐˜ข๐˜ญ-๐˜ข๐˜ฃ๐˜ถ๐˜ถ๐˜ณ ๐˜ญ๐˜ฆ๐˜ฉ. ๐˜‰๐˜ข๐˜ณ๐˜ข๐˜ข๐˜ณ๐˜ถ๐˜จ ๐˜ญ๐˜ขโ€™๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ๐˜ต๐˜ข ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ซ๐˜ช๐˜ณ๐˜ต๐˜ข ๐˜ฃ๐˜ถ๐˜ญ๐˜ด๐˜ฉ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜ฏ๐˜ฏ๐˜ข ๐˜ธ๐˜ข๐˜ข ๐˜ค๐˜ข๐˜ฒ๐˜ข๐˜ฃ๐˜ข๐˜ฅ, ๐˜ฃ๐˜ข๐˜ญ๐˜ด๐˜ฆ ๐˜ฉ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฅ๐˜ช๐˜ช ๐˜ญ๐˜ข ๐˜ฃ๐˜ฆ๐˜ฅ๐˜ฅ๐˜ฆ๐˜ญ๐˜ฐ ๐˜ง๐˜ช๐˜ฌ๐˜ช๐˜ณ๐˜ฌ๐˜ข, ๐˜ค๐˜ถ๐˜ฏ๐˜ต๐˜ฐ-๐˜ฌ๐˜ข๐˜ณ๐˜ช๐˜ฏ๐˜ต๐˜ถ ๐˜ธ๐˜ข๐˜น๐˜ข๐˜บ ๐˜ฏ๐˜ฐ๐˜ฒ๐˜ฐ๐˜ฏ ๐˜ฌ๐˜ข๐˜ณ๐˜ต๐˜ข๐˜ข ๐˜ฎ๐˜ช๐˜ฅ ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ฎ๐˜ช๐˜ฅ ๐˜ข๐˜ฉ ๐˜ง๐˜ถ๐˜ณ๐˜ข๐˜บ๐˜ข๐˜ข๐˜ด๐˜ฉ๐˜ข ๐˜ด๐˜ฉ๐˜ข๐˜ฒ๐˜ฐ ๐˜ญ๐˜ขโ€™๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ๐˜ต๐˜ข ๐˜ญ๐˜ข๐˜จ๐˜ถ ๐˜บ๐˜ข๐˜ณ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜บ๐˜ฐ, ๐˜ญ๐˜ข๐˜จ๐˜ถ๐˜ฏ๐˜ข ๐˜ฌ๐˜ฐ๐˜ฃ๐˜ค๐˜ช๐˜บ๐˜ฐ ๐˜ฅ๐˜ฉ๐˜ข๐˜ฒ๐˜ข๐˜ข๐˜ญ๐˜ข๐˜ฉ๐˜ข.

.

02/01/2026

โ€œ๐—™๐—ฎ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ผ ๐— ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ, ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ ๐—›๐—ฎ๐—ฎโ€
___________________________________
Intaad fadhido oo aad shaqo sugayso, ogow in wakhtigu aanu sugayn.
Halkii aad sugi lahayd, xirfad baroโ€”waayo xirfaddu waa hanti aan kaa dhammaanayn.

Ahmad waa mid ka mid ah dhalinyarada magaalada Galkacyo. 4 bilood ka hor, waxa uu ku jiray xaalad shaqo laโ€™aan ah, isaga oo ka walwalsanaa mustaqbalkiisa. Balse hada noloshiisu si buuxda ayay isu beddeshay markii uu goโ€™aansaday in uu barto laba xirfad oo kaliya taas oo 2 bilood ku qaadatay. Xirfadahaas oo kala ah;
โ—Graphic Design
โ—Video Editing
Maanta, Ahmed waa xirfadle madax-bannaan (Freelancer) oo hela dakhli ka badan midka qof mushahar qaata muddo dheer soo shaqaynayey. Intaa waxaa u dheer wakhti xor ah iyo xorriyad uu ku maamulo shaqadiisa.

๐Ÿ’ก ๐˜Š๐˜ข๐˜ด๐˜ฉ๐˜ข๐˜ณ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ญ๐˜ข๐˜จ๐˜ข ๐˜ฃ๐˜ข๐˜ณ๐˜ข๐˜ฏ๐˜ข๐˜บ๐˜ฐ ๐˜ด๐˜ฉ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜ฌ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ธ๐˜ข๐˜ข:
๐˜๐˜ข ๐˜ด๐˜ถ๐˜จ๐˜ช๐˜ฏ ๐˜ด๐˜ฉ๐˜ข๐˜ฒ๐˜ฐโ€”๐˜ฏ๐˜ข๐˜ง๐˜ต๐˜ข๐˜ข๐˜ฅ๐˜ข ๐˜ด๐˜ฉ๐˜ข๐˜ฒ๐˜ฐ ๐˜ถ ๐˜ด๐˜ข๐˜ฎ๐˜ฆ๐˜ฆ. ๐˜Ÿ๐˜ช๐˜ณ๐˜ง๐˜ข๐˜ฅ ๐˜ฃ๐˜ข๐˜ณ๐˜ฐ ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ๐˜ต๐˜ข, ๐˜ด๐˜ช ๐˜ข๐˜ข๐˜ฅ ๐˜ฃ๐˜ฆ๐˜ณ๐˜ณ๐˜ช ๐˜ถ ๐˜ฉ๐˜ฐ๐˜ณ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ณ๐˜ต๐˜ฐ.

23/12/2025

๐—”๐—ฎ๐—ฏ๐—ฏ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜‚๐˜‚ ๐˜‚ ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ฎ ๐˜‚๐—บ๐—ฎ ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ ๐—”๐—ป๐—ถ๐—ด๐—ฎ.โ€

Aabbahay wuxuu ahaa nin xoolo-dhaqato ah; dhul iyo daaq ayuu ku tiirsanaa, halkaasna noloshiisa ayuu ka dhistay. Waqtigiisa, taasi waxay ahayd geesinimo, adkaysi iyo nolol sharaf leh.

Aniguse maanta xoolo ma raaci karoโ€”ma aha liidasho, balse waa garasho. Dunidu way wareegtay, waqtiguna wuu is beddelay. Meeshii daaqa iyo uluhu joogeen, maanta waxaa fadhiya technology, aqoon iyo hal-abuur.

Haddii aan ku adkaysto waddadii shalay, waxaan seegi doonaa fursadaha maanta. Sidaas darteed, waxaan doortay in aan la jaanqaado dunida cusub; in aan aqoon bartaan, xirfad casri ah yeesho, kana dhisto mustaqbal ku saleysan fikir iyo farsamo.

Xikmad:
๐˜ˆm๐˜ฎ๐˜ช๐˜ฏ ๐˜ฌ๐˜ข๐˜ด๐˜ต๐˜ข ๐˜ช๐˜ฌ๐˜ฉ๐˜ต๐˜ช๐˜ณ๐˜ข๐˜ข๐˜ค ๐˜ข๐˜บ๐˜ถ๐˜ถ ๐˜ญ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜บ๐˜ข๐˜ฉ๐˜ข๐˜บ; ๐˜ฌ๐˜ช๐˜ช ๐˜ง๐˜ข๐˜ฉ๐˜ฎ๐˜ข ๐˜ธ๐˜ข๐˜ฒ๐˜ต๐˜ช๐˜จ๐˜ช๐˜ช๐˜ด๐˜ข, ๐˜ช๐˜ด๐˜ข๐˜จ๐˜ข๐˜ข ๐˜ฉ๐˜ฐ๐˜จ๐˜จ๐˜ข๐˜ข๐˜ฎ๐˜ช๐˜บ๐˜ข ๐˜ฎ๐˜ถ๐˜ด๐˜ต๐˜ข๐˜ฒ๐˜ฃ๐˜ข๐˜ญ๐˜ฌ๐˜ช๐˜ช๐˜ด๐˜ข.
Maan-fur Space
#2025ใ‚ท

๐™-๐˜ฟ๐™ž๐™ฎ๐™–๐™–๐™ง๐™จ๐™–๐™ฃ๐™–๐™–๐™ฃ ๐™‡๐™–โ€™๐™–๐™–๐™ฃ ๐˜ผ๐™ฎ๐™–๐™– ๐™…๐™ž๐™ง๐™ฉ๐™–.๐™Ž๐™๐™–๐™ฆ๐™ค ๐™‡๐™–โ€™๐™–๐™–๐™ฃ ๐™ˆ๐™– ๐™…๐™ž๐™ง๐™ฉ๐™ค,.โ€Shaqo laโ€™aantu ma aha mid dhab ahaan jirta; waxa jira waa dhali...
23/12/2025

๐™-๐˜ฟ๐™ž๐™ฎ๐™–๐™–๐™ง๐™จ๐™–๐™ฃ๐™–๐™–๐™ฃ ๐™‡๐™–โ€™๐™–๐™–๐™ฃ ๐˜ผ๐™ฎ๐™–๐™– ๐™…๐™ž๐™ง๐™ฉ๐™–.๐™Ž๐™๐™–๐™ฆ๐™ค ๐™‡๐™–โ€™๐™–๐™–๐™ฃ ๐™ˆ๐™– ๐™…๐™ž๐™ง๐™ฉ๐™ค,.โ€
Shaqo laโ€™aantu ma aha mid dhab ahaan jirta; waxa jira waa dhalinyaro aan weli isu diyaarin fursadaha shaqo ee casriga ah. Xirfado yarida, hal-abuurnimo laโ€™aanta, iyo ka gaabinta la qabsiga isbeddelka tiknoolajiyadda ayaa noqday caqabadaha ugu waaweyn. Dunidu way is beddeshay, shaqooyinkuna way la socdaan isbeddelkaas; cidda baranaysa, ku tababaranaysa, oo maskax furan leh ayaana fursadaha heshay. Maanta, aqoon laโ€™aan iyo diyaargarow laโ€™aan ayaa ka culus shaqo laโ€™aanta lafteeda.

>Qodobbada muhiim kuu ah.

โ—Masโ€™uuliyad shakhsiyadeed: Qof walba waa inuu qaataa masuuliyadda horumarkiisa.

โ—Barasho joogto ah: Xirfaddu waa in ay cusboonaataa mar kasta.

โ—Dabeecad shaqo: Adkaysi, waqtinimo, iyo hufnaan waa furaha.

โ—Isku-xirnaan (networking): Fursado badan waxay ka yimaadaan xiriirro.

๐—ข๐—ฅ๐—ข๐—— ๐—”๐—”๐—ก ๐—Ÿ๐—”๐—›๐—”๐—ฌ๐—ก ๐—๐—œ๐—›๐—ขQofka ordaya balse aan garan jihada wuxuu astaan u yahay dhalinyaro badan oo maanta dadaal badan leh...
22/12/2025

๐—ข๐—ฅ๐—ข๐—— ๐—”๐—”๐—ก ๐—Ÿ๐—”๐—›๐—”๐—ฌ๐—ก ๐—๐—œ๐—›๐—ข

Qofka ordaya balse aan garan jihada wuxuu astaan u yahay dhalinyaro badan oo maanta dadaal badan leh, balse aan haysan hagid, xirfad cad, iyo yool la qiyaasi karo.
Waqti iyo tamar way bixinayaan,
-baraha bulshada ayay ku mashquulsan yihiin, shaqooyin badan ayay isku dayaanโ€”laakiin natiijo muuqata ma helaan. Ma aha caajis; waa jahawareer. Jahawareerku wuxuu ka yimaadaa aqoon laโ€™aan ku saabsan halka la aado, waxa la barto, iyo sida loo dhiso mustaqbal shaqo.

Shaqo laโ€™aantu mar walba ma aha fursad laโ€™aan; marar badan waa xirfad laโ€™aan iyo jihayn laโ€™aan. Haddii jihadu caddaan weydo, orodku wuu daaliyaa qofka mana gaarsiiyo meel fog.

(๐Ÿ‘) ๐“๐š๐ฅ๐จ ๐จ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

1. Jihada marka h**e caddayso
Ha bilaabin wax walba mar qura. Dooro hal xirfad ama hal goob (tusaale: suuqgeyn dijitaal ah, graphic design, koronto, farsamo). U samee yool 6โ€“12 bilood ah oo cad.

2. Xirfad wax ku ool ah baro (practical skill)
Shahaado kaliya kuma filna. Baro xirfad suuqa maanta ka shaqaynaysa, ku tababaro mashruucyo yar-yar, oo dhis portfolio. Wax la arki karo ayaa ka qiimo badan CV dheer.

3. Ka hel hagid iyo bulsho sax ah
La soco dad kaa horreeya (mentors), ku biir bulshooyin xirfadeed, kuna xisaabtan horumarkaaga. Qof keli ahi si sahlan ayuu u lumaa; bulsho sax ahna jihada ayay ku hagi kartaa.

Gunaanad:
๐˜๐˜ข ๐˜ฏ๐˜ฐ๐˜ฒ๐˜ฐ๐˜ฏ ๐˜ฒ๐˜ฐ๐˜ง ๐˜ฐ๐˜ณ๐˜ฅ๐˜ข๐˜บ๐˜ข ๐˜ฃ๐˜ข๐˜ญ๐˜ด๐˜ฆ ๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ ๐˜จ๐˜ข๐˜ณ๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ซ๐˜ช๐˜ฉ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ข. ๐˜–๐˜ณ๐˜ฐ๐˜ฅ๐˜ฌ๐˜ข๐˜ข๐˜จ๐˜ข ๐˜ถ ๐˜ฃ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฅ๐˜ข๐˜ญ ๐˜ด๐˜ฐ๐˜ค๐˜ฐ๐˜ฅ ๐˜ฒ๐˜ฐ๐˜ณ๐˜ด๐˜ฉ๐˜ข๐˜บ๐˜ด๐˜ข๐˜ฏโ€”๐˜ซ๐˜ช๐˜ฉ๐˜ข๐˜ฅ๐˜ถ ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ณ๐˜ฌ๐˜ข ๐˜ข๐˜บ ๐˜ค๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฅ๐˜ข๐˜ฉ๐˜ข๐˜บ, ๐˜น๐˜ช๐˜ต๐˜ข๐˜ข ๐˜ต๐˜ข๐˜ญ๐˜ญ๐˜ข๐˜ข๐˜ฃ๐˜ฐ ๐˜บ๐˜ข๐˜ณ ๐˜ข๐˜บ๐˜ข๐˜ข ๐˜ฌu ๐˜จ๐˜ข๐˜ข๐˜ณ๐˜ด๐˜ช๐˜ช๐˜ฏ ๐˜ฌ๐˜ข๐˜ณ๐˜ต๐˜ข ๐˜ฎ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜ญ ๐˜ง๐˜ฐ๐˜จ.

20/12/2025

๐Ÿฏ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ป๐—ผ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ผ ๐—Ÿ๐—ฎโ€™๐—ฎ๐—ฎ๐—ป โ€“ ๐—›๐—ฎ๐—น ๐—ซ๐—ถ๐—ฟ๐—ณ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ข๐—ผ ๐—ก๐—ผ๐—น๐—ผ๐—น ๐—•๐—ฒ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฒ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐˜†
Saddex sano ayaan shaqo laโ€™aan ahaa. Maalin walba waxaan la kulmi jiray suโ€™aal culus: โ€œMaxaan ku noolaanayaa?โ€ Saaxiibaday qaar way shaqeeyeen, qaarna way hijroodeen, aniguna waxaan joogay meel aan rajo iyo jiho midna lahayn.

Laakiin hal maalin ayaan goโ€™aan qaatay: inaan naftayda maalgashado. Waxaan bilaabay barashada Graphic Designโ€”inkastoo aanan haysan qalab dhammeystiran ama macallin gaar ah. Habeenno badan ayaan ku seexan waayay anigoo baranaya, tijaabinaya, qalad sameynaya, haddana mar kale isku dayaya.

Bilowgii cid iima qaadan. Shaqooyinkii iigu horreeyay lacag badan ma keenin, balse waxay ii keeneen khibrad. Khibraddii waxay dhalisay kalsooni, kalsooniduna waxay keentay macaamiil.

Maanta, saddexdii sano ee shaqo laโ€™aanta ahaa waxay noqdeen xusuus. Xirfadda Graphic Design-ka waxay ii furtay albaab aanan waligay qiyaasi karin. Waxaan sameeyay hanti, waxaan helay magac, waxaana ogaaday in:

> ๐˜š๐˜ฉ๐˜ข๐˜ฒ๐˜ฐ ๐˜ญ๐˜ขโ€™๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ๐˜ต๐˜ถ ma ๐˜ข๐˜บ๐˜ด๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ข๐˜ฉ๐˜ข๐˜บ๐˜ฏ ๐˜ฅ๐˜ฉ๐˜ช๐˜ฃ๐˜ข๐˜ข๐˜ต๐˜ฐ; ๐˜ธ๐˜ข๐˜ข ๐˜ฅ๐˜ช๐˜จ๐˜ฏ๐˜ช๐˜ช๐˜ฏ ๐˜ฌ๐˜ถ๐˜จ๐˜ถ ๐˜ฐ๐˜ณ๐˜ข๐˜ฏ๐˜ข๐˜บ๐˜ด๐˜ข โ€œ๐˜น๐˜ช๐˜ณ๐˜ง๐˜ข๐˜ฅ ๐˜ฃ๐˜ข๐˜ณ๐˜ฐ.โ€

Sheekadaydu ma aha mid gaar ii ahโ€”waa fariin u ah qof walba oo niyad jabay:
Hal xirfad oo aad si dhab ah u barato ayaa noloshaada beddeli karta.


Maan-fur Space
๐˜ผ ๐™ฅ๐™ก๐™–๐™ฉ๐™›๐™ค๐™ง๐™ข ๐™ฉ๐™๐™–๐™ฉ ๐™ฃ๐™ช๐™ง๐™ฉ๐™ช๐™ง๐™š๐™จ ๐™ฎ๐™ค๐™ช๐™ฉ๐™ ๐™ฉ๐™๐™ž๐™ฃ๐™ ๐™ž๐™ฃ๐™œ, ๐™จ๐™ ๐™ž๐™ก๐™ก๐™จ, ๐™–๐™ฃ๐™™ ๐™˜๐™ง๐™š๐™–๐™ฉ๐™ž๐™ซ๐™ž๐™ฉ๐™ฎ.

โ€œ๐—›๐—ฎ ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐˜„๐—ถ๐—น๐—ถ๐—ป ๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—น ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฑ ๐˜‚ ๐—ต๐—ฎ๐˜„๐˜€๐—ต๐—ผ๐—ผ๐—ป.โ€Waxaa jiray nin dhalinyaro ah oo leh maskax firfircoon iyo awood uu wax ku qaban kar...
19/12/2025

โ€œ๐—›๐—ฎ ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐˜„๐—ถ๐—น๐—ถ๐—ป ๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—น ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฑ ๐˜‚ ๐—ต๐—ฎ๐˜„๐˜€๐—ต๐—ผ๐—ผ๐—ป.โ€

Waxaa jiray nin dhalinyaro ah oo leh maskax firfircoon iyo awood uu wax ku qaban karo, balse noloshu ku haysay meel madhan. Ma ahayn qof caajis ah, mana ahayn mid karti laโ€™aan ah; waxa uu ahaa qof aan haysan shaqo uu ku hawlgalo iyo xirfad uu ku tiirsanaado.

Maalmihiisu waxay ku dhammaan jireen sugitaanโ€”sugitaan shaqo iman doonta, fursad la heli doono, ama qof soo wici doona. Xirfaddiisii yarayd ee uu mar lahaa way daciiftay, maadaama aan la isticmaalin. Sida mindi aan la afayn, kartidiisu way caajistay, kalsoonidiisuna hoos bay u dhacday.

Shaqo laโ€™aantu kaliya ma aha dhibaato dhaqaale; waa xaalad maskaxeed. Waxay qofka ka qaaddaa yididiiladii, waxayna ku reebtaa suโ€™aal ah: โ€œMaxaan anigu qiimo u leeyahay?โ€ Marka xirfadiisu bannaanaato, qofku waxa uu dareemaa in uu ka goโ€™ay bulshada iyo horumarka nolosha.

Hase yeeshee, xal baa jira. Xirfad kasta oo bannaanaata waa mid dib loo kicin karo. Qofka shaqo laโ€™aanta ahi ma aha qof fashilmay; waa qof aan weli helin jihadii saxda ahayd. Barasho, tababar, iyo goโ€™aan qaadasho yar ayaa ka dhigi kara qof wax soo saar leh.

Ugu dambayn, shaqo laโ€™aantu waa xaalad ku meel gaar ah, balse xirfad laโ€™aantu waa doorasho, Qofkii goโ€™aansada in uu naftiisa dhiso, xitaa isagoo waxba haysan, waxa uu abuuri karaa mustaqbal ka wanaagsan kii uu sugayay. Noqo qof xirfad leh, si aad u noqoto qof u diyaarsan fursadeeda.
โœจ
Maan-fur Space


๐—›๐—”๐—Ÿ ๐— ๐—” ๐—›๐—”๐—ฌ๐—ข, ๐—ช๐—”๐—ฌ๐—ก๐—” ๐—œ ๐—›๐—ข๐—ฅ๐—ง๐—”๐—”๐—Ÿ!"Xarun Optical Eyes ah oo ku taal magaalada Hargeysa ayaa qorsheysay in ay ka furato xarumo...
18/12/2025

๐—›๐—”๐—Ÿ ๐— ๐—” ๐—›๐—”๐—ฌ๐—ข, ๐—ช๐—”๐—ฌ๐—ก๐—” ๐—œ ๐—›๐—ข๐—ฅ๐—ง๐—”๐—”๐—Ÿ!"

Xarun Optical Eyes ah oo ku taal magaalada Hargeysa ayaa qorsheysay in ay ka furato xarumo cusub Puntland, gaar ahaan magaalada Galkacyo.
Si ay u hirgeliyaan qorshahaas, waxay la soo xiriireen shirkad ka caawin karta helitaanka goob ku habboon xarunta, qalab la adeegsan karo, iyo agab kale oo muhiim ah.

Inta hawshaasi socotay, waxay is weydiiyeen suโ€™aal kale oo muhiim ah:
Ma laga heli karaa magaalada Galkacyo shaqaale leh xirfadda samaynta iyo dayactirka muraayadaha indhaha (Optical Technician)?

Arrintaas awgeed, waxay shirkaddii fududeyneysay u direen codsi ku saabsan helidda qof ku takhasusay xirfaddaas. Nasiib darro, muddo 40 maalmood ah wax qof ah oo leh xirfaddaas lagama helin magaalada Galkacyo, marka laga reebo dad horay uga shaqeynayay xarumo gaar ah oo si khaas ah loo tababaray ama laga keenay gobollo kale.

Caadi ahaan, shaqadan mushaarkeeda wuxuu u dhexeeyaa $300 ilaa 400 doolar bishii.
Dhanka kale, waxaa la arkaa dhalinyaro badan oo waqtigooda ku lumiya goobaha cawayska iyo meheradaha shaaha. Marka mid ka mid ah la waraysto, wuxuu inta badan ku doodayaa in shaqo laโ€™aan baahsan ay jirto.

Haddaba akhriste, suโ€™aashu waxay tahay:
Waa maxay โ€œcudurkaโ€ dhabta ah ee haysta dhalinyarada aan shaqo haysan, marka aad akhrido sheekadan?


Maan-fur Space  ๐™’๐™–๐™– ๐™ข๐™–๐™™๐™–๐™ก ๐™๐™–๐™ก ๐™–๐™—๐™ช๐™ช๐™ง ๐™ค๐™ค ๐™–๐™–๐™ฃ ๐™™๐™ž๐™ž๐™ง๐™–๐™™๐™– ๐™ ๐™ช ๐™จ๐™–๐™–๐™ง๐™–๐™ฎ๐™ฃ๐™ค:-Kor u qaadista xirfadaha dhalinyarada iyadoo loo marayo ...
18/12/2025

Maan-fur Space ๐™’๐™–๐™– ๐™ข๐™–๐™™๐™–๐™ก ๐™๐™–๐™ก ๐™–๐™—๐™ช๐™ช๐™ง ๐™ค๐™ค ๐™–๐™–๐™ฃ ๐™™๐™ž๐™ž๐™ง๐™–๐™™๐™– ๐™ ๐™ช ๐™จ๐™–๐™–๐™ง๐™–๐™ฎ๐™ฃ๐™ค:-

Kor u qaadista xirfadaha dhalinyarada iyadoo loo marayo tababaro, siminaarro iyo barnaamijyo xirfadeed oo tayo leh, dhalinyarada waxaa la siinayaa aqoon iyo waayo-aragnimo wax ku ool ah oo u sahlaysa shaqo-helid, hal-abuur fikir, horumar xirfadeed, iyo bilaabidda ganacsiyo yaryar, si ay uga mid noqdaan xubno wax ku biiriya horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.



Address

Galkio
Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maan-fur Space posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share