Horn Community Care Organization

Horn Community Care Organization we work on the basic needs of the community

Gaalkacyo: January 27, 2026: Guddoomiyaha Ururka Horn community Care organization Abdikhadar Aadan xarbi oo kamida ah da...
27/01/2026

Gaalkacyo: January 27, 2026: Guddoomiyaha Ururka Horn community Care organization Abdikhadar Aadan xarbi oo kamida ah dalada Dudmudug ayaa ka qayb-galey daah-furay wajiga labaad ee mashruuca nabad-dhiska SSFIII (Joint Peace Initiative – JPI), kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta nabadda, wada noolaanshaha bulshada, iyo iskaashiga hay’adaha dowliga ah ee Dowladaha Puntland iyo Galmudug.
Mashruucan ayaa waxaa si wadajir ah u hoggaaminaya Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Puntland iyo Galmudug, iyadoo ay taageerayaan bahwadaag caalami ah iyo kuwo maxalli ah oo ay hormuud u yihiin SSF, CARE International iyo PSA iyo CPD.
Waxaana ka soo qaybgalay Mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Dowladaha Puntland iyo Galmudug heer Gobol iyo Degmo, Wakiillo ka socday hay’adaha fulinaya mashruuca Sara Kim, Lataliye Sare oo dhinaca Isku-xirnaanta (Coordination Advisor) kana socota Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya (SSF), Marti sharaf iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Mudug.

Horn Community Care organization waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Abdinaafic Maxamed Cali, oo ah xubin ka mid ah u...
24/01/2026

Horn Community Care organization waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Abdinaafic Maxamed Cali, oo ah xubin ka mid ah ururka, dud mudug oo loo magacaabay Xoghayaha Daladda Ururrada Dhalinyarada Gobolka Mudug (DUDMUDUG).
Ururku wuxuu u rajaynayaa guul, horumar iyo inuu Alle ku garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxaan urajaynayaa inuu wax badan ku soo kordhiyo horumarinta iyo midnimada dhalinyarada Gobolka Mudug.

Waxaa noqabsomay  tababar gaar ah oo ku saabsan Special Training – Staff Management Hotel &Restaurant ,maareynta shaqaal...
21/01/2026

Waxaa noqabsomay tababar gaar ah oo ku saabsan Special Training – Staff Management Hotel &Restaurant ,maareynta shaqaalaha hoteellada iyo makhaayadaha, waxaana tababarka iska kaashadayHorn Community Care Organization and hotel royal Tababarku wuxuu diiradda saaray kormeerka shaqaalaha, adeegga macaamiisha, habaynta shaqada, iyo kor u qaadidda tayada adeegga

:Galabta waxaa si rasmi ah magaalada Gaalkacyo looga daa tartanka dugsiyada sare, iyadoo furitaankiisa ay ka soo qayb-ga...
25/12/2025

:Galabta waxaa si rasmi ah magaalada Gaalkacyo looga daa tartanka dugsiyada sare, iyadoo furitaankiisa ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday heer gobol iyo heer degmo iyo ururada dhalinyarada .
Masuuliyiintaasi ayaa si weyn u bogaadiyey doorka uu tartankani ka qaadanayo isdhexgalka ardayda, horumarinta isboortiga iyo dhiirrigelinta hibada da’yarta.
Natiijada kulanka furitaanka:

GAALKACYO –Guddoomiyaha Ururka Horn Community Care Organization, Mudane Cabdikhadar Aadan Xarbi, ayaa maanta ka qayb-gal...
25/12/2025

GAALKACYO –Guddoomiyaha Ururka Horn Community Care Organization, Mudane Cabdikhadar Aadan Xarbi, ayaa maanta ka qayb-galay kalfadhiga 30aad ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo, oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee degmada Gaalkacyo, Puntland.

Kalfadhiga ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira horumarinta adeegyada bulshada, iskaashiga hay’adaha maxalliga ah iyo doorka ururrada bulshada ee taageeridda qorshayaasha horumarineed ee degmada.

Address

Galkaio
Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Horn Community Care Organization posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share