DOOG ORG.

DOOG ORG. Urur Bulsho ( Community-Based Organization / Non-Governmental Organization and Non-profit Organization).

DOOG waxa ay u taagan In la dhiso Bulshl Dhiiran, horumarsan, oo isku filan, kana shaqeysa badbaadinta deegaanka iyo mustaqbalka jiilasha soo socda.

06/06/2026

Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka Adduunka ( World Environment Day )

𝗙𝗔π—₯π—œπ—œπ—‘ π—ͺπ—”π—–π—¬π—œπ—šπ—”π—Ÿπ—œπ—‘π—˜π—˜π—— πŸ“’

β€œ Muwaadin deegaanku waa aasaaska nolosheenna, caafimaadkeenna iyo horumarka jiilasha soo socda. Ilaalintiisu waa masuuliyad wada saaran dhammaan shacabka. ”

Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka Adduunka ( World Environment Day )Deegaanku waa aasaaska nolosheenna. Ilaalintiisu wa...
05/06/2026

Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka Adduunka ( World Environment Day )

Deegaanku waa aasaaska nolosheenna. Ilaalintiisu waa masuuliyad naga wada saaran dhammaanteen.

Maanta waxaan bulshada ku dhiirrigelinaynaa:

- In la ilaaliyo deegaanka
- In la beero Dhirta
- In la yareeyo wasakhowga
- In la dhowro biyaha iyo khayraadka dabiiciga ah
- In la dhiso bulsho u heelan deegaan nadiif ah

Aynu si wadajir ah uga shaqayno mustaqbal cagaaran oo waara.

" Degaan Dhawrsan, Cimilo Hagaagsan iyo Mustaqbal Cagaaran "

MAHADCELIN IYO BOGAADIN Ururka Doog Development Organization (DDO) DOOG ORG. wuxuu si weyn u bogaadinayaa  , gaar ahaan ...
01/06/2026

MAHADCELIN IYO BOGAADIN

Ururka Doog Development Organization (DDO) DOOG ORG. wuxuu si weyn u bogaadinayaa , gaar ahaan Duqa Degmada Mudane , dadaalka iwanaagsan ee lagu daahfuray Ololaha Nadaafadda ee ka socda dhammaan toddobada xaafadood ee magaalada.

Ololahan muhiimka ah wuxuu door weyn ka qaadanayaa kor u qaadista nadaafadda, bilicda iyo horumarinta magaalada Gaalkacyo, isagoo sidoo kale dhiirrigelinaya ka qaybgalka bulshada iyo ilaalinta deegaanka.

Waxaan ku ammaaneynaa maamulka degmada, shaqaalaha Dowladda Hoose, maamulka xaafadaha, ururrada dhalinyarada iyo dhammaan bulshada ka qayb qaadanaysa hirgelinta ololahan qiimaha badan.

Ururka DOOG ORG. wuxuu mar walba garab taagan yahay dadaallada lagu horumarinayo deegaanka, nadaafadda iyo bilicda magaalada, waxaana ugu baaqeynaa dhammaan shacabka Gaalkacyo inay si firfircoon uga qayb qaataan ololahan si aan u helno magaalo nadiif ah, caafimaad qabta, kana tarjumaysa horumarka bulshada.

" Nadaafaddu waa masuuliyad wadajir ah, horumarkuna wuxuu ka bilaabmaa deegaanka aynu ku nool nahay. "

Mahadsanidiin.🌱

Qodobo wax wayn ka taraya abaarta ka jirta Degaanada Puntland ayay Soo sareen Golaha wasiiradda Dowlada Puntland.Dhamaan...
05/02/2026

Qodobo wax wayn ka taraya abaarta ka jirta Degaanada Puntland ayay Soo sareen Golaha wasiiradda Dowlada Puntland.

Dhamaan Dadka ay dowladuu ugu baaqday in ay sixirka dhimaan waxaan ka codsanayaa in dhaqan galiyaan baaqa Dowlada.

NEPHA ORG.

SHIRKA GOLAHA WASIIRADA DOWLADDA PUNTLAND. (05 February 2026).

ABAAAR DARAN OO KA JIRTA DALKA πŸ‡ΈπŸ‡΄β€ŽGuud ahaan dalka waxaa ka jirta abaar daran oo si ba’an u saameysay dad iyo duunyaba. ...
05/02/2026

ABAAAR DARAN OO KA JIRTA DALKA πŸ‡ΈπŸ‡΄
β€Ž
Guud ahaan dalka waxaa ka jirta abaar daran oo si ba’an u saameysay dad iyo duunyaba. Abaartan hadda taagan waxay khasaare weyn gaarsiisay xoolo-dhaqatada, iyadoo ay jireen biyo la’aan, daaq la’aan iyo cunto yari Soo food saaratya dadka reer miyiga ah..

β€ŽDad iyo Duunyaba waxay wajahayaan xaalad aad u adag, oo u baahan Gurmad Deg Deg ah oo looga jawaabo baahiyaha ka Jira miyiga iyo Tolooyinka Dalka.

Allaha u Gargaaro Umadda Somaliyeed meel kasta ay ku nool yahiin.

Ururka NEPHA ORG. waxuu Markasta u taagan yahay ka qayb qaadashada Gurmadka Abaaraha ee ka Jira Dalka Muruq, Maal iyo Maskaxba

Email: [email protected],

03/02/2026
06/12/2025

Environmental protection refers to all efforts aimed at keeping the natural environment clean, safe, and healthy so that future generations can benefit from it. It involves protecting the air, water, soil, plants, animals, and all natural ecosystems.

Address

Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when DOOG ORG. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share