Ururka dhalinyarada Hiil Shacab

Ururka dhalinyarada Hiil Shacab Ururka dhalinyarada hiil shacab waa urur dhalin yaro oo ay kumidaysan yihiin dhalinyaro soomaaliyee

الحمد لله رب العالمين 🤍Mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatay  kadibna waxaan si farxad iyo sharaf leh u shaacinaynaa in wa...
16/01/2026

الحمد لله رب العالمين 🤍
Mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatay kadibna waxaan si farxad iyo sharaf leh u shaacinaynaa in wajiga kowaad (Phase 1) ee barnaamijka Somali Girls Youth Empowerment and Natural Beauty Initiative (SGYENBI) si rasmi ah looga wada daah-furay afar dugsi kuwaas oo noqday hormuudka bilowga isbeddel togan iyo awood-siinta gabdhaha.

📍 Dugsiyada lagu daah-furay Phase 1:
🏫 Omar Samatar Secondary School
🏫 Haji Ali Bihi Primary & Secondary School
🏫 Salaama Primary School
🏫 Nezdo Primary School

Daah-furkan wuxuu astaan u yahay dadaal lagu dhisayo kalsoonida gabdhaha, aqoonsiga quruxda dabiiciga ah iyo kobcinta hoggaaminta mustaqbalka waxaana si toos ah u bilaaban doona casharrada barnaamijka insha'Allah.



Waxbarashada gabdhuhu waa tiirka ugu weyn ee kobaca bulshada. Waa halka ay ka bilaabato kalsoonida, is-ogaanshaha iyo aqoonsiga qofnimo ee gabadha. Gabadha wax barataa ma dhisto oo keliya nafteeda, balse waxay dhistaa qoys wacyi leh, bulsho adkaysi leh iyo mustaqbal ifaya.

Quruxda dabiiciga ah dhiirrigelinta gabdhaha waa hoggaanka berrito ee bulshada.

SGYENBI Madasha Kobaca Shakhsiyadda, Aqoonsiga iyo Hoggaanka Gabdhaha. 🌸✨

Alle ayaan ka rajaynaynaa inuu barnaamijkan ka dhigo mid miro-dhal ah una noqda sabab horumar, wacyigelin iyo isbeddel waara bulshada.



Address

Gaalkacyo Kasoo Horjeed Hotel Classic
Gaalkacyo

Telephone

+252905320282

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ururka dhalinyarada Hiil Shacab posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ururka dhalinyarada Hiil Shacab:

Shortcuts

Share