18/06/2026
– Isbahaysiga Horumarinta Iskaashatooyinka Gobolka Sanaag ayaa maanta qabtay Kulan-waynaha Guud ee Iskaashatooyinka Gobolka Sanaag, kaas oo lagaga hadlay horumarinta iskaashatooyinka, xoojinta wada-shaqaynta iyo kor u qaadista wax-soo-saarka bulshada.
Kulankan waxa ka soo qayb galay Xoghayaha Gobolka Sanaag, masuuliyiin kale iyo wakiillo ka socday qaar ka mid ah iskaashatooyinka ka jira gobolka. Intii uu kulanku socday, waxa la isla gorfeeyey caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo iskaashatooyinka gobolka.
Ka qaybgalayaashu waxay adkeeyeen muhiimadda ay iskaashatooyinku u leeyihiin horumarka dhaqaale iyo kobcinta bulshada gobolka Sanaag.