28/04/2026
BAAQ NABADEED
waxaan baaq nabadeed halkan uga dirayaa dadka walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaan buuraha dahabka ee u dhexaya xaysimo iyo wadaagsin.
Waxaan leeyahay walaalayaal colaadi waa mugdi,waa caqli daro waa dhiig walaal muslin ah oo daata waa wiil aan jecelahay oo inaga dhinta ama inaga dhaawacma waxaan idin leenahay waar shaydaanka naara,oo tolow colka jooga..waxaan sidoo kale ugu baaqayaa madaxda dhaqanka,in dheer garadka,aqoon yahanka gobolku inaanay ka aamusin aafadan inay la shaqeeyaan dawlada oo nabada iskula garab taagaan..
ALLAH MAHAD LEH