Eco-voice Somalia

Eco-voice Somalia The Voice for Somalia's environment. Dedicated to climate action and sustainable conservation.

18/04/2026

Waa ku mahadsan yihiin bulshada ree Ceeldibir iyo booliska oo iskaashanaya go'aamada ay qaadeen ee ay ku badbaadinayaan deegaanka👏.

Deegaankaan beri wuxuu ahaa mid kaymo ah oo aan sahal lagu gali karin dhirtuna jiq tahay balse maanta waa mid intiisa badan banaan oo dhirtii laga xaalufiyay kaas oo ay ka jareen geedihii dad wax ma garato ah inkastoo laga yaabo qaarkood in danta iyo duruuftu u gaysay haddana marnaba qiil u heli maayo jarista geedaha.

Markale waan ku bogaadinaynaa talaabada ay qaadeen waana mid laga rabo inay qaataan masuuliyaddaan oo kale dadka soomaaliyeed gaar ahaan ree Galmudug oo inta badan lagu sheego deegaamada Galmudug inuu yahay dhul banaan oo geedo la'aan ah taas oo ay sababtay goynta dhirta.

Haddaan nahay bahda Eco-voice Somalia waxaan u taaganahay ku baraarujinta bulshada muhiimadda uu deegaanku inoo leeyahay iyo bidhaaminta joojinta dabargoynta dhirta iyo duurjoogtaba si loo helo deegaan qurxoon kuna haboon in lagu noolaado.

Isha: wariye Saadaq Saciid

Sawirkaani wuxuu inoo muujinayaa muhiimadda ay dhirtu u leedahay deegaanka iyo farqiqa ka dhexeeya deegaan dhir leh iyo ...
17/04/2026

Sawirkaani wuxuu inoo muujinayaa muhiimadda ay dhirtu u leedahay deegaanka iyo farqiqa ka dhexeeya deegaan dhir leh iyo mid aan lahayn.

Markaan ku eegno indho deegaankeena ah bulshadeenu ma tahay kuwa ku baraarugsan xariirka ka dhexeeya dhirta iyo deegaanka? Madaama dhir jaristu ku badan tahay dhulka soomaalida.

Address

Cadaado

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eco-voice Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share