05/09/2026
Qaar ka mid ah xubnaha SAMO-KAAB ayaa ka qayb galay tababar ku saabsanaa “The Entrepreneurship Blueprint”, oo ay soo qabanqaabisay .
Tababarku wuxuu fursad u siiyey ka qaybgalayaasha inay wax badan ka bartaan fikirka ganacsi, aqoonsiga fursadaha iyo sida fikrad loogu beddeli karo ganacsi waara.
SAMO-KAAB ahaan, waxaan mudnaan gaar ah siinaynaa kobcinta aqoonta iyo xirfadaha xubnaheenna, si ay u helaan fursado ay ku horumariyaan naftooda, isla markaana bulshada ugu adeegaan aqoon iyo karti.
Ugu dambayn waxaan u mahadcelinaynaa bahda Sahamiye oo heegan ugu jira kobcinta iyo kor u qaadista wacyiga dhallinta magaalada Burco.