Samo-kaab Organisation

Samo-kaab Organisation Samo-kaab is a non-profit organization based in Burao, Somaliland.

Dedicated to providing informal education to those who have been unable to access formal schooling.

15/08/2026

Waxbarashadu da' ma laha.

Hooyooyinka maanta wax akhrinaya waxay tusaale u yihiin in aanay jirin da' laga daaho aqoonta Marka hooyo wax barato waxay si fiican u maamuli kartaa nolosheeda, ganacsigeeda iyo mustaqbalka carruurteeda. Bulsho horumaraysa waxay ka bilaabataa hooyo wax baratay.

Happy International Youth Day 2026! 🎉Samo-kaab celebrates the strength, creativity, and potential of young people across...
12/08/2026

Happy International Youth Day 2026! 🎉

Samo-kaab celebrates the strength, creativity, and potential of young people across Somaliland.

We believe youth are not just the leaders of tomorrow—they are builders of today. Through education, skills development, teamwork, and community action, young people can create meaningful change.

Keep learning. Build your skills. Serve your community. Lead with purpose.

Happy International Youth Day from Samo-kaab!

join our community group
https://chat.whatsapp.com/LJK02jnuspBFgi0Ygjs5Hs?s=cl&p=a&mlu=0

We are honored to have participated in the Advanced Youth Humanitarian Leadership Training, organized by SOYDAVO in part...
12/08/2026

We are honored to have participated in the Advanced Youth Humanitarian Leadership Training, organized by SOYDAVO in partnership with ActionAid Global Platform.

This valuable training enhanced our skills in leadership, communication, teamwork,: true leadership is not about a position or title, but about responsibility, service, and creating meaningful change in our communities.

We are proud that our organization was represented at this training by our Program and Awareness Director, Mrs. Nimco X Yusuf Awguure

Our sincere gratitude goes to SOYDAVO and ActionAid Global Platform for providing this opportunity to learn, grow, and connect with fellow young leaders. We look forward to applying the knowledge and skills gained to strengthen our work, serve our community, and empower more young people.

Waxaanu si weyn ugu soo dhaweyneynaa ururka Samo-kaab  Hodan Ciise Cali  oo kusoo biirtay teamka.Waanu ku faraxsanay ina...
08/08/2026

Waxaanu si weyn ugu soo dhaweyneynaa ururka Samo-kaab Hodan Ciise Cali oo kusoo biirtay teamka.

Waanu ku faraxsanay inaad ka qayb noqoto bah weynta Samo-kaab. Waxaan kuu rajaynaynaa inaad hawlkarnimadaada, dedaalkaaga iyo dhiiranaantaada uga faaideyso ururka.

Annagoo isku duuban waxaan ku leenahay kusoo dhawoow qalbi furan iyo gacmo furan walaalo

Hogaanka iyo dhammaan xubnaha Ururku waxay hambalyo diirran oo aan la soo koobi karayn u dirayaan  Abdifatah Ahmed Jama ...
28/07/2026

Hogaanka iyo dhammaan xubnaha Ururku waxay hambalyo diirran oo aan la soo koobi karayn u dirayaan Abdifatah Ahmed Jama oo dhammaystirtay difaacashada buuggii jaamacada. 👏 👏 👏 ❤️

Guushaasi waa mid ka dhalatay dadaal, dulqaad, iyo juhdi joogto ah. Waxaan ku faraxsanahay inaan aragno adoo maanta gaadhey hadafkaagii, kana dhabeeyey himilooyinkaagii waxbarasho mid ka mida. 😊 👏 👏

Alle waxaan kuu weydiineynaa cilmigaa aad baratay inuu kaaga yeelo mid aad ummada ku anfacdo, naftaadana wax ugu qabato 🤲 🤲

27/07/2026

Waaxda waxbarashada iyo waaxda barnaamijaadka ururka oo ay weheliyaan gudoomiye ku xigeenka ururka AYAAN MAXAMED iyo xoghayaha ururku Nuradin Dawlad ayaa maanta xaafada Maxamed Cali ka sameeyey xog uruurin looga gol lahaa in si dhab ah loo aqoonsado baahiyaha waxbarasho ee carruurta iyo waalidiinta ku dhaqan Xaafadda Maxamed Cali, kuwaaso baahiyo dhaqaale ay ka reebeen waxbarashada ama si kale u tahli waayay, si ururku u daboolo baahidaas ama ula doonto goobo waxbarasho oo si bilaash ah wax loogu baro.

​Xogtan qiimaha badan ee aanu soo uruurinay waxay faa'iido weyn u noqon doontaa dhisidda barnaamijyo waxbarasho oo kor u qaadaya garaadka carruurta iyo waalidiinta xaafaddaha.

​Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dadka ku dhaqan Xaafadda Maxamed Cali oo muujiyay iskaashi iyo soo dhoweyn wanaagsan intii ay kooxdu ku jirtay shaqada xog uruurinta.

Alle galladii waxaa si rasmi ah u soo gabagabowday xog uruurintii laga fulinayay xaafadaa oo kusoo dhammatay si guul leh.

26/07/2026

mid ka mida ardayda suuqa ururku wax ugu dhigo 📖 🖊 ✅️

25/07/2026

Waraysi uu Guddoomiyaha Ururka SAMO-KAAB siiyey MM Somali TV xilli ay booqasho ku yimaaddeen goobaha waxbarasho ee uu ururku ka wado magaalada Burco.

Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaynaa Mm Somali TV sida quruxda badan ee uu bulshada ula wadaagay hawlaha waxbarasho ee uu qabto ururka SAMO-KAAB, isla markaana uu waxqabadka iyo himilada ururka u gaadhsiiyey bulshada.

Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa dhammaan xubnaha ururka ee naf-hurnimada, dulqaadka iyo dedaalka badan ku bixiya hirgelinta barnaamijyada waxbarasho ee lagu taageerayo hooyooyinka iyo dadka waaweyn.
Waxbarashadu waa furaha horumarka, adeegga bulshaduna waa masuuliyad aynu wada leenahay.

18/07/2026

العمل التطوعي 📍

Alle mahaddii, xalay waxaa si guul leh u qabsoomay barnaamijkii "Shaqada Iskaa-wax-u-qabso", oo ay soo qabanqaabisay waa...
15/07/2026

Alle mahaddii, xalay waxaa si guul leh u qabsoomay barnaamijkii "Shaqada Iskaa-wax-u-qabso", oo ay soo qabanqaabisay waaxda barnaamijaadka ee SAMO-KAAB Organization.

Waxaan uga mahadcelinaynaa dhammaan ka qaybgalayaashii waqtigooda iyo dadaalkooda geliyey inay ka faa'iidaystaan barnaamijka. Mahad gaar ah waxa leh tababarihii, marti-sharaftii iyo kooxda Barnaamijaadka oo dedaal bana geliyey hirgelinta barnaamijkan.

Waxaan rajaynaynaa in aqoontii iyo fikradihii lagu falanqeeyey ay noqdaan kuwo lagu dabaqo bulshada dhexdeeda, isla markaana dhiirrigeliya ruuxa iskaa-wax-u-qabso iyo u adeegga bulshada ku hawlan.

Samo-Kaab Organization waxay sii wadi doontaa qabashada barnaamijyo aqooneed iyo tababaro kor u qaadaya aqoonta, hoggaaminta iyo horumarka bulshada.

Address

Burco

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Samo-kaab Organisation posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share