Deegaan kal-kaal Organization BURCO

Deegaan kal-kaal Organization BURCO Ururka Deegaan Kal-kaal waa urur u heellan horumarinta bulshada, ilaalinta deegaanka, iyo garab istaagga dadka nugul.

Waxaan ka shaqaynaa wacyigelin, adeegyo bulsho, iyo mashaariic kor loogu qaadayo nolosha bulshada.

Xuska Maalinta Dhir-beerista JSLUrurka Deegaan Kal-kaal BurcoHorumarinta deegaanka & wacyigelinta bulshada .Sawirada Qay...
16/04/2026

Xuska Maalinta Dhir-beerista JSL
Ururka Deegaan Kal-kaal Burco
Horumarinta deegaanka & wacyigelinta bulshada .

Sawirada Qaybta 4aad

Xuska Maalinta Dhir-beerista JSLUrurka Deegaan Kal-kaal BurcoHorumarinta deegaanka & wacyigelinta bulshada .Sawirada Qay...
15/04/2026

Xuska Maalinta Dhir-beerista JSL
Ururka Deegaan Kal-kaal Burco
Horumarinta deegaanka & wacyigelinta bulshada .

Sawirada Qaybta 3aad

15 April 2026 – Maalinta Qaran ee Dhir-beerista JSLUrurka Deegaan Kal-kaal BurcoDoorkooda muuqda iyo dadaalkooda deegaan...
15/04/2026

15 April 2026 – Maalinta Qaran ee Dhir-beerista JSL
Ururka Deegaan Kal-kaal Burco
Doorkooda muuqda iyo dadaalkooda deegaanka waa lagu amaanayaa 🌱

Sawirada Qaybta 2aad

15 April 2026. Xuska Maalinta Dhir-beerista JSLUrurka Deegaan Kal-kaal BurcoHorumarinta deegaanka & wacyigelinta bulshad...
15/04/2026

15 April 2026. Xuska Maalinta Dhir-beerista JSL
Ururka Deegaan Kal-kaal Burco
Horumarinta deegaanka & wacyigelinta bulshada – shaqo mudan bogaadin

Sawirada Qaybta 1aad

15/04/2026

15 April 2026, Maalinta Qaran ee Dhir-beerista JSL , Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Gobolka Togdheer oo ay si dhow ula shaqeysay ururka Deegaan Kal-kaal Burco, ayaa si guul leh loo qabtay hawl ballaadhan oo dhir-beeris ah.
Ururka Deegaan Kal-kaal Burco ayaa door muuqda ka qaatay abaabulka iyo fulinta hawshan, iyagoo muujiyey dadaal, karti iyo u heellanaanta ilaalinta deegaanka. Waxay bulshada ku dhiirrigeliyeen ka qayb qaadashada dhir-beerista si loo qurxiyo deegaanka loona xoojiyo nolosha mustaqbalka.
Sidoo kale, Maayirka magaalada Burco ayaa ururka kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalka wanaagsan ee ay ugu adeegayaan deegaanka iyo bulshada, isagoo ku ammaanay kaalinta muuqata ee ay ka qaateen hawshan qiimaha leh.
πŸ‘ Amaan iyo bogaadin gaar ah ayaa mudan ururka Deegaan Kal-kaal Burco oo mar walba hormuud u ah hawlaha deegaanka iyo wacyigelinta bulshada.

14/04/2026

Afhayeenka Ururka Deegaan Kal-kaal Burco, Abdirahman Mohamed Mohamud, ayaa bulshada ku dhaqan magaalada Burco iyo nawaaxigeeda ugu baaqay inay si firfircoon uga qayb qaataan Maalinta Dhir-beerista JSL ee ku beegan 15 April 2026.
Ururka Deegaan Kal-kaal Burco oo si joogto ah uga shaqeeya ilaalinta deegaanka, horumarinta bilicda magaalada, iyo wacyigelinta bulshada, ayaa mudan ammaan iyo bogaadin dadaalka muuqda ee ay ku bixiyaan badbaadinta deegaanka iyo kobcinta dhirta.
Waxa uu afhayeenku bulshada ku dhiirigeliyey inay dhirta ka soo qaataan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Gobolka Togdheer, si loo qurxiyo deegaanka loona ilaaliyo mustaqbalka jiilasha soo socda.
--> Dhir-beeristu waa nolol
--> Dhir-beeristu waa horumar
--> Dhir-beeristu waa badbaadada deegaanka

.

14/04/2026

Sannadkan waxa la beeray 600,000 + Oo geed Oo lagaga Hor tagayo saamaynta isbeddelka Cimilada. Ururka Deegaan kal-kaal burco qayb ayuu ka ahaa sannadkii h**e, sannadkana wa diyaar inuu qayb ka noqdo.

Sida uu sheegay :

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane: Cabdiraxmaan cirro.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL .

U Diyaar Garowga Maalinta Qaran ee Dhir-beerista JSL Ururka Deegaan Kal-kaal Burco waxa uu bulshada ku dhaqan magaalada ...
12/04/2026

U Diyaar Garowga Maalinta Qaran ee Dhir-beerista JSL

Ururka Deegaan Kal-kaal Burco waxa uu bulshada ku dhaqan magaalada Burco ku boorinayaa inay si buuxda ugu diyaar garoobaan ka qayb qaadashada Maalinta Qaran ee Dhir-beerista JSL.

Iyadoo la kaashanayo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Gobolka Togdheer, waxaa la diyaariyey dhir loogu talagalay in bulshada loo qaybiyo si ay uga qayb qaataan qurxinta deegaanka iyo ilaalinta deegaanka.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan bulshada:

- Inay dhirta ka soo qaataan meelaha loo asteeyey Oo ah wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Gobolka Togdheer
- Inay ku beeraan guryahooda, goobahooda shaqo iyo meelaha bannaan
- Inay door firfircoon ka qaataan ilaalinta iyo kobcinta deegaanka

Dhir-beeristu waa nolol, waa horumar, waana mustaqbalka deegaanka aynu wadaagno.

OGEYSIIS MUHIIM AH – MAALINTA DHIR-BEERISTA JSL Ururka Deegaan Kal-kaal oo kaashanaya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka...
11/04/2026

OGEYSIIS MUHIIM AH – MAALINTA DHIR-BEERISTA JSL

Ururka Deegaan Kal-kaal oo kaashanaya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, gaar ahaan Gobolka Togdheer, waxa uu bulshada wayn la wadaagayaa in la qabanayo Maalinta Qaran ee Dhir-beerista JSL.
Maalintani waa fursad muhiim ah oo aynu si wadajir ah uga qayb qaadan karno ilaalinta deegaanka, dib-u-cusboonaysiinta dhulka, iyo yaraynta saameynta isbeddelka cimilada.
🌱 Ururku waxa uu ugu baaqayaa dhammaan bulshada reer Burco: Inay si firfircoon uga qayb qaataan dhir-beerista, isla markaana kaalin muuqata ka qaataan badbaadinta deegaanka iyo mustaqbalka jiilasha soo socda.

πŸ“ Goobta: wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Ee Gobolka Togdheer
πŸ“… Taariikhda: 15 April 2026
🌍 β€œHal geed oo la beeraa maanta, waa nolol berri la badbaadiyey.”
Aan gacmaha is qabsano, oo aynu cagaarino dalkeena.

Official: Xil Wareejinta Xeer IlaalintaMaanta waxaa si rasmi ah loo qabtay xil wareejinta Xeer Ilaaliyaha,taas oo astaan...
08/04/2026

Official: Xil Wareejinta Xeer Ilaalinta
Maanta waxaa si rasmi ah loo qabtay xil wareejinta Xeer Ilaaliyaha,
taas oo astaan u ah hufnaan, isla xisaabtan iyo horumar joogto ah.
Xeer Ilaaliyihii h**e waxa uu ka tagay taariikh wanaagsan oo ku dhisan shaqo iyo karti,
halka Xeer Ilaaliyaha cusub laga filayo inuu sii ambaqaado hawlaha muhiimka ah.
Waxaan u rajaynaynaa guul iyo horumar.

Xil Wareejin Rasmi ahAgaasime Waaxeedka DhireyntaWaxaa si rasmi ah xilka ula wareegay Agaasimaha cusub,iyadoo lagu waree...
07/04/2026

Xil Wareejin Rasmi ah

Agaasime Waaxeedka Dhireynta
Waxaa si rasmi ah xilka ula wareegay Agaasimaha cusub,
iyadoo lagu wareejiyay masuuliyaddii iyo hawlihii shaqo ee waaxda.
Waxaan u mahadcelineynaa Agaasimihii h**e dadaalkii iyo shaqadii uu soo qabtay,
waxaana u rajeyneynaa Agaasimaha cusub guul, horumar iyo hufnaan shaqo.
Ururka Deegaan Kal-kaal

Official: Ururka Deegaan Kal-Kaal waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Agaasimaha Waaxeedka Dhireynta cusub ee ururka...
06/04/2026

Official: Ururka Deegaan Kal-Kaal waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Agaasimaha Waaxeedka Dhireynta cusub ee ururka:

Magaca: Muna Mohamed Omar
Xilka: Agaasimaha Waaxeedka Dhireynta

Kadib qiimayn iyo wada-tashi ay yeesheen guddida fulinta ururka, waxaa si rasmi ah xilkan loogu magacaabay Muna Mohamed Omar, iyadoo lagu saleeyay karti, hufnaan iyo masuuliyad.

Waxaan ku kalsoonahay inay si daacadnimo leh u gudan doonto waajibaadka loo igmaday, isla markaana door muuqda ka qaadan doonto ilaalinta deegaanka, kobcinta dhirta iyo horumarinta mashaariicda cagaaran ee ururka.

Sidoo kale, ururku waxa uu u mahadcelinayaa Agaasimihii h**e ee xilka hayay dadaalkii iyo adeegii uu u soo qabtay ururka.

Ugu dambayn, waxaan u rajaynaynaa Muna Mohamed Omar guul, horumar iyo hawl-qabad miro dhal ah.

Mahadsanidiin.

Address

Burco

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Deegaan kal-kaal Organization BURCO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share