مؤسسة التعاون للدعوة

مؤسسة التعاون للدعوة مؤسسة دعوية، مفتوحة لكل من يطبق بنوذها النظامية، هدفها نشر الدين على فهم سلف الأمة، وإظهار محاسن الدين الإسلامي.

10/01/2023
غداً يوم عاشوراء صيامه يكفر السنة الماضية, صوموا تقبل الله منا ومنكم وغفر لنا ولكم.  #عاشوراء
07/08/2022

غداً يوم عاشوراء صيامه يكفر السنة الماضية, صوموا تقبل الله منا ومنكم وغفر لنا ولكم.
#عاشوراء

08/07/2022

Nabigu صلى الله عليه وسلم waxa uu yidhi: Duco aan ku ducaysto aniga iyo nabiyadii iga horeeyay, waxa ugu Khayr badan
"لا إله إلا الله وحده لا شريك له، له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير".
Aynu ka faa'iidaysano saacadda ka hadhay maalinka Carafa.

02/06/2022

Xubnaha Mu'ssada Tacaawun Dhammaantood waxay Duco iyo Hiilba la garab taagan yihiin Walaalkood Maxamed Mahad Rashiid oo gacan ka xaqdarani dhaawac ugu gaysatay magaalada Burco, Maxamed waxa uu ka mid ahaa Xubnaha Fir-fircoon ee Mu'sasada.

Rabi hakuu booga dhayo, Caafimaadkaagii oo dhamays-tiranna hakuu Soo celiyo walaal ayaanu ku leenahay.

Aamiin Aamiin.

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.
26/05/2022

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO.
25/05/2022

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO.

21/05/2022

Waxa qoray : Sh c/rizaaq nuur.

KHUDBADII MASJIDKA (AL- HUDAA ) EE BURCO .
AXKAAMTA GAALADA EE SHARECADA ISLAAM
[ sii faafi khayrka ].

Waxaan jeclaystay in aan bulshada u soo koobo inta aan awoodo, khudbad aad u qiimo badnayd ,oo uu jeediyay :
الدكتور : محمد ابن الشيخ عبدالكريم حسن حوش .
oo inaga haqabtiraysa, inoona iftiiminaysa axkaamta gaaladu ay leeyihiin, ee lagula dhaqmayo, marka ay noolyihiin, iyo markay dhintaanba ,si loo fahmo caadifadna aanay ina qaadine , sharciga islaamku ina hago .
gaalna aynaan u ducayn si kastoo uu samafale u ahaa, ama arimaha muslimiinta uga damqanjiray .

QAYBAHA DADKA EE ISLAAMKA DHEXDIISA: islaamka marka la eego dadku waxay u qaybsamaan saddex qaybood :
1: mumin, 2: munaafiq, 3: gaal.
Saddexdaasna waxa alle ku kala cadeeyay saddex suuradood oo quraankaa, oo lagu kala magac daray : suuratu mu'minuun, suuratu munaafiquun, suuratu kaafiruun .

QAYBAHA GAALADA :
Gaaladu waa laba nooc :
1: gaal gaalnimada ku dhashay kuna koray , aan soona islaamin, laguna macaabo ( كافر اصلي ).
2: gaal muslim ahaa oo islaamkii ka gaaloobay , laguma magacaabo (كافر مرتد ).

QAYBAHA AXKAAMTA GAALADA :
Marka la eego gaalka shareecada islaamka wuxuu ku yeeshaa axkaam farabadan waxaase lagu soo uruuriyaaoo oo lagu abla ableeyaa laba qaybood :
1: axkaam ifka ah , 2: axkaam aakhiro .

AXKAAMTA IFKA LAGULA DHAQMO GAALKA:
Axkaamtaasi way farabadanyihiin , laakiin inta khudbada lagu sheegay aan soo koobo :
1: inaad aad si dhaba u rumayso oo aanaad ka shakin gaalnimadiisa .
2: in aanu lahayn axkaamta muslimka oo ah in lagu tukado , la aaso, la kanfo , ee hilibkiisuun la qariyo oo god/ goofna lagu rido .
3: in aan loo ducayn, danbi dhaafna loo weydiin ilaahay s, w, c .
4: in qof muslim ah aanu dhaxlayn , isna qof muslim ahi aanu dhaxali karin .
5: waa in qofka muslimkaa rumeeyaa in gaalku camalada wanaagsan ee uu sameeyo sida : sadaqada , taakulaynta dadka jilicsan iwm, aan laga aqbalayn , aakhirana wax abaali u oolin, waayo waxa burinaya camalkaas, gaalnimadan uu ku dhintay .
6: in uu ogaado ducada loo duceeyaa xataa inaanay wax utarayn ilaahay agtiisa , waayo gaalnimda lagu dhinto alle ma dhaafo.

AXKAAAMTIISA AAKHIRO:
Waa in qofka gaalkaa aanu janno gelayn , naartana uu ku waarayo , lagana soo saarayn .

DARDAARANKII KHADIIBKA:
dhacdooyinkii inasoo maray waxay tilmaamayaan aqoon yarida diimeed , ee ay dad badan kaga sugan yihiin axkaamtii diinta sidaa darteed waxay loo baahanyahay:
1: in aqoonteena diineed aynu kobcino oo kor uqaadno .
2: in caadifada aynaan ka hor marin sharciga islaamka, ee aynu ogaano markaaad muslimtahay in uu jiro khad cas oo aan laga gudbi karin , oo ah axkaamta alle , laguna ee kaado intuu inoo ogolyahay.
3: in qof gaal ah aan la odhan karin waa shahiid , dulmiba halagu dilo , se waa gaalkii uun, mar haduu gaalnimadii ku dhintay.
dulmigaana cadaaladiisa wuu heli alle hortii , laakiin maaha in uu janno ku galayo.

NB: intaa aan sheegayba waxay leeyihiin dalloyin sugan oo quraan, xadiis, iyo ijmaacyaba leh, khadiibkuna wuu sheegay, laakiin hada waan ka gaabsaday si aan qoraalku u dheeraan, nuxurkana aynu ku gaabsano .

Faqiihul Mustaqbal
19/10/1443- 20/5/2022

Address

+252
Burco
[email protected]

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when مؤسسة التعاون للدعوة posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to مؤسسة التعاون للدعوة:

Share