SEDO Somalia

SEDO Somalia Welcome to the official page of the Social and Environmental Development Organisation (SEDO)

Hay’adda SEDO Somalia  ayaa afar gaadhi oo nooca Xaabsade loo yaqaanno ku wareejisay Iskaashatooyinka beeralayda  -Bosas...
12/12/2025

Hay’adda SEDO Somalia ayaa afar gaadhi oo nooca Xaabsade loo yaqaanno ku wareejisay Iskaashatooyinka beeralayda -Bosaso, -Qardho, -Ufeyn iyo -Garowe si ay uga maarmaan baabuurta kirada ah ee ay dallagooda ku geyn jireen suuqyada waaweeyn ee Puntland.

Beeralayda ayaa waxaa u baaqan doona kharash badan oo uga bixi jiray baabuur kireynta, waxa fududaan doonta in qudaarta oo daray ah isla markaba la geeyo suuqyada, sidoo kalena waxaa la rajeynayaa inay wax-soosaarka beeralaydu kor u koco.

Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI

09/12/2025
18/11/2025
📍  : Si loo daboolo baahida khudaarta cagaaran ee maalinlaha ah uu u baahan yahay Dugsiga Agoonta Al-Amal ee magaalada G...
01/11/2025

📍 : Si loo daboolo baahida khudaarta cagaaran ee maalinlaha ah uu u baahan yahay Dugsiga Agoonta Al-Amal ee magaalada Garoowe, oo ay ku xeraysan yihiin arday farabadan oo agoon ah, Hay’adda SEDO Somalia waxay ka hirgelisay labo oo ka kaafin doona baahida khudaarta adeegga maalinlaha ah ee Dugsiga.

Mashruucan ayaa u horseedi doona inay u baaqato Dugsiga kharash badan oo uga bixi jiray adeegga maalinlaha ah, sidoo kale waxay u tahay il-dhaqaale oo uu ka sameyn karo dakhli.


Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI

📍  : Si kor loogu qaado fahamka beeraha looguna dhiirigeliyo inay soo saartaan adeegga maalinlaha ah ee guriga looga baa...
22/10/2025

📍 : Si kor loogu qaado fahamka beeraha looguna dhiirigeliyo inay soo saartaan adeegga maalinlaha ah ee guriga looga baahan yahay, Hay’adda SEDO Somalia oo kashanaysa Hay’adda iyo Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland, waxay hooyooyin gaaraya 40 qoys oo ku nool Kaamamka Barakacayaasha iyo ee ku tababartay habka loo tabco beer-xaafadeed, waxayna ku dhiirigelisay wax beerashada wanaagsan iyadoo la guddoonsiiyey qalabka yar-yar ee beeraha iyo abuurka si kor loogu qaado waxsoosaarkooda.

Waxaa sidoo kale mashruucan ku dhiiraday qoysas kale oo beer-xaafadeed ka sameystay xayndaabka gurigooda iyada oo sidaas si lamid ah ka caawisay tababarrada, qalabka iyo abuurka ay ubaahanyihiin si ay dhiirigalin ugu noqoto.

MAALINTA CUNNADA ADDUUNKA   Hay’add SEDO Somalia waxay qeyb ka ahayd taabageliyayaasha iyo ka qeyb-galayaasha munaasabad...
16/10/2025

MAALINTA CUNNADA ADDUUNKA


Hay’add SEDO Somalia waxay qeyb ka ahayd taabageliyayaasha iyo ka qeyb-galayaasha munaasabadda Maalinta Cunnada Adduunka oo ay soo agaasintay Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland, iyadoo sannadkan hal-kudhiggu ahaa: “ Wadajir baynu ku gaari karnaa cunno wanaagsan iyo mustaqbal wanaagsan“.

waxay ka shaqeysaa kor-uqaadista wax-soosaarka beeraha Puntland, qalabeynta iyo kor-uqaadista xirfadaha beeralayda iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Beeraha Puntland iyo Hay’adaha caalamiga ah.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb-galay Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland, wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo masuuliyiin kala duwan oo Dowladda, Hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ka kala socotay.

16/10/2025
15/10/2025

XUSKA MAALINTA CUNTADA ADDUUNKA IYO HORUMARINTA WAX-SOOSAARKA

COMMEMORATION OF WORLD FOOD DAY AND DEVELOPMENT OF PRODUCTION

HALKU DHIGA SANADKAN:

"WADAJIR BAYNU KU GAARI KARNAA CUNNO WANAAGSAN IYO MUSTAQBAL WANAAGSAN"

HAND IN HAND FOR BETTER FOODS AND A BETTER FUTURE

October /16/2025
Martisoor Garowe, Puntland

📍  : Si kor loogu qaado xirfadda iyo wax-soosaarka beeralayda  , Hay’adda SEDO Somalia   waxay Iskaashatada Beeralayda  ...
10/10/2025

📍 : Si kor loogu qaado xirfadda iyo wax-soosaarka beeralayda , Hay’adda SEDO Somalia waxay Iskaashatada Beeralayda ee Haweenka Kubo-Qardho siisay tababaro iyo aqoon kororsi kala duwan oo la xidhiidha beerashada wanaagsan, la dagaalanka cayayaanka, yareynta khasaaraha gurashada kadib, isku-bedelka dallagyada iyo suuqgeynta wax-soosaarkooda si xirfadeysan.

Mashruucan oo muddo soosocday ayaa isbedel muuqda ku sameeyey beeralayda haweenka Kubo.

Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI

Hay'adda SEDO Somalia waxay gobollada   iyo   ka qeybisay agabyo beereed loogu talogalay iskaashatooyinka beeralayda si ...
27/09/2025

Hay'adda SEDO Somalia waxay gobollada iyo ka qeybisay agabyo beereed loogu talogalay iskaashatooyinka beeralayda si kor loogu qaado wax-soosaarkooda, qalabka la qeybiyey wuxuu iskugu jiraa 12,300m oo tuubooyin ah, 2,200 oo caag kuwaasoo qaada 50kg. Sidoo kale waxaa lagu wareejiyey 6 bakhaar oo leh qaboojiyayaal kuwaas oo lagu keydin doono qudaarta iyo dallagyada kale ee ay beertaan kahor inta aysan suuqyada u gudbin.

Iskaashato beeralayda ka faa'iideystay mashruuca Kaabe 2 ee dowladda Faransiisku maalgelisay ayna fulinayso iyadoo kaashanaysa hay’adda iyo Wasaarada Beeraha iyo waraabka Dowladda Puntland Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI ayaa ka fulisay deegaannada , , , , , , , , , , , iyo .


Madaxa Dabagalka iyo Qiimeynta Mashaariicda ee Hay’adda SEDO Somalia  ayaa kormeer ku tegey deegaannada ay Hay’addu ka f...
08/08/2025

Madaxa Dabagalka iyo Qiimeynta Mashaariicda ee Hay’adda SEDO Somalia ayaa kormeer ku tegey deegaannada ay Hay’addu ka fulinayso mashaariicda beeraha si uu ugu kuurgalo habsami u socodka iyo fulinta mashriicdaas.

Deegaannada la booqday waxaa ka mid ah Qaw, Karin, Yalho, Ceeldaahir, Barookhle, Dulcadayle iyo Kubo.

Address

New Bosaso, Opposite UNHCR Office
Bosaso
00252

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SEDO Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to SEDO Somalia:

Share