Guddiga Gurmadka Dawooyinka ee Gobolka Awdal

Guddiga Gurmadka Dawooyinka ee Gobolka Awdal Waa page ka Rasmiga ah Ee Guddiga Gurmadka Dawooyinka ee Gobolka Awdal

Madaxa Xafiiska Caafimaadka Aasaasiga ah ee Wasaaadda Caafimaadka ee Gobolka Awdal waxa aan ku wareejinay dawooyin kala ...
29/01/2026

Madaxa Xafiiska Caafimaadka Aasaasiga ah ee Wasaaadda Caafimaadka ee Gobolka Awdal waxa aan ku wareejinay dawooyin kala duwan oo aan ugu talogalnay cisbitaaladda gobolka Awdal gaar ahaan degmooyinka Lughaya iyo Garba-dadar si aan u taageerno shaqooyinka ay u hayaan bulshada.

Fadlan ka soo qeybqaado gurmadka dawooyinka. $1 oo aad soo dirto ayaa qof badbaadin kara.
03/01/2026

Fadlan ka soo qeybqaado gurmadka dawooyinka. $1 oo aad soo dirto ayaa qof badbaadin kara.

01/01/2026

Idan Eebbe, waxa aan kaalmo dawooyin ah, maanta, aan gaadhsiinay deegaannada Gobolka Selel, sida Xariirad, Fiqi Aadan iyo tuulooyinka kale ee hoos yimaadda. Kuwaas oo xeebta ku teedsan, baahi caafimaad, oo ay abaar daran wehelisana, ay ka jirto. Kharashka dawooyinkan ku baxay waxa si mutaddawacnimo ah ula soo baxay bulshada gobollada Gebiley, Awdal iyo Selel, Somaliland.

Salaam, dhammaantiin. Fadliga habeenkan Jimcaha ah, fadlan ka soo qeybqaado gurmadka dawooyinka deegaannada xeebta gobol...
01/01/2026

Salaam, dhammaantiin. Fadliga habeenkan Jimcaha ah, fadlan ka soo qeybqaado gurmadka dawooyinka deegaannada xeebta gobolka Awdal iyo inta hoos timaadda.

Mahadsanidiin.

Allaha inni barakeeyo maalka iyo hayntiisaba.

Salaan, dhammaantiin. Waa habeen Jimce ah oo kheyr badan. Fadlan $1 aan ugu deeqno dadkeenna. Mahadsanidiin.
25/12/2025

Salaan, dhammaantiin. Waa habeen Jimce ah oo kheyr badan. Fadlan $1 aan ugu deeqno dadkeenna. Mahadsanidiin.

Caawa waa Jimce. Fadliga habeenkan kheyrka badan, $1 ku soo darso qaadhaanka lagu caawinayo dadkeenna dhaawaca ah, keydk...
18/12/2025

Caawa waa Jimce. Fadliga habeenkan kheyrka badan, $1 ku soo darso qaadhaanka lagu caawinayo dadkeenna dhaawaca ah, keydka dawada iyo dhiigga iyo, daboolidda baahida baaxadda leh ee Cisbitaalka Saylac. Allaha inni barakeeyo. Mahadsanidiin.

15/12/2025
Caawa waa Jimce. $1 aan ku caawinno walaalaheenna dhaawaca ah. Cibaada ahaanna aan u niyaysanno.Soo raac boggan, faafi, ...
11/12/2025

Caawa waa Jimce. $1 aan ku caawinno walaalaheenna dhaawaca ah. Cibaada ahaanna aan u niyaysanno.

Soo raac boggan, faafi, kuna xidhnow.

"Guddiga Gurmadka Dawooyinka ee Gobolka Awdal" ayaa maanta qadar lacag ah oo dhan $4200 gaadhsiiyay dadkeennii dhaawaca ...
10/12/2025

"Guddiga Gurmadka Dawooyinka ee Gobolka Awdal" ayaa maanta qadar lacag ah oo dhan $4200 gaadhsiiyay dadkeennii dhaawaca culus ahaa. Kuwaas oo yaalla cisbitaallada waaweyn ee ay ka mid yihiin Boorama, Allaale, Hargeysa, Manhal, iyo Jigjiga, si ay u la qaybsadaan dhibaatada aan kutalogalka lahayn ee ka soo gaadhay dhacdadii foosha xumayd. Waana markii kowaad taageerradani. Halkaas ayaa ay se ka sii socon doontaa. Waa Alle mahaddii.

Waxa aan u mahadnaqaynaa cid walba oo ka qeybqaadatay bixinta lacagahan aan dadkeenna gaadhsiinay. Waxa kale oo aan u mahadnaqaynaa agaasimaha Cisbitaalka Weyn ee Boorama, Dr. Sahal Axmed Xuseen, oo nagu xidhay bukaannadan, saxaafadda gobolka oo na la baahisay iyo hawlwadeennadayada jooga Boorama, Hargeysa iyo Jigjiga ee hawshan kheyrka leh qabtay.

Fadlan qaadhaankaaga ku soo dir lambarrada aan inni la wadaagnay. Mahadsanidiin.

Fiirro gaar ah: Sawirradu waa caddaynta shaqada qabsoontay.

Address

Awdal
Borama

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guddiga Gurmadka Dawooyinka ee Gobolka Awdal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share