14/08/2025
Taageerid Goaanka Golaha Dhaqanka ee Beelaha Xaamud Muse ( Reer Xaamud)
Golaha Dhaqanka ee Beelaha Xaamud Muuse ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankooda ku aaddan matalaadda doorashada Golaha Deegaanka ee Degmada Boorama.
Kulamo isdaba joog ah oo ay yeesheen golaha dhaqanka ayaa lagu ansixiyey in Mr. Abdirizak Ahmed Sh. Xuseen loo xusho inuu noqdo Murashax Xildhibaan ee matalaya Beelaha Xaamud Muuse doorashada soo socota ee golaha deeganka.
Mr. Abdirizak waa siyaasi dhalinyaro ah oo leh aragti fog, karti hoggaamineed, iyo hawlkarnimo sare. Wuxuu caan ku yahay u adeegidda bulshada, daacadnimo, iyo u heellanaanta horumarinta deegaankiisa iyo kan degmada Boorama.
Golaha Cuqaasha iyo Dhalinyarada Beesha Xaamud Muuse waxay si buuxda u garab taagan yihiin murashaxnimadiisa, iyagoo iska qaatay kalsoonida buuxda oo ay ku qabaan Meteladisa ee golaha deeganka soo socda.
Taageerada Golaha dhaqanka waxay si rasmi ah u muujinaysaa midnimo iyo isku duubni beeleed, iyadoo beelaha Xaamud Muuse ay si cad diyaar ugu yihiin in ay door muhiim ah ka qaataan doorashada Deegaanka iyo wakiilada ee soo socda.
Guul iyo Gobanimo
Maax Barwaaqo
X.W Golaha Dhalinyarad ee Beelaha Xaamud Muuse.