14/05/2025
𝑸𝒂𝒚𝒃𝒕𝒂 1𝒂𝒂𝒅: “𝑨𝒔𝒕𝒂𝒂𝒎𝒂𝒉𝒂 𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒎𝒊𝒚𝒆𝒚𝒂𝒂𝒔𝒉𝒂 𝑾𝒂𝒏𝒂𝒂𝒈𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑲𝒖𝒘𝒂 𝑿𝒖𝒏 – 𝑮𝒐𝒐𝒅 𝒂𝒏𝒅 𝑩𝒂𝒅 𝑳𝒆𝒂𝒅𝒆𝒓𝒔”
Qaybtani 1aad waxay diiradda saareysaa: “Fahamka astaamaha hoggaamiyeyaasha wanaagsan iyo kuwa xun,” iyadoo Qur’aanka iyo Sunnaha looga tusaale qaadanaayo. Waxa si cad loo sharxay astaamaha muhiimka ah ee hoggaamiyaha iyo hoggaaminta waxtarka leh, iyagoo xoogga la saarayo sifooyinka sida daacadnimo, ikhlaas, iyo caddaalad, kuwaas oo ah qiyamka aasaasiga ah ee hoggaaminta fiican.
Dhanka kale, tobborku wuxuu ka hadlay astaamaha taban ee hoggaamiyaha iyo hoggaaminta xun, sida kibir, musuqmaasuqa, caddaalad-darada iyo dulmiga, kuwaas oo Islaamku ka digayo.
Intii uu Tababarku socday ,waxaa si gaar ah loo dul istaagay aayadan Qur'aanka oo tilmaamaysa sifooyinka hoggaamiyaha xaqa ah:
"الَّذِينَ إِن مَّكَّنَّاهُمْ فِي الْأَرْضِ أَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآتَوُا الزَّكَاةَ وَأَمَرُوا بِالْمَعْرُوفِ وَنَهَوْا عَنِ الْمُنكَرِ ۗ وَلِلَّهِ عَاقِبَةُ الْأُمُورِ"�[سورة الحج: 41]
Tobobarkay waxaa bixiyey: 𝑨𝒃𝒅𝒆𝒆𝒒 𝑯𝒂𝒔𝒔𝒂𝒏 𝑨𝒘𝒂𝒍𝒆 (MPHE, PMBA-HRM, MS Psychological Counselling [Candidate]), oo ah Guddoomiye ku Xigeenka Waxbarashada iyo Cilmi-baarista ee Jaamacadda Horn.
Halkan kala soco Qaybta 2𝒂𝒂𝒅 oo ku saabsan,
“𝑴𝒖𝒙𝒖𝒖 𝒚𝒂𝒉𝒂𝒚 𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒎𝒊𝒚𝒆 𝒏𝒂𝒇𝒆𝒆𝒅?”