Yuusuf Hade muhumed

Yuusuf Hade muhumed Our priority is life saving

Maamul aan damiir lahayn, dad aan garasho lahayn, iyo shisheeye aan xishoon karin — waa seddexda Cudur ee lagu dilay qar...
09/07/2025

Maamul aan damiir lahayn, dad aan garasho lahayn, iyo shisheeye aan xishoon karin — waa seddexda Cudur ee lagu dilay qaranka Soomaaliyeed.

Waa la joogi doonaa maalinta hadalku naga dhammaan doono, codkuna kici doono, gacantuna jawaab bixin doonto.

Qof walba ha ogaado: Waddan la iska dhaxlayo ma nihin! Qaran daciif ah uma rabo nolosha;
Geeri sharaf leh baa iga mudan ka amar qaadasho xaqdaro!

“Dhagax iyo Damiir”Bilowgiisa, Fahad iyo Yuusuf waxay ahaayeen laba saaxiib oo aan kala maarmin. Waxay wadaagaan wax kas...
19/05/2025

“Dhagax iyo Damiir”

Bilowgiisa, Fahad iyo Yuusuf waxay ahaayeen laba saaxiib oo aan kala maarmin. Waxay wadaagaan wax kasta—raaxo iyo rafaad. Laakiin noloshu markay kala qaaday, mid ayaa sare u baxay, midna hoos ayuu u dhacay.

Fahad hadda waa shaqaale dowladeed, booskiisuna waa mid sareeya. Maalin uu socdo xilli galab ah, ayuu marayaa meel cidlo ah, markaas ayuu maqlaa cod laga soo tuuray geed hoostiis:

"Fahad… waa aniga Yuusuf."

Markii uu u leexday, wuxuu arkay Yuusuf oo dhar duug ah gashan, indhihiisuna ka buuxaan taariikh uu garanayo. Fahad wuu istaagay, qalbigana laba ayuu u kala go'ay—caawin mise ka carar?

Wuxuu eegay agagaarkiisa—cidina ma joogto. Waxaa ku dagaalamaya labo wax: cabsi iyo damiir. Damiirkii baa guuleystay. Wuxuu si deggan ugu yiri:

"Inaan kuu hiiliyo lama ogaan doono, balse inaan kaa leexdo naftayda lama iloobi doonto."

Wuxuu si qarsoodi ah ugu gurmaday Yuusuf, maalin walbana wuxuu dareemaa culays iska yaraaday.

---

Halxidhaale:

Waa laba, mid waa dhagax, mid waa damiir. Mid wuu ku xannibaa inaad dhaqaaqdo, midna wuu ku riixaa inaad caawiso. Labadoodaba hal qof bay la hadlayaan. Yaa la maqlaa marka runta timaado?

12/05/2025
27/04/2025

Soodhaweyntii manta Modogashe iyo
Musharax xil.Hajir Mohamed Dahiye oo utaagan Madaxweynaha garissa.

Ninkasta Ceesaantii Ceelgeysay.
27/04/2025

Ninkasta Ceesaantii Ceelgeysay.

Magaca ONLFAnagana inbadan ayaan iskulaynay gumeysitahana  Inbadan ayuu noolaayay.Maanta majirto sabab aan markale degta...
26/04/2025

Magaca ONLF
Anagana inbadan ayaan iskulaynay gumeysitahana Inbadan ayuu noolaayay.
Maanta majirto sabab aan markale degta qoriga usaarano.
Heshiiskasta oo meel mugdi ah lagukala saxiixdo natiijadiisu waa iskasidan.
Dowlada mustafe cagjarna Waxaan kacodsanayaa dadka iney udhimriso.
Oo wanaagii ay hormuudka u ahayd gabagadiisa natiija xumo xukuumadu yaysan horseedin.

20/04/2025
Waxaan baaq nabadeed udirayaa dadka walaalaha ah ee dirirtu kudhaxmareyso gudaha degmada yeed Degmada Yeed Xabad xal uma...
12/04/2025

Waxaan baaq nabadeed udirayaa dadka walaalaha ah ee dirirtu kudhaxmareyso gudaha degmada yeed
Degmada Yeed Xabad xal uma ahan.
Raga kudhax dagaalamaya shacabka fadlan dagaalka joojiya.
Reer yeedow idinkoo wada hadlikara oo isfahan wax kuxalinkara xabad ha isladhicina
Intii kudhaawacantay allaha uboogadhayo fadlan intakalana si ay ubadbaadaan xabada halajoojiyo.

31/03/2025

Culeyska iyo Caqabadaha jira illahay unbaa qaadikara.
Dadku sidey kuu arkaan macno masameyneyso ee waxa macnaha dhabta ah aduun iyo aakharaba sameynkara waa xiriirka adiga iyo rabigaa idinkadhaxeeya.
Xariga alle oo si adag looqabsado ayey guushu kujirtaa.
Imtixaanka qofba qadarka iimaankiisa ayaa la imtixaanaa.

Ciid wanaagsan asxaab ehel iyo qaraababa.
30/03/2025

Ciid wanaagsan asxaab ehel iyo qaraababa.

29/03/2025

Ciid wanaagsan dhamaan walaalaha musliimta àh

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yuusuf Hade muhumed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share