19/05/2025
“Dhagax iyo Damiir”
Bilowgiisa, Fahad iyo Yuusuf waxay ahaayeen laba saaxiib oo aan kala maarmin. Waxay wadaagaan wax kasta—raaxo iyo rafaad. Laakiin noloshu markay kala qaaday, mid ayaa sare u baxay, midna hoos ayuu u dhacay.
Fahad hadda waa shaqaale dowladeed, booskiisuna waa mid sareeya. Maalin uu socdo xilli galab ah, ayuu marayaa meel cidlo ah, markaas ayuu maqlaa cod laga soo tuuray geed hoostiis:
"Fahad… waa aniga Yuusuf."
Markii uu u leexday, wuxuu arkay Yuusuf oo dhar duug ah gashan, indhihiisuna ka buuxaan taariikh uu garanayo. Fahad wuu istaagay, qalbigana laba ayuu u kala go'ay—caawin mise ka carar?
Wuxuu eegay agagaarkiisa—cidina ma joogto. Waxaa ku dagaalamaya labo wax: cabsi iyo damiir. Damiirkii baa guuleystay. Wuxuu si deggan ugu yiri:
"Inaan kuu hiiliyo lama ogaan doono, balse inaan kaa leexdo naftayda lama iloobi doonto."
Wuxuu si qarsoodi ah ugu gurmaday Yuusuf, maalin walbana wuxuu dareemaa culays iska yaraaday.
---
Halxidhaale:
Waa laba, mid waa dhagax, mid waa damiir. Mid wuu ku xannibaa inaad dhaqaaqdo, midna wuu ku riixaa inaad caawiso. Labadoodaba hal qof bay la hadlayaan. Yaa la maqlaa marka runta timaado?