Hiigsi Forum.

Hiigsi Forum. Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hiigsi Forum., Non-Governmental Organization (NGO), Mogadishu, Banadir.
(1)

Boggaan waxa uu gaar uyahay madasha hiigsi oo ah madal had iyo jeer utaagan toosinta iyo talo bixinta toggan ee Arimaha bulshada, Nabadeynta, Hoggaanka, Dib-uheshiisinta iyo Dowlad-dhiska Somalia.

19/03/2026

Fariinta wacyigalineed Ee
Dr IDris Ahmed M. Hassan

19/03/2026

FARIIN WACYIGALIN AH OO KU SAABSAN MAALMAHA CIIDDA IYO HALISTA KA DHALAN KARTO HUB-KA ARTIFICIALKA AH OO AAY CARUURTA KU CIIDEEN.

Dr IDris Ahmed M. Hassan Madaxa Arimaha caafimaadka iyo daryeelka bulshada madasha Hiigsi Forum. Ahna dhaqtar ka howlgalo isbitaalka Al Qamar hospital.

Munaasabada ciidul fidriga aawgeed, Agaasimaha Guud Ee madasha Hiigsi Forum. Mudane Mustafa Abdullahi Jarriiban waxa uu ...
19/03/2026

Munaasabada ciidul fidriga aawgeed, Agaasimaha Guud Ee madasha Hiigsi Forum. Mudane Mustafa Abdullahi Jarriiban waxa uu hambalyo udirayaa dhammaan umadda muslimiinta gaar ahaan umadda soomaaliyeed.

Illaahey ha inaga aqbalo acmaashi wanaagsaneed Ee bisha barakeysan Ee ramadaan.

16/03/2026

Hadal jeedin kooban: Afur wadareedka madasha Hiigsi Forum. Ee ramadaankii 2-aad magaalada nairobi lagu qabtay.

Waxa ugu horeyn goobta ka hadlay hoggaamiyaha madasha hiigsi Mustafa Abdullahi Jarriiban.

Barnaamijka afur wadareedka Hiigsi Forum. oo aaynu qabaneeyno ramadaankii 2-aad ayaa inooga qabsoomay magalaada nairobi ...
15/03/2026

Barnaamijka afur wadareedka Hiigsi Forum. oo aaynu qabaneeyno ramadaankii 2-aad ayaa inooga qabsoomay magalaada nairobi Ee dalka Kenya.

Kulan-kaan afurka ah ayaan ugu talo galnay dhalinyarada, aqoonyahan-ka iyo waxgaradka bulshada soomaaliyeed Ee ku nool magalada nairobi.

Barnaamijkaan waa mid isdhexgal ah, oo si wadajir ah loogy afuro, liskuna xog wareysto si loo mideeyo waxtarka iyo awoodda dhalinyarada
ku nool dalka dibadiisa.

Waxaan umahadcelineynaa martida kaso qeybgashay kulanka oo aay ka mid yihiin suxufiyiin, aqoonyahano, ardayda jaamacadaha dalke Kenya iyo masuuliyin kale uu ka mid yahay diplomatic Mursal Edin, kana hormuudka madasha hiigsi forum.

Ugu dambeyn, hiigs qaran forum waxa aay utaagantahay mideeynta afkaaraha iyo awoodda dhalinyarada, dal iyo dibad, kor uqaadista wacyiga bulshada, dib-udhiska dalka iyo taaba galinta fikradeed Ee dowladnimada soomaaliya.

Kulanka waxa suurto galiyay
Aas'aasaha iyo hoggaamiyaha Madasha
Mustafa Abdullahi Jarriiban.

Bilashada bisha barakeysan Ee ramadaan Aawgeed, Waxaan hambalyo udirayaa dhammaan umadda muslimiint ah gaar ahaan umadda...
18/02/2026

Bilashada bisha barakeysan Ee ramadaan Aawgeed, Waxaan hambalyo udirayaa dhammaan umadda muslimiint ah gaar ahaan umadda soomaaliyeed meelkasto aay joogaan.

Bishani waa bil barakeysan oo aay tahay in dhammaan muslimiinta aay ka faa'iideystaan, waxaan iskula dardaarmeynaa in lis caawiyo, lisku naxariisto oo la garabsiiyo dadka masaakiinta ah Ee aan awoodin Ineey waajibkooda gutaan.

Walaalayaal qeybo badan oo ka mid ah dalkeena, waxa ka jiraan abaaro baahsan iyo biyo la'aan, dadkeenu waxa aay inooga baahanyihiin caawimaad, garab istaag iyo waxwalbo Ee aan awoodno, illaahey ha caawiye.

Ugu dambeyn waxaan illaahey ka baryeeynaa in
uu ina waafajiyo kheyrka bisha barakeysan Ee ramadaan islmarkaana nabad iyo caafimaad inagu gaarsiiyo biishaan bisheeda idim alle.

Mustafa Abdullahi Jarriiban
Agaasimaha madasha Hiigsi Forum.

Dhammaan xubnaha iyo madaxda sare Ee Madasha Hiigsi Progres forom( Hiigsi Forum.) uu ugu horeeyo Agaasimaha guud Ee mada...
02/01/2026

Dhammaan xubnaha iyo madaxda sare Ee Madasha Hiigsi Progres forom( Hiigsi Forum.) uu ugu horeeyo Agaasimaha guud Ee madasha Mudane Mustafa Abdullahi Jarriiban waxa aay hambalyo iyo boggaadi hawada umarsiinayaan golayaasha deegaanka gobolka banaadir

Si gaar ah waxa aaynu uhambalyeeyneynaa madaxa hab-maamuska hiigsi forum Suad Abdullahi Salad oo noqotay xildhibaan Gole deegaan degmada hodan iyo Amal Shariif Hassan agaasime ku xigeenka hiigsi forum oo iyana noqotay xildhibaan Gole deegaan Ee degmada howl-wadaag Kuwaas oo kasoo baxay urur siyaasadeedka Ramaas Party oo ku jiro kaalinta seddexaad Ee xisbiyada doorashada ku loolamay.

Amaal iyo suad waxa aay xubno firfircoon ka ahaayeen madasha hiigsi forum, waxa aay kaalin buuxdo horay uga qaateen u adeegista bulshada caasimadda, waxa aaynu ku kalsoonahay in masuuliyada loo idmaday ugadan doonaan sidii ugu wanaagsan, uguna daacadsaneed.

Ugu dambeyn, Waxaan ugu duceyneynaa in illaahey ku asturo mas'uuliyada loo igmaday, una fududeeyo waajibaadkooda shaqo.

HAMBALYO HAMBALYO MALAAYIIN JEER.

Madaxa waaxda arimaha bulshada iyo howlaha guud Ee Hiigsi Progress Forum (Hiigsi Forum. ) Mudane Ahmed Abukar Ahmed( Hor...
21/08/2025

Madaxa waaxda arimaha bulshada iyo howlaha guud Ee Hiigsi Progress Forum (Hiigsi Forum. ) Mudane Ahmed Abukar Ahmed( Horn Weydow ) ayaa ka qeybgalay " Shirweynaha Dhalinyarada Soomaaliyeed Ee isbedelka
Cimilada Sanada 2025.

Shirkaan oo ah mid sanad laha laguna gorfeeyo amuuraha isbedelka cimilada ayaa isugu imaadeen dhallinyarada ururada bulshada, dhallinyarada iyo aqoonyahanada isbedelka Cimilada.



.

Madaxa Arimaha bulshada iyo howlaha guud Ee Hiigsi Progress Forum (Hiigsi Forum.) Mudane Ahmed Abukar Ahmed Weydow Ayaa ...
24/07/2025

Madaxa Arimaha bulshada iyo howlaha guud Ee Hiigsi Progress Forum (Hiigsi Forum.) Mudane Ahmed Abukar Ahmed Weydow Ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu taageerayay doorashooyinka horumarineed Ee Maamulka Gobolka banaadr.

Kulankaan oo ka dhacay caasimadda muqdisho ayaa lagu marti qaaday haldoorka dhallinyarada caasimadda Ee utaagan horumarka bulsho.



Dhammaan xubnaha iyo gudoonka sare Ee Hiigsi Progress Forum ( Hiigsi Forum.) Oo ugu horeeyo xoghayaha guud ee Madasha Mu...
30/06/2025

Dhammaan xubnaha iyo gudoonka sare Ee Hiigsi Progress Forum ( Hiigsi Forum.) Oo ugu horeeyo xoghayaha guud ee Madasha Mudane Dr Ahmed Yasin saalax aay ugu hambalyeeynayaan dhammaan umadda soomaaliyeed 65-sano guuradii kasoo wareegtay 1-da luulyo.

Hambalyo Soomaali Weyn.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin udireynaa dhammaan ardayda soomaaliyeed Ee Dhameestay waxbarashada Dugsiga Sare. Guul ayaan...
20/06/2025

Waxaan hambalyo iyo bogaadin udireynaa dhammaan ardayda soomaaliyeed Ee Dhameestay waxbarashada Dugsiga Sare.

Guul ayaan idiin rajeyneynaaa I.a

Address

Mogadishu
Banadir

Telephone

+252618945162

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hiigsi Forum. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hiigsi Forum.:

Share