Women Hope foundation

Women Hope foundation Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Women Hope foundation, Nonprofit Organization, Banaadir.

In la dhiso bulsho Soomaaliyeed oo ay haweenku ka qaybqaataan go’aan qaadashada, ay ka madax bannaan yihiin tacaddiyada, isla markaana ay helaan awood dhaqaale, nololeed, iyo fursado barbaarineed oo siman.

27/09/2026

Diiwaangelintu hadda waxay ka socotaa Xarunta Women Hope Foundation, oo ku taalla agagaarka Trebiano IBS Bank.

Haddii aad danaynayso inaad ka qaybqaadato tababarrada xirfadaha ee ay bixiso Women Hope Foundation, fadlan soo booqo xarunta ama nagala soo xiriir:

πŸ“ž 611 558 297
πŸ“ž 616 449 219

Ha seegin fursadda aad ku baran karto xirfad cusub oo kuu horseedi karta horumar iyo isku-filnaansho dhaqaale.

FURSAD TABABAR XIRFADEED | WOMEN HOPE FOUNDATIONHay’adda Women Hope Foundation  waxay kuu soo bandhigaysaa fursad aad ku...
26/09/2026

FURSAD TABABAR XIRFADEED | WOMEN HOPE FOUNDATION

Hay’adda Women Hope Foundation waxay kuu soo bandhigaysaa fursad aad ku baran karto 11 xirfadood oo wax-ku-ool ah muddo kooban, kuwaas oo kuu abuuri kara fursado shaqo, wax-soo-saar iyo ganacsi.

Xirfadaan waxaa lagu baran donaa hab theory iyo practical ah, si aad u hesho aqoon iyo xirfad aad si toos ah ugu dabaqi karto noloshaada iyo suuqa shaqada.

Fursad maalgelin.
Ka-qaybgalayaasha muujinaya dadaal, karti iyo qorshe wax-soo-saar waxay heli karaan fursad ay Women Hope Foundation ku taageerto maalgelin, iyadoo lagu salaynayo shuruudaha iyo qiimeynta barnaamijka.

Diiwaangelinta Tababarka
Haddii aad diyaar u tahay inaad barato xirfado cusub oo aad horumariso fursadahaaga dhaqaale, buuxi foomka diiwaangelinta:

πŸ”— Google Form: [https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSeVVPCJSbpdIy-vJSriLteS8YBRlQy9OAxq2gJv8F5lFi3E3A/viewform?usp=sharing&ouid=115522651763472089949]

WhatsApp: +252 611 55 82 97
Wixii faahfaahin dheeraad ah nagala soo xiriir WhatsApp-ka.

Xirfad baro. Kartidaada kobci. Fursad cusub abuuro.
Women Hope Foundation – Empowering Women, Transforming Communities.

Ogeysis Women Hope FoundationWomen Hope Foundation waxay ku faraxsan tahay inay qayb ka noqoto wada-shaqaynta iyo Partne...
23/09/2026

Ogeysis Women Hope Foundation

Women Hope Foundation waxay ku faraxsan tahay inay qayb ka noqoto wada-shaqaynta iyo Partnership-ka ay qabanqaabinayso Ololaha Rajada iyo Badbaadada Dhalinyarada Soomaaliyeed (ORBDS). Wada-shaqayntan waxay diiradda saaraysaa isku-xirka hay’adaha iyo ururrada Soomaaliyeed, si loo xoojiyo iskaashiga, wada-shaqaynta iyo dadaallada loogu adeegayo bulshada.

Waxaan ku faraxsanahay inaan qayb ka nahay barnaamijkan muhiimka ah, waxaana rajaynaynaa wada-shaqayn miro-dhal ah iyo fursado cusub oo bulshada lagu taageero.

Women Hope Foundation
Empowering Women, Transforming Communities

πŸ‡ΈπŸ‡΄

Waxaan ku faraxsanahay inaan idinla wadaagno in Women Hope Foundation ay ka qaybqaadanayso barnaamijka β€œEmpowering Youth...
13/09/2026

Waxaan ku faraxsanahay inaan idinla wadaagno in Women Hope Foundation ay ka qaybqaadanayso barnaamijka β€œEmpowering Youth Organizations for Safe Migration and Community Awareness”, oo ay soo qabanqaabisay Trevesom Organization.

Waxaa Women Hope Foundation ku matalaysa Deputy Director Muna Hassan Galbeed, oo ka qaybqaadan doonta barnaamijkan muhiimka ah.

Barnaamijkan wuxuu diiradda saarayaa wacyigelinta dhalinyarada, socdaalka ammaan ah, iyo xoojinta doorka ururrada dhalinyarada ee bulshada.

πŸ“… Date: 14 September 2026
⏰ Time: 3:00 PM
πŸ“ Location: Arkaan Leadership

Women Hope Foundation waxay mar walba diyaar u tahay ka qaybqaadashada barnaamijyada kobcinaya aqoonta, wacyiga iyo fursadaha dhalinyarada Soomaaliyeed.

09/09/2026

Women Hope Foundation Γ— J. Fragrances

Qaar ka mid ah Golaha Sare ee Women Hope Foundation ayaa lagu casuumay xarunta J. Fragrances & Cosmetics , halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay, laguna guddoonsiiyay hadiyado (perfumes) qurux badan. 🎁

Kulanka waxaa sidoo kale looga wada hadlay sidii labada dhinac ay iskaashi iyo wada-shaqeyn uga yeelan lahaayeen arrimo dan u ah bulshada iyo haweenka Soomaaliyeed.

Waxaan uga mahadcelineynaa J. Fragrances soo dhaweynta iyo martigelinta wanaagsan.

 #𝐆𝐔𝐍𝐀𝐀𝐍𝐀𝐃 π‡π€π–π„π„ππŠπ€ 𝐈𝐘𝐎 π‡πŽπ–π‹πŠπ€ π‰π€πŒπ€π‚π€πƒπ€ π”πŒπŒπ€πƒπƒπ€.Habeen taariikhi ah oo mideeyay in ka badan 1,000 haween Soomaaliyeed, l...
25/08/2026

#𝐆𝐔𝐍𝐀𝐀𝐍𝐀𝐃 π‡π€π–π„π„ππŠπ€ 𝐈𝐘𝐎 π‡πŽπ–π‹πŠπ€ π‰π€πŒπ€π‚π€πƒπ€ π”πŒπŒπ€πƒπƒπ€.

Habeen taariikhi ah oo mideeyay in ka badan 1,000 haween Soomaaliyeed, laguna xoojiyay doorkooda, hal-abuurkooda iyo hoggaamintooda. Bandhiggan oo ay soo qabanqaabisay Women Hope Foundation wuxuu noqday madal dhiirrigelisay haweenka Soomaaliyeed iyo horumarkooda

πŸ“’ FURSAD MUHIIM AHWomen Hope Foundation waxay ku wargelinaysaa dhammaan xubnaheeda inay ka qaybqaataan munaasabaddan qii...
25/08/2026

πŸ“’ FURSAD MUHIIM AH

Women Hope Foundation waxay ku wargelinaysaa dhammaan xubnaheeda inay ka qaybqaataan munaasabaddan qiimaha leh:

β€œReputation is Currency: Narrative, Diplomacy, and the Making of Somalia’s Future.”

πŸ“… Khamiis, 27 Agoosto 2026
⏰ 3:00 PM
πŸ“ Sharif Salah Theater – Somali National University

🎀 Soo-jeediye: Amb. Hodan Osman Abdi

Si aad uga qaybgasho, fadlan buuxi foomka diiwaangelinta:

https://eventos.so/join-event/DfncwS1787551248

Fiiro gaar ah: Marka aad foomka buuxinayso, qaybta Institute/Organization ku qor Women Hope Foundation.

Tani waxay noo fududaynaysaa inaan si cad u aqoonsanno xubnaha Women Hope Foundation ee ka qaybgalaya munaasabadda.

Aan si wadajir ah uga faa’iidaysanno fursaddan aqooneed. 🀝

Women Hope foundation

22/08/2026







#2026

22/08/2026
 #π’πšπ°π’π«π¨: ππ€π˜ππ“π€ π’π‡π€π‡π€π€πƒπŽ ππˆπ—πˆππ“π€.Women Hope Foundation waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa dhammaan sponsoradii iyo ba...
21/08/2026

#π’πšπ°π’π«π¨: ππ€π˜ππ“π€ π’π‡π€π‡π€π€πƒπŽ ππˆπ—πˆππ“π€.

Women Hope Foundation waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa dhammaan sponsoradii iyo bahwadaagtii door muhiimka ah ka qaatay qabsoomidda Somali Women Innovation Conference 2026.

Waxaan si qoto dheer u bogaadinaynaa taageeradooda, dadaalkooda iyo garab istaaggooda ku aaddan hirgelinta shirkan, oo xoojinaya hal-abuurka, kartida iyo doorka haweenka Soomaaliyeed.

Mahadcelin gaar ah waxaan u jeedinaynaa Birmad Media, oo iyaduna kaalin muhiim ah ka qaadatay qabsoomidda iyo baahinta shirka, iyadoo door muuqda ka qaadatay in fariinta iyo guulaha shirka ay gaaraan bulshada Soomaaliyeed.

Women Hope Foundation waxay idin leedahay: Mahadsanidiin, garabkiinna iyo taageeradiinnuna waa mid aan si weyn u qadarinayno.
SomaliWomenInnovationConference2026.

Address

Banaadir

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Women Hope foundation posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share