01/05/2026
Munaasabadda xilwareejinta Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee dalka Kenya ayaa caawa ka qabsoontay magaalada Nairobi.
Xafladdan muhiimka ah waxaa ka soo qaybgalay xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland, wakiilka Puntland u qaabilsan dalka Kenya, ganacsato, guddoomiyihii h**e ee jaaliyadda, iyo sidoo kale dhalinyaro iyo haween.
Munaasabaddan xilwareejinta ayaa u qabsoontay si hufan oo nidaamsan, iyadoo muujisay biseylka habraaca kala wareejinta hoggaanka iyo xoojinta iskaashiga jaaliyadda. Intaa waxaa dheer, Waxay muujisay doorka muhiimka ah ee jaaliyadaha dibaddu ku leeyihiin horumarinta iyo matalaadda bulshada reer Puntland ee ku dhaqan Kenya.