12/12/2025
Maanta oo ah 12/12/2025 waxa si heer sare ah noogu qabsoomay wareejintii haamaha Oxygen-ka iyo mishiinka kaydka korontada (Power Backup Machine), kuwaas oo aanu ku wareejinay Xarunta Caafimaadka Degmada Ararso.
Tallaabadani waxay ka mid tahay dedaalka Ararso Community Care Organization (ACCO) ee lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka, laguna taageerayo bulshada danyarta ah ee u baahan daryeel degdeg ah.
Oxygen-ku wuxuu badbaadin doonaa naf badan insha Allah ,halka mashiinka kaydinta korontadu uu kaydin doono dabka s adeegyada caafimaadku aysan u istaagin xilliyada korontadu go’do.
Ugu dambayntii Waxaan u mahadcelinaynaa bulshada ku deeqday, dhalinyarada taabogalinta samafalka kaalinta weyn ka qaadatay, iyo qof kasta oo door ku lahaa hirgelinta mashruucan muhiimka ah.
ACCO waxay sii wadi doontaa inay bulshada u horseedo adeegyo naf-hurnimo ah, iyada oo ku jihaysan yoolaka fog ee bulsho isku filan ah :
ACCO: Where compassion meets Action.
Today, 12/12/2025, we successfully completed the handover of the oxygen cylinders and the power backup machine, which we officially delivered to the Ararso District Health Center.
This initiative is part of the ongoing efforts by Ararso Community Care Organization (ACCO) to strengthen healthcare services and support vulnerable community members who are in urgent need of medical assistance.
The oxygen supply will, by Allah’s will, help save many lives, while the power backup machine will ensure uninterrupted medical services during power outages.
We extend our sincere gratitude to the generous contributors, the youth who played a major role in mobilizing this humanitarian support, and everyone who contributed to the successful implementation of this important project.
ACCO remains committed to leading community-centered, life-saving initiatives, guided by a long-term vision of building a self-reliant and empowered society.
ACCO: Where compassion meets action.