19/09/2026
Alxamdulilaah Maanta oo ay taariikhdu tahay 19/09/2026 G.C, Ararso Community Care Organization (ACCO) – Ururka Daryeelka Bulshada Ararso, wuxuu si rasmi ah u qaybiyey agab waxbarasho oo dhammaystiran oo la gaadhsiiyey 35 arday, oo isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaas oo laga soo kala xulay labada dugsi ee Sheekh Nuux iyo Daryeel.
Agabka waxbarashada ee la gaarsiiyey ardayda ayaa ka koobnaa:
1. Dharka iskuulka (School Uniforms)
2. Buugaagta waxbarashada
3. Iyo Qalimaan.
Barnaamijkan waxaa loogu talagalay in lagu taageero ardayda ka soo jeeda qoysaska danyarta ah, si looga fududeeyo caqabadaha dhaqaale ee saameyn kara waxbarashadooda.
ACCO waxay aaminsan tahay in xaaladda dhaqaale aysan noqon sabab uu ilmuhu uga hadho waxbarashada, isla markaana carruur kasta ay mudan yihiin fursad ay ku bartaan kuna dhistaan mustaqbalkooda.
🤝 Munaasabadda wareejinta agabka waxbarashada waxaa goob-joog ahaa:
1.Cabdi Cabdullaahi Tashad – Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Ararso
2. Xuseen Cali Shide – Maamulaha Dugsiga Sheekh Nuux
3. Khadar Qawdhan Xasan – Maamulaha Dugsiga Daryeel.
Joogitaanka mas'uuliyiinta waxbarashada iyo maamulayaasha dugsiyadu waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay iskaashiga bulshada, maamulka waxbarashada, dugsiyada iyo ururrada bulshada si loo taageero waxbarashada iyo mustaqbalka jiilka soo koraya.
ACCO waxay uga mahadcelinaysaa dhammaan qaadhaan-bixiyayaasha, xubnaha ururka, waalidiinta, macallimiinta iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta barnaamijkan.
Taageeradiinnu waxay suurtagelisay in maanta 35 arday ay helaan agab ka caawinaya inay waxbarashadooda si wanaagsan u sii wataan.
Waxaan rajaynaynaa in tallaabadani ay noqoto bilowga dadaallo dheeraad ah oo lagu gaadhsiinayo taageerada waxbarasho arday badan oo u baahan, maadaama ay jiraan carruur badan oo weli u baahan garab iyo fursad.
🤲 Alle ha barakeeyo dhammaan intii ka qayb qaadatay khayrkan, hana ka dhigo aqoonta ay carruurtani bartaan mid anfaca iyaga, qoysaskooda iyo bulshadooda.
📖 “Markaad taageerto waxbarashada caruurta danyarta ah , waxaad maalgelinaysaa mustaqbalka bulshada.”
💙🧡 ACCO – Where Compassion Meets Action