Somali Region Victims Network

Somali Region Victims Network Supporting victims, amplifying voices, and advancing justice in the Somali Region.

Tababar Ku Saabsan Filashada Dhibbaneyaasha ee Warbixinta Komishinka Baadhista Tacadiyadii Ka Dhacay Deegaanka Soomaalid...
03/07/2026

Tababar Ku Saabsan Filashada Dhibbaneyaasha ee Warbixinta Komishinka Baadhista Tacadiyadii Ka Dhacay Deegaanka Soomaalida.

Waxaa shalay noo qabsoomay tababar Filashada Dhibbaneyaasha ee warbixinta laga Sugayo Komishinka Baadhista Tacadiyadii Ka Dhacay Deegaanka Soomaalida."
Intii uu tababarku socday, waxaa si qoto dheer oo hufan looga dooday nooca iyo nuxurka warbixinta laga sugayo komishinka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray in warbixintu ka tarjumayso xaqiiqooyinka, caddaaladda, isla markaana ay ka jawaabto filashada iyo xuquuqda dhibbaneyaasha.
Tababarka waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socday hay'adaha matala dhibbaneyaasha iyo xubno ka tirsan dhibbaneyaasha, kuwaas oo si firfircoon uga qayb qaatay doodaha iyo is-weydaarsiga fikradaha.

Dalladdu waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo ka qaybgalka dhibbaneyaasha, kor u qaadista codkooda, iyo taageeridda hannaan kasta oo horseedaya runta, isla xisaabtanka, caddaaladda iyo dib-u-heshiisiinta.

15/04/2026

Walaal muxsin ah ayaa saaka warreejiyay Boos dhinaca Airportiga ah oo la dejin doono qoyskii carruurta Agoonta ah ee hadana Naafada ah haystay. Waxaa hada u dhiman in loo dhiso kaliya. Waa carruur muddo dheer Naafo ahaa Suuxdina laha, mid kamid ahna maalin kahor dhintay.

Dhulka qofkii la baxay u soo duceeya, lacagtii lagu dhisi lahaa ama qalabkina halla helo. Qof Jiingado bixiya, mid Alwaax bixiya iyo mid Suuli dhisaba.

Lambarkan hoose fadlan 300 bir kaliya ku dira.

Lambarka gurmadka: 0908889746
Magaca: Shugri Faarax Cali.

Hawshan Soomali Maxamedey dhamaystira. Fariinfan ugu yarraan faafi, dad wax la baxay gaadhi. Adigana waxba kuma yeellayso.

15/04/2026

Shout out to my newest followers! Excited to have you onboard! Macalin Bashiir Axmadnuur Sulub Farax

06/04/2026
Xuska maalinta tacadiyadii ka dhacay DDS oo  loogu qabtay magaalada Jigjiga.Munaasabaddan  waxaa kasoo qaybgalay madaxda...
06/04/2026

Xuska maalinta tacadiyadii ka dhacay DDS oo loogu qabtay magaalada Jigjiga.

Munaasabaddan waxaa kasoo qaybgalay madaxda Golaha Wasiirrada iyo kuxigeennadooda, odayaasha dhaqanka, xisbiyada siyaasadda, hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxalliga ah, culimada, dhibbanayaasha, haweenka, dhalinyarada iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Munaasaddan ballaadhan waxay muujisay sida ay bulshada oo dhan uga go’an tahay in la xasuusto wixii dhacay, lagana dhigo xasuus taariikheed!

Hadaladii laga jeediyay munaasabadda ayaa si qoto dheer diiradda u saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta xusuusta taariikhiga ah, raadinta xaqiiqda, iyo dhisidda mustaqbal ku saleysan nabad, caddaalad iyo midnimo. Waxaa si gaar ah loo xusay in xusuustu aysan ahayn oo keliya dib u milicsi, balse ay tahay dariiq horseeda wacyi, toosin iyo ka hortag in tacadiyo kale oo dib u dhaca.

Ujeeddada xuskan ayaa ah kor-u-qaadidda codka dhibbanayaasha iyo bulshadii ay waxyeelladu kasoo gaadhay tacadiyadii ka dhacay deegaanka, si loo xaqiijiyo in sheekooyinkooda la maqlo, lana xuso, isla markaana laga dhigo cashar taariikheed oo jiilasha dambe ka faa’iidaystaan.

Sidoo kale, xuskan waxa uu xambaarsanaa dhiirrigelin ku wajahan geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta, iyadoo si cad loo muujiyay garab istaagga iyo taageerada loo hayo dhibbanayaashii ay saameeyeen dhacdooyinkaas. Waxay ahayd fariin muujinaysa in bulshadu diyaar u tahay bogsiin, balse aanay marnaba iloobi doonin wixii dhacay.

Maalinta 6-da April ayaa si rasmi ah loogu asteeyay maalin sanadkiiba mar la xuso tacadiyadii iyo gabood-falladii ka dhacay DDS. Waa maalin xambaarsan xusuus, wacyi iyo digniin—si looga qaato cashar taariikheed, loona hubiyo in mar kale aan lagu xadgudbin sharafta iyo karaamada aadanaha.

Ugu dambayn, xuskan wuxuu ahaa iftiin muujinaya in xusuustu tahay awood lagu ilaaliyo runta, lagu xaqiijiyo caddaaladda, laguna dhiso mustaqbal ka wanaagsan kii h**e.

Tacaddigu cudur daar male!

By SRVN

Somali Region Victims' Network(SRVN) organized a training session on the Transitional Justice Process and Human Rights f...
02/04/2026

Somali Region Victims' Network(SRVN) organized a training session on the Transitional Justice Process and Human Rights for justice and security institutions in the Somali Region.
The training, which aimed to enhance participants' understanding of the transitional justice process and the protection of human rights, was attended by officials from various institutions, including the Police, Security Forces, Prosecution, Judiciary, and Prison Police.
Since these offices are mandated to protect citizens' rights, ensure security, and handle justice and judicial matters, the focus was on providing them with capacity-building training to strengthen their knowledge and skills.
The participants thoroughly discussed the transitional justice process and the Role that these institutions can play the process.
The transitional justice process in the Somali Region is progressing well. We are hopeful that the report from the Commission for The Ivestigation of Violence, Reconciliation, and Repparation of Victims (CIV&RR) will be released soon. While national level, a policy on this process has been drafted, and it is expected that it will soon be implemented across Ethiopia as a whole.

April 6 waa maalinta aan muujinayno. codadka caddaalad doonka,waa maalinta  aan rabno inaan xasuusino bulshadeena wixii ...
01/04/2026

April 6 waa maalinta aan muujinayno. codadka caddaalad doonka,
waa maalinta aan rabno inaan xasuusino bulshadeena wixii inagu dhacay
waa maalin aan rabno inaan xasuusino cidkasta oo ugaysata bulshada dhib inaan laga hadhayn

Waxaa inagu soo fool leh xuska maalinta tacaddiyadii ka dhacay deegaanka, oo sanad walba la xuso 6-da April.

Maalintani ma aha oo kaliya maalin la isu yimaaddo, balse waa maalin lagu xasuusto, looguna duceeyo, laguna milicsado boqolaal iyo kumannaan qof oo waxyeelloobay—kuwa nafahooda ku waayay, kuwa dhaawacmay, iyo kuwa ilaa maanta la nool xanuunada maskaxeed ee ka dhashay tacaddiyadii baahsanaa ee dhacay.

Waa maalin aad u weyn oo qiimo gaar ah u leh kuwii ka badbaaday tacaddiyadaas, kuwaas oo weli la nool xanuunka, iyo sidoo kale ehelada dhibbanayaasha, kuwaas oo qaarkood aan wali meelna ka sheegi karin kuwii ay jeclaayeen ee si qasab ah lagaga kaxeeyay.
Waxaan u ololaynaynaa in maalintan dhibbanayaashu helaan: caddaalad, daryeel caafimaad, magdhow, iyo aqoonsi rasmi ah.
Haddii aad joogto DDS, nagala soo qaybgal xuska maalintan si aan ugu hiilinno gabdhaheenna, wiilasheenna, aabayaasheenna iyo hooyooyinkeenna hiilka inooga baahan.
Sanadkan, xusku wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Golaha Baarlamaanka Deegaanka uu si rasmi ah u ansixiyay 6-da April inay noqoto Maalinta Xuquuqda Aadanaha ee DDS, iyadoo lagu meel mariyay bayaanka tirsigiisu yahay 251/2017, lana ansixiyay July 2025.
Voice for Justice
Journey for Healing and Recovery

Waxaa inagu soo fool leh xuska maalinta tacaddiyadii ka dhacay deegaanka, oo sanad walba la xuso 6-da April.Maalintani m...
01/04/2026

Waxaa inagu soo fool leh xuska maalinta tacaddiyadii ka dhacay deegaanka, oo sanad walba la xuso 6-da April.

Maalintani ma aha oo kaliya maalin la isu yimaaddo, balse waa maalin lagu xasuusto, looguna duceeyo, laguna milicsado boqolaal iyo kumannaan qof oo waxyeelloobay—kuwa nafahooda ku waayay, kuwa dhaawacmay, iyo kuwa ilaa maanta la nool xanuunada maskaxeed ee ka dhashay tacaddiyadii baahsanaa ee dhacay.

Waa maalin aad u weyn oo qiimo gaar ah u leh kuwii ka badbaaday tacaddiyadaas, kuwaas oo weli la nool xanuunka, iyo sidoo kale ehelada dhibbanayaasha, kuwaas oo qaarkood aan wali meelna ka sheegi karin kuwii ay jeclaayeen ee si qasab ah lagaga kaxeeyay.
Waxaan u ololaynaynaa in maalintan dhibbanayaashu helaan: caddaalad, daryeel caafimaad, magdhow, iyo aqoonsi rasmi ah.
Haddii aad joogto DDS, nagala soo qaybgal xuska maalintan si aan ugu hiilinno gabdhaheenna, wiilasheenna, aabayaasheenna iyo hooyooyinkeenna hiilka inooga baahan.
Sanadkan, xusku wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Golaha Baarlamaanka Deegaanka uu si rasmi ah u ansixiyay 6-da April inay noqoto Maalinta Xuquuqda Aadanaha ee DDS, iyadoo lagu meel mariyay bayaanka tirsigiisu yahay 251/2017, lana ansixiyay July 2025.
Voice for Justice
Journey for Healing and Recovery

The Somali Regional Victims Network in collaboration with an  international Center for Transtional justice (ICTJ)and the...
17/02/2026

The Somali Regional Victims Network in collaboration with an international Center for Transtional justice (ICTJ)and the local organization Advocacy Center For Democracy and Development( ACDD) held a training session from 15/2/2026 to 16/2/2026 for The staff of memeber organizations and members who voluntarily works with victims organizations
This training is part of a project called (Assessing Victims Participation and Meaningful engagement in the Somali regional truth seeking process, Achievements, Challenges, and pathways for ward) that the Network is implementing in some areas of the region. The training was attended by members of the Zonal Focul Persons of the Network. The training focused on the ethics of human rights advocates , working in the field and interacting with people affected by human rights violations and abuses experienced by victims, healing wounds, and caring for survivors.
The training Concluded successfully,
And the trainees benefited from the two-day training .

This week, a coalition of Ethiopian victims' organizations was formed. This coalition which is currently informal, is wo...
03/02/2026

This week, a coalition of Ethiopian victims' organizations was formed. This coalition which is currently informal, is working to create an umbrella for organizations that advocate for victims living in different regions of Ethiopia. The 13 organizations that joined this coalition signed A memorandum of Understanding with 10 organizations from six regions, four of them are from the Somali region, while three unsigned organizations from three different regions,Harari,SENN,and Diredawa, were participants only since they have not yet received their legal license that allows their activities as an organization.
The legal organizations that signed the Memorandum were from the regions:- Somali, Tigray, Afar, Benshangul, Gambella, and Amhara. The Organizations from the Somali region are included, Hormuud, Himilo, CYRO, and OVS were part of the Memorundum

Address

Wajale Street Kebele 16
Jijiga
1000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Region Victims Network posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share