29/06/2025
Bahda UBD waxay si guul leh u qabatay barnaamijkoodii wacyigelinta dhalinyarada ee billaha ahaa, iyadoo mawduuca diiradda la saarayay uu ahaa: "Ahmiyada Farsamada Gacanta".
Barnaamijkan muhiimka ah waxaa si weyn uga qeyb galay dhalinyaro kala duwan. Waxaana lagu falanqeeyay doorka muhiimka ah ee farsamada gacanta ay ku leedahay kobcinta nolosha shaqsiga, abuurista fursado shaqo, iyo horumarinta bulshada guud ahaan.
Doodo furan, casharro is-dhexgal ah, iyo dhiirrigelin wax ku ool ah ayaa qayb ka ahaa madashii la isugu yimid.
Ugu dambayn, bahda UBD waxay mar walba ka go’an tahay horumarinta iyo xoojinta xirfadaha dhalinyarada, si loo helo jiil karti leh oo ku hubaysan aqoon iyo farsamo gacmeed ay noloshooda ku horumarin karaan.