Dalladda Aqoon-yahanka Magaalada Fiiq - F.S.A

Dalladda Aqoon-yahanka Magaalada Fiiq - F.S.A Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dalladda Aqoon-yahanka Magaalada Fiiq - F.S.A, Youth Organization, Kebele 10, Jijiga.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka June, 2025, waxaa magaalada Fiiq, huteelka Marti-soor, ka qabsoomay kulan wadatashi ...
22/06/2025

Maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka June, 2025, waxaa magaalada Fiiq, huteelka Marti-soor, ka qabsoomay kulan wadatashi ah oo u dhexeeyay Dalladda Aqoonyahanka Fiiq (F.S.A) iyo odayaasha magaalada. Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa qaar kamir ah masuuliyiinta gobolka Erer iyo kuwa degmada Fiiq.

Ujeedada kulankan ayaa ahayd xoojinta iskaashiga u dhexeeya aqoonyahanka iyo odayaasha si si wadajir ah loogu wajaho arrimaha bulshada.

Dalladda Aqoon-yahanka Magaalada Fiiq (F.S.A) ayaa booqasho ku tagtay Dugsiga Hoyga Fiiq iyo Dugsiga Sare Cumar Binu Kha...
17/03/2025

Dalladda Aqoon-yahanka Magaalada Fiiq (F.S.A) ayaa booqasho ku tagtay Dugsiga Hoyga Fiiq iyo Dugsiga Sare Cumar Binu Khadaab, halkaas oo ay kula kulmeen ardayda, maamulada, iyo macallimiinta.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray wacyigalinta ardayda, iyadoo laga hadlay akhlaaqda wanaagsan, is ixtiraamka macallimiinta iyo ardayda dhaxdooda, muhiimadda waxbarashada, udulqaadashada caqabadaha, faa’iidooyinka akhriska, ka fogaanshaha niyad-jabka, iyo ka shaqaynta nadaafada shaqsiga iyo tan dugsiga.

Wacyigalintan oo ah tii labaad ee nooceeda ah ayaa u qorshaysan inay dalladu sii waddo si loo helo dhalinyaro horumarsan.

Dalladda Aqoon-yahanka Magaalada Fiiq - F.S.A waxay saaka booqdeen kulan qiīmo badana la yeesheen ardayda dhigata iskuul...
10/03/2025

Dalladda Aqoon-yahanka Magaalada Fiiq - F.S.A waxay saaka booqdeen kulan qiīmo badana la yeesheen ardayda dhigata iskuulada dawlada ee kala ah dugsiga hoose dhexe Sayid Cali iyo Ardayda dugsiga sare ee magaalada Fiiq .

Waxaa siwanaagsan usoodhaweeyay xubnaha Dallada kasocday maamulada iyo macalimiinta labadaas dugsi .

Dalladu waxay ugu horreeyeen sameeyeen inay iyaga iyo ardaydu isbartaan , kadibna waxay kala hadleen kun wacyigaliyeen ardayda qodobadan :-

1. Akhlaaqda wanaagsan iyo waxbarashada xidhiidhka kadhaxeeya

2. Ixtiraamka macallimiinta iyo is ixtiraamka ardayda dhexdooda

3. Ahmiyaday uleedahay waxbarashadu shaqsiga iyo bulshada

4. Udul qaadashada caqabadaha ardaynimo

5. Faaiidooyinka akhrisku leeyahay

6. Ka fogaanshaha niyad jabka iyo in si wanaagsan ufikiraan oo mustaqbal wanaagsan ah

7. Ka shaqaynta bilicda iyo nadaafada shaqsiga iyo iskuulka

Kulankan iyo wacyigalintan waaatii koobaad , wayna siisocon doonaan inshaaAllaah si loohelo dhalinyaro mustaqbal wanaagsan leh , bulshadoodana horūmariya .

Address

Kebele 10
Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dalladda Aqoon-yahanka Magaalada Fiiq - F.S.A posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share