Golaha Dhallinyarada DDS. Somali Regional Youth Council.

Golaha Dhallinyarada DDS.
Somali Regional Youth Council. Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Golaha Dhallinyarada DDS.
Somali Regional Youth Council., Youth Organization, Xarunta dhalinyarada ee mm Jigjiga, Jijiga.

Waa bogga rasmiga ah ee codka wakiillada dhalinyarada deegaanka soomaalida, waxaana lagusoo bandhigayaa arrimaha dhallinyarada..
=============≈================
The official representative voice of somali regional youth.

Kulankii joogtada ahaa ee gudiga fulinta dhalinyarada DDS ayaa saaka qabsoomay.Kulankan joogtada ah oo ay iskugu yimaade...
05/05/2026

Kulankii joogtada ahaa ee gudiga fulinta dhalinyarada DDS ayaa saaka qabsoomay.

Kulankan joogtada ah oo ay iskugu yimaadeen gudiga fulinta ee dhalinyarada DDS oo uu hogaaminayay gidoomiyaha Golaha Dhalinyarada DDS mudane Mahamed Ahmed Nur ayaa saaka lagu soo bandhigay howlihii qabsoomay iyo bilaabida qorshayaal kor loogu qaadayo doorka dhalinyarada ee ka qaybgalka arimaha doorashada nabada iyo ka qaybgalka dhalinyarada ee fursadaha horumarinta dhalinyarada.

የኢትዮጲያ ወጣቶች ምክር ቤት Ethiopian Youth Council
Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha DDS

የሴቶችና ማህበራዊ ጉዳይ ሚኒስቴር Ministry of Women and Social Affairs

Tababarka ay soo diyaarisay kuliyada maamulka iyo maaraynta adeega Dadweynaha DDS oo ciwaankiisu ahaa "tababarka hoggaam...
26/04/2026

Tababarka ay soo diyaarisay kuliyada maamulka iyo maaraynta adeega Dadweynaha DDS oo ciwaankiisu ahaa "tababarka hoggaaminta bariga afrika ee hoggaamiyeyaasha mustaqbalka.(EAST AFRICA LEADERSHIP TRAINING FOR FUTURE LEADERS)" ayaa ka qabsoomay xarunta kuliyada maamulka iyo maaraynta adeega Dadweynaha ee DDS.

Tababarkan oo soday lagabilaabo 23- ilaa 25 bisha 4aad 2026 ayay kasoo qayb galeen hoggaaminta Wasaaradaha, hoggaaminta dhalinyarada,hay'adaha bulshada iyo qaybaha jaamacadaha ee wadamada geeska Afrika.

Tababarkan kubcinta hoggaaminta ayaa ahaa mid kor loogu qaadayo isdhexgalka bulshada sido kale cashirada ayaa diiradda saarayay xoojinta awoodda hoggaamineed, iyo kor u qaadista fahamka maamulka hoggaamiyeyaasha.

Maamulka kuliyada ayaa tababar qaatayaasha ugu soo xidhay tababarka xarunta dalxiiska ee SHABEELEY iyadoo isla markaana hoggaamiyeyaasha lagudoonsiiyay shahaadada tababar qaatayaasha.
Kuliyada Maaraynta Iyo Adeega Shacabka DDS
Dhalinyarada DDS.
maamulka iyo maaraynta adeega shacabka

Manta oo ay tariikhdu tahay 18 April 2026 waxaa magalada Jigjiga ka qabsomay madal ay so agasimeen Wasaaradda Arrimaha H...
18/04/2026

Manta oo ay tariikhdu tahay 18 April 2026 waxaa magalada Jigjiga ka qabsomay madal ay so agasimeen Wasaaradda Arrimaha Haweenka iyo Arrimaha Bulshada ee Itoobiya, iyo Golaha Dhalinyarada DDs hay’adda Life & Peace Institute iyo hay’adda Sweden (Sverige), ayaa si wada jir ah ah u qabtay Madal Wadatashi ah oo ku saabsan Dhalinyarada, Nabadda iyo Amniga (YPS).

Madashan qiimaha leh waxaa ka soo qayb galay 75 dhalinyaro ah oo ka kala socday 11 gobol iyo 6 maamul magaalo ee DDS, iyadoo ay ahayd goob muhiim ah oo lagu is-weydaarsaday aragtiyo, khibrado iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo doorka dhalinyarada.

Wadatashigan istiraatiijiga ah waxa uu qayb ka yahay geeddi-socodka diyaarinta Qorshaha Qaranka (National Action Plan - NAP), iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo xoojinta ka-qaybgalka dhalinyarada ee nabad-dhisidda, ka hortagga khilaafaadka, iyo horumar waara.
የሴቶችና ማህበራዊ ጉዳይ ሚኒስቴር Ministry of Women and Social Affairs
Sverige

Maanta oo ay tarikhdu tahay  (April 16, 2026),  waxaa magalada jigjiga ka qabsoomay tababar muhiim ah oo ay si wadajir a...
16/04/2026

Maanta oo ay tarikhdu tahay (April 16, 2026), waxaa magalada jigjiga ka qabsoomay tababar muhiim ah oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Golaha Dhalinyarada DDS. Iyo hay’adaha UNFPA, TAYA

Tababarkan oo halkudhigiisu ahaa “Youth-Led Advocacy Event on FGM Reduction. ayaa diiradda lagu saaray doorka dhalinyarada ee ka hortagga gudniinka fircooniga (FGM) iyo sidii ay codkooda ugu isticmaali lahaayeen isbeddel bulsho.

Barnaamijkan oo ah mid ka kooban 4 weji ayaa la filayaa inay ka faa’iideystaan dhalinyaro gaaraysa 300 oo qof, kuwaas oo noqon doona hormuudka wacyigelinta iyo difaaca xuquuqda bulshada.



UNFPA

26/03/2026
  🌙✨Waxaan hambalyo diirran u diraynaa dhammaan muslimiinta, shacabwaynaha dalka iyo bulshada deegaanka soomaalida meel ...
19/03/2026

🌙✨

Waxaan hambalyo diirran u diraynaa dhammaan muslimiinta, shacabwaynaha dalka iyo bulshada deegaanka soomaalida meel kasta oo ay joogaan,munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fid-riga. Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii iyo camalkii suubanaa, hana inaga dhigo kuwii nabad, barwaaqo iyo farxad ku ciida.

Waxaan sido kale farxada ciida si heer sare ah ugu hanbalyeenaynaa dhalinyarada deegaanka Soomaalida oo si balaadhan oo Wanaagsan uga qaybqaatay barnaamijyadii Afuri Walaalka, biyo dhaaminta abaaraha,iyo howlaha tabarucaadka bulshada lagarab taagnaabishan barakeysan.

Allah ciidan ciideeda ha inagu gaadhsiiyo nabad,caafimaad,hormar iyo midnimo.

Ciid wanaagsan dhammaantiin.

Golaha Dhallinyarada DDS.
Somali Regional Youth Council.

Waxaa si rasmi ah loo soo xiray tababar loo qabtay 100 dhalinyaro ah oo ka shaqayn doona xarunta dalxiiska ee Shabellay,...
18/03/2026

Waxaa si rasmi ah loo soo xiray tababar loo qabtay 100 dhalinyaro ah oo ka shaqayn doona xarunta dalxiiska ee Shabellay,
Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka, Mudane Ahmed Shukri ayaa kula dardaarmay dhalinyarada inay si hufan oo masuuliyad leh u gutaan shaqadooda taasoo u ah fursad weyn oo horumar iyo shaqo abuur dhalinyarada DDS.

Kulan maanta ka qabsoomay xafiiska xarunta xisbiga barwaaqo ee deegaanka Soomaalida oo u dhexeeyay madaxa arimaha xisbig...
09/03/2026

Kulan maanta ka qabsoomay xafiiska xarunta xisbiga barwaaqo ee deegaanka Soomaalida oo u dhexeeyay madaxa arimaha xisbiga barwaaqo laanta deegaanka Soomaalida mudane faysal rashiid iyo hogaaminta Golaha Dhalinyarada DDS iyo federation haweenka deegaanka Soomaalida, kulankaasi oo la isku xog waraysanayay arimaha bogaadinta mudan ee doorka dhalinyarada haweenka iyo ururada dhalinyarada.

Gollaha dhalinyarada DDS iyo federation haweenka DDS ayaa soo jeediyay arimaha bogaadinta mudan ee doorka dhalinyarada iyo federation haweenka ee ka qaybgalka arimaha tabarucaadka, nabad galyada,biyo-dhaaminta xilliyada jiilaalka,barnaamijka Afuri Walaalka, arimaha doorashooyinka iyo ka qaybgalka arimaha bulshada deegaanka soomaalida.

sidoo kale gollaha iyo federation haweenka ayaa soo bandhigay meelaha gaabku kajiro ee lagu ogaaday kashaqenta arimaha bulshada taasi oo u baahan in la isla saxo.

Madaxa Xafiiska arimaha xisbiga barwaaqo laanta deegaanka Soomaalida ayaa dhiniciisa soo dhaweeyay arimaha balaadhan ee bogaadinta mudan iyo hababkii lasoo sixi lahaa gaababka jira.

--------------------------------
Kala soco oo ku soo gudbi fikirada wanaagsan ee dhalinyarada deegaanka Soomaalida ciwaanadan hoose:👇

WhatsApp https://chat.whatsapp.com/FMMAMnO6psG9Arn1xPjeXb

Telegram https://t.me/+tVgPVN6BtVU2ZjU0

Facebook https://www.facebook.com/profile.php?id=61558463286899

AFUR SHARAFEED.Afur sharafeed miiqaam sare lleh oo xukuumada DDS usameesay waxgaradka deegaanka, oday dhaqameedka iyo cu...
08/03/2026

AFUR SHARAFEED.

Afur sharafeed miiqaam sare lleh oo xukuumada DDS usameesay waxgaradka deegaanka, oday dhaqameedka iyo cududa dhalinyarada ayaa ka qabsoomay xarunta madaxtooyada deegaanka Soomaalida.

Afur wadaagan ayaa ahaa in bisha barakeysan ee ramadaan ay si nabad,xasilooni iyo jawi degan ugu wada afuraan xukuumada deegaanka Soomaalida iyo qaybaha bulshada.

Gollaha dhalinyarada deegaanka Soomaalidu wuxuu xukuumada uga mahad celinayaa afur-sharafeedkan heerka sare ah ee xukuumadu ugaratay dhalinyarada deegaanka Soomaalida iyo qaybaha bulshada.

RAMADAAN WANAAGSAN.

Golaha Dhallinyarada DDS.
Somali Regional Youth Council.

GOBOLKA DAWA DEGAMADA QADADUMA Barnaamijka Tabarucaadka Ee Afuri Walaalka.45 Oo Qoyska Danyar Ah Oo Laga Soo Kala Xulay ...
07/03/2026

GOBOLKA DAWA DEGAMADA QADADUMA
Barnaamijka Tabarucaadka Ee Afuri Walaalka.

45 Oo Qoyska Danyar Ah Oo Laga Soo Kala Xulay Xaafadaha Magaalada Qadaduma Iyo Nawaxigeeda Ayaa Galabtan Loo Qaybiyay Noocyada Kala Duwan Ee Raashinka.

Waxaa ka Qeybqaatay Maamulka Degmada iyo Dhalinyarada, Waxaana Tabarucaadkaan Afuri Walaalka Loogu Talo'galay In Ay Bulshadani Isticmaalaan Bisha Barakaysan Ee Ramadaan. Godoomiye degamada Qadaduma Mudane Hassan Garu Ibrahim, isku du'waha Gobolka dawa mudane Adan Isaaq iyo Masuuliyiinta kale ee degmada Iyo Dhalinyarada Ayaa Si Wada Jir Ah Uqebiyey Deeqdaan Tabarucaadka Ah Ee Afuri Walaalahaa Halkaasna Ay Kusoo Jeediyeen In Laisu Naxariisto Fadliga Bisha Barakeysan Ee Ramadaan Laguna Dedaalo Iscaawinta Iyo Isgarabistaaga.

Gollaha Dhalinyarada DDS

Address

Xarunta Dhalinyarada Ee Mm Jigjiga
Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Dhallinyarada DDS. Somali Regional Youth Council. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share