Curis Youth Development Org- CYDO

Call Contact the organization

Curis Youth Development Org- CYDO CURIS Youth Development Organization (CYDO) Kobcinta Akhriska, Qoraalka iyo Hibada Dhallinyarada

October 14-16, 2026, CYDO waxaa u qabsoomay  tababarka taxanaha ah ee maarayn xirfadaha nolosha. “Vamos Life Management ...
23/10/2026

October 14-16, 2026, CYDO waxaa u qabsoomay tababarka taxanaha ah ee maarayn xirfadaha nolosha. “Vamos Life Management Skills Training” waa tababar xidhmooyin ah oo loogu talagalay in lagu kobciyo xirfadaha muhiimka ah ee maareynta nolosha, sida qorsheynta, is-maamulka, go’aan qaadashada, maaraynta wakhtiga iyo horumarinta nafta. Barnaamijkan wuxuu dhiirrigelinayaa in qofku qaato mas’uuliyadda noloshiisa, una jeesto dhanka horumarka iyo is-beddelka togan.

Tababarkan 3-dii cisho ee uu socday waxaa ka faa’iidaystay 10 dhallinyaro ah kuwaas oo isugu jira lab iyo dhaddig kuwaa oo bartay cashirro muhiim u ah maaraynta noloshooda.
Tabobbarqaatayaashu waxay falcelin togan ka bxiyeen tababrka ay qaateen waxayna xuseen in ay diyaar u yihiin inay ku dabaqaan casharadii ay barteen noloshooda maalinlaha ah.

•••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••

October 14–16, 2026, CYDO successfully conducted its ongoing life skills management workshop series. The “Vamos Life Management Skills Training” is a comprehensive package designed to enhance essential life management skills, including peer pressure, Substance abuse planning, self-management, decision-making, time management, and personal growth. The package empowers individuals to take the responsibility of their lives and work toward positive change and continuous self-improvement.
Over the course of the three-day training, 10 young men and women actively participated and gained valuable tools for managing their daily lives. The participants shared positive feedback, highlighting their readiness and enthusiasm to apply the lessons learned to their day-to-day lives.


21/10/2026
30-September -2026, madasha kulamada ee Hagarlaawe 2 Hotel: waxaa si guul leh noogu soo gabagaboobay barnaamij tartan ah...
02/10/2026

30-September -2026, madasha kulamada ee Hagarlaawe 2 Hotel: waxaa si guul leh noogu soo gabagaboobay barnaamij tartan ah oo ku saabsan halabuurka ganacsiga, gaar ahaan fikradaha yaryar ee ganacsiga. Tartankan oo qayb muhiim ah ka ah dadaallada aannu ku dhiirrigelinno dhallinyarada la yimaadda fikrado cusub, ee suurtagelin kara abuurista shaqo iyo kobcinta dhaqaalaha bulshada, waxaa isa soo diiwaangaliyey 136 shirkadood halka wareeggii ugu dambeeyey ay isugu soo hadheen 8 shirkadood oo kala duwan, kuwaas oo lix ka mid ah ay soo bandhigeen fikradahooda ganacsi ee cusub iyo qorshayaashooda ay ku doonayaan inay waxtar ugu yeeshasn bulshada.

Guuleystayaasha Tartanka
🥇 Kaalinta Koowaad: Shirkadda Shaima Arts– abaalmarin lacageed oo dhan 180,000.
🥈 Kaalinta Labaad: Shirkadda eTacab – abaalmarin lacageed 130,000.

Ugu dambayn, Waxa aannu si kal iyo laab ah ugu mahadcelineynaa bahdii garsoorka ee labada toddobaad geeddisocodka tartanka sida masuuliyadda iyo khibradda badan nooga la shaqeeyey barnaamijka. mahadnaq gaar ah waxaan u diraynaa la-hawlgalayaadheena ay ugu horreeyaan Helsinki Deaconess Foundation (DF) iyo ka soo qaybgalayaashii dhiirranaanta badnaa iyo dhammaan taageerayaashii sida milgaha iyo habsamida leh noogu dhammaystiray quruxdii Tartanka halabuurka fikradaha ganacsiga yaryar.




Tartanka halabuurka fikradaha ganacsiga yaryar ee dhallinyarada waxaa isa soo diiwaangaliyey 136 fikradood, qiimayn iyo ...
23/09/2026

Tartanka halabuurka fikradaha ganacsiga yaryar ee dhallinyarada waxaa isa soo diiwaangaliyey 136 fikradood, qiimayn iyo kala saarid ka dib wareegga k**a dambaysta ah waxaa u soo gudbay 8-dan fikradood ee ganacsiga yaryar ee halabuurka dhallinyarada. Dhallinyarada soo codsanday ee aysan fikradahoodu soo gudbin ha ka warhayaan fursadaha kale ee aan halkan ku baahino.

Happy International Peace Day!Today, on September 21, 2026, we join hands around the world to celebrate International Pe...
21/09/2026

Happy International Peace Day!

Today, on September 21, 2026, we join hands around the world to celebrate International Peace Day. This special day reminds us of the power of unity, harmony, and understanding over conflict and division.

As part of our strategic vision, we believe that true progress and sustainable peace are achieved through structured dialogue, youth empowerment, community resilience, and active collaboration.

Let us commit to building a peaceful future where communities thrive, youth lead with hope, and instruments of conflict are permanently laid to rest.

“Peace cannot be kept by force; it can only be achieved by understanding.”

CYDO waxaa u qabsoomay tababarka Maarayta Xirfadaha Nolosha (Vamos Life Management Skills Training) oo socday 14-16 Sept...
18/09/2026

CYDO waxaa u qabsoomay tababarka Maarayta Xirfadaha Nolosha (Vamos Life Management Skills Training) oo socday 14-16 September, 2026. tababar waxaa loogu talagalay in lagu kobciyo xirfadaha muhiimka ah ee maareynta nolosha, sida qorsheynta, is-maamulka, go’aan qaadashada, maaraynta, wakhtiga iyo horumarinta nafta. Barnaamijkan wuxuu dhiirrigelinayaa in qofku qaato mas’uuliyadda noloshiisa, una jeesto dhanka horumarka iyo is-beddelka togan.

Tababarkan oo ah kii 5aad ee ay qaadanayaan dufacadda 5aad ee sannadkan, waxaa 3-dii cisho ee uu socday ka faa’iidaystay 10 dhallinyaro ah kuwaas oo isugu jira lab iyo dhaddig ba.



12-kii Sibteember, CYDO waxa ay qabatay tababar xirfadeed ku saabsan Xallinta Khilaafaadka, wada-hadalka iyo Dhexdhexaad...
14/09/2026

12-kii Sibteember, CYDO waxa ay qabatay tababar xirfadeed ku saabsan Xallinta Khilaafaadka, wada-hadalka iyo Dhexdhexaadinta oo loogu talagalay Dhallinyarada. Iyada oo loo marayo mashruuca WorkLink360, waxa aannu qaadaynaa tallaabooyin wax-ku-ool ah si aan u horumarino Qaraarka Golaha Amniga Qaramada Midoobay 2250 ee ku saabsan Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga, annaga oo dhallinyarada ku qalabeynayna xirfadaha muhiimka ah ee xallinta khilaafaadka, wada-hadalka iyo dhexdhexaadinta, kuna awoodsiinayna inay noqdaan dhisayaasha nabadda iyo dhexdhexaadiyayaasha bulshada. Hindisahani wuxuu samaynayaa saameyn dhab ah isaga oo adeegsanaysa barasho ku-dhaqan ah oo ku salaysan khibrad toos ah, si dhalinyarada deegaanka loo baro xirfado wax-ku-ool ah oo ku saabsan falanqaynta khilaafaadka iyo farsamooyinka dhexdhexaadinta. Markay dhalinyaradu si fiican u bartaan oo ay u adeegsadaan farsamooyinkan, waxay awood u yeelanayaan inay si firfircoon uga qayb qaataan xallinta khilaafaadka ka jira deegaanka, isla markaana waxa ay gacan ka geysanayaan dhisidda nabad waarta oo mustaqbalka sii jirta.
Dhallinyaradu ma aha oo kaliya hoggaamiyayaasha berri — waxa ay sidoo kale yihiin nabad-sameeyayaasha, dhexdhexaadiyayaasha iyo dhaqaajiyayaasha horumarka maanta.
…………………………………………………………………………

On September 12, CYDO organized a Conflict Resolution, Negotiation, and Mediation Skills Training for Youth. Through the WorkLink360 project, we are taking active steps to advance UN Security Council Resolution 2250 on Youth, Peace, and Security by equipping young people with essential conflict resolution, negotiation, and mediation skills, empowering them to step up as peacebuilders and community mediators. This initiative drives real impact by using hands-on, experiential learning to teach local youth a practical conflict analysis and mediation tactics. By mastering these tools, young people are empowered to take an active, resilient role in resolving local disputes and building long-term, sustainable peace. Young people aren't just the leaders of tomorrow—they are essential peacemakers, mediators, and drivers of development today.




Barnaamijka “Vamos Life Management Skills Training” waa tababar loogu talagalay in lagu kobciyo xirfadaha muhiimka ah ee...
30/08/2026

Barnaamijka “Vamos Life Management Skills Training” waa tababar loogu talagalay in lagu kobciyo xirfadaha muhiimka ah ee maareynta nolosha, sida qorsheynta, is-maamulka, go’aan qaadashada, maaraynta, wakhtiga iyo horumarinta nafta. Barnaamijkan wuxuu dhiirrigelinayaa in qofku qaato mas’uuliyadda noloshiisa, una jeesto dhanka horumarka iyo is-beddelka togan.

Tababarkan oo ah kii afraad ee ay qaadanayaan dufacadda 4aad ee sannadkan, waxaa 3-dii cisho ee uu socday ka faa’iidaystay 10 dhallinyaro ah kuwaas oo isugu jira lab iyo dhaddig ba. Tababarka ayaa socday 24-26, August 2026. Tabobbarqaatayaashu intii uu socday waxay muujinayeen xiise sare, feejignaan, iyo in ay diyaar u yihiin inay ku dabaqaan casharadii ay barteen noloshooda maalinlaha ah.


Ma tahay ganacsade dhalinyaro ah oo leh fikrad ganacsi oo cusub oo aad dhawaan bilaawday ama fikrad ganacsi oo aad damac...
20/08/2026

Ma tahay ganacsade dhalinyaro ah oo leh fikrad ganacsi oo cusub oo aad dhawaan bilaawday ama fikrad ganacsi oo aad damacsan tahay in aad bilaawdo? Tani fursadda aad ku soo bandhigi karto fikraddaada ganacsi, taas ood ku heli karto taageero iyo talo ganacsi.

Fadlan si taxaddar leh u buuxi foomkan.
Kaliya codsadeyaasha shuruudaha buuxiya ee la soo xusho ayaa lala soo xidhiidhi doonaa. Insha Allaah. Waqtiga k**a dambaysta ah: 27/08/2026, 11:59 PM.

https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSdMRzeObxq4SMh8xSCmsMbbERLcC_JlHzHAkgTEq-kEiTITmw/viewform?usp=publish-editor

11-ka bisha Ogos, CYDO waxa ay magaalada Jigjiga ka fulisay tababar gaar ah oo ku saabsan "Nabadda Dijitaalka ah & Aqoon...
12/08/2026

11-ka bisha Ogos, CYDO waxa ay magaalada Jigjiga ka fulisay tababar gaar ah oo ku saabsan "Nabadda Dijitaalka ah & Aqoonta Warbaahinta" (Digital Peacekeeping & Media Literacy Session).
Tababarkan oo la isu keenay 30 dhalinyaro ah oo ka kala yimid dhammaan xaafadaha magaalada Jigjiga, isla markaana ay ku jireen shaqsiyaad qaba baahiyaha gaarka ah iyo xubno ka tirsan ururada dhalinyarada Degaanka.
Maadaama baraha bulshadu ay maanta saameyn weyn ku leeyihiin nolosheena maalinlaha ah, dhalinyaradu waxaa la baray xirfado muhiim ah oo ay kaga hortagayaan:
1, Hadallada nacaybka ah, qabiilaysiga, iyo wararka marin-habaabinta ah.
2, Habka 3-C (compassionate, contextual and corrective) si ay ugu qaboojiyaan hadba xiisadaha qaldaanku ka huriyaan barasha bulshada.
3, Amniga Dijitaalka ah oo ay ku jirto sugidda akoonnada iyo ilaalinta fayoobida maskaxda ee internetka. Ugu dambayn, Tababarku wuxuu kusoo gaba-gaboobay jawi guul leh iyadoo ka-qaybgalayaashu ay sameeyeen ballan-qaadyo shaqsiyeed oo ay ku horumarinayaan jawi nabdoon oo baraha bulshada ah.
CYDO waxa ay Mahad gaar ah u celinaynaysaa tababarayaashii xirfadda lahaa, saaxiibada barnaamijkan, iyo dhammaan dhalinyaradii tamarta iyo firfircoonida badnaa ee barnaamijka qiimaha u yeelay. Wadajir ayaan u dhiseynaa bulsho dijitaal ah oo nabad ah.

……………………………………………………………………

On August 11, CYDO Organized a hands-on Digital Peacekeeping & Media Literacy Session in Jigjiga City for 30 diverse young people including persons with disabilities, activists, and youth association members. Led by certified trainers, the workshop equipped participants to counter online hate speech and misinformation using the 3-C Approach (Compassionate, Contextual, Corrective) and practical verification tools like reverse image search. Youth also learned account security, group privacy settings, and digital wellness strategies, concluding with individual action pledges to foster safer online communities.

A huge thank you to our donors, partners, local stakeholders, and the incredible participants whose energy and thoughtful contributions made this training a major success. Together, we are building stronger, more resilient digital communities!

Address

06 Kebele, Qumada Street
Jijiga

Telephone

+251915214071

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Curis Youth Development Org- CYDO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Curis Youth Development Org- CYDO:

Shortcuts

Share