25/12/2025
24, December, 2025, waxa aannu Hoolka Shirarka ee Hotel Hagarlaawe 2 ku qabannay Tartanka Hal-abuurka Ganacsiga Dhallinyarada. Ujeeddada tartanku waxay ahayd in la abuuro goob iskaashi ah oo ay dhallinyarada hal-abuurka leh ku kulmaan, isdhaafsadaan aqoon, kana helaan taageero.
Tartankan wuxuu ahaa qayb muhiim ah oo ka mid ah dadaalladayada joogtada ah ee lagu awood-siinayo dhallinyarada wajahaya caqabadaha maalgalineed, si ay u horumariyaan xalal ganacsi oo hal-abuur leh oo si togan u beddeli kara bulshada. Ka-qaybgalayaashu waxay soo bandhigeen fikrado ganacsi oo kala duwan oo aad cajiib u ah, hal-abuur iyo go’aan-qaadasho, taas oo muujinaysa mustaqbal adag oo rajo leh oo dhanka ganacsiga ah gudaha bulshada.
Guuleystaha kowaad ee tartanka waxay noqotay shirkadda Dahabo Gifts and Flowers, waxaana la guddoonsiiyay abaalmarin dhan 200,000 ETB. Kaalinta labaad waxaa galay 5 Sisters Grain Mills, oo lagu abaalmariyay 150,000 ETB. Kaalinta saddexaadna waxaa galay Amoud Technology and services , oo helay 100,000 ETB.
Waxaanu si weyn oo qoto dheer ugu mahadcelinaynaa garsoorayaashii sharafta iyo caddaaladda badnaa xirfaddooda, dadaalkooda iyo khibraddooda qiimaha leh ku hagayey geeddi-socodka tartanka. Sidoo kale, mahadnaq gaar ah waxaan u diraynaa la-hawlgalayaasheenna qaaliga ah (DF iyo OWDA), ka-qaybgalayaasha geesinimada iyo dadaalka muujiyay, iyo dhammaan taageerayaashii ka qayb qaatay guusha, sharafka iyo quruxda munaasabaddan muhiimka ah.
Si wadajir ah, waxaan sii wadaynaa dhismaha mustaqbal ku dhisan hal-abuurnimo, xirfado, iyo hoggaamin dhallinyaro.
#2025