20/04/2026
Iyadoo laga duulayo dadaallada lagu xoojinayo isku xidhnaanta u dhexeysa waalidiinta, dugsiga iyo ardayda, maamulka Dugsiga Hoose, Dhexe/Sare ee Cumar Bin Khadaab – Faraca Aayardaga ayaa kulan la-tashi ah la yeeshay waalidiinta.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta waxbarashada ardayda, kor u qaadista anshaxa, iyo xoojinta wada-shaqaynta joogtada ah ee u dhexeysa waalidka iyo dugsiga, si loo helo jiil leh aqoon, akhlaaq suuban iyo mustaqbal ifaya.