25/04/2026
🦟 25-ka April — Maalinta Caalamiga ah ee Duumada (World Malaria Day)
Maalintan waxay muhiim u tahay kor u qaadista wacyiga cudurka duumada — cudur halis ah oo uu keeno jeermis (Plasmodium) isla markaana lagu kala qaado qaniinyada kaneecada dheddigga ah ee Anopheles.
🌍 Duumadu waa dhibaato caafimaad oo caalami ah, iyadoo malaayiin kiis sanad walba la diiwaangeliyo, gaar ahaan Afrika.
🩺 Waa maxay Duumadu?
Duumadu waa cudur uu keeno jeermis (Plasmodium) oo lagu kala qaado qaniinyada kaneecada dheddigga ah ee Anopheles.
⚠️ Calaamadaha Duumada
Calaamadaha ugu badan waxaa ka mid ah:
▪︎Qandho (fever)
▪︎Qabow iyo gariir (chills & rigors)
▪︎Madax xanuun
▪︎Murqo iyo kala-goysyo xanuun
📌 Duumadu waa mid aan calaamado gaar ah lahayn (non-specific), sidaas darteed in qofku h**ey baaritaan udoonto waa muhiim.
🦟 Sidee Loo Qaadaa?
Qaniinyada kaneecada cudurka sidda (Anopheles)
Ayaa ah habka ugu badan.
🛡️ Sidee Looga Hortagi Karaa?
✔ Isticmaal maro kaneecada (ITNs)
✔ Ka hortag meelaha biyaha fadhistaan
✔ Nadaafadda deegaanka
✔ Isticmaal tallaabooyin ka hortag ah - Isticmaal buufin markii Loo baahdo
✔ Baaritaan degdeg ah haddii qandho jirto
Ugu danbayntii
Duumada waa cudur si weyn looga hortagi karo lana daweyn karo haddii si degdeg ah loo ogaado.
Haddii aan la daaweyn, gaar ahaan nooca Plasmodium falciparum, waxay keeni kartaa khatar daran iyo dhimasho.
🌱 Itoobiya gudaheeda, duumadu waa dhibaato caafimaad oo muhiim ah, iyadoo qayb weyn oo dalka ka mid ah ay tahay meel uu cudurkan ka jiro.
Aan si wadajir ah uga hortagno duumada, una badbaadino nolosha bulshadeena.
RAJO HEALTH ASSOCIATION (RHA)
BUILDING A HEALTHIER AND MORE EDUCATED SOCIETY