HECPO Consultant

HECPO Consultant Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from HECPO Consultant, Dire Dawa.
(1)

25/03/2026
14/03/2026


.

Diiwaangelinta dhul-beereedka, oo ah habka dhulka si rasmi ah loogu diiwaangeliyo laguna siiyo waraaq sharci ah milkiilaha, ayaa leh faa’iidooyin badan oo muhiim u ah beeralayda iyo bulshada guud ahaan.

Tallaabadan ayaa door weyn ka qaadata sugidda lahaanshaha dhulka iyo horumarinta wax-soo-saarka beeraha.

Ugu horreyn, diiwaangelinta dhulku waxay beeralayda siinaysaa amni lahaansho, maadaama ay helayaan caddeyn sharci ah oo muujinaysa inay iyagu dhulka iska leeyihiin. Arrintani waxay ka hortagtaa muranno ka dhasha lahaanshaha ama sheegashada dhulka.
Sidoo kale,

marka dhulku si rasmi ah u diiwaangashan yahay waxaa yaraada khilaafaadka dhulka, gaar ahaan kuwa u dhexeeya qoysaska iyo deriska ee ku saabsan xuduudaha iyo milkiyadda dhulka.

Dhinaca kale, waraaqda diiwaangelinta dhulka ayaa mararka qaar loo adeegsan karaa damaanad amaah, taasoo u sahleysa beeralayda inay ka helaan bangiyada ama hay’adaha maaliyadeed maalgelin ay ku horumariyaan beerahooda.

Diiwaangelintu waxay kaloo dhiirrigelisaa maalgashi iyo horumar, maadaama beeralaydu si kalsooni leh ugu maalgelin karaan dhulkooda sida waraabin, beerista geedo, iyo isticmaalka qalab casri ah.

Intaa waxaa dheer, diiwaangelinta dhulku waxay fududaysaa qorshaynta dowladeed, iyadoo dowladda u sahlaysa inay si hufan u qorshayso horumarinta beeraha, adeegyada waraabka, iyo adeegyo kale oo muhiim u ah bulshada.

Ugu dambayn, diiwaangelinta dhulku waxay sahashaa dhaxalka iyo wareejinta dhulka, maadaama marka milkiiluhu geeriyoodo ama uu doonayo inuu wareejiyo dhulka, arrintu ay noqoto mid si fudud loo maareyn karo.

Mas’uuliyiinta iyo khubarada dhulka ee xafiiska ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS ayaa ugu baaqaya muwaadiniinta inay diiwaangeliyaan dhulkooda si ay uga faa’iidaystaan dhammaan fursadaha iyo horumarka ay keento diiwaangelinta dhul-beereedka.


Ee Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo
Maamulka Dhulka Miyiga DDS

18/04/2024
22/10/2023

"Anigoo ku hadlaya Magaca shirkada HECPO ee Latalinta iyo Qurxinta ilaalinta Deeganka waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay inuu si hufan u qabsoomo tababarka hoggaaminta Xisbiga sidii loogu talo-galay".

Mashruuca waraabka galbeedka Godey ayaa dib u billaabay shaqadii kaddib markii uu muddo 2 sano ah uu utaagna dayactirka ...
19/10/2023

Mashruuca waraabka galbeedka Godey ayaa dib u billaabay shaqadii kaddib markii uu muddo 2 sano ah uu utaagna dayactirka lagu waday kannaallada mashruuca.

Adeegsiga tiknoolojiyadda iyo farsamooyinka cusub ee beeraha waxay aasaas u yihiin horumarinta bulshada iyo ka maaramidda cunnooyinkii ka imaan jiray dalka dibadiisa.

Haddaba, mashruuca waraabka ee galbeedka Godey oo muddo 2 sano ah shaqadiisu taagnayd sababo la xidhiidha dayactir lagu samaynayay kannaallada biyo-mareennada ah ayaa hadda dib u bilaabay beerista 2,000 oo hiktar, waxuuna wajigii 1aad ee mashruucan lagu beerayaa dalagga Qamadiga iyo Galleyda oo loo diyaariyay dhul dhan 2,000 oo hiktar.

Sidoo kale, maareeyaha mashruuca waraabka ee galbeedka Godey Eng. C/waaxid Muxyadiin ayaa sheegay in mashruucan ay ka faa’iidaysan doonaan qoysas kor u dhafaysa 7,600 qoys, taas oo waxwayn ka tari doonta baahida bulshada.

waxaa maanta ka furmay Deegmada Gota biki AMA biki Paris shirkii ku saabsana wacyigalinta bulshada iyo Horumarinta magal...
28/09/2023

waxaa maanta ka furmay Deegmada Gota biki AMA biki Paris shirkii ku saabsana wacyigalinta bulshada iyo Horumarinta magalada biki shirka oo aay kasoo qayb Galeen culumadii Asaaska u ahayd bulshada hadaba waxan aad uga mahad celinaynaa gudigii soo qaban qaabshay shirka hadan nahay baahdii Cagarinta deegaanka Gaar ahaan Gobalka Siti inaanu ku garab istagnno
cagarinta deegmadaas Aan ku beeri doono 300kun oo geed 2016 T.I sii aay ulaa jaan qaado dhigeeda

mashruuca la qabsiga isbadelka cimilada degmada dhagaxbuur ayaa 30 xubnood oo ka faa'idaystiyaaasha kamid ah tababar oog...
21/09/2023

mashruuca la qabsiga isbadelka cimilada degmada dhagaxbuur ayaa 30 xubnood oo ka faa'idaystiyaaasha kamid ah tababar oogu qabtay degmada dhagaxbuur,
tababarkan oo ujeedkiisu ahaaa in iskaash*tooyinkan fahan buuxa laga siiyo dhaqashada shinida iyo sidii ay ooga faa'idaysan lahaayeen wax soo saarka shinida
Tababarkan oo ka koobnaa practical iyo theory ayay ka soo qaybgalayaasha la yimaadaaan furfurnaan iyo ka qaybqaadasho aad u wanaagsan waxaana jawi dagan ku soo dhamaaaday tababarkii

16/09/2023

ilaalinta deegan iyo dhirta waa in laa daryeelo:

Address

Dire Dawa

Telephone

+251915011045

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when HECPO Consultant posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to HECPO Consultant:

Share