22/07/2025
Deeganka Axmaarada waxaa lagu haystaa gabdho tahriib ahaa oo Soomaliyed. Waxaa qabsaday Magafe kale oo dalbaday in loo soo diro lacag 200,000 calaa qofkii. Maadama Deegankas dagaallo ka socdaan wax walba ayaa adkaaday. Gabadhan sawirka ka muuqata ehelkeda ayay ladoo hadleen, waxaa kaloo weheliya gabadho koox ah oo ay 3 qaybood u qaybiyeen.
Reer kale oo iyagana maalmo kahor inta lasoo wacay lacago soo dira la dhahay ayaa jira. Markii ay direena meel qofkii lasoo mariyo mahayno unbay dhaheen..
Dadka beryahan qiilka u dayaya tahriibka, kuwa kasoo qulqulaya Somaliland,Puntland iyo Deeganka ha ogaadan in meel amni ah oo la maraba jirin. Gabdhaha la haysto qaarba Agoon ah. Markaa halistan hallagu baraarugo. Hadii kale madaxiina ayaa lacago la saarran intaadan Liibiya gaadhinba.
Hay'addaha Amnigu hadii ay jirto qaab lagu caawin karo eheladan kurbaysan, waxaa lagalla xidhiidhi karaa lambarkan hoose oo ah midka ay sitaan ee la soo wacay. 0915068721